Idiris M. Cali / Maqaal / Masafo

Barashada iyo Bartaha

Heesta hoosta ku qoran waxa aan June 21, 2014 kaga qaybgalay xaflad-qalinjabineed (sanadguuradii sagaalaad) oo ka qabsoontay magaalada Boston—xafladdaas quruxda badan oo ay soo agaasimeen bahda SALSI (Somali Association for Literacy & Social Improvement). Heestu waa masafo, leh jaangoynta “heesta-maqasha.” Heestu waa masafo oo waxa ay u taxan tahay bayd-bayd (labo-labo-meeris). Waxa ayna dulucdeedu tahay: … Sii akhri

Maqaal / Uncategorized

Aqoonguud

Maxay af-Soomaali ku noqoyaan magacyada bilaha, iyo maalmaha? Imisa qaybood ayey maalintu ka koobantahay? Xilliyadana magacood? Dad badan baa warcelimaadyo kala wada duwan ka bixin kara weydiimahaas. In kalena war iyo wacaal uma hayaan! Haddaba, aynu isku gebi ka taagnaanno, oo dib isu barno bal inta magac ee ay Soomaalidu u kala yeelatay: Maalinta: Waxay u … Sii akhri

Idiris M. Cali / Maqaal

Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada

Hordhac Qofka maanso curinaya waxa uu adeegsanayaa af iyo ereyadiis; waxa uuna dhambaalkiisa u dawinayaa cid Allaala ciddii uu u garto inay maansadiisu khusayso. Marka, waa muhiim inuu qofkani adeegsado ereyo iyo balaaqo ku habboon hadafka maansadiisa. Haddii ay maansadiisu ku socoto mujtamac iyo dad, waxa uu qofkani maansadiisa gundhig uga dhigayaa dhambaal khuseeya mujtamacan … Sii akhri