Solo’

1.0 Xuduud

Maaddaama oo ay bulshadu ku naaxdo wax-is-weydaarsiga anfacan, dhammaan qoraallada saabkan waa la xuddumaysan karaa, iyada oo si daacadnimo iyo xushmadi ku dheehantahay qodobadan la raacayo:

1.1 – In qoraal kasta oo lala baxo la xuso [magaca Saabka amma qoraalka] dunjiidkiisa (URL), laguna xuso meelo akhristuhu si sahlan uga soo raadraaci karo, iyo;

1.2 – In aan la baddalin dulucda qoraal kasta; oo aan wax lagu kordhin, laga dhimin, cinwaanno kalena loola bixin.

Waxa kolkaas hubaal ah, in aanay akhristayaasha qoraallada Higil ku dhacahayn habow aynaan u kasin …

2.0 Xusid

Maqalka maansooyinka aad maqasho ee saabkan waxa aan ka soo siib-siibay saababka kala ah: Doollo, Golkhaatumo, Goldogobtimes, iyo Hoygasuugaanta. Xusid, haddayba jirto,  intaa dhaafsiisanna qoraal kasta ayaan gadaal ka dhigay.

Yoolkayo waa in aannu halkan ku kaydinno maansooyinka aan badanka ku daabacnayn saababka suugaanta ee Soomaaliyeed—amma buugaag kale ba. Sidaas daraaddeed, qoraallo badan ayaannu daah saarnay (unpublished), maaddaamma oo xogta qoraalladan laga daalacan karo kobab badan oo galshada ka mid ah—sidoo kalena ay xogtanu ku kaydsantahay buugaag badan; midkoodna uu ba yahay: Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Qoraallada amma maansooyinka HIGIL u soocan, ee ay kobgalshooyinka kale daabaceen waxa ka mid ah: Soomaali baan ahay; Dulmanaha la quudhsaday; Galangal; Wanka iyo Waraabihii; Waa maantaan dhalanayoo.

3.0 Xiriir

Haddii aad su’aal(o) gaar ah—oo ku saabsan qoraallada Higil—qabto, fadlan boggan ku soo dawi!

__________
Mahadsanid

6 thoughts on “Solo’

  1. Maamulka Jidhidhico,

    Bariido Alle,

    Walaale, waxan kolka hore idin ku hambalyeynaaya howsha hufan ee dhaxalreebka uu ah bulshadeena sida waddaninimada leh aad uu heysan. Dhalin badan oo aan ka mid yahay buu aad uu waxtaraya mareegtadiina in ay ka bartaan afka, suugaanteena, iyo dhaqankeena macaan. Aaad ayad uu mahadsantihin.

    Anigu fursad uma helin in aan afka Soomaliga iyo sugaantiisa la igu baro iskool waayo waxan dhashey burburkii qarankeena.

    Walaal, waxan idinka codsanaya hadii aad heleysaan in aad ii soo dirtaan mise ii tilmaantan meesha aan ka heli karo.

    1. Qoraalo aan ka barto sida gabayada afkeena loo alifo, miisanka, hanka, iyo sharciga haggaayo isku xidhka tuducyada ama meerisyada.

    2. Maxa lagu garan kara in curis la diyaarshey uu yahay hadal ama gabay?

    Tixgalin tan ugu wanagsan,
    Maxamed Dool

    • Bariido wacan Maxamed Dool,

      Marka hore, waad ku mudantahay ammaanta iyo bogaadinta aad noo reebtay. Dhabtii, xiisaha aad u hayso afka iyo suugaanteenna barashadooda waa isla xiisihii yagleelidda saabkan (blog-gan) horseeday. Taasi waxay ka dhigantahay: Afkeennu aad ayuu ugu baahanyahay dad u heellan—oo niyad iyo kal-gacal u haya—oo horumarintiisa, har iyo habeenba, ku hawltooba. Farxadi waxay inoo tahay, in aynaan kelidayo ku ahayn jeclaanta afka Hooyo, balse ay jiraan dad aad Maxamedow adigu kamid tahay, oo sidaadaa u caddaynsan kara xiisaha ay u hayaan afkeenna.

      Marka xiga, sidaadaa oo kale annugaba maanaan helin waxbarasho dhammaystiran, oo dhanka suugaanteenna naga haqab-tirta (baahi bixisa). Waxaase hubaal ah in aad ku sarreyn doonto aqoon kasta oo aad barashadeeda ku dadaasho. Dunida maanta ahna, aqoontu maqsinkaaga ayey kuugu soo galaysaa—waana qofba iyo sida uu wakhtigiisa u galiyo kala hufidda aqoontaas aqalka ugu soo gasha, oo uu midda ugu mudan kala hadho.

      Waxa aan haabkaaga u duwayaa goob aad ka baran karto aqoonta dhismaha maansada—siiba bahda maansada ee loo yaqaanno “gabay”-ga. Goobtan waxaad ka baranaysaa sida uu gabaygu u dhismo, balse ka baran maysid sida aad gabay u allifi karto! Inta aanan goobtan ku geynna, aan kuu kala sheeko sida ay gabayga iyo curisku ku kala duwanyihiin, ee lagu kala sooci karo.

      Curisku waa qoraal qubane ah oo ka kooban jumlado (paragraphs), oo u jeeddo loo curiyo. Jumlad kastaa waxay ka koobantahay hal, laba amma in kabadan oo weedho (sentences) ah. Weedh kastaana waxay ka koobantahay laba iyo in kabadan oo ereyo (words) ah.

      [Curis kastaa waxa uu leeyahay hordhac, ubuc, iyo gebagebo. Hordhaca waxa lagu xusaa, si hadoodilan iyo si daalacan ba, dabuubta (u jeedada) iyo dulucda curiska. Ubucda waxa lagaga bogtaa faahfaahinno iyo tusaalayaal gebi giijinaya (supporting examples) dulucda curiska. Gebogebadana waxa dib loo xusaa—iyada oo la adeegsanayo erayo kooban oo ka duwan ku wii hore—oo la is xasuusiyaa dabuubta curiska.

      Waxaa kala jira dhawr nooc oo curisyo ah. Halkan kala soco faahfaahin dheeraada: Waa Maxay Curis?, Noocyada Curisyada., iyo What is an Essay.]

      Haddaan u soo daaddego gabayga (amma guuroowga, sida Koonfurta looga yaqaanno), bal saabkan ka baadh erayga “gabay.” Waxa kuu soo baxaya qoraallo fara badan oo aan gabayo door ah ku soo bandhigay. Bal u fiirso habka ay gabayadu u qoranyihiin iyo habka hordhaca gabay kastaa u qoranyahay. Farqi weyn ayaa u dhaxeeya labadan hab. Hordhacu waxa uu qoranyahay hab qubane ah, oo tiraab ah. Gabaygu se waxa uu qoranyahay hab tix ah.

      [Gabaygu waa tix, amma maanso, ka kooban tuducyaal (stanzas). [Gabaygu u jeeddo “guud” oo cad iyo mid sarbeebanba wuu yeelan karaa.] Tuduc kastaa waxay ka koobantahay laba, saddex iyo in ka badan oo meeris (a line of poetry). Meerisku wuxuu ka koobanyahay erayo. Meerisku umu samaysna sida weedha oo kale. Balse halka ay weedha kaga jirto qubanaha, ayuu meeriskuna uga jiraa maansada. U fiirso:

      Erey → Weedh → Jumlad → Qubane (Maqaal, Curis, Sheeko, i.w.m.)
      Erey → Meeris → Tuduc → Maanso (Gabay, Geeraar, Shirib, i.w.m.)

      (Waxa kale oo weedha iyo meeriskaba loo yaqaanaa “tidic”—sida lagu kala duwi karaana waa “tidic-qubane” iyo “tidic-maanso.” Jumaladda iyo tuducdana waxaa la wada dhahaa tuduc—sida lagu kala saaraana waa “tuduc-qubane” iyo “tuduc-maanso.”)]

      Haddaba, curis la habeeyey ma noqon karo gabay. Sababta oo ah, gabaygu uma samaysna sida habka qubanaha oo kale. Si kale haddii aan u dhigo, tidicta gabaygu waa tidic-maanso, balse tidicta curiska qubanuhu waa tidic-qubane. Tusaale ahaan, tuduc maanso oo gabay (Sayid Maxamed) ihina waa:

      Boholyowga Hawd bay durduro, budulka raacdaaye
      Ballishiil Kaliishay tagtaa, biliqda Dayreede
      Kobta adhiga beeduhu degey, kor uga baaddaaye

      Tuducda kore waxay ka koobantahay saddex meeris. Hal meeris oo sida weedh u samaysan miyaad ku haysaa saddexdaas kore? Waa “Maya” jawaabtu. Haddaba, dhismaha meerisyada iyo weedhaha weeye xubinta (sida sahlan u muuqata ee) kala kaxaysa maansada iyo qubanaha. Tuducda kore ee gabayga ah haddii tuduc-qubane laga dhigo, iyada oo macnaha aan la baddalayn, waxay u qormi kartaa:

      Boholyowga Hawd ayey durduro budul ka raacdaa. Oo Ballishiil ayey Kaliishii tagtaa biliqda Dayreed. [Waxayna] kor uga baddaa kobta adhiga beeduhu dego.

      Haddaba, GOOBTAN kala sii soco casharro dhaxal-gal ah, oo ku saabsan dhismaha gabayga Soomaaliyeed.

      Haddii aad jeceshahay in aad barato sida loo allifo maansada, gaar ahaan gabayga, jiiftada, i.w.m., dhageysigooda badi. Dhagtaadu in badan ha maqasho ku luuqaynta maansada.

      Waad mahadsantahay,
      Jidhidhico

  2. Asalaamu caleykum bahda jidhiidhico.
    Waxaan rabaa inaad iga jaahil tirtaan balaaqada hummaaga, Hummaagu meesha uu ka galo gabayada, sababtoo ah waxaan maqlay waa heer aad usareeya oo gabayada qurxiyo.
    Waxaan Maqlay dhoodaan gabaygiisa Garnaqsi, ayaa qayb laga heli karaa, waana qaybta uu ka hadlayo Maskii Good ahaa iyo Ninkii loo gar qaadaayey.
    Mas waalan oo laga samray oo ceel kaligii degan ayuu nin iyo wiilkiisii u imanayaan ooy dhihi, maskow aan ceelka kula cabno, waanu ku nabad geline, adna na nabad geli.
    Wakhti ka dib ayuu ninkii baa hunguri gelay oo damcay inuu ceelka la wareego kaligii, maskana dilo, Gudun ayuu soo qaatay, Maskii oo jiifa, isagoo damacsan inuu ku dhufto, Ayuu maskii booday, kana baxsaday masaartii gudunta aheyd, maskii oo aarsi doon ah baa cunay Wiilkiii yaraa ee ninku dhalay.
    Dadkii deegaanka baa yidhi aan u garqaadno maska iyo ninka.
    Ninkii wuxuu ku doodayaa ” War bal wiilkayga la aasay daya” , Maskiina wuxuu ku doodayaa ” War bal gudunta la ila maaganaa daya ee la igu dili rabay”….
    Qisadaas oo qurux badan buu dhoodaan gabayga ku humaagayaa saan ufahmay, isagaa Taas garab dhigaya, Isaga dhoodaan ah iyo kacaankii soomaaliya oo ku kala fikir duwanaa arinta Ogaadeeniya.

    Maskii Good ahaa iyo ninkii loo garqaadahayey
    Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay
    Cid gungaadha xaajada markii goobta laga waayey
    Waxay gocotayoy eersatayooy gebogebow diiday
    Waa masaartu xididkay gashiyo gabakey aaseene !…

    Gabayga dhoodaan ee isna la dhaho Saleelo, isna waan filayaa in qisooyin ku duuganyihiin, ee waanan furfurin wali.

    Marka fadlan waxaan jeclaan lahaa inaad sameysaan, Maqaal ka hadlaya hummaage iyo suugaanta, iyo sheekooyinka gabayga lagu dhex lifaaqo ee murtida sii xoojiya.
    Sida Qamaan Bulxan markuu hadlayo oo kale:

    Geenyada bakhtiday kii arkee gudub u raad gooyey
    Ee Goobay madaxeeda bayga garaad roone
    Aniguna geddii baan ahee guriga hay geynin.’
    ..

    Jawaab baan idinka sugayaaa, ruuxii is xilqaama ee sheegta gabay-dhaadhi, su,aalo laga deyn maayee.
    Asc

  3. W/S Axmed,

    Badanaa gabayga baannaha ah waxa aad meerisyadiisa ka dhadhansan kartaa murti iyo dareengujjis. Murtidu waa wixii sheeko, maahmaah, ammaba halhays ah. Gabyaaguna siduu u xoojiyo qodobada dooddiisa ayuu isku dayaa inuu murtiyeeyo meerisyada gabaygiisa, oo uu ku bilo maahmaahyo iyo halhaysyo hore. Tusaalayaal fiican oo gabayga Garnaqsi ku jirana adiga ayaa noo soo bandhigay.

    Dhanka kale, si uu gabyaagu u guggujiyo meelo boogtaada ah waxa uu isku dayaa inuu shantaada dareemood (aragga, urka, maqalka, iwm) wax kaa tuso. Tusaale ahaan, Calidhuux:

    Dalba quruxsanleeyeey ma foga, dalawadiinniiye
    Danbarkiisu waydiin uraa, waana dabataane
    Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh
    Oo wada dunuunucahayuu, idin dul joogaaye
    Dubuxbaaba lagu sii wadaa, dararki Baarjeexe

    Amma murti ku bil gabaygaaga amma ku qurxi sawirro, marnamaba balaaqada caynkaan ihi ma aha “hummaag”-yeyn. Sababta oo ah, erayga “hummaag” kuma jiro eray-bixinnada agabka u ah saafashada maansada, dabuub ahaan. Waxaa jira eray Ingiriis ah oo waxa aad hummaag ka waddo u qalma, waaana: Allusion.

    Waxa habboon in aan isugu soo noqonno balbalaarinta eray-bixinnada Soomaaliga inta aynaan ka faalloon balaaqooyinka maansada—oo aynaan maqaal ka soo saarin.

    Waad mahasantahay,
    Jidhidhico

  4. Asalaamu caleykum Walaal, Horta aad iyo aad baad ugu mahadsantahay, Su,aasheydii horre markaan kula wadaagay, Bana ana dhankeyga ka shaqo tegay oon soo xogsaday macnaha guud ee Hummaag, iyo meesha uu ka waafaqi karo suugaanta, Jawaabtii aan helayna waxay aheyd, Hummaag waa dhalanteed, Waa dareenkaaga ood garab dhigtay arin kale , si aad ugudbiso dareenkaaga, Tusaale ahaan:
    Raage Ugaas wuxuu rabaa inuu inoo sheego, Arimaha nafsadiisa la darsay ee gubaya, Marka wuxuu inoo tibaaxayaa arimo markuu inoo sheego, aynu fahmi karno oynu odhan, Ma arintaas adag sideeda oo kale baa lagu hayaa raagow?-

    Sida koorta yucub oo la sudhay koromo buubaal ah
    Ama Ceel Karkaarada jabshiyo webi karaar dhaafay
    Ama beelo keynaan ahoo kor u hayaamaaya
    Ama Koox ardo ahoo quraan kaadibka utoostay- Raage Ugaas
    ————————————————————
    Farshaxanka noocaas ah baa la iigu tilmaamay Balaaqada Hummaaga oo abwaanku awood uleeyahay wuxuu maaganyahay inuu dareen kale oo bulshado la wada taqaano ku muujiyo.

    Tan kale eed cali dhuux kasoo qaadatay , Balaaqada noocaas ah inaad wax nooga iftiimiso waan rabaa iyadana, Mahadsanid Jidhiidhico.. Jazaa kalaa Khayr.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s