Cali Mire Cawaale / Geeraar

“Maqaloo Oy”: Cali Mire

Maansada “Maqaloo oy” ee uu tiriyey Cali Mire Cawaale sanadkii 1950kii waxa ay daaha-ka-rogaysaa caddaalad-darradii gumaystuhu ku hayey ummada Soomaaliyeed. Sidaas awgeed, sida Abwaankaba dareenkiisa ah, waxa ay maansadanu ka hiyi-kac xooggantahay maansada kale ee uu isla Abwaanku curiyey ee “Soomaaliyey toos,” taas oo ummada ku hagta hilinka midnimada qaran loo’ dhanyahay; oo ah wadiiqo … Sii akhri

Geeraar / Uncategorized

Gef-ka-dirir: Geeraar

“Qorraxdii dhacdaba teenu way, kala qaxaysaaye!” Timacadde (AUN) Waa sidaa xaalkeennu, illaa waligiina wuu ahaanayaa, haddaynun dooran inaan sidan isu dhaanno. Waxa layaab leh, in xagaaf (waddo) ay reer Yurub inagu dirqiyeen inoo noqdo marinka ugu habboon een duni ku gaadhi laheen. Waa in ay ina tusaan—fartana inoogu fiiqaan, inaguna dhaliyaan, isla markaasna ina aamin … Sii akhri

C. S. M. Timacadde / Geeraar

“Casiisow Waa Mahaddaa”

Mahadinta Eebe waa darajo koraysa; waa hadaf lagu tartamo; waana aflaxaad caana oo in yar oo addoomiisa ka mid ahi ku baraarugsantahay. Wakhti walba, mahadinta Eebe, ku xisaabtan bay leedahay: Farxad iyo jacaylna waa laga korodhsadaa; dhibaatada ayey saartaa, guul iyo dagganaan caafimaadna way keentaa. Sharka ama khayrka aannu ka warhayno iyo ka aan dareen inoogu imanba Eebe ayaan uga mahadinaynaa; … Sii akhri

C. S. M. Timacadde / Geeraar

“Kaana Siib, Kanna Saar”

Maansadan soo socota waxaa la yidhaahdaa “KAANA SIIB, KANNA SAAR.” Waxaa tiriyay  Allah naxariistii Janno ha ka waraabiyee abwaan C/laahi Suldaan Timacadde, 25(6)kii June, 1960. Waxay maansadani astaan u tahay calanka Soomaaliyeed ee labada cayn ah. Waxayna inoo tahay “muraayad” aan ka daawano falkii xiligii calan-saarka dhacayey—sidoo kale maansadu waxay daliil u tahay shakhsadda (dabeecadda) fiican … Sii akhri