Sool

HIGIL: Taariikhda ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL waxaa inooga xogwarramay (AHN) Daahir Xaaji Cismaan Sharmaarke, oo kamid ahaa saddexiyo-tobenkii dhidabada u aastay SYL. Waxa uu Daahir ku dhashay magaalada Hobyo, Mudug, sanadku markuu ahaa 1923kii. Isaga oo ay da’diisu yartahay ayuu Daahir wax ka dhisay SYL horraantii 1940aadkii, jagooyin kala duwanna u soo qabtay ururkaas ku hawlanaa baraarujinta iyo wacyigelinta ummada Soomaaliyeed. Allaha u naxariis-tee, waxa uu Daahir ku geeriyooday, oo lagu aasay, magaalada Qardho, Bari, 12kii Maarso, 2008.

Qoraalkan magaciisu yahay “Aasaaskii Xisbigii Leegada (SYL)” ayuu Daahir inooga tagey, si aan u milicsanno taariikhdii dahabiga ahayd ee gobanimadoonka. Waxa uuna qoraalkani si taxane ah ugu soo baxay: Mudugonline.com – May 2001.

________________________________________

Aasaaskii Xisbigii Leegada (SYL)

Iyadoo hadda lagu jiro bisha Maajo, waxaan jecleeystay inaan wax yar ka taataabto taariikhdii asaaskii xisbigii Leegada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobannimada iyo madaxbanaannida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah ee “Somali Youth League,” Leegana waa iyadoo af Talyaani ah: “Lega dei giovani Somali.”

Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhalinyaradii nasiibka u yeelatay, Eebbena waafajiyey, inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkaan inaan dadweeynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta lahayd ee la soo maray si looga faa’iideeysto.

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadani-nimadii, midnimadii, isqaddarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda maanta Soomaali ku sugan tahay oo ah: Dawlad la’aan, daryeel la’aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo!

I. CURASHADII FIKRADDA

Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariistee Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso. Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo, inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah. Wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed, iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda. Yaasiin wuxuu si fiican u yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga iyo Ingiriiska. Dadaalka Yaasiin ka sokoow, curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen:

1. Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka talinayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii faashiga ahaa ee Talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinac kasta; ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. Xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidaddiilo iyo waa’ cusub;

2. Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya;

3. Waxaa waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambaareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa qaar ka mid ah nimankaas, ooy is dhaafsan jireen fikradaha.

Yaasiin wuxuu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada. Wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa: Garaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka, iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir noogu qabtay gurigiisa—waxaan ahayn toddobo ama siddeed dhalinyaro ah, si fiican uma xusuusto tirada. Wuxuu noo soo jeediyey talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimadoonka Soomaaliyeed. Wuxuu nagu wargeliyey in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada ah—Ameerika, Ingiriiska, Ruushka iyo Faran-siisku—ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo hadda gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Ereteriya iyo Liibiya. Wuxuu nagu guubaabiyey inaan fadhiga ka kacno oon dhisno urur ka tarjuma danaha bulshada Soomaaliyed oo ah gobannimo iyo horumar. Wuxuu naga codsaday in qof waliba uu casuumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha ururka. Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq. Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, uuna ku kalsoonaa. Intaan ka xusuusto, anigu waxaan casuumay Cabdulqaadir Sakhaawoddiin oo aan saaxiib gaar ah ahayn, Allaha u naxariistee. Xaaji Maxamad Xuseenna wuxuu casuumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u naxariisto.

Muddo bilo ah gudohood ayaan isku uruursannay saddexiyo-toban dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanima-doonka.

II. DHISMIHII XISBIGA

Sidaan [soo] xusay, waxaan isku helnay 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL. Haddaba, magacyadii dhallinyaradaasi waa kuwaan:

  1. Yaasiin Xaaji Cismaan
  2. Xaaji Maxamad Xuseen
  3. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawoddiin
  4. Khaliif Huudow Macallin
  5. Maxamad Cismaan Baarbe
  6. Cismaan Geedi Raage
  7. Maxamad Faarax Hilowle
  8. Dheere Xaaji Dheere
  9. Sayidiin Xirsi Nuur
10. Maxamad Cabdalla Xayeesi
11. Maxamad Cali Nuur
12. Cali Xasan Maxamad “Verdura”
13. Daahir Xaaji Cismaan

Runahaan, Xisbiga SYL waxaa dhisay oo dhidibada u aasay shacbiga Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray. Annagu waxaannu ahayn dhallinyaro Ilaahay talada waafajiyey oo tillaabadii ugu horreeysay qaad-day.

Ugu horreeyntii, waxaan qol, aannu ku shirno, ka kireeysannay waddada ‘via Roma’ ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo, 1943kii, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan na soo hordhigay barnaa-mijkii Xisbiga oo ka kooban saddexiyo-toban qodob. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:

1. In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madax-banaannida ummadda Soomaaliyeed;

2. In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno;

3. In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo wax-barashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari karin tacliin la’aan-teed;

4. In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah;

5. In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanima-doonka iyo madaxbanaannida;

6. In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskalatakoorka, iwm.

Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhiimsanaa. Qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada dham-maan waa la isku wada waafaqay.

Yaasiin wuxuu kaloo noo soo jeediyey in la doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen. Wuxuu ku taliyey in labadaas jago aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa’ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho-qabiil oo mustaqbalka wiiqda Xisbiga, halgankana curyaamisa. Iyadoo taladaas la tixgalinayo waxaa la doortay labadaan mudane:

1. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawoddiin (Guddoomiye)
2. Xaaji Maxamad Xuseen (Guddoomiye-xigeen)

Yaasiin Xaaji Cismaan isaga qudhiisa waxaa loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daraadeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii [xigtey ee] 15ka Maajo, 1943kii, waxaa sharaf noo ahayd inaan tagno xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, annagoo wadana codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsadda Naadiga. Codsiga waxaa u qadimay Dhiin-siga mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawoddiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga.

Dhiinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuxuu yiri, “Waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan haba yaraatee wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasilloonida dalka iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xaasaasi ah.” Annaguna waxaan niri hawraarsan.

III. KU DHAWAAQIDDII SYL

Sidaan [soo sheegay], waxaan ku guuleeysannay, Alle Mahaddii, inaan diiwaangelinno Xisbiga. Isla markiiba, waxaan ku dhaqaaqnay hawshii baaxadda weeyneyd ee na sugeeysay. Waxaan afar qol ka kireeysannay daar u dhow Afar-iridoodkii Xamar. Afartaas qol waxaan u adeegsannay fasallo lagu barto farta Soomaaliga, afka Carabiga iyo Ingiriiska. Waxaan qorannay macallin Suudaani ah oo duruusta Carabiga iyo Ingiriiska bixiya. Waxaan kaloo qolalkaas ugu isticmaalnay xarunta Xisbiga iyo Makhaayad Shaah iyo Kafee oo lacag jaban lagaga gado xubnaha Xisbiga iyo weliba meel lagu dhageeysto Raadiyaha, laguna akhristo jaraa’idka si loola socdo akhbaarta adduunka.

Waxaan kaloo qaadnay tillaa-booyin ku aaddan nidaamka iyo maamulka Xisbiga. Waxaa la hirgeliyey calanka iyo astaanta Xisbiga. Waxaa la daabacay kaararka xubinnimada (member-ship card) iyo qoraallo qeexaya mabaadii’da Xisbiga. Waxaa xubnaha lagu qoray tabarrucaad joogto ah si loo daboolo kharashka maamulka. Dadka shaqeeya, oo aan anigu ka mid ahaa, waxaan isku qornay inaan bixinno 20% mushaharkayaga. Habeenka Axadda waxaa loogu talagalay in la baraarujiyo xubnaha iyo dadweeynaha iyo in lala qaybsado wixii war ahoo cusub iyo qorshe ah ee soo aaddan.

Shan illaa lix bilood markuu furnaa Xisbigu, ayaa waxaa dhacay qiso la yaab leh. Dhiinsiga Ingiriiska ayaa noo yeeray oo na tusay warqad ku qoran farta Cismaaniya. Wuxuu yiri, “Warqaddaan waxaa laga helay jeebka nin shufto ah oo ciidamadu dileen, sidaas daraadeed, waxaan idin farayaa inaad joojisaan hawsha Xisbiga oo dhan illaa iyo inta arrintaan laga baarayo, lagana salgaarayo inaad lug ku leedihiin iyo in kale.” Arrintii markii la baaray waxay noqotay warqad uu ninkaas la dilay ka helay xaaskiisa oo Gaalkacyo ku sugan, kana wareeysaneeysa xaaladiisa iyo sababta akhbaar looga waayey. Markaas ka dib ayaa naloo fasaxay hawshii Xisbiga. Taasi waxay ku tusaysaa sida diiradda loogu hayey Xisbiga!

Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.

Laga bilaabo 1943kii, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamar-ahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida: Dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka, iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947kii ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin karin;

2. Damaca gumeeystayaasha: Ingiriiska oo ka dhawaa-jiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil [isaga] loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii;

3. Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu casuumay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gumeeysiga.

Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuun aan u maleeynay inuu yahay Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jiradiisu tahay mid halis ah. Wuxuu ka dardaarmay in jagada Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxa-muud oo madax ka ahaa faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen. Rag aan anigu ka mid ahay ayaa tagay Beledweyne oo Cabdullaahi u soo raacay Xamar. Cabdullahi wuxuu la kulmay Yaasiin, wuuna aqbalay taladiisii. Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geeriyooday Allaha u naxariistee.

Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday. Wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftiihurenimo ah, daacad ah, Soomaali-nimo, wuxuuna guulo ka soo hooyey gudaha iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Ra’iisulwasaa-rihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956kii.

IV. DHACDOOYIN DHAWR AH

[Qaybihii] hore, waxaan ku soo aragnay in markii la gaaray sanadkii 1947kii ay xiisaddii siyaasadeed aad u kululaatay. Waxaa xusid mudan in, bishii Juun 1946kii uu Wasiir Dibadeedka Dawladda Ingriisku, mudane [Ernest] Bevin, soo jeediyey in gayiga Soomaaliyeed oo idil, oo Jabuuti maahee inta kale Ingriisku gacanta ku hayey, la isugu geeyo hal maamul oo Ingiriiska hoos yimaadda, Qaramada Midoobayna kor ka ilaaliyaan. Waxaa qorshaha Ingiriiska ka soo horjeestay Ruuushka iyo Maraykanka. Leegadu aad ayey ugu riyaaqday hindisahaas oo waafaqsanaa himiladeenna iyo bar-tilmaameedka siyaasadeed. Dhanka kale, Talyaaniga oo ka ficil qaadanaya Hindisaha Ingiriiska, damac-weeyna ka qabay Soomaaliya, ayaa dardar cusub geliyey dadaalkuu ugu jirey inuu carriga Soomaaliya mar kale gacanta ku dhigo.

i. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948kii

Dhammaadkii 1947kii, ayaa waxaa nalaku wargeliyey inuu magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission.” Muhiimadda Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuur-galo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shirweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wada-tashado, meelna la isula dhigo, mawqifka Leegada ee ku aaddan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwa-dood. Go’aankaasi wuxuu ku saleysnaa laba aragtiyood oo kala ah:

1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo la ogyahay maamulxumadiisa iyo waliba dhibaatada uu u geeystay ummadda Soomaaliyeed;

2. Inkastoo Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa la is tusay inaan la aamini karin Ingiriiska. Leegadu waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir ah oo aan la iska kicin karin mar hadday kugu habsato.

Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948kii. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, waagaasna ahayd xarunta Guddoomiyaha Ingiriiska. Waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya: Talyaani, Talyaani! Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy cududdooda muujiyaan. Waxaan ka war-helnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaal-addaas, waxay go’aansatay, in, haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaaddo oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.

Subaxdii 11ka Jannnaayo 1948kii, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaan in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, waa isqaybinnay. Qaar waxaan u dirnay Naad-iga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga. Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah, waxaana lagu dhaawacay 55. Dhankayaga waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako). Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa. Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo Taako.

ii. Dhacdadii Dhagaxtuur

Bishii Sebtembar 1949kii ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey ooy Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu u cabbiro mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, madaxbannaanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani. Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabarruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.

Bishii Oktoobar horranteedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga. 5tii Oktoobar 1949kii ayaa Leegadu muddaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Ingiriiska wuxuu soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in shaniyo-toban daqiiqo gudahood dadka muddaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyee-shee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey. Waa sababta goobtaas loogu baxshay “Dhagaxtuur.” Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay konton. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaas kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada. Waxaa Ceelbuur loo musaafuriyey Aniga oo Daahir ah, Maxamuud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

— GO’AANKII QARAMADA MIDOOBAY

21kii Nofembar 1949kii ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950kii ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay: “Ammini-strazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto. Wuxuu isku dayey inuu kala qaybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuurona axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahaas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.

Waxaan jeclahay inaan wax yar ka iraahdo taariikh na dhexmartay Aniga iyo Xubinta Filibiin ee Qaramada Midoobay. Waxaan dareemnay in wakiilka Filibiin uu u nugul yahay Leegada. Aniga oo af Ingiriiska xoogaa ku fiicnaa ayaa Leegadu ii dirtay inaan xiriir hoosaad la sameeyo Wakiilka Filibiin. Wakiilkii waa isbarannay. Aad ayuu noo taageeray, asagoo na siin jiray xog iyo akhbaar muhiim ah. Waxayse iigu darnayd maalintuu i yiri ma iisiin kartaa billaawihii aad ku disheen Talyaaniga. Aad ayaan u naxay. Anigoo argagaxsan ayaan ku iri: “Wax qalab ah oo aan hayno ma jiro.” Weli ma fahmin sababtuu ii weydiiyey, waxaanse u qaatay in asaga naftigiisu uu ku jiray halgan gobanimadoon ooy ka ahayd taariikh uruurin.

V. GABAGABO

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952kii. Leegadu waxay sameeysey muddaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Anigu markaas waxaan ka mid ahay Guddiga Dhexe ee Leegada (Comitato Centrale) oo Xamar fadhigiisu yahay. Anigoo ka khudbeeynaya Naadiga habeen Axad ah sidii caada-du ahaan jirtey, waxaan iri: “Waxaa habboonaan lahayd in siddeed Talyaani ah la dilo meesha hal kaliya laga dilay.” Subaxdii ayaa Dhiinsigu ii yeeray, waxaana la ii musaafuriyey magaalada Eyl.

Leegadu waa sii wadday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay dooroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954kii. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada.

Waxaa farxad iyo raynrayn noo ahayd markii 12ka Oktoobar 1954kii la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da Luulyo 1960kii markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynay xorriyaddii iyo dawladnimadii.

________________________________________

Aasaaskii Xisbigii Leegada (SYL)
Qore: Daahir Xaaji Cismaan Sharmaarke (AHN)
Waxa Tafatiray: Maxamed Dalmar; mar kalena: HIGIL

Xigasho: Mudug Online

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s