Cabdalla Yuusuf (Hanuuniye)

Qiiro!

Jiilkii dhexe ee fanka Soomaaliyeed heegadaas ku shareeray ayuu Cabdalla Yuusuf (Hanuuniye) ka mid yahay. Waa hoobal dhammays ah – tumid mashdhac, laxamayn, iyo halabuurid ba. Hoobalnimadiisa waxa uu uga faa’idaystay, dadkiisana uga faa’ideeyay, bacriminta jacaylka daltinnimo. Soomaalida wuxuu ku hanuuniyaa jeclaanshaha dalkooda iyo dadkooda iyo diintooda (Islaameed). Haddii ay jiraan Soomaali diinta sharaftii iyo naxariistiiba ka diiray, hadday jiraan Soomaali dadkoodii qabyaalad iyo quursi dartood ku dilay, hadday jiraan Soomaali dalkooda necbaanshaha ay u hayaan darraaddeed burburin iyo xaalufin ugu dadaal-joogteeyay, saw hanuunin intaniba uma baahna? Saw meesha kuma jirto doorkii halabuurka ee uu Xasan Sheekh Muumin (AHN) ugu hibeeyay inay Hibo shaaca ka qaaddo: Dadweynahaan hanuuninaa, haasaawinaa, dantaw hagnaa?

Haddaba, Hanuuniye waxa uu tusaale fiican u yahay halabuurka ay heestaas Xasan Sheekh Muumin ka warramayso. Dheg aan furnayni, hadal kaama dhuuxdo: Sidee bay Soomaalidu ugu raagtaa dhibaato qaran-la’aaneed hadday maqlayaan oo u soo jeedaan heesaha Hanuuniye? [Halkan Soomaalida Jabuuti, Itoobiya iyo Kiinya waad ka raali ahaanaysaan, maaddaama oo aad qaranno kala haysataan! Hasayeeshee, ogaada, siiba Soomaalida Kiinya iyo Itoobiyaay, in aydaan haynin dawgii Nebi Muuse ee ahaa: “Wa tilka nicmatunn tamunnuhaa calayya an cabbadta banii Israa’iil” (Gabayaaga:22) maaddaama oo ciidanka qaramadiinna Soomaali xasuuqeeda aad ku taageerteen.]

Dhabtii hanuuninta dhago u nugul ayuun baa ku hanuunsama. Dadka garansan wixii ka lumay iyo sababtay uga lumeen ayaa in yarna waxaas sida ugu habboon u baadi gooba. Soomaalida daltinnimadii baa ka luntay, sababtay uga luntayna waa iyaga oo nacay dalkooda, dadkooda iyo diintooda. Haddii aysan nicin intanba, Soomaalidu qaran la’aan kuma jirteen, oo dadkoodu kuma le’deen badaha iyo saxaraha dhimirna in badan kuma dheceen, diintoodana hub ay isku bahdilaan kama aysan dhigteen, dalkoodana ma xaalufsheen mana xumeeyeen.

Soomaalidu dhagaha ma furaysaa? Marka aan leeyahay “Soomaalidu,” waxaan u jeedaa “Soomaalida.” Haa, qaska iyo qalalaasaha lagu faraxumeeyay saddexda D (waa dalka, dadka iyo diintee) waxaa gacan soke iyo mid shishiba ku leh Soomaali. Soomaali ayaa toos iyo foolkafool isu dooxda; Soomaali ayaa nacab deris ah iyo ku ka sii duragsan ba isu soo deysa. Soomaalidan, oo runtii istaqaanna kuwa ay yihiin saa falalkoodii baan qeexay e, waxay daa’imeen dabbaqista faldhaqan ku salaysan wax uu Faarax Nuur ku tilmaamay: Waa duni xaqii la arkayaa, la arjumaayaaye!

Soomaalidu dhagaha ma furaysaa? Ma u furaysaa dhagaha, ma na ku dhaqmaysaa, labadan heesood ee uu u hanneeyay Hanuuniye?

Waa qiiree ma ku qancaysaa, oo qarankaaga ma u gurmanaysaa?  Qaranku waa dal iyo dad wada jira oo leh dawlad ay dadku hoggaankeeda leeyihiin. Dalka waxaad ugu gurmaynaysaa ilaalintiisa; dadkana waxaad ugu gumanaysaa daryeelistooda; dawladna waxaad ugu gurmanaysaa u-talinteeda. Haddaad saddexdaba sidaas ugu gurmatid waxay ka dhigan tahay qarankii oo aad u gurmatay.

Ilaalin, daryeel iyo talo waxay kaa soo go’i karaan haddaad laabta ku hayso in yar oo kalgacayl ah. Kalgacaylkan baa maaddada uu ku shaqeeyo waxaa la yiraahdaa “Daltinnimo” amma “Wadaninnimo.” Qof iska helay daltinnimo oo Soomaali ah waxa uu duni ka raadiyaa oo ugu weyn waa midnimada Soomaaliyeed; wuxuu ku baanaa, “Soomaalida ka midaysan afka iyo sooyiilka waa in ay yeeshaan dal iyo dawlad ay ku midsan yihiin!” Kani waa qof iska helay kalgacaylka dhalaya daltinnimada. Heestan soo horraysa ee Hanuuniye waxay ku dulcan tahay kalgacaylkaas isaga ah, oo ay in badan oo innaga mid ihi u baahan yihiin, jal ahaan. Waxay heestu ku bilaabatay,

Soomaali Weyneey
Waxad wadaagtoon
Wanaag ahayni waa
Waxyeeladaadee!

Somaalay waligaa
Waxad wadaagtoon
Wanaag ahayni waa
Waxyeeladaadee!

Waddanka qalbigiisu
Midnimadeenna weeyee!
Calanka wehelkiisu
Midnimadeenna weeyee!
Wax kasta horumarkoodu
Midnimadeenna weeyee!

Waxaad ogaataan
Walaalayaalow
Umad walaalaa
Waysku weyntahee
Kala ma weynee!

Wax nooga wacan midnimo
Soomaaliyeey la waa!

***

Soomaali Weyneey
Waxad wadaagtoon
Wada jirayni way
Ku wiiqayaanee!

Somaalay waligaa
Waxad wadaagtoon
Wada jirayni way
Na wiiqayaanee!

Waddanka qalbigiisu
Midnimadeenna weeyee!
Calanka wehelkiisu
Midnimadeenna weeyee!
Wax kasta horumarkoodu
Midnimadeenna weeyee!

Waxaad ogaataan
Walaalayaalow
Soomaali waligeed
Waysku weyntahee
Kala ma weynee!

Wax nooga wacan midnimo
Soomaaliyeey la waa!

Haddii uu Hanuuniye heestaas kore ku caddeeyay in ay Soomaalidu kala weynayn, balse ay isku weyn tahay (nacam is rabto), maxaa keenaya in ay is quursato, is qixiso, is qoonto (t.a. kufsiga baahay ee waayadan socda), is qaniinto oo is qudhgoyso? Warelintu waa in Soomaalida intan oo fal iyo in ka badanba ku kacda ay ka madawdahay in “Soomaalidu kala weynayn, balse ay isku weyn tahay.” Soomaalidani waa in ay ku hanuunsamaan heestaas!

Heestaas qiirada leh wuxuu ka dambaysiiyay heestan kale ee qiirada leh. Waa hogatusaale uu Soomaalidu ugu tilmaamayo sidii ay dalka, dadka iyo diintaba ugu shaqayn lahaayeen. Dhabtii, qof wanaag ku hawlan loogama baqo inuu xumo falo. Waayo, waa qof hawshoon oo aan kansho u lahayn wax ka baxsan hawshaas; haddii ay hawshaasi wanaag tahayna, wanaag ayuun buu qofkaasi ku hawshooday. Waa sidaas, oo hogatusaaluhu wuxuu yahay: Wanaag ku hawshooda, si aydaan xumo u falin! U malayn maayo hogotusaale kan ka qorqoran oo ka qurux badan oo Qur’aanka iyo Sunnaha ku qotoma inuu jiro. Wuxuuna ku bilaabay,

Qof kasta oo diin lahoo
Waddani daacada ahoo
Damiir leh Islaamnimoo
Dareenka Somaalinnimo
Xumaanta u diidayoo
Wanaaggana doonayoow

Haddad duul khayr leh tahay
Dalkeenniyo dadkeenna iyo
Diintu ha kaa nabad galeen
Nabadda uun ugu dadaal
Dan bay mid kasta u tahee

Haddaad dalka jeceshahay
Ha duminine dib u dhisoo!
Haddaad diinta faafin layd
Dadkaad bari layd ha dilin!

****

Qof kasta oo diin lahoo
Dadnimadiisiyo aqoon
Ku doonta wuxuu rabo
O aan dulmi iyo qabiil
Wuxuu damco ku raadidayn
Wanaaggana doonayow

Haddad duul khayr leh tahay
Dalkeenniyo dadkeenna iyo
Diintu ha kaa nabad galeen
Nabadda uun ugu dadaal
Dan bay mid kasta u tahee

Haddaad dalka jeceshahay
Ha duminine dib u dhisoo!
Haddaad diinta faafin layd
Dadkaad bari layd ha dilin!

***

Dalku[ba] dad buu rabaa
Diintuna dad bay rabtaa
Dadkuna nabad buu rabaa

Heestan iyo tii ka korraysaba haddii ayan wali kaa qiiraysiin, bal dhagaysigoodana isku day. Hoosta ka dhagayso waraysiga qiirada badan ee uu Hanuuniye heesahaas ku soo dawinayo. Sida kale, heestan dambe dhammaadkeeda saw Runi kuma cadda: In dal iyo diini ay dad rabaan, in dadkuna rabo nabad uu labadaba ku ilaashado. Soomaali badan baa maanta nabadda diiddan: Mar waxay ku diidayaan qori, marna qalin, marna qasacad ay tumaan. Marka ay qoriga ku diiddan yihiin qabqablannimo* ayay qoorta kula jiraan. Marka ay qallinka ku diiddan yihiinna qaranmoogni ayay qoorta kula jiraan. Marka ay qasacadaha ku diiddan yihiin qabiil ayay u durbaan tumayaan, oo qabiil baa qarannimada uga la xoog badan. Saddexdaba waxaa laga arraday daltinnimo. Iyaga ayaana Qarannimada geeyay meesha ay ku jabtay. Waase la iska qaban!

* Qabqablannamadii maanta faraha ayay ka baxday; waxaana looga yaabaa qof kasta oo aynu hoggaanka u dhiibanno! Qofkan dabarkii (daacadnimo ugu shaqaynta dalka, dadka iyo diinta ee) aynu qoobka u sudhi lahayn baa waxaa diiday qabyaalad; wuxuuna qofkani noqday mid qabiil u heensaysan. See markaas qofkan loo eersan karaa, iyada oo aan qabyaaladda laga adkaannin?

Faallo u dhaaf