Jiifto / Sugaal Cabdulle Cumar

Hobwaan Sugaal Cabdulle

Inteenna garanaysa, hoobal iyo abwaan (amma hobwaan) Sugaal Cabdulle Cumar—kii yiri, lur ba waxad ku daysaa, labadii walaala ah, midki lagaclahaa weyne—waa waddani Soomaaliyeed, kaas oo ku maansooday, Soomaali badaney, bulshadii wacnaydey: intaan ba’iyo hoogiyo, boqongooyo weyn dhicin; baaxaddiinnu kala tegin; waddankeenna baadka leh,  dhawr baarta laga dhigin; waa bilic xorriyadduye, intaan magacu baabbi’in; intaan bala gudaysoo, biriqdiyo gantaalaha, soo butaacinaysoo, buuraha ka xoog badan, baarshuut ku soo degin; gumaysiga ballaarano, boqoolaha ku soo jira, bulshadoo midowdiyo, haddaan baaxad loo helin, ruuxna kama baxsanayee; idinkoo Bilgeydiyo, barfasoora miidhan a, intaydaan bisado noqon; intaan baduhu kala go’in, barrigana la kala jarin,  soohdin soohdin nala badin; ummad aan bislayn iyo, gobalaysi baahaa, qarannimo burburiyee, intaan beel ba meel xiran, bahdu kala ajnabi noqon, midnimadu ku bayd gu’in, Boosaaso iyo Bari, baasaboorro lagu galin; inta aan Barbara iyo , Baki iyo Sanaag iyo, Burco iyo Hargeysaba, bartii shalay ku noqonnoo, barbarradu ku wada dayan, nacabkuna bishaarayn; bartamaha dhulkeenniyo, intaan beerihii Gedo, ato Baqalle soo degin; inta aan Bakooliyo, Bu’aaliyo Kismaayiyo, laysla goynin Baydhabo; Muqdishiyo Baraawiyo, Balcad iyo Wardhiigley, intaan laysku baabbi’in; intaan beelo wada dega, balaayo ayn ka taagneyn, Buush iyo Ciraaqiyo, booliskii Yuhuuddiyo, Baytul Laxam an laga dhigin—inaad ba’ iyo hooggaas, ka baraarugtaannoo, bulshey ka hor tagtaan baan, idin ku boorrinaayaa; haddii kale bi’iinniyo, waxaad beegsan doontaan, baadari la tuugiyo, baadil idin gumaystee, waxad maanta bi’isaan, barri haw shallaayina! 

Bal sii dhugo waayaha abwaankan iyo maansooyinkiisa afka badan ee uu dadka Soomaaliyeed kula dardaarmayo:

Sidoo kale na dhugo gabaygan uu kaga hadlayo dhaqan-guurka ku yimid dadka Soomaaliyeed.

Kuna soo xasuuso ruwaayaddii uu alifay ee “Magaalo Joog Xumo”—iyo shaatigaan imisay kaa siiyeen…marka haddaan kuu celiyo lacagtiisii ka waran oo aad adigu dukaankii ka soo qaadatid?–-halkan hoose na ka daawo:

Timaaddada dhaw waxaan ku rajaweynahay soo gudbinta maansooyinka hobwaanka oo qoran iyo faallooyin kooban. Hadduu Eebbe idmo.

Faallo u dhaaf