C. S. M. Timacadde / Gabay

“Hadafka Baarlamaan”

*****

Hadday Soomaalidu in uun dhiig leeday, madaxa Timacadday ku hagaagi layd. Se “Waa wax Rabbi doorshoo, doc loo raaco lahayne,” dagaalkii, dilkiyo dhicii, maato dooxiddii, marin-habowgii, dulligii, dacaskii, dan-seeggii, doqontinimadii, daciifnimadii, duni-ka-hadhkii, dib isu hayntii, dabar gelintii, qallimo daadiskii, dacuunkii qabyaaladda ahaa, iyo aakhiro diidkii ayey sida kalluunkiyo biyaha ugu nooshahay. Waa caqli foorar, waji gabax, iyo galiilyo in maanta danta Soomaaliyeedi basto, dan nin gaar ihi leeyahayna holacdo. Se dawo malee, yaa dabiibi?

Maanta waxaan jeclaysannay, iyada oo heerka ummadu meeshii uu ka simbiriiraxday ee xumayd dib ugu soo laabtay, inan bal idinku baraarujinno maanso ka mid ah maansooyinkii qiimaha badnaa ee Ina Suldaan.

Maansadan, gabaygan aan maanta Ina Suldaan ku xasuusan doonno waa gabaygii loogu magac daray “Hadafka Baarlamaan.” Waa gabay qira weyn, isla markaasna si badheedha Soomaalida farta ugu godaya, dalbayana sida maanta caalamku (siiba wadamada aadka u horu maray ee Mareekanka, ikhm) doonay oo ah in dadku dawladdooda amri karo (ahna John Locke aragtidiisii). Kelidii-teliye waxa uu keenaa in ay dadku isku baaba’aan, waayo waa Fircoonoo isaga ayaa is tusiya in dadka oo ka sii jeedaayi awooddiisu xakama aan lagu dayi kerin. Sidaas ayuuna gabayganu ka warramayaa. Soomaalida markuu abbaarana, jilkii yaraa ee ceebta laga ilaashay ayuu hadimadiisa ka digayaa, dab-dacalla nimadiisana ina dareensiinayaa. Waa gabay runtii “Dix-dhagaxeed” la mataan ah; duxna ina geleniya haddaan maskax u heellan oo u madhan hayno.

Imikana gabaygii, oo bayaankiisu idiin cadyahay, ku soo dhawaada:

DHAGAYSO

Indhaweydba hobabaalo gabay, hoori malahayne
Hammigayga waataan ka jaray, kumana hawshoone
Hayeeshee waxan uga hadhgalay, hadiba meysaane
Haasaawihii baa dhintiyo, hilinki toosnaaye
(Anba) Kama hadheen gabay hadduu, haatan noolyahay e

Sidii hanad caruur badan dhalayoo, heedhe wax u sheega
Halkanaan ka wada waaniyaa, hadhiyo fiidkiiye
Hohay! malaha Soomaalidaan, hoos waxbow dayine
Waxan aad u hibataynayaa, kii horeen idhiye
(War) Waa hebebed maansadu haddaan, heegga loo fidine

Afarta higtaan hididin jiriyo, ani hubkaygii dheh
Heemaashi duuliyo sidii, haadda maw laliyey
An hantaaqoy maanta dabnuhu, hadal ma daayaane

Wakhtigaan haloosinay xornimo, inaynu soo hoyno
Hurdadii markii laga kacayey, huguntayey reentay
Marki loo hanjabay gaaladii, Herer mushaaxaysay
Ee heegadii Xamar kuwii, haystay laga saaray
Heeryada gumaysiga markii, harraga loo tuuray
Hayb-hayb hadday kala tahaan, laysu soo hiranin
Ammaynaan hufnayn dawladnimo, ma hungurayneene

Haydaaradii loo marayiyo, halasahaan jiidhnay
Hadh baa calanka laga soo dhacsaday, hadiyad maahayne
Waxaad hiigsataba maalin baad, soo hirgelisaaye
Hinjiyoy Adduunyada waxaa, ka hadho taariikhe

Ka habowday Soomaalidaay, hilinki toosnaaye
Hayaay iyo tolaay raganimaad, kaga habsaanteene
Wa waxa halkaa idin dhigayee, la hinqan weydeene

(Hadday taladu kuu muuqatoon, lagula haaneedin
Hifaatiyo waxay kugu tartaa, huqiyo ciilleeye
Anun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane)

Habar habartan loo kala baxiyo, hiririgtii yeedhay
Harqadii gidaarrada la sudhay, dumarki heesaayey
Hadaf baa dhismaha Baarlamaan, lagu huleeyaaye
Hadbana shicibku caynkuu yahaa, lagu hoggaanshaaye
Hannaanki wax loo dooran jiray, wali ma haysaane
Hadday taladu kuu muuqatoon, lagula haaneedin
Hifaatiyo waxay kugu tartaa, huqiyo ciilleeye
Anun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane

Duulkii habaar qaba jin baa, haan kalow lula e
Nin qabyaalad heenseenayaa, guul ma haybsado e

(Hadday taladu kuu muuqatoon, lagula haaneedin
Hifaatiyo waxay kugu tartaa, huqiyo ciilleeye
Anun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane)

Halbowlaha suntii idin jartay baad, hinif ka siiseene
Bahashii khalkiga heellisay baa, loo hadoodilaye

(Hadday taladu kuu muuqatoon, lagula haaneedin
Hifaatiyo waxay kugu tartaa, huqiyo ciilleeye
Anun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane)

Heerkaa intay taagan taheey, talo higgoonayso
Anun baa u hanganayee wanaag, uma hilowdaane

Afartaa hubkaan ridi jiriyo, halalacdiisii dheh
Hannaan gabayga waw marin jiree, hadalladaydii dheh
Hirarkaana waan maansaday, hiratay laabtii dheh

____________________________________________
FG: Meerisyada gabayga siduu (AUN) gabyaagu u marshay in yar ayaan ka duway, si aan u miisaamo, baydadka qaarna (kuwa waliba aan ku gadaal qoray calaamada [?]) aad u ma hubo ee waa sidaan u maqlay, haddaad soo sixi kartana isku hawli, fadlan.

Xog: Tixdan gabayga ah waxaan ka qoray codka gabyaaga (AUN) oo aan ka helay mareegta Hoygasuugaanta.

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W V W, W V W W V

Faallo u dhaaf