Latest Entries
Curis / Uncategorized

Midnimo!

Midnimada dad badan baa u qeexa mid-ahaansho. Dhabtii, midnimadu waa mid-ku-ahaansho. Halka ay qeexdinta hore ka muujinayso wax mid ah, oo aan xitaa laba ahayn, waxay qeexdinta xigtaayi muujinaysaa wax ka badan mid, oo haddana isku xiran. Xiriirkan weeyi midnimadu. Waxa uuna xiriirkani muuq leeyahay marka isaga dartiis la’isugu yimaaddo—oo ay duulal kala yaallaayi isugu … Sii akhri

Idiris M. Cali

“Qoladii xagluhu ay dabcaan, Xays-balow di’iye” ayuu Dhoodaan mariyey. Sidaas oo kale, qoladii dagaal lagaga adkaado waxa ugu xun ee ay filataa waa taariikhdeeda oo laga “fara-xumeeyo.” Bal AKHRISO maqaal qiimo leh, oo si wacan u soo koobaya sida uusan Tooni Balayr sinnaba uga gal-galan karin aafadii uu Ciraaq ka geystay! Gaar ahaan dhugo kalmaddan uu … Sii akhri

Gudbadhig / Idiris M. Cali

Ducaadda Maanta Doorkooda

Daacinnimadu waa ugu yeeridda dadka xagga Eebbe. Cidda hawshaas qaaddana waxa uu Eebbe ku ammaanay, “Yaa ka hadal wacan qof dadka ugu yeeray xagga Eebbe, oo falay waxa saxda ah, yirina, ‘Waxaan kamid ahay Muslimiinta’?” Ducaadda Muslimiinta ah waxay ku gawracantahay yeelista (sida Muslimiinta oo dhan) Nebi Muxammad (NNKH); waana in ay sida ay hawshooda … Sii akhri

Mooye / Uncategorized

Ballan-jab

Bare cusub ayaa dhawr maalmood maaddada Fiisigiska ka dhigay dugsiga sare ee _________. Waxa uuna noqday baraha kaliya ee dugsiga, kaas oo ay barteyaalka wax-ka-dhigtay aad u jeclaysteen wax-dhigistiisa—wali ba furfuristiisa hufan ee maaddada Fiisigiska—iyo warcelimihiisa diirran, ee fahmada barteyaalkiisa kobciyey. Barihii waxaa loo wareejiyey dugsi kale oo ku yaalla goballada mid—oo ay badan tahay … Sii akhri

Idiris M. Cali / Jiifto

Hooyaday!

Saarkii “Hooyo” ee Careys Ciise xusuus dib ugu noqo; amma halkan ka daalaco. Waxaa jirta qasiido gaaban oo af Ingiriis ku soo baxday, curiyaheeduna yahay Yuusuf Islaam, oo hooyada ka sheekaynaysa; waa qasiido ay ubadkeennu ka baran karaan muhiimadda ay leedahay in loo riyaaqo Hooyo. Gudbadhigista qasiidadan oo ah jiifto, iyo saarka Careys Ciise wax … Sii akhri

Heello / Yuusuf X. Aadan Qabile

Hadmay isu Hiilin Doonaan?

Berigii dhawayto ee ay Itoobiya daf tiri kuna fogaatay dalka, ee ay illaa Xamar jaqaafisay, siina dhaaftay, ayaan is weydiiyay, “Ba’aa, illeen Itoobiya awel ba way i haysatay, oo maxaan xasuusta uga gooyay tan?” Waxaan illowsanaa in Daraawiishtu aysan Ingiriis iyo Talyaani uun la dagaallamine ee ay Itoobiyana la dagaallameen; oo ay kula dagaallameen haysashada dalkayga! Ka … Sii akhri

C/qaadir Xirsi S. (Yamyam) / Jiifto

Soomaali waa Tuma?

Soo baxday 1978kii, dadka qaar(1) baa heestan marka ay faaqidaan ay ka soo go’daa in Soomaalinimadu waxa ay tahay ay sidan u qeexawday—iyaga oo waliba ogsoon waayaha dagaaleed ee ay heestu ku soo baxday—oo ah, in, Soomaalidu ay leedahay darajo aysan sinnaba uga gedmi karin! Annagoo tuducda ugu dambaysa dhuganayna, bal aynu hubinnee, anoon wax ba saafin, ku soo durka heesta: Wakhtiyada … Sii akhri