Buraanbur / Xaawo Jibriil

Xaawo!

Buraanburley Xaawo Jibriil waxay ku dhalatay miyi sanadku markuu ahaa 1922i, laba gu’ kadib markii uu Timacadde dunida u soo baxay. Illaa iyo yaraanteedii waxay ahayd qof tirisa maansada qaybaheeda kala geddisan, oo uu buraanburku ugu badan yahay. Markii ay 1945i timid magaalada Xamar, waxay durbadiiba qayb-weyn ka qaadatay olalaayaashii SYL. Sanadahaas iyo illaa 1961i waxay gobannimodoonka u hibeesay toddoba maanso, oo ay afar kamid ah calanka ku ammaantay. Tan iyo intii ay kala jireen dawladihii Rayidka iyo Militarigu, waxay ahayd dhaqdhaqaad-badane hadba naqdida wixii ay u aragto xumo, dhan bulsheed iyo dhan maamulba, ee ka soo muuqanayey dadkii ay ku dhex noolayd. Sida Timacadde oo kale, waxay ka digtay qabyaaladda. Wixii ka dambeeyay 1991i na, waxay dumarka Soomaaliyeed maanso ugu dhawaaqday in ay dalka ay raggu burbursheen dib u hantaan.[1] Eebbe ha daayee, waa geesiyad in nolosheeda la derso ay tahay.

Maanta wixii ay Xaawo maanso tirisay ma soo koobi karno; qaar badan ayaa se lagu soo saaray buugga ay gabadheeda Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) qortay ee Saa Waxay Tiri: Maansadii iyo Waayihii Xaawo Jibriil. Hasayeeshee, halkan waxaannu ku soo tixi kolba maansada ay tirinayso ee aan ka helno galshada. Waxaanan ugu soo horraysiinaynaa maansada “Wataa quruxdii.”

Wataa quruxdii waa buraanbur ay 1960i markii calanka Soomaaliyeed la dawladeeyay tirisay. Waxay leedahay xejista, calanka iyo waxa uu matalo waa quruxe. Hana illaawina in quruxdaas si loo helo loo soo qudh go’ay, oo halako iyo laandayr loo soo maray. Marka, waxay leedahay, gumaystihii huleelay soo inuu qamuunyoodo ma’aha, marba haddii dadkii uu dullaystay madaxooda la soo kaceen, kana adkaadeen? Dadkii uu gumaaday, cunaqabateeyay, yar-yaraystay, bahda ka saaray, Sheekh Bashiir intuu ka dilay jidhkiisii “Ha lagu tusaale qaato” yiri intuu soo wadhay, marba haddii ay xorriyaddii ay u soo dhidideen, u soo dhinteen heleen, saw gumaystuhu inuu ooyo ma’aha; saw inuu dibin-daabyeyn ku kaco ma’aha? Dibindaabyadan ayey Xaawo ka digaysaa.[2]

Waxay Xaawo leedahay, dadyahow is-gaashaanbuursada, oo u wada sara kaca dhisidda dawladdiina uu dalkiinnu u baahan yahay, aad idinkuna u baahan tihiin. Iskana jira in aad gumaystihii ahaataan! Nacam, la saansaan ahaataan, waana halkii uu Timacadde ka yiri: Sifihii Isticmaarka, ka siyaadiya maanta! Nacam wixii uu horumar Isticmaaku ku faanayey inuu idiin keenay, wax ka sii sarreeya oo ka wacan la yimaadda, si aydaan dib dambe ugu baahan, oo uusan u helin marrin uu dib idiinku soo noqdo; nacam wixii xumaa ee uu Isticmaarku idiin keenay, ka leexda oo wax qurux badan sameeya, oo ka kaaftooma inaad sidiisii u dhaqantaan, haddii kale waxba kama duwanidin isagii!

Nasiib darro, markii loo dhaqmay sidii gumaystaha, ee waliba la soo dawaray hannaan-maamulkooda (sida Shuuciyada, Hantiwadaagga, iwm) waa waxay u kala burburtay umaddii midka ahayd, ee meesha qudha ka soo wada jeedday. Meeshay ka soo wada jeedday waa dalkeeda oo aysan ku dhici karin in ay ku kala tagsanaato; waa markii ay isku qulaambin jirtay miraha: Sharcigays ku kiin toloyoo, luuqaddaa tu waaxidahoo; arligiinna taaka ahoo, kuma kala tageysaan!

Taasi waa taas, ku soo durka buraanburka, dhuuxa, oo u laabxaarnaada in ay murtidu idinku duxdo:

Wali ma ayn quusan nimankii na qaybsan jiray
Qamuunyiyo ciil rag baan maanta qado dhadhamin
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada           [waa Calanka!]

Kurtiin qalab qaata oo dawladnimo qasdiya
… qaadannin bandiiro qaalin tahay
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada

Markaan is qalayno cadawgeennu waa qoslaa
Ee qoloqolowgaasu qalbigiinna yeyan gelin
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada

Dadkaan qaar u nahay waa la quursadaa
Hadba waxaa loo qisaasaa dambi eyan qabin
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada

Qaayaheeda yaa xornimo dhiiggu ugu qubtaa!
Ee cadaawuhu nooma umuline ha qawadeen!
Ee wataas quruxdiiyey Soomaaliyey qabsada

Jalkeennu maanta waa in aynu “Innaga” ka bilowno; kana leexanno tubta uu gumaystuhu inoo jeexay ee ah: Isnaca, isdila, kala-jaba, aan idinku dul noolaadee! Hana ka doonin gumaystahan meel naga shishaysa oo qudha; ka eeg dhexdeenna iyo inta nagu xeeran! Makra, waa in aynu is aragno; isu furnaano. Waa in aynu xitaa xumaheenna la dirirno, waaba mid la inoo keenay e! Waxaanan u gol leennahay, in aynu cunsurnimada aynu isku liidno, bulshadeenna dadka ugu fiicfiicanna u dirsoocno, aan ka tagno!

DHUGMO

[1] Waxaan sooyiilka Xaawo ka soo akhristay gorfayn kooban oo ay Ladan ka qortay buugga Saa Waxay Tiri: Maansadii iyo Waayihii Xaawo Jibriil. Fadlan gorfayntaas wada akhri, buuggana iibso si’aad wax badan uga ogaatid waayaha Xaawo.

[2] Gumaystuhu inuusan quusan waxaa u daliil ah: Dadkii u isha ahaa, oo uu kamid yahay I. M. Lewis, baa illaa iyo haddadan wada, oon ka harin, dibindaabyada Soomaalida, oo ku doodaya in abtirsiinyo ay Soomaalidu dawlad ku raadsato. Waa abtirsiinyadii ay SYL tirtirtay, una aragtay kudka Soomaali isugu iman kari la’ayd; waa abtirsiinyada burburisay qarankii labada gobal ahaa lana soo kaban la’yahay maanta; waa abtirsiinyada uu Timacadde in badan ka digay, oo ay Xaawana ka digtay. Marka dhan laga eego, buraanburkan iyo maansooyinka kale ee la dabuubta ah ee ay Soomaalidu tirisay waxay Soomaalida ka horjoogaan horor qallin iyo qoriba u soo qaatay inuu kala qaybsado! Akhriso qoraalkan uu qoray Cabdi Ismaaciil Samatar, si aad u ogaatid aragtida ay weedhan dambe faarfaartay.

Mahadsanidin, Bartamaha, inaad cajalkaas na soo gaarsiiseen!

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s