Hobwaan Sugaal Cabdulle
Jiifto / Sugaal Cabdulle Cumar

Hobwaan Sugaal Cabdulle

Inteenna garanaysa, hoobal iyo abwaan (amma hobwaan) Sugaal Cabdulle Cumar—kii yiri, lur ba waxad ku daysaa, labadii walaala ah, midki lagaclahaa weyne—waa waddani Soomaaliyeed, kaas oo ku maansooday, Soomaali badaney, bulshadii wacnaydey: intaan ba’iyo hoogiyo, boqongooyo weyn dhicin; baaxaddiinnu kala tegin; waddankeenna baadka leh,  dhawr baarta laga dhigin; waa bilic xorriyadduye, intaan magacu baabbi’in; intaan bala gudaysoo, … Sii akhri

Idiris M. Cali / Jiifto

Hooyaday!

Saarkii “Hooyo” ee Careys Ciise xusuus dib ugu noqo; amma halkan ka daalaco. Waxaa jirta qasiido gaaban oo af Ingiriis ku soo baxday, curiyaheeduna yahay Yuusuf Islaam, oo hooyada ka sheekaynaysa; waa qasiido ay ubadkeennu ka baran karaan muhiimadda ay leedahay in loo riyaaqo Hooyo. Gudbadhigista qasiidadan oo ah jiifto, iyo saarka Careys Ciise wax … Sii akhri

C/qaadir Xirsi S. (Yamyam) / Jiifto

Soomaali waa Tuma?

Soo baxday 1978kii, dadka qaar(1) baa heestan marka ay faaqidaan ay ka soo go’daa in Soomaalinimadu waxa ay tahay ay sidan u qeexawday—iyaga oo waliba ogsoon waayaha dagaaleed ee ay heestu ku soo baxday—oo ah, in, Soomaalidu ay leedahay darajo aysan sinnaba uga gedmi karin! Annagoo tuducda ugu dambaysa dhuganayna, bal aynu hubinnee, anoon wax ba saafin, ku soo durka heesta: Wakhtiyada … Sii akhri

Ibraahim C. M. Cajaa'ib / Jiifto

“Af-qalaad ka Garannuug”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii xiisaha badnaa ee Abwaan Ibraahim Cajaa’ib eyey maansadanna ku ladhantahay. Waa maax ceel aad u dheer salkiisa heehaabaysa, waana aag-suugaaneed aan la mudmudi kerin. Waa sarbeeb isasaaran, masasaarkeeduna waa boog dahsoon, oo qofkii xaalka Soomaaliyeed u dhuun duleela uunbaa dhayi kara. Waa maansadaa mucjiska ah, ina tusaysana in Abwaanku goonni u yahay farsahaxanka dadan, … Sii akhri

Jiifto / Yuusuf C. C. Shaacir

“Dulmanaha la Quudhsaday”: Yuusuf Shaacir

In qof kula deegaan iyo diin ah, dagaalna idin dhexmarin, balse in badan kaa dun fiican, aad ximiso, dar-xumadiisana aad ka taliso, iskana indha-saabto in dulqaadka uu qofkaasi kuu hayo nabaddaadu ku dhisantahay, kuna dul nooshahay, waa arrin qof Muslin ah oo fekaraya aan u suurtoobin. Balse Soomaalida dhexdeeda arrinkan waa dabeeco, walina dad ayaa … Sii akhri