C/qaadir Cabdi Shube / Saar

“Giraan”: Shube

“Giraan” waa maanso (saar) murti miiran ah oo uu curiyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube), soona baxday 11/23/1993. Waxa uu Abwaan Shube maansadan ku hoga-tusaaleeyay dacaska iyo daleelanka laga koradhsaday qaranka Soomaaliyeed dumintiisa (xag duullaan iyo xag difaacba), isaga oo kolkaasna inagu boorinaya in dib xisaab loogu noqdo, lana ogaado in gacmo wada jira (oo dan … Sii akhri

Careys C. Kaarshe / Saar

Wanka iyo Waraabihii

Ummad waliba suugaanteedu waa inay hummaag toosan ka bixisaa kolba sida ummadaasi u nooshahay iyo wakhtiga ay ku jirto intaba. Haddaynu soo qaadano hal maanso oo kamida maansooyinkii Careys Ciise Kaarshe (AUN), waxaa hubaal ah inaanu ka bogan karno taariikh lama iloobaan ah oo ummada Soomaaliyeedi soo martay—taariikhda ayaana mustaqbalka laga dhawrtaa. Maansadan ayaa ah … Sii akhri

“HOOYO”
Careys C. Kaarshe / Saar

“HOOYO”

Maansada saarka ah ee “Hooyadu waa lama huraan” waxaa si habboon oo hufan, oon hambayn lahayn, u hal-abuuray saaryahanka caanka ah, Eebbana hibada uu u siisay dhinaca saarka, ee Careys Ciise Kaarshe (AUN). Muran kuma jiro in maansadani tahay mid hiyigeena kicinaysa, islamarkaana ina garadsiinaysa booska ay hooyadu inoogu fadhido habkeena nolashan taxanaha ah. Waa maanso … Sii akhri

Careys C. Kaarshe / Saar

Gumaysi iyo Gobannimo

Saarkan hoos i noogu qoran waxaa mariyey Careys Ciise Kaarshe (AUN). Waa saar, runtii, guusha, gobanimada iyo gallada Soomaaliyeed—ee gumaysiga in yar uun debadii—inooga bixinaya sawir cajiib ah oo ina farxad geliya. Waxa uu saarku kala saaf-saafayaa farqiga u dhaxeeya gobonimada iyo gumaysiga; halkaas oon gobanimada la garab gelin karin gumaysiga. Wuxuu yidhi saaryahanku: Sii akhri