Maqaal / Uncategorized

Aqoonguud

Maxay af-Soomaali ku noqoyaan magacyada bilaha, iyo maalmaha? Imisa qaybood ayey maalintu ka koobantahay? Xilliyadana magacood? Dad badan baa warcelimaadyo kala wada duwan ka bixin kara weydiimahaas. In kalena war iyo wacaal uma hayaan! Haddaba, aynu isku gebi ka taagnaanno, oo dib isu barno bal inta magac ee ay Soomaalidu u kala yeelatay:

Maalinta: Waxay u kala qaybsantaa dharaar iyo habeen. Dharaartu waa inta iftiinka qorraxeedi jiro, waxayna kala tahay: Waaberi (0600), Barqo (1000), Har (1200) iyo Galab (1500). Habeenku waa inta iftiinka qorraxeedi maqan yahay, waxaana qaybihihiisa ka mid ah: Fiid (1800), Caweys (2100), Saqdhaxe (0000) iyo Jiidh (0400). Socdaalista goor waaberi ah waxaa la dhahaa “jarmaado”; har → boqoole; galab → carraabo; fiid → hoyasho; caweys → dheelmasho; saqdhaxe  → guure; iyo jiidh → kallahaad. Haddii aad socdaalaysid galab (casar ah), waad carraabaysaa.

Toddobaadka: Waa toddoba maalmood, amma toddoba cisho, oo kale leh maalmo shaqo iyo maalmo la nasto, laguna suntado: Dorraad, Shalay, Maanta, Berri, Berridambe, Sahandambe; Saakuun. Qolo beri hore jirtay oo reer Mesobetaamiya ah ayaa sameeyay waxa toddobaadka la yiraahdo. Wixii intaas ka horreeyay, waxaa ugu yaraa bisha. [Oromada aynu deriska nahay waxay maalin kasta oo bisha kamid ah u leeyihiin magac; guud ahaan waa 27 magac, bishooduna waa 27 cisho-ley.] Maanta, qolo waliba toddobaadkoodu waa 7 cisho; waxay na u leedahay magacyo tirsiimeed, sida: Axad, Ithnayn, iwm. amma magacyo ku sal leh xiddigis, sida: Sunday, Monday, iwm. Kuwa hore, maalinta lixaad waa Jumcah, oo ah maalintii la kulmayey; maalinta toddobaadna waa maalintii la nasanayey, Sabti. Soomaalidu magacyada maalmaha toddobaadka waxay kala dhahdaa:

  1. Case (Axad), Lamme, Sade, Carte, Uguux, Agaax, Agaalli (Sabti) [1]
  2. Sunni (Axad), Sanni, Koodaar, Goonyaad, Ugbaad, Hoyaad, iyo Nagaad (Sabti)
  3. Koowin (Axad), Lammin, Lamtoka, Koodaar, Hakisa, Hakisbila, iyo Sooroga (Sabti)

Saddexdaas qaybood mid ayuun baa laga qaadan karaa; labada qaybood ee hore waa kuwo da’weyn, halka la yiri kuwa qaybta 3d waxaa baadhis ku helooday Abwaan Xasan Sheekh Muumin (AuN). Qaybta dhexe ayaa se ugu caansan, iyada ayaana mudan in lagu kaaftoomo. Waxaynu gebi u soo shaacinay in aynu xusno jiristooda! Waana in marka aynu ku darnaa qayb kale oo ka gudbadhigan (turjuman) midda Carabtu adeegsato:

  • Malkow, Mallabo, Malsed, Malafar, Malkulan (Jimce), Malnasyo (Sabti)

Qaybtan dambe waxaa gudbadhigay Siciid. “Mal” waxaa loo soo gaabiyey, aragtidayda, “maalin.” Malkow waa “maalinta koowaad.” Sidaas baana loo sii wadayaa. Sida kale haddii la rabo in la gudbadhigo kuwa Ingiriiska ah, waxaan u baahannahay in aan isla garanno waxay u taagan yihiin. Waxaa jirtay in magacyada toddobaada Ingiriisku asal ahaan ku sal lahaayeen Qorraxda, Dayaxa iyo shantan meere ee berigaas la aqoonsanaa: Dusaaga (Mercury), Waxaraxirka (Venus), Farraarraha (Mars), Cirjeexa (Jupiter), iyo Raagaha (Saturn).

Waxaa la qaatay in la daysto Raagaha, Qorraxda iyo Dayaxa, afarta kalena lagu baddasho magacyada Ilaah-beenaadyo Jarmaan ah.[2] Waxayna kuwani kala yihiin Tiw, Woden, Thor iyo Frig. Waxaana soo baxay: Sunday (maalinta qorraxda), Monday (maalinta dayaxa), Tuesday (maalinta Tiw), Wednesday (maalinta Woden), Thursday (maalinta Thor), Friday (maalinta Frigg), iyo Saturday (maalinta Saturn). Haddii aynu u daysano sidii ay markii hore ahayd, waxaa gudbadhigisteennu tahay:

  • Malqor (Sunday), Malday, Maldus, Malwax, Malfar, Malcir iyo Malraag (Saturday)

Bilaha: Waa 12 bilood oo uu sanadku u kala qaybsamo. Soomaalidu, sida magacyada toddobaadka, waxay u kala taqaannaa dhawr siyood. Waxay kala yihiin:

  1. Dago (Muxarram), Maalmadoone, Bildhurahore, Bildhuradhexe, Bildhuradambe, Lifato, Rajalhore, Rajaldhexe, Rajaldambe, Waabariis, Gasayar, Sabuux
  2. Seko (Muxarram), Safar, Mawliid, Rajalhore, Rajaldhexe, Rajaldambe, Sabbuux, Waaberiis, Soon, Soonfur, Sidataal, Carrafo
  3. Laxadhaqe (23rd ofJuly, Muxarram), Samalaho (August), Kalahaan (September), Dambarsame (October), Baldaaq (November), Lixkor (December), Toddob (January), Fuushane (February), Gu’soore (March), Samuulaad (April), Dirir (May), Diraacgood (June) [3]

Labada qaybood ee kore waa ay isku laablaabtaan, wayna is-hirdiyayaan. Kolka, waxaa loo eegayaa sida ay ula qabsan karaan magacyada Hijriga ee ay matalayaan, u mana matalayaan sida ugu habboon! Qaybta saddexaad oo ku sal-leh inta badan xiddigis ayaa habboon in lagu kaaftoomo.

Xilliyada: Guud ahaan, afarta xilli amma waaxood ee uu sannadku u qaybso, bilahana saddex-saddex loogu urursho, waa Gu’ (Spring), Xagaa (Summer), Dayr (Fall) iyo Jiilaal (Winter).

Sanadka: Sanadku waa inta ay dhulka ku qaadato ku meerista qorraxda. Soomaalidu sanad kasta waxay u yeelan jirtay magac goonni ah; hadba arrinta ugu weyn ee sanadkaas la soo gudboonaada ayey ku suntan jirtay. Waana sida Carabtu ahayd waayo-waayo: Tusaale ahaan, sanadka uu Nebi Muxammad (NNKH) dhashay waxaa loo yaqaan Caamul-fiil, sanadkii maroodiga; waa sanadkii uu Abraha ku duulay Kacbada. Gobaysane waa sanadka ay dhasheen Sayid Maxamed, Calidhuux iyo rag kale oo door ku ah gabayga. Sida Shiinaha ma lahayn magacyo 12kii sanoba soo noqnoqda.

Gabagabo: Magacna ma baxo iyadoy waxbana jirin. Wixii jira uun baa magac leh. Wixii la jirayn (la malayn karo) karana magac baa loo yeelan karaa. Magac waxaa looga dan leeyahay in lagu kala soocdo, lagu kala garto wixii jira, amma la jirraysto. Wax-walba oo Soomaalida ag yaalla amma ay yeelka ku haysato magac ayey u leedahay. Ha is oran magac uma laha, haddii aad magacan weydo. Baar, oo cid walba oo aqoon ku dheer weydii!

Raadraad:
[1] Ilays Academy. “Kaltirsiga Soomaalida.” <Dhaw>
[2] Infoplease. “The Names of the Days of the Week.” <Dhaw>
[3] Cabdalla Cumar Mansuur. Taariikhda iyo Luqadda Bulshada Soomaaliyeed. <Dhaw>

4 thoughts on “Aqoonguud

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s