Abshir N. F. Bacadle / Gabay

Qabyaalad!

Lama soo koobi karo maansooyinka gabayada u badan ee uu Wadaad iyo Abwaan Abshir Nuur Faarax (AuN) u hidiyey inuu ku saxo ummada Soomaaliyeed. Qaadka iyo hubkaba wuxuu ka mariyey maansooyin uu kaga dhigayo inta ummada kamidka ah ee u heellan labadaas qalladood, ee halista ah. Gabayga qormaddanna waxa uu abwaanku kaga hadlayaa qabyaaladda, qallada ugu weyn ee Soomaali ku habsatay.

Maaddaama oo uu ka hadlayo boogta ummadan ku taalla, wuxuu ku bilaabayaa “aynu is dhagaysanno, ummadyahay! Marka aynu is dhagaysanno ayey furantahay in aynu is fahanno.” Dhabtii waa furmo xeel dheer, taas oo aan laga fursan karin in la sheego mar walba oo loo baxdanyahay in la soo bandhigo arrin bulshada si toos ah u abbaaraysa. Bal dhugo oo, abwaanku wax ka yar 319 erey ayuu ballan ku gelayaa inuu dhageystayaashiisa ku nacsiin doono qabyaaladda; amma ku qancin doono in ay qabyaaladda nacaan, amma wax la naco u arkaan!

Tuducda labaad wuxuu abwaanku toos u dul istaagayaa boogta, oo uu ku tilmaamay “balo.” Waxa uuna inna leeyahay, baladan qabiilka ihi – ay qabyaaladda – waxaa ka daran uun Jahannama. Wuu ayidsan yahay in qabiil yahay wax Eebbe u oggaaladay in la isku aqoonsado oo qudha, haddana abwaanku wuxuu leeyahay, “Siidaas oo ay tahay, haddana qolo ma sheegteen!” Waa sidaas e, Soomaalidu saw ma’aha qaruun qabiil ku kala qaybsantay; saw haddaba qabiilku cudur u qaas ah ma’aha?

Tuducda saddexaad iyo kuwa hadhsan ba cudurkaas dadkii ku aafoobay ee ummada kamidka ahaa buu ku xusayaa. Kuwani waxay socdaan ba in geyiga looga guuri doono ayuu ka digayaa. Kuwani haddii ay Muslimad dhiiggeedu ka xaaraan yahay u dilayaan qoloda ay ka dhalatay (ee aysan dooran in ay u dhalato), wuxuu arkay in ay cudurka juudaanka iyo wixii ka daran ba qabaan saa hilibkeeda uun bay u haliilayaane. Wuxuu kuwan lamid aheeyay kuwa ku taageera, kuna taakuleeya falalkoodaas. [Alla maxaa maanta mashaqo qabyaalad ku salaysan oo dalkii ka dhacda laga soo qorsheeyey qurbe!]

Wuxuu ku soo gabagabeeyay in wixii uu hogatusaalayn bixiyey laga hoos qaadi doono; ayna ka hoos qaadi doonaan qoraayo qiimayn doona wixii uu qabyaalad nabar u gaystay. In lagu qaboobi doono Diinta mar hore ba cirib-goysay casabiyada ayuu sheegay. Taas buuna leeyahay qabsada. Waayo, haddii kale oo ay Soomaalidu sidaan ku sii jirto, waxaa sal ah in ay qabyaalada caabudaan, shirkina inta falkaas ku kacdaa ku jirto. Waaka leh: Waa sanam qabyaaladi haddaad, ugu qancaysiine.

Gabayga hoosta ka akhrista, dhageystana (amma dib u dhageysta mar kale). Isma qabanayaan dhageysiga iyo qoraalka gabayga, waayo waxaan gabayga ka qoray cajalkan uu gabayada badan ku duubay.

Haddii lays qaddariyey murtidu, qiimo leedahay e
Qasadkiyo ujeeddaduna waa, qiiro geliyaane
Sidaad ugu qotimisay nafluhu, ugu qashuucaane
Bal an idin qanciyo gabaygu waa, idin quseeyaaye

Qaruun waliba cudur qaasahoo, qaybiyaa jiraye
Soomaali balo loo qorayee, qalinka loo saaray
Wax qabiil ka daran Jahannamaan, qiray aqoontay e
Qaddartoonow iga hiilisaye, qolo ma sheegteene!

Qabyaaladiyo iimaan la’aan, qooqay bays helaye
Kumanyaal qarriban bay dhaleen, qorina heegaysan
Oo qaaxo iyo aydhis qaba, qaad se ku illaabay
Mar un bay magaalada qaseen, kuna qammaameene
Qacdii hore ba bililiqo un bay, innagu qaadeene
Nimankaa tafaha qaawanoo, qoriga heegaysan
Haddaan baladka laga qaban Wallaa, looga qaxayaaye

Qaraabo iyo ahal riximnimaa, loo qaddariyaaye
Waa sanam qabyaaladi haddaad, ugu qancaysiine
Waa qaaxo iyo kaankar iyo, aydhis qaab daran e
Waa cudurka qaybaha bulshadu, qaran ku waayeene
Waa qawqab iyo sixir qalbiga, qaaciyoo shidaye
Waa qaabaqawsayn dagaal, qac iyo yaahuuye
Qanjir boogi qodotoo qurmoo, qolof la’ weeyaane!
Waa gorofta lagu qaybiyaa, malaxda qayriine
Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo, qabaxa weeyaane
Waa waxa qoxootiga ka dhigay, boqol kun oo qoyse
Qalbigiinna ka ilaashadoo, wadajir qiimeeya
Qaangaar fidnoobee ilmaha, yaan la qabadsiinnin

Qiso murugo iyo yaab leh baan, soo qayaxayaaye
Qof Muslin ah qabyaalad u diloon, ficil yo qawl qaysan
Qasadkiyo ujeeddaduna tahay, lagu qisaasaayo:
Qabiilkaa muxuu uga dhashaye, qaaddir uga yeelay!
Qiso murugo iyo yaab lahoo, quruna saw maaha?
Waa quud ka dhigo ruux Muslin ah, hilibki qayriine!
Ilaahayow Adigu haygu qaban, Qaaddir baad tahaye

Qof kastoo ka qayb-qaata amma, qarash ku taageera
Nafta goorta laga qaadayoo, laga qibloonaayo
Qarqarradiyo dhuunyeeristiyo, qarow la taahiisa
Qac baa loogu siiyaa indhaha, kiiska loo qoray e
Diiwaanka qalinku ugu dhacay, qoommamee abide!

Wax ba gabaygu yuun ila qarxine, waan qabbirayaaye
Kama quusto qayr-dheeg dadkuna, igama qaataane
Rag un baa se qiimaynayoo, qoraya taariikhe
Ha qaddarin Dimuqraaddi waa, qolo afkaartoode
Hantiwadaagna laga quusayoo, lagu qasaarowye
Quboo daadsha labadaba Wallaan, lagu qaboobayne
Quraankiyo Sunnaa muqaddaska ah, qaata xukunkooda
Qurratul-cayni Nebi Muxammad baan, lagu qasaarayne (NNKH)

Haddaba yuu abwaanku gabaygan kula hadlayaa? Annagu waxaan qabnaa waa innaga oo dhan. Waayo, haddii ay qabyaaladi nagu jirto, waa inoo digniin ah in aynu inta ay goori goor tahay ka korno qabyaaladdan, iskana dayno. Waayo, saw naga mid ma’aha wali qaar qabyaalad ku shaqaysta. Wali soo xilalka hoggaamineed ee dalka kuma kala qaybsanno qabyaalad; halkii wax-qabad-badanaha la dooran lahaa, saw kama dooranno ka inna xiga! 4.5 maxay tahay haddii aysan qabyaalad ahayn? Maxaan u soocnay bulshadeenna inta ugu kartida badan, una liidnay, haddii aysan qabyaalad ahayn?

One thought on “Qabyaalad!

  1. Pingback: Cuddoonida Meeriska | Heeshi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s