Uncategorized

Heello: Dawladnimo

Dawladnimada casriga ah—ee ka shaqaysa Maraykanka iyo dalalka soo raaca—waa majare lagu maamulo qaran (haba ahaado qaran gobalaysan e), oo leh saddex laamood oo is dheellitira, kuwaas oo kala ah: gole ummadeed oo sharciga dejiya, maxkamad sharciga ilaalisa iyo xukuumad sharciga fulisa. Si uusan majarahaasi u tifmin, una tirmin, waxa uu qaranku yeeshaa dastuur ay … Sii akhri

Maqaal / Uncategorized

Aqoonguud

Maxay af-Soomaali ku noqoyaan magacyada bilaha, iyo maalmaha? Imisa qaybood ayey maalintu ka koobantahay? Xilliyadana magacood? Dad badan baa warcelimaadyo kala wada duwan ka bixin kara weydiimahaas. In kalena war iyo wacaal uma hayaan! Haddaba, aynu isku gebi ka taagnaanno, oo dib isu barno bal inta magac ee ay Soomaalidu u kala yeelatay: Maalinta: Waxay u … Sii akhri

Curis / Uncategorized

Midnimo!

Midnimada dad badan baa u qeexa mid-ahaansho. Dhabtii, midnimadu waa mid-ku-ahaansho. Halka ay qeexdinta hore ka muujinayso wax mid ah, oo aan xitaa laba ahayn, waxay qeexdinta xigtaayi muujinaysaa wax ka badan mid, oo haddana isku xiran. Xiriirkan weeyi midnimadu. Waxa uuna xiriirkani muuq leeyahay marka isaga dartiis la’isugu yimaaddo—oo ay duulal kala yaallaayi isugu … Sii akhri

Mooye / Uncategorized

Ballan-jab

Bare cusub ayaa dhawr maalmood maaddada Fiisigiska ka dhigay dugsiga sare ee _________. Waxa uuna noqday baraha kaliya ee dugsiga, kaas oo ay barteyaalka wax-ka-dhigtay aad u jeclaysteen wax-dhigistiisa—wali ba furfuristiisa hufan ee maaddada Fiisigiska—iyo warcelimihiisa diirran, ee fahmada barteyaalkiisa kobciyey. Barihii waxaa loo wareejiyey dugsi kale oo ku yaalla goballada mid—oo ay badan tahay … Sii akhri

Sarsar / Uncategorized

Ya’da Sarsarka

Sarsarkan soo socda waxa lagu magacaabaa: Ya’da Sarsarka. Waa sarsar galaya mawduuca, “Galiilyada.” Waa sarsar gaaban; si’ mug weynna uu muuqaalinaya xaalka mustaqbalka (oo ku ladhan ka maanta ee) ummada Soomaaliyeed ee sida lax la qalay geerri-rafanaya. Waa dambi-ooge sarsarku, waxa uuna si cad maxkamad u saarayaa cid alaala ciddii ka niyad-dadbadata ahaanshaha baxrasaaf qudha! … Sii akhri

Geeraar / Uncategorized

Gef-ka-dirir: Geeraar

“Qorraxdii dhacdaba teenu way, kala qaxaysaaye!” Timacadde (AUN) Waa sidaa xaalkeennu, illaa waligiina wuu ahaanayaa, haddaynun dooran inaan sidan isu dhaanno. Waxa layaab leh, in xagaaf (waddo) ay reer Yurub inagu dirqiyeen inoo noqdo marinka ugu habboon een duni ku gaadhi laheen. Waa in ay ina tusaan—fartana inoogu fiiqaan, inaguna dhaliyaan, isla markaasna ina aamin … Sii akhri