Idiris M. Cali

Kowda Luulyo 2013

Hoosta ka daawo, akhrisana xogjeedin, ku saabsan kowda Luulyo, uu Idiris M. Cali u jeediyey Soomaalida Boston, 30-June-2013.

Dhigaal

Bismillaahir-raxmaanir-raxiim; alxamdulillaahi Rabbil-caalamiin; wassalaatu wassalaamu calaa ashrafil-ambiyaa’i wal-mursaliin; nabiyyinaa Muxammadin wacalaa aalihii wa-aSxaabihii ajmaciin.

Marka koobaad, aad buu u mahadsan yahay Saadiq, inuu igu soo dhaweeyay madashan. Dabcan anigu qof qudhaan ahay, kuma wada hadli karo magaca “Dhalinyarada.” Balse waxyaabo waan taataaban doonaa aan dhalinyarada ku baraarujinayo, hadduu Ilaahay yiraahdo.

Anigoo xasuus dib ugu laabanaya, intaan joognay caawa madashan, walaalkay Cabdiraxmaan shan su’aalood buu idin weydiiyay. Waxaa ka mid ahaa, Adigu halkee ka timid?ma NFD baad ka timid? Ma Woqooyi baad ka timid? Ma Jabuuti baad ka timid? Ma Koonfur baad ka timid? Ma Soomaali-Galbeed baad ka timid? Marka, su’aasha aan ku darsanayo, oon ku lixaynayo, waxay tahay: Shantaba ma ka wada timid?

Sababtaan sidaa u leeyahay waxa weeye, intuu[san] gumaystuhu noo iman, xad maynaan kala lahayn—waa xaqiiqo. Waxa kaloo xaqiiqo ah, haddii uunan gumaystuhu na xadayn, maanta Soot [South] Afrikaannu lahaan lahayn. Waxaad ku garanaysaa: Markuu Ingiriisku fadhiistay Keenya—Soomaalidu waxay ku jirtay [hayaan] dhawr boqol oo sano ay u hayaamaysay Koonfurta. Koonfurta ayay u hayaamaysay; Woqooyi way ka hayaamaysay.[1] [Gumaystuhu markuu] naga yaabay xawligii aan ku soconnay ayuu na xadeeyay, uu yidhi: Halkaa ma dhaafi kartaan. Shuruuc buu ka soo saaray.

Markaas, gumaystihii sidaas dalkeenna u soo koobay, islamarkaasna na kala qoqobay, wixii uu nagu kala qoqobay inaan maanta u istaagnaanno ma’aha! Oon aaminsanaanno, “Waxaan ka imid Jigjiga” amma “Waxaan ka imid halkaas.” Intaba waan ka nimid! Anigu waxaan ku dhashay Xamar. Dadkayagu waxay ka yimaaddeen Woqooyi. Waa isku kay mid! Labadaba, iyo inta ka badan ba [ee geyiga Soomaaliyeed] waan wada leennahay. Inshaa Allaahu, maalin aa maanta ahaynna way kulmaysaa. Calankaas [Samada kii u ekaaye/xiddigaa mid la siiyayow!] ayayna wada yeelanaysaa.

Sidaydaba waxaan ahayn suugaan-uruuriye. Waxaan uruuriyaa gabayada, buraanburrada, jiiftooyinka—wixii Soomaalidu tiriso. Markaa maanta waxaan jeclaaday inaan dhawr tuducood, oo aan soo koobkoobayo, dhawr abwaan ka soo kala qaato—si aan si dhammays tiran u xusno kowda Luulyo.

Soomaali haddaan nahay, waxaan caan ku nahay gabayada; maansooyinka. Markaa Ilaahay waxaan ku mahadinayaa dumarkii noo buraanburay. Sababtoo ah, wadnahaygay gilgileen, idinkana way[din] gilgileen. Oday Cabdulcasiis oo dabcan soo qaadqaatay meerisyo fara badan—aad buu ugu mahadsan yahay. Markaa, haddaan Soomaali nahay waxaan ku soocannahay: Gabayada iyo maansooyinka. Halkaas ayaa summadeennii ah oo nalaku yaqaannaa. Iyadaana taariikhdeenna noo koobtay.

Anigoo dhalinyarada insha Allaah ku soo noqon doona ugu dambaynta…

Xornimadii waa la doonay. Dad farabadan baa u dhintay. Waddadaa la marayay dad farabadan baa maansooyin ka tiriyey. Xaliimo Shabeel oo ka mid ahayd dadkaa buraanbur ay tirisay [haddaan] ka soo qaato saddex meeris, waxay tiri:

Go’aan baan gaadhnay isticmaarka inaan gubnaa
Guhaad iyo ciil nin qaba yaa wax gaysan jiray
Sharduu naga guuro gaashaanka waa la hayn[2]

Xaliimo Shabeel. Ilaahay ha u naxariisto.

In badan baan maanta ka sheekaynay SYL. SYL afhayeen bay lahayd; gabyaa bay lahayd. Soomaali badan baa u gabayday, balse ninka ugu caansan ee la yaqaanno wuxuu ahaa Cali Xuseen Xirsi. Allahaw naxariisto. Gabayo badan, oo uu ku taageerayo hadafkii ay u taagnaayeen ayuu tiriyay; oo uu midnimada Soomaaliyeed ku xoojinayo ayuu tiriyay. Markaa…dib buu ka tilmaamayaa waddadii loo soo maray sidii gumaystaha la isaga dhiciyay. Wuxuu ku bilaabay:

Markay calanka noo doonayeen, danabbadii dhaartay
Daandaansigii maalintii, la is duqeynaayay
Hanoolaatadii lagu dalbaday, daalinkaan erinnay
Diigaanyadii weerarkaad, dixida mooddaysay
Meydkii la daadshiyo kufriga, dooxatadu laysay
Ninkii doobta laadlaadin jirey, daqarki loo geystay
Dakanooyinkii laga gutiyo, godobti duugowday
Dunidaa ogayd waxa ku dhacay, daalinkii shalaye
Goortuu dirkiisa u cabsaday, dacar na loo qooshay
Dirqi buu ku dhiibiyo xumaan, dawladnimadiiye
Duhur buu ka tegay aqalladii, uu dakayn jiraye
Derbi adag docdaa waxa ka yaal, danina kaa hayso
Duul wada socdaa waa ridaan, waana dumiyaane
Dad is raacsan baa maalintii, diley waraabiiye[3]

Cali Xuseen Xirsi markuu gumaystaha ku sifaynayo “waraabaha,” [waa iyada oo] qarannimadii Soomaaliyeed lagu sifeeyay hal ay tahay in waraabaha laga dhiciyo. Waad maqasheen saarkii caanka ahaa ee Carays Ciise maalintuu lahaa, “Aan kala weydaarranee, waraabow maalin wacan.”

Hayeh! Maxaa dhacay markii calanka la helay haddaba? Markii calanka la helay, weli waxaa muuqatay in gumaystuhu dibindaabyo wado. Dadkii wuu kala xidhay—maaddaamay qaar u shaqaynayeen, qaar kale na aynan u shaqaynaynin, dadkii wuu isku diray, cuqdad buu dhex dhigay. Sidaas daraaddeed, dibindaabyo ayuu ku kacay. Dibindaabyadaas si looga digtoonaado Xaawo Jibriil oo buraanbur ka tirisay waxay tiri:

Wali ma ayn quusan nimankii na qaybsan jiray
Qamuunyiyo ciil rag baan maanta qado dhadhamin
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada
Markaan is qalayno cadawgeennu waa qoslaa
Ee qoloqolowgaasu qalbigiinna yeyan gelin
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada
Dadkaan qaar u nahay waa la quursadaa
Hadba waxaa loo qisaasaa dambi eyan qabin
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada
Qaayaheeda yaa xornimo dhiiggu ugu qubtaa!
Ee cadaawuhu nooma umuline ha qawadeen!
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada[4]

Buraanburku wuxuu leeyahay maaddo dhiigga kicisa. Waxaan xasuustaa markay dumarku buraanburayaan jaangoyn ay ku jaangoyn jireen, ay dhihi jireen: I kacay dhiiggaa i kacay! Buraanburkaas [Xaawo ee] ereyadaas lagu dhisay [ee] quruxda badan inuu dhiigga dhaqaajo waaye. Xasuustaas lama illaawaanka ah annagoo haysanna ayaan maanta u dabbaaldagaynaa kowda Luulyo. Waana mahad Eebbe.

Waqtigu waa kooban yahay, dhalinyarada wax kale oo haysta ma jirto: Waxaa haysta uun inay bartaan taariikhdaas. Cid kale oo ay ka baranayaan ma jirto; waa waalidiintood [uun]. Dadka waaweyn inay ku xidhmaan waaye. Oday Cabdicasiis waxa uu inoo sheegay inuu jiro “Generation Gap.” Nacam dhalinyaradii iyo waayeelkii oo kala tegay. In taas la isku soo dhaweeyo waxaa keenaysa in si maskaxi ku jirto dadkii u wada hadlaan; inay dhalinyadu ku taxmaan waalidiintooda, taariikhdana ka guraan.

Insha Allah waxaan ku soo gabagabanayaa gabay uu tiriyay Allahaw naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc, oo ahaa abwaan weyn oo Soomaalidu aad u wada taqaanno. Dhalinyaraduu ku guubaabinayaa; xaqiiqooyinkuu tusayaa nolosh[u leedahay]. Dhalinyaroy inaad si fiican ii dhagaysataan waa muhiim. Aniga laftayduba waan dhagaysanayaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.

Hadduu geed engego xaabadaa, laga idlaystaaye
Mid yar oo iniintiis ah baa, soo awaal baxa e
Isagaa anfaaciga hadhkiyo, oodda kaafiya e
Dadka odaygu goortuu ka baxo, iyo islaantiisu
Ubadkooda hadha baa tabcoo, aayatiin hela e
Marki Aadam iyo Xaawa iyo, keynta la abuuray
Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba, ku isirraayeene
Umaddaan shabaabkeedu hanan, waw ayaan xuma e
Inamiyo hablaba waxad tihiin, aarankii kacaye
Itaal gabe dadkiinii horoo, waydin aragtaane
Idinkaa amaanada xilkii, eeggan qaabbilaye
Israafkiyo fadhigu waa waxaad, ku anbanaysaane
Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay, oohin kugu reebye
Ayaantii ku dhaaftana waa, waxan la eegayne
Iskiin wax u qabsada noloshu waa, udub dhexaadkiiye[5]

Insha Allah, waxaan ku soo gabagabaynayaa—maaddaama oon qabyaalad ka wada hadalnay, in badan, oon durnay—cambaareeyihii ugu weynaa ee qabyaallada cambaarayn jiray wuxuu ahaa Cabdullaahi Suldaan (Timacadde). Nabarkii ugu weynaa uu ku dhuftay haddaan is xasuusinno—oon ku dhaqanno Ilaahay (subxaanahu watacaalaa) aayaddiisa [ah] in qabiil la isku garto—ka dibna qabyaaladda inaan nacno waaye. Saan ku nacaynana Timacadde waxa uu ka yiri:

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Waad salaamantihiin.


[1] Eeg Cabdalla Cumar Mansuur, Taariikhda iyo Luqadda Bulshada Soomaaliyeed.

[2] Eeg C. C. Faarax (Barwaaqo), “Baaxadda Suugaanta Haweenka Soomaaliyeed ka Weyn Wax la Cabbudhiyo oo Cagta Hoosteeda la Gesho.” [http://goo.gl/gfm2t ]

[3] Eeg Cismaan Al Xakiim, “Cali Xuseen Xirsi: Halgamaagii la’ Illaaway.” [http://goo.gl/bFJD7]

[4] Eeg Higil, “Xaawo!” [https://jidhidhico.wordpress.com/2012/12/24/xaawo/]

[5] Eeg Shunuuf, “Maansada Dhalinyarada.” [http://shunuuf.tripod.com/geedengago.html]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s