Abshir N. F. Bacadle / Gabay

Qabyaalad!

Lama soo koobi karo maansooyinka gabayada u badan ee uu Wadaad iyo Abwaan Abshir Nuur Faarax (AuN) u hidiyey inuu ku saxo ummada Soomaaliyeed. Qaadka iyo hubkaba wuxuu ka mariyey maansooyin uu kaga dhigayo inta ummada kamidka ah ee u heellan labadaas qalladood, ee halista ah. Gabayga qormaddanna waxa uu abwaanku kaga hadlayaa qabyaaladda, qallada … Sii akhri

Jacbur: Kediye
Gabay / Jaamac K. Cilmi

Jacbur: Kediye

Gabaygan soo socda waxa uu tusaale fiican u noqonayaa maansooyinka an ku khasbanayn tibixqaarraanta amma qaafiyadaynta buuxda. Sida buraanburka oo kale, gabaygani ma laha tibix gaar ah oo ay (ereyo dooran) meerisyadiisu ku duluc-dhabanyihiin—min billow, illaa iyo dhammaad. Hasayeeshee, farqiga gabaygan iyo buraanburka u dhaxeeya ayaa wuxuu yahay in buraanburka uu leeyahay tuduc amma xirmo … Sii akhri

C/qaadir Cabdi Shube / Gabay

Hogattus: Shube

Gabaygan soo socda, oo ku fiican in loo bixiyo “Hogattus,” waxaa dhawaan tiriyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube). Inkasta oo uusan gabayganu dhammays ku ahayn halkan, haddana intan dhigani dhabanahayska jira ayey sidii dhambiil ina ku shidan ina dhugansiinaysaa. Abwaanku wuxuu ku dadaaley muujinta illimaha ay Soomaalidu u go’ayso, oo uu jahligu ugu horreeyo. Jahli debadii, … Sii akhri

Mawaashigu: Af-Qallooc
Gabay / Xaaji Aadan Af-Qallooc

Mawaashigu: Af-Qallooc

Tixda gabayga ah ee soo socota waxaa tiriyey (AHN) Xaaji Aadan Axmed (Af-Qallooc); arar ahaan ayeyna tixdu ugu soo shaac baxdey buuggii Asaaska Naxwaha Af-Soomaaliga ee ay wada dhigeen guddidii af-Soomaaliga 1971i. Dhabtii, tixdu waxay ilays ku tahay daalicinta dadaalkii iyo dhabar-adeygii guddida—oo uuna Xaajigu xubin sare ka ahaa. Waxa intaa dheer, in tixdu ay … Sii akhri

Gabay / Kayd Maxamed Cabdalla

“Qufful”: Kayd

Gabaygan “Qufful,” oo uu teriyey Kayd Maxamed Cabdalla, waxa uu gabyaagaas dabeebtay ku furay tuduc-tiraabahakan: “… waxa aan halkan ku qabanayaa gabay ku saabsan hoggaan-beeleedka, sida: Boqorka, Suldaanka, Ugaaska iyo garaadada. Waxaa jirtay in nin waliba reerkiisa askari, looyar, amma xaakin u ahaa intii aan ilbaxnimada dawladnimo la gaadhin. Markii bulashadu ismaashushay guud ahaan—ee la … Sii akhri

Gabay / Maxamed I. W. Hadraawi

“Galangal”: Hadraawi

“Galangal” waa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 1970kii. Waxa uu Hadraawi gabaygan ku muujiyey taageerada ay ummada Soomaaliyeed u haysay shucuubta Indoo-Jayna (Fiitnaam, Laa’us, Kaamboodiya), kuwaas oo dagaal 20 gu’ood jiitamayey (1955 – 1975) libin u diiday quwadaha reer Yurub iyo Maraykanka. Gabaygani gorfayn uma baahna, oo isaga ayaa is furfuraya, taariikhdana si … Sii akhri

C. S. M. Timacadde / Gabay

“Hadafka Baarlamaan”

Hadday Soomaalidu in uun dhiig leeday, madaxa Timacadday ku hagaagi layd. Se “Waa wax Rabbi doorshoo, doc loo raaco lahayne,” dagaalkii, dilkiyo dhicii, maato dooxiddii, marin-habowgii, dulligii, dacaskii, dan-seeggii, doqontinimadii, daciifnimadii, duni-ka-hadhkii, dib isu hayntii, dabar gelintii, qallimo daadiskii, dacuunkii qabyaaladda ahaa, iyo aakhiro diidkii ayey sida kalluunkiyo biyaha ugu nooshahay. Waa caqli foorar, waji … Sii akhri

C/laahi M. A. Dhoodaan / Gabay

“Galaalxoor”: Dhoodaan

Soomaalidu meelkasta oo ay ku nooshahay waxa ka dhaxeeya waa suugaan. Suugaantaasuna waxa ay aad ugu qurux badantahay maansada oo murti aan lalliicin karin lagu soo bandhigo, isla markaasna lagaga waramo isla xaalka taagan: siduu ku suurtoobay, kan soo socda mustaqbalkana u saamayn karo. Gabaygu waa summada taariikhda, sidaas ayuuna mar walba hadafkiisa ugu weyni … Sii akhri