Latest Entries
Uncategorized

Heello: Dawladnimo

Dawladnimada casriga ah—ee ka shaqaysa Maraykanka iyo dalalka soo raaca—waa majare lagu maamulo qaran (haba ahaado qaran gobalaysan e), oo leh saddex laamood oo is dheellitira, kuwaas oo kala ah: gole ummadeed oo sharciga dejiya, maxkamad sharciga ilaalisa iyo xukuumad sharciga fulisa. Si uusan majarahaasi u tifmin, una tirmin, waxa uu qaranku yeeshaa dastuur ay … Sii akhri

Idiris M. Cali / Maqaal / Masafo

Barashada iyo Bartaha

Heesta hoosta ku qoran waxa aan June 21, 2014 kaga qaybgalay xaflad-qalinjabineed (sanadguuradii sagaalaad) oo ka qabsoontay magaalada Boston—xafladdaas quruxda badan oo ay soo agaasimeen bahda SALSI (Somali Association for Literacy & Social Improvement). Heestu waa masafo, leh jaangoynta “heesta-maqasha.” Heestu waa masafo oo waxa ay u taxan tahay bayd-bayd (labo-labo-meeris). Waxa ayna dulucdeedu tahay: … Sii akhri

Cabdalla Yuusuf (Hanuuniye)

Qiiro!

Jiilkii dhexe ee fanka Soomaaliyeed heegadaas ku shareeray ayuu Cabdalla Yuusuf (Hanuuniye) ka mid yahay. Waa hoobal dhammays ah – tumid mashdhac, laxamayn, iyo halabuurid ba. Hoobalnimadiisa waxa uu uga faa’idaystay, dadkiisana uga faa’ideeyay, bacriminta jacaylka daltinnimo. Soomaalida wuxuu ku hanuuniyaa jeclaanshaha dalkooda iyo dadkooda iyo diintooda (Islaameed). Haddii ay jiraan Soomaali diinta sharaftii iyo … Sii akhri

Idiris M. Cali

Weydiin Godmatay

WEYDIIN GODMATAY WQ: Idiris M. Cali August 6, 2013 Waxaad u’kaadisaaba, ood u kuurgashaaba, mar baad la keentaa. Waxaan liqi kari la’aa aaraa’da ku cabbiran tuducda ugu dambaysa ee jiiftada Af-ku-Siran, taas oo guud ahaan innagu hawadinaysa in aynu garanno, kana soo baxno, doorkeenna dadnimo ee nolosha. Waxaan ku talaqaatay, bilaabayna, qalimidda qooraal aan unkaheeda ku … Sii akhri

Idiris M. Cali

Kowda Luulyo 2013

Hoosta ka daawo, akhrisana xogjeedin, ku saabsan kowda Luulyo, uu Idiris M. Cali u jeediyey Soomaalida Boston, 30-June-2013. Dhigaal Bismillaahir-raxmaanir-raxiim; alxamdulillaahi Rabbil-caalamiin; wassalaatu wassalaamu calaa ashrafil-ambiyaa’i wal-mursaliin; nabiyyinaa Muxammadin wacalaa aalihii wa-aSxaabihii ajmaciin. Marka koobaad, aad buu u mahadsan yahay Saadiq, inuu igu soo dhaweeyay madashan. Dabcan anigu qof qudhaan ahay, kuma wada hadli karo magaca … Sii akhri

Curis / Idiris M. Cali

Xul, Xulasho iyo Xusid

Xul, Xulasho iyo Xusid WQ: Idiris M. Cali June 5, 2013 Marar kala duwan ayaan maansooyin dareen daltinnimeed xambaarsan u tebiyey Soomaalida reer Boston, oo mararkaas isugu soo baxday xusidda 26ka Juun iyo 1-da Luulyo. Xagaagii 2009a waxaan xushay geeraarka “Kaana siib, kanna saar”; 2010a jiiftada “Dadka waw gu’ weynnahay”; 2011a gabayga “Kontonguuro”; 2012na gabayga … Sii akhri

Hoyal / Saciid Maxamed (Harawo)

Gura-yare Dameerkaygow!

Hobwaan Siciid Maxamed Cali (Harawo) waa dalti Soomaaliyeed. Heesihiisa faraha badan marka loo noqdo, waxaa inoo soo baxaya dugsiga daltinnimada ee Soomaaliyeed iyo waliba dugsiga jacaylka ee Soomaaliyeed (DJS)! Ka hore, waa dugsiga ay aasaaska u yihiin: 1) Dareen-saafan iyo 2) Dabuub daltiyeed. Hobwaanku wuxuu halabuuray, oo laxameeyay heeso badan oo ay daltinnimo ku noolaato, … Sii akhri

Abshir N. F. Bacadle / Gabay

Qabyaalad!

Lama soo koobi karo maansooyinka gabayada u badan ee uu Wadaad iyo Abwaan Abshir Nuur Faarax (AuN) u hidiyey inuu ku saxo ummada Soomaaliyeed. Qaadka iyo hubkaba wuxuu ka mariyey maansooyin uu kaga dhigayo inta ummada kamidka ah ee u heellan labadaas qalladood, ee halista ah. Gabayga qormaddanna waxa uu abwaanku kaga hadlayaa qabyaaladda, qallada … Sii akhri

Buraanbur / Xaawo Jibriil

Xaawo!

Buraanburley Xaawo Jibriil waxay ku dhalatay miyi sanadku markuu ahaa 1922i, laba gu’ kadib markii uu Timacadde dunida u soo baxay. Illaa iyo yaraanteedii waxay ahayd qof tirisa maansada qaybaheeda kala geddisan, oo uu buraanburku ugu badan yahay. Markii ay 1945i timid magaalada Xamar, waxay durbadiiba qayb-weyn ka qaadatay olalaayaashii SYL. Sanadahaas iyo illaa 1961i … Sii akhri