Geeraar / Uncategorized

Gef-ka-dirir: Geeraar

“Qorraxdii dhacdaba teenu way, kala qaxaysaaye!” Timacadde (AUN)

Waa sidaa xaalkeennu, illaa waligiina wuu ahaanayaa, haddaynun dooran inaan sidan isu dhaanno. Waxa layaab leh, in xagaaf (waddo) ay reer Yurub inagu dirqiyeen inoo noqdo marinka ugu habboon een duni ku gaadhi laheen. Waa in ay ina tusaan—fartana inoogu fiiqaan, inaguna dhaliyaan, isla markaasna ina aamin siiyaan—sida nolosheennu u dhismayso, iyagoo daad nacayb riixaya ina dabbaashiiyey. Tusaale iska kooban ayaa ah, in, haddii aannu nahay Soomaali, aannu sheegano wadan laba geesood leh (maanta se sida uu ku socdo waa mid liicsan oo keligii madaxa meereerinaya), amaba sida caamka ah, aannu ku hadaaqno in wax la yidhaah “Shanta Soomaaliyeedi” jirto. Dhammaan mawqifyadan aamineed eenu aaminsannahay, kana dheragsannahay, waa mid lid ku ah, illaa xad, mawqifkii aabbayaasheenii iyo hooyooyinkeennii gobanimada dhicinteeda u guntaday. Dhammaan mawqifyadan aamineed ee reer Yurubku inagu tallaalay waa mawqif daacad u ah iyaga iyo illaa daba-dhilifyadii waligoodba u adeegi jiray dhamaadkii illaa billowgii qarniyadii labada ahaa ee tagay 18??-1960.

Waa nacabnimo haddii aannu reer Yurubka sidaa inoo galay eedda oo dhan saarno! Wax-garadka inagu jira uma suurtowdo inuu reer Yurub eersado—ha eersadee—asagoon se sarrayntii aabbayaasheen aan muujin. Waxa ay tani macnaheedu tahay, in muwaadin waliba oo Soomaaliyeedi ka kaaftoomo inuu raaco, amaba xuquuq moodo, waxay reer Yurub inoo qaybiyeen, ina oglaysiiyeenna, isla markaasna uu ku tallaabsado iskaashi uu la gaadho walaalihii, kuwaas oo muruqooda maala, duni oo idilna gambo ka doonin. Mawqifka noocan ah waa mawqifka qofka raba inuu is kaabo; balse mawqifka kaa lid ku ah waa mawqif burburin leh, imaana lagu ogayn.

Dadku iyaga ayaa is dhisa, cidi ma dhisto. Balse marka laga cag-jiido wixii “danta guud” ahaa, waxaa timaadda is riixriix aan  xal lahayn. Waa wareer in maanta, diciifka aannahay aawadeed, baddeennii la iibsado. Waa wareer in ay badhkeen sidaa fuliyaan, una suurto geliyaan inay caqligeena sidaasi degto, kuna samirno! Waa wareer in wadan Afrikaan ihi sidaa nala damco, reer Yurub ha nooba joogtee. Siyaabahan dhacaya aankan, iyo kuwa tagay ee foosha xun ee uu qaran midaysani la dhalan la’yahay, iyo kuwa darxumada iyo ka darraanshaha la soo hoyan doona, dhamaan, waa siyaabo aan ruux damiir leh, oo Soomaali ihi, ka hadli keri waayin. Waana siyaabahan waxyaalaha geeraarkan soo socda aan ku bidhaaminayo,  iiguna asiibka badnaa.

Geeraarkanu si aan gun dheerayn ayuu u soo koobayaa liidimaha ugu muhiimsan ee ku taariikhaysan sidaan u gumownay! Waa marka hora e, waxa uu simayaa, la doontena ka dhigayaa, dhammaan dadka qaarada Afrika ka soo jeeda. Waxay dadkani ka simanyihiin in gumaytuhu ku shaqaystay, maskaxda qaar badanna uu qalibay.  Hayeeshee, arintaa waxaa ku toosay geesiyaal, wayna ka la hakiyeen, ma joojinne, in gumaystuhu caqliyadiisa dadka reer Afrika ku wada beero (Sayidkaa markaa halkaa calanku saaranyahay). Gaar ahaan Soomaalida ayuu geeraarku ku xijiyey oo guuli u soo hoyatay, balse cabbaar kedib iska qalin-daartay. Sababihii uu qalin-daarkaasu ku yimid oo saddex geesood ah ayuu geeraarku deetana yara falanqeeyay. Xaalka eegga ee geeraarkaba dulucdiisa ah ayaa xiga. Gebagebaduna waa in la is-xil-qaamo, oo loo guntado sidii lagu taagmi lahaa. Illeen waynu karnaa anagoo Eebbe kaashanayna e.

Si gooni ah, taabanaysana xaalka maanta, waxa aan geeraarkan u unkay inan muujiyo galiilyada aan ka qabo Keenyaatigaa baddeena mayl illaa maly goostay, waliba dawlad-lama-sugaan inay dawladda xamar tahay qaar muujiyey u ogalaadeen. Runtii marnaba awood aan ku difaacanno baddeena malihin, oo berigiiba ma wada ilaashan karno. Lakiin dawladdii nagu edeb darraata, isla markaasna nagu xad-gudubta, haddii dawlad lamida oo iska celisa lahaynin, waa in dadku ka feejignaadaa in lahaanshaha qaybta dunida ay ku leeyihiin fara-gelin lagu hayo, si mustaqbalka dagaal aan waawaan lahayn looga soo dhacsado wax kastoo maqan. Una fiirsada, Afrika wixii gumaysigu taariikh ka qaaday waa ka madowdahay, balse dhulkii ayey, xoogaa uun hadda—muuqaal ahaan, ku mintidaan. Insha Allah, wixii na dulmiya mar uun baan ka aarsan doonnaa, walow anaga dhexdeenaba aan kala fududaanee (kala aar-goosanee). Xasuusnow, Sayidkuna waa kii yidhi:

“Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho kuu raacsho
Marun baa deddadu kaa ba’daa, diifihii cudure
Bal dayow dawaa’iga mar baad, diirsimaad heliye”

Waakan geeraarkii, iyo waxaad kala baxdaanba:

Geeraar maan kuba goohoon
Runta aan ku gorfeeyoon
Go’aan leexsan ku toogtoon
Danta guud ku bidhaanshoon
Gallad Eebbe ka doonoon
Si gun weyn u nolaado

Marki gaalku gumaysiga
Dusheenaa ku gawdiidshee
Baarliin ay kuba goosteen
Jeexjeexna u gaadheen
Gees walboo Afrikaana
Siday geeddi ka yeeleen
Qayrkood uga gaabsheen
Inkastoy ku guulaysteen
Saw Geesi ma diidinoo
Gacan-saydhiyo baruud
Gogga uuga rushaynoo
Gabalkood kuba aasin!

Guyaal baa ka dambeeyoo
Waatii guusha la qaatee
Dabadeed la is gaaxshee
Gamta laysugu joojaye
Ma cid baa na guhaaday
Annagays kala goynee?

Bal garwaaqso oo toosoo
Gadgadoonka salkiisiyo
Qaran yaa gudub liicshoo
Gaagaxshay nabadiiyoo
Xamar geeri u waaboo
Dadka oo dhan gumeeyoo
Gubay daarta iftiintaba
Walidaasna aan gaabsane
Gocondhooyin sii buula?

Bal garwaaqso oo toosoo
Gadgadoonka salkiisiyo
Qaran yaa gudub liicshoo
Dagaal gaas leh u xaytoo
Maanso guuna ku eershoo
Amxaar garbaha saaroo
Goosad baannu ahaanne
Yaa ku gooha negaadaas?

Bal garwaaqso oo toosoo
Gadgadoonka salkiisiyo
Qaran yaa gudub liicshoo
Amma guul darro qaarkeed
Goonni yaa u ahaayoo
Keli baan xukun goyn yidhi?

Afartaa dhan u guurshaye
Afarteerna aan giijoy

Soomaalay gebigiinuba
God hoosaad ku jirtaanoo
Geed-xunkaa idin laaqaye
Hadmaad gaadhka galaysaan?
Gumuc baa kaba guuxoo
Dhulku waaba guduutaye
Baddii sawtan la gaadee
Gadh-cas gunno la siiyee
Ar gudhiidhi saxiixday!

Gocondhuu nagu reebaye
Gebi waa na baleeyaye
Sawtan gaalki caddaa iyo
Kan madoobi gudboonyiin
Oo geyigeennu ka awdneen!

Gocondhuu nagu reebaye
Gebi waa na baleeyaye
Sawtan gaalki caddaa iyo
Keenanu u gudbooyiin
Geyigeena walaaqiis!

Afartaa dhan u guurshaye
Afarteerna aan giijoy

Gargaar baa lagu noolyoo
Laba goorba wanaag loo
Dadku ay ku gam’aane
Miyeynaanu is gaadhayn?

Guulle waa na arkaayee
Galladiisa an doonoon
Gebi saamaxad doonoon
Go’aankeena mideenoon
Go’ qudhaata ahaanoon
Casar gaasiray weeye
Dunidaa guradeediyo
Aan ahaano guruunkeed!

FG: Geeraarkan siyaasad iyo wajigeeda dhallaan-habaabista ah waa ka diir duwanyahay.

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:

Y W M X M Y

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s