Gabay / Maxamed Cali Kaariye

Difaac Qaran: Kaariye

Qof ba dareenkiisa buu hadlaa; maansooluhu na dareenkiisa ayuu maansoodaa. Maansoolaha damiirka lihi waxa u wanaagsan kurti, duudduub ahaan, dadkiisa ayuu ka maansoodaa—meel kasta iyo mar kasta oo la joogo ba. Waxaa se jira maansoole dadkiisa kala sooca, qabyaalad ku kala sooca, siyaasad ku kala sooca, deegaan ku kala sooca, oo adduun (lacag iyo martabo) ku kala sooca—meel kasta iyo mar kasta oo la joogo ba. Maansoolaha hore degganaan iyo dhulkoo beeluhu si nabad ah u wada degganyihiin, oo aan sinnaba loogu kala durki karin, ayuu is dareensiiyaa, oo danta walaalaha (waa dadkiisa oo dhan e) u dhaxaysa ayuu si diirran ugu dabuub-xirtaa maansooyinkiisa.  Maansoolaha dambe se kala-duwanaanshaha (dhan abtirsiinyo, dhan hub iyo dhan tiro ee) dadkiisa ayuu uga faa’idaystaa isku-dirkooda iyo kala jajabintooda. Labadaas maansoolayaal marka ay afka is daraan, waxa haddii aynu “dadkii” nahay nala gudboon in aan xigsanno maansoolaha hore, ee damiirkiisu midnimadeenna iyo wanaaggeenna ka dab-qaato. Waa se haddii aynaan maansoolaha dambe ugu deeqaynin dareen qabyaaladeed, oo uu maanso diredireed ku furto, innaga na maskaxda innooga qabsado.

Haa! qof ba dareenkiisa buu hadlaa, oo maansooluhu dareekiisa ayuun buu maansoodaa. Bal se waxa dareenkan beera oo bacrimiya waa dadka uu qofku ka soo dhex biqlo, maansooluhu na ka soo dhex muuqdo. Waana in ay dadku ka maydhnaadaan xumaan haddii la doonayo in qofka iyo maansooluhu ba ay xumaanta ka maydhnaadaan. Marka, maansoolaha ka maydhmay xumaato, maansooyinkiisana laga ogaaday sidaas, waxa uu tusaale ka yahay dad iyaguna ka maydhmay xumaaato—dadkani na intay doonaan ha le’ekaadeen, oo ha ahaadeen qoysaska amma qofafka uu maansooluhu ka dareen qaato, ee uu la nool yahay, amma uu suugaantooda ku noolyahay. Haa! qof ku nool suugaanta Timacadde, ee marka ay jibbo qabyaaladeed qabato ba isku dhawra suugaantaas, lagama dhawro inuu dadkiisa qaar ku xumaado, oo uu qaar kale na xaqdarro ugu soo hiiliyo. Ka ma taliyo gumaadidda dadkiisa qaarka uu nactooyada daxalaysatay u hayo qof ay ku soo duxayso murtidii Maxamed Cali Kaariye (AuN), ee ahayd: Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaaye / Hal waraabe dilay baan ka nixioo dalkeenna ahe. Haa! qof ku tiirsan suugaan toolmoon iyo dad toolmoon kuma dhaco kala dirka iyo isku dirka dadkiisa. Maansooluhu na sidoo kale.

Hasayeeshee, dadkeennu ma wada fiicna, suugaantiisu na ma wada toolmoona. Sidaas daraaddeed baa loo helayaa qof xumaato walwaalaya iyo maansoole xumaato dhaaminaya. Waxaa se qofkan iyo maansoolahan ba—had iyo gooraale—ka hor jeeda, oo lid ku ah, qof iyo maansoole kale oo wanaag- iyo toolmooni-wade ah. Si haddaba loo shiiqiyo sharwadayaasha, waa in dadku uu ku celceshadaa, isku na boorriyaa waxa u wanaagsan iyo suugaantiisa wanaagsan. Tan ayuun baa lagu gaari karaa in xumaha la yareeyo, qofka xumaha wadana ay saamayntiisu yaraato. Waana innaga oo is xasuusinna gabay uu Maxamed Cali Kaariye tirshay, oo la yiraahdo “Difaac Qaran.” Sida uu Kaariye u dareensanaa aafada uu leeyahay maansoolaha qabyaaladda ku tiirsan ayey tahay innagu na in aan iska garanno qof kasta iyo maansoole kasta oo qabyaalada iyo kala qufka dadkeenna u xayd-xayta. Waxaanan qofkan iyo maansoolahan ba ka hor geyn karnaa afkaaraha iyo gabayada toolmoon, ee uu gabaygani kamid yahay. Xumaha iyo samuhu waligood ba ha is daba ordeen sida Yin iyo Yang, se ku soo dhawaada gabayga Kaariye (AuN), ee samaha inoo xambaarsan, samaheenana ka soo dhex baxay:

Gudcur damuug ah daw laga cabsado, iyo dalluun jeexan
Miiraale dooxyada rogayo, daadku mulucyeeyay
Aar diiqa leyl iyo mas iyo, daallunkiyo tuugga[?]
Amma Dayladhaafoo qabow, Diqimti Jiilaal ah
Dubatada cadceeddiyo hanfiga, diiran hilibkaaga
Dantii nimay waddaa baa dhex mara, diimadiimaha e
Hurdo wayga duuf waayadaan, umal daraaddiiye
Diilalyoodayeey xalay maxay, dihatay laabtaydu

Dawliskaa dhexdii laga jaree, dalawga laallaada
Darka jabay biyaha hoos ka da’ay, dakhalka iimoobay
Cirka da’ay dufaanka ku kacee, deeqdi gaaggixiyey
Geeddiga dib loo raray ciddoo, degi lahayd rayska
Daacuunka darayada noqdiyo, daafka iyo boogta
Ee dabakarruufkiyo kudkiyo, dugato daacaayey
Gabayada qabiilkoo duma-y, tahay dabuubtoodu
Ee duuddi kala qaaday baan, dood ka leeyahay e

Dumaal xumi walaalkoo dhintay, kugu diraysaaye
Ka darsoo hadday dibi dhashiyo, neef dalliigya lehe
Oo “Dooh” na waa lagu dayaa, awr haduuu dido e
Damiirkay canaantaye ma rabin, inan ka doodaaye
Soomaalinimadaa dayacan, yaan ka diir naxaye
Sheeko aanan doonayn bal aan, geliyo diiwaanka

Durub baa la faadhfaadhayaa, digo xabaallayde[?]
Dakhar holob lahaa baa ciddida, lagu damqaayaaye
Dakanaa ba loo yeelayaa, sheekadii Dura e
Doqon baa wax loo sheegayaa, dhaga daboollayde
Daa’imo carruuraa waddada, laga duwaayaaye
Duul aan lagaranaynin baa, loo dardaarwarinne
Tacab aan ku soo daalnay baa, daatay oo lumaye
Mid ka durug midna u durug is ma leh, dawlad iyo reere
Ninka gabayga doogta leh tirshow, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Geel se duqdii u weynayd hadday, orodka deyn weydo
Inu aarrankiisii durdurin, uu ka sii darayo
Dabadeedna kala lumi barkina, uu dibjiri doono
Oo aan dib laysula heleen, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Danwadaag waxaan rabin Allaha, Daa’imaa dila e
Haddaan daarta dhagaxweyn mid fudud, laysu dacal saarin
Darbiga sibirka ciid lagu dharfiyo, didibka hooseeya
Inta diilin laga saara iyo, daaqadda albaabka[?]
Dalays quruxsan diib lagu rinjiyo, midabka loo dooro
Haddii aan intaas laysku darin, inay dillaamayso
Oo aan dugsoon laga helayn, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Dixda hadalku meel lehe anoo, kaagi daba taagan
Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaaye
Hal waraabe dilay baan ka nixi, oo dalkeenna ahe
Dubbahaa innagu wada dhiciyo, duubiyada naarta
Ey laba da’ood oo is xigay, daabacays galisay
Dubkeennaa la qalayaa wadnuu, ila dubaaxshaaye
Dadka kama xigtide ula sinnow, taa ma dayi weyday
[Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid]

Duddada kii u horaa haddana, didiyey geeliiye[?]
Dabka wuxuu ka qaaataa shacbigu, dood abwaan yiriye
Carrab dalab leh iyo way gartaan, kii dantooda ahe
In la dala’san karo haw malayn, daa’in abaidkaaye
Dadweynuhu waxay leeyihiin, duun u hadalkooda
Lama arag dameer geeso lehiyo, dawlad reer qudha e
Waxay doonayaan wada jirkee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Dab haddii lahaystiyo haddii, gudin la daabaayey
Iyadoo an dawladi ba jirin, deyn u kala goysa
Dilku abidki waa toogo iyo, duunyo kale qaade[?]
Dorraad kii la jabiyaa berrina, daahya goyn jiraye
Inan qolona duub loogu xirin, waranna loo deebin
Ay dabar go’een uun ahayd, taas ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Hadal kama dammana baa la yiri, doqon habowdaaye
Sidaan damacsanaa iyo sidaad, adigu doonaysay
Kala durugsan oo waa Docmiyo, dibirki Ceelbuure
Soomaali oo duuban baan, deji lahaa meele
Diraacdaa ku raagtaan lahaa, roobku haw da’a e
Ha durduurataan lahaa nimcada, dararta xoolaaye
Ha is daadahaysaan lahaa, waa duntaa qudha e
Duud qaybsama sakaaradu ma lee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Dur iyo daabac kii loo ridaa, Naasaweyn dihine
Dabraceliska geeddiga xigeen, damacsanaa raaci
Dadka geedkan yaal baan lahaa, nabad u doondoone
Walaalaha is dooxaan lahaa, ha is daweeyeene
Dabku cadowku keenaan lahaa, daadiyoo quba e
Dillaalkiyo mallaalkaan lahaa, duubta gogalaaye
Daaraha Shawa iyo Xamar markaan, deer isugu keeno
Qaar kalaan ku soo dari lahaa, oo dirkooda ahe
Dawlad weyn ha noqotaan lahaa, waayo dabadoode
Damaashaadka faraxaan lahaa, daawasho u jooge
Arrin kaa dahsoon baa jirtee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid

Kaariye (AuN) waxa uu ahaa hobwaan miisaan culus ku leh bulshada maansaleyda ah. Waxa uuna ahaa waddani dalkiisa iyo dadkiisa ba jecel. Qarankuna waa dal iyo dad wada jira, sidaas ayuuna Kaariye u difaacay qarankiisa. Haddii ay dadku u turi waayaan dalkooda, oo ay u arki waayaan nimco uu Eebbe ku galladay, qarannimadii ayaa lumaysa. Haddii qarannimada lunta la daydayo, sida lagu soo heli karaa waa in ay dadku ka sinnaadaan ilaalinta iyo difaacidda dalkooda, gobal ba ka gobal, goob ba ka goob iyo goor ba ka goor. Sinnaanshahan lama heli karo haddii aan la helin siyaasiyiin daacad ka ah jeclaanta iyo u adeegista dadkooda, dadkanina ay daacad ka ahaadaan is jeclaantooda iyo isu adeegistooda. Sinnaanshahan lama heli karo iyada oo ay jirto caddaalad darrada ay koox waliba dadka dantu hoos gaysay ku cabbudhiso gobalaysi iyo siyaasad gumeed. Maxaa Soomaalida gobta ah hoos geenaya maamullo ay dunidu u qirsantahay gunnimo? Maxaa Soomaalida gobta ah qaran magacooda sida, oo ay dadnimadooda iyo diintooda ugu adeegaan, u diidaya—wax aan ka ahayn daacad li’i iyo xumaatadooda (qabyaaladeed) oo ay dugsadaan? Haddaba waxaa la joogaa xilligii xumaatadan lagu tirtiri lahaa samaha ay Soomaalidu dir u leedahay, oo ah Islaamnimo, Walaalnimo, Afrikaannimo, iyo Soomaalinimo—taas oo ka abuuranta is jeclaanshahooda.

Haddii uu is jeclaanshahani kugu duxayo, marna ma ka naxday, oo gargaar ma ula soo orodday keynaadyada qof ee Soomaalida ah ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku dhibaataysan, ee ay kala daashadeen barakaca baahsan, dagaallada ba’an iyo camal la’aanta naftooda in ay badaha iyo saxaraha ku halligaan u horseeda? Haddii kale, Kaariye (AuN) iyo inta uu matalo ka dab-qaado, intay goori goor tahay, oo qaranka Soomaaliyeed difaac si aad dalka iyo dadka ba aad u wada difaacdo!

2 thoughts on “Difaac Qaran: Kaariye

  1. Pingback: Cuddoonida Meeriska W/Q:- Idiris M. Cali | Dhaqanbile-Wada hadalka casriga ah

  2. Pingback: Cuddoonida Meeriska | Heeshi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s