Idiris M. Cali

Weydiin Godmatay

WEYDIIN GODMATAY
WQ: Idiris M. Cali
August 6, 2013

Waxaad u’kaadisaaba, ood u kuurgashaaba, mar baad la keentaa. Waxaan liqi kari la’aa aaraa’da ku cabbiran tuducda ugu dambaysa ee jiiftada Af-ku-Siran, taas oo guud ahaan innagu hawadinaysa in aynu garanno, kana soo baxno, doorkeenna dadnimo ee nolosha. Waxaan ku talaqaatay, bilaabayna, qalimidda qooraal aan unkaheeda ku weydiinayo cidda ay tahay, haddayse jirto, ta’ bixin kartaa “awoodaha” Eebbe “lagaga maarmo” ee ay aaraa’daasu jimciyayso. Taas aniga oo u foollan baa Eebbe Weyne waxa uu qaddaray in warcelinta aan u jeellanaa ay iiga soo maaxato saarka Dabahuwan, ee uu isla abwaanku tiriyay.

Dhawr gu’ ka hor markii aan kobgalshaha Aftahan, oo waagaas noolaan jiray, ka aqristay maansada Af-ku-Siran ayaan xasuustaa in aan isweydiiyay: Agah! Waa kuwee tallow awoodaha Eebbe lagaga maarmo? Sababta oo ah, in yar ka hor waxa inta aan carrabka ku qaatay dhuunta ii mari waayay labada meeris ee uu sida badheedhaha leh abwaanku isu daba taxay: Lama siin awoodaha/Alle lagaga maarmee. Waxaan malayn kari waayay awoodabixiye aan Eebbe ka ahayn, markaas baan haddana isweydiiyay: Dhegah! Yaa dadka siin kara awoodo, hadda ma’aha awood ee waa awoodo, ay Allahooda kaga maarmaan oo ay waliba, awoodahan dartood, Kelinnimo ugu suubbato? Ilaahow ilaah kale ma jiro, Adiga mooyaane!

Warcelinta weydiintan dambe, oo duunkayga ka ahayd “Cidna” waliba xooggan, ayay maansada Dabahuwan loogu magac daray ku ugnan (salaysan) tahay. Maansadaasu waxay ku tixan tahay dabuub ku afjaran murtidii abwaan Maxamuud Tukaale Cismaan (AHN) ee ahayd: Allaa weyn, [qofkii] aaminaa awood leh. Taas ayay dadka si xeeldheeri leh u xasuusinaysaa. Xaasha, abwaanka Dabahuwan tiriyay, kaas oo waliba Alla-aammin ah, loogama malaysto in uu ogyahay, dadkana u geeddigalinayo, jirista awoodo Eebbe lagaga maarmo. Waxayba aar’aadu dhabarjab weyn oo guuldarro leh ku tahay cidda Fircooniyiinta ah ee sidaas ka dhadhansata, dabadeedna ku dhaayo, dhago, iyo dhur beelka qabaysa.

Waagii Nebi Muuse (NNKH), Fircoonkii qooqay wuxuu qooqu geyaysiiyay in dadka uu ku qooq-dillaacsaday uu rabbinnimo u sheegto. Si uu taas ugu caddaymo helana, awoodo dadku Eebbe u ogyihiin buu isku talbiisay: Kuu doonana dilyayaa, tuu doonana nooleeyaa. Inuu addoon wax addoonsada yahay haabkiisa kuma uusan qaban. Inuu “dadka” uu abwaan Hadraawi maansada Af-ku-Siran ku xusayo ka mid yahay ismoogsii. Inuusan heli karin awoodo uu ilaahnimada uu isla mutaxay ku ahaado ismoogsii. Inuusan Kelinnimo, baahiba la’, awoodin ismoogsii. Ismoogsii Runta ismoogsii, wuxuusan awoodin isa sii. Waa Runtan waxa uu Hadraawi inoo tixayo, markuu qoray: Dadku waa addoommoo, lama siin awoodaha, Alle lagaga maarmee, keli lagu ahaadee, ha illaawin baqashada.

Haa! Dadku waa addoomo, oo la iskuma diiddana. Haa! Dadkan lama siinnin awoodo ay Alle kaga maarmaan, oo waa iska addoomo waxsiin u afkalaqaadan. U fiirso, “siin”ta meeriska labaad ee tuducdan ku xusan waxa ay lid ku tahay “keensasho.” Dadka waa la siiyaa, oo loo qaddaraa, ee ma keensadaan. Kolkaas, waa xaasha in ay keensadaan awoodo ay Alle kaga maarmaan. Dhanka kale, haddii ay siin tahay, Eebbe ayuunbaa Waxsiiye ah. Waanan ognahay, hadda ognahay, in uusan Eebbe dadka siinnin awoodo ay ku Kelinnimo sheegtaan. Eebbe Isaga ayuun bay u ahaatay Kelinnimo. Kolkaas Eebbe cidna uma uu baahi qabo. Qofka baahan, ee raba inuu Eebbe naxariis-guudahaaneed u naxariisto, waa inuusan hilmaamin baqashada uu Eebbe siisay mudnaanta ah: Ka idiinku sharfan, Eebbe agtiisa, waa ka idiinku dhawrsiinyaha badan (Xujuraat:13).

Kolka, waa iska weydiin godmatay, god dheer Alle geeda, weydiintii labada siyoodba ahayd ee aan isweydiiyay. Inkasta oo qof madaxa ka caabuqaystay uu shar uun ka siyaadsan lahaa godmatadaas isweydiinteeda, anigu waxaan dhabtii ka kororsaday cashar lama illaawaan ah: Waxaad u’kaadisaba, waad la keentaa. Abwaan Hadraawina labadiisan maanso meelo la duri karo kuma yaalliin. Waxaase taas dhaadan qof ogsoon sida uu abwaan Hadraawi uga qotodheeraystay Sayid Xuseen Nasr dhanka deegaan-u-doodka; iyo Ruumi, dhanka Quraan-maanso-ku-tixaynta;* iyo qof kale oo indheergarad ahba sida ay murtidiisu uga Run-gaadhsiisan tahay. Eebbe ha daayee, waa abwaanka abwaannada. Af-ku-Siran iyo Dabahuwan baa u daliil ah.

* Eeg dhugmada 6d ee maqaalka, “Rūmī and the Sufi Tradition” ee uu qoray Sayid Xuseen Nasr.

Xig: WardheerNews ka HEESHI

Faallo u dhaaf