Ibraahim C. M. Cajaa'ib / Milanti

“Daguugaan”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii cajaa’ibka ahaa ee Ibraahim ‘Cajaa’ib’ ee soo baxay burburkii dabadeed waxa ka mid ah maansada “Daguugaan,” oo Soomaalida dabeecaddeeda dhagaha la’ ka hadlaysa. Nabaddii iyo isu-soo hayaankii jacaylku riixayey way surin-seegtay, wayna samo-guurtay—taariikhdaas caynkaas ahna waxa sunkay oo qudha waa suugaan sal-balaadhan. oo ay abwaanno dun wacani ina soo gaadhsiiyeen. Cidi kuma daandaansateen haddaadan is daayicin, … Sii akhri