C. S. M. Timacadde / Gabay

“Hadafka Baarlamaan”

Hadday Soomaalidu in uun dhiig leeday, madaxa Timacadday ku hagaagi layd. Se “Waa wax Rabbi doorshoo, doc loo raaco lahayne,” dagaalkii, dilkiyo dhicii, maato dooxiddii, marin-habowgii, dulligii, dacaskii, dan-seeggii, doqontinimadii, daciifnimadii, duni-ka-hadhkii, dib isu hayntii, dabar gelintii, qallimo daadiskii, dacuunkii qabyaaladda ahaa, iyo aakhiro diidkii ayey sida kalluunkiyo biyaha ugu nooshahay. Waa caqli foorar, waji … Sii akhri

C. S. M. Timacadde / Geeraar

“Casiisow Waa Mahaddaa”

Mahadinta Eebe waa darajo koraysa; waa hadaf lagu tartamo; waana aflaxaad caana oo in yar oo addoomiisa ka mid ahi ku baraarugsantahay. Wakhti walba, mahadinta Eebe, ku xisaabtan bay leedahay: Farxad iyo jacaylna waa laga korodhsadaa; dhibaatada ayey saartaa, guul iyo dagganaan caafimaadna way keentaa. Sharka ama khayrka aannu ka warhayno iyo ka aan dareen inoogu imanba Eebe ayaan uga mahadinaynaa; … Sii akhri

“Dix-Dhagaxeed”
C. S. M. Timacadde / Gabay

“Dix-Dhagaxeed”

C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa “hanad Soomaaliyeed oo haybaddii maanso [ee] uu lahaa aan umadiisa ku hodin kuna hagardaamayne, wanaageeda ugu adeegay.”≡ Waxa uu ahaa geeraarshe, calanka maansadiisu in badan sawir muuqda ka bixisay Soomaalida iyo “anshaxa xun” ee qabyaaladdu hormoodka ka tahay oo ay had iyo goor u heellanyihiin. Waxaa Timacadde la … Sii akhri

C. S. M. Timacadde / Geeraar

“Kaana Siib, Kanna Saar”

Maansadan soo socota waxaa la yidhaahdaa “KAANA SIIB, KANNA SAAR.” Waxaa tiriyay  Allah naxariistii Janno ha ka waraabiyee abwaan C/laahi Suldaan Timacadde, 25(6)kii June, 1960. Waxay maansadani astaan u tahay calanka Soomaaliyeed ee labada cayn ah. Waxayna inoo tahay “muraayad” aan ka daawano falkii xiligii calan-saarka dhacayey—sidoo kale maansadu waxay daliil u tahay shakhsadda (dabeecadda) fiican … Sii akhri

C. S. M. Timacadde / Gabay

“Qabyo”

Sida aanu wada ogsoonnahay, abwaan C/laahi Suldaan Maxamed ‘Timacadde’ (AUN) waxa uu ahaa halyey geesinimo iyo wadaninimo ku caan baxay. Timacadde (AUN) waxa uu gabayadiisa ku hagaajiyay wadadii Illaahayba ammaanay, waxa uuna carabkiisa ku cadeeyay in umad isku duuban dambigana ka fogaatay wanaagu ka maqnayn, balse cidii xumaanta doorataa cidhib dhigi doonin. Waxa uu in badan ka digey qabyaalada iyo shuqul xumadeeda oo … Sii akhri