Mooye / Uncategorized

Ballan-jab

Bare cusub ayaa dhawr maalmood maaddada Fiisigiska ka dhigay dugsiga sare ee _________. Waxa uuna noqday baraha kaliya ee dugsiga, kaas oo ay barteyaalka wax-ka-dhigtay aad u jeclaysteen wax-dhigistiisa—wali ba furfuristiisa hufan ee maaddada Fiisigiska—iyo warcelimihiisa diirran, ee fahmada barteyaalkiisa kobciyey.

Barihii waxaa loo wareejiyey dugsi kale oo ku yaalla goballada mid—oo ay badan tahay in ay __________ ahayd. Taas ka dib, barteyaalkii waxa ay isugu soo baxeen muddaharaad. Waxay dalbadeen in looga warramo sababaha barihii la jeclaa looga baddalay dugsiga. Hadalladooda qayaxan ayaa misana qaar habaarro qaba si kale u qallibeen—arrintii ba waxay isu baddashay _________ iyo _________. “Maamulka _________aad yuusan na cadaadinin,” iyo weedho kale oo la mid ah ayaa la isla dhex meeray; waxayna xambaarsanaayeen dhiillo laab-la-kaceed. Fadqalaladaas baa waxaa ka dhashay taxaabis ay ciidanka amniga, oo dugsiga sakadda soojeedkiisa ah ka soo dareeray, barteyaal tobaneeyo ah xir-xiraan.

Waxaas oo dhan waa wax na looga sheekeeyaye, annaga xiisaddii Ingiriiska ayaannu bartanka kaga jirnay. Waxaan se ku rumaysannay, oonnu ogayn askarigii noo soo galay markii dhibkaasu socday ee nagu la dardaarmay, “Hooy, qof habeen far taagay ba waxaa loo baxshay Fartaag e, ha is muujininna!” Qaaddannay.

Maalmo ka dib baa waxaa soo baxday sheeko kale. Waa sheeko dhex martay barte xabsiga galay iyo qof uu jeclaa, oo ay arrintii bannaanbaxu kala fogayn gaartay. Sidii la warshay, markii ay labadu indhaha iska qaadeen ayaa waxay isku bariidsheen:

Baashow
Ballankii
Ma bur buu
Ku baxnaa?
Bardihii
Barti uu
Ku bognaa
Keli baan
Baylahdeey
U badnaa

Bixiyaay
Ma bannayn
Baashaa
Ba’e saw
Billadlii
Bixistii
Barqadii
Baxbayaan
Burburshay
Nama bixin
Baabuur
Nagu burin
Xabsi bacad
Nagu budlin
Baarbaar
Naga badin
Lacag badan
Baadyaa
Na ye “Baxa”
Oon bixin
Baratadan
Beeggeed
Way ba kane!

Bal sheekadaas ka buuxi meelaha bannaan, waa dhab iyo dhalanteed la isku laaqay e!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s