Hoyal / Saciid Maxamed (Harawo)

Gura-yare Dameerkaygow!

Hobwaan Siciid Maxamed Cali (Harawo) waa dalti Soomaaliyeed. Heesihiisa faraha badan marka loo noqdo, waxaa inoo soo baxaya dugsiga daltinnimada ee Soomaaliyeed iyo waliba dugsiga jacaylka ee Soomaaliyeed (DJS)! Ka hore, waa dugsiga ay aasaaska u yihiin: 1) Dareen-saafan iyo 2) Dabuub daltiyeed. Hobwaanku wuxuu halabuuray, oo laxameeyay heeso badan oo ay daltinnimo ku noolaato, kuna naallooto. Heesahan waxaa lagu cabbiray, ammaba ay ku halbeegan yihiin, dareen saafan, kaas oo ka soo go’a kasha iyo laabta hobwaanka. Heesihiisa intooda kale ee ku aroora DJS iyagana dareen-saafan ayey ku dhasheen.

Halkan waxaan ku soo gudbin doonnaa heesaha kala duwan ee hobwaanka; maanta waxaan ugu soo hor qaadanaynaa heesta “Gura-yare Dameerkaygow.” Heestani way ka far duwantahay maansooyinka ku dhisan is-xariifinta iyo faanfaanka ay laba maansayahan isugu halceshaan, isaga oo midi faansho geel, ka kalena kalluun amma ari, lo’, iwm; midi faaniso miyi, ta kalena magaalo, iwm, iwm. Si deggan, hobwaanku wuxuu ka sheekaynayaa nin iyo dameerkiisa uu dheefta iyo dhaqaale kaleba ku qabo—ninkaas oo ammaanaya dameerkiisa (ammaanta uu leeyahay), isaga oo aan la tartansiinaynin jire kale.

Haddaba, akhriso oo daawo sida quruxda badan ee uu hobwaanku heestan ugu luuqaynayo.

Gura-yare dameerkaygow
Gaadiidki dhaqankaygow
Geyi kale kamaad iman
Gacal ila shaqeeyow
Ii gargaare baad tahay
Misna guuto aan dhalay
Gurmadkoodi baad tahay

Gura-yare dameerkaygow
Giddi maalin iyo leyleey
Alabada intaad guri
Amma biya guryaha geynee
Marna beer galley aad fali
Shidaal kuuma an gadee
Gasiinkaagu waa cawsee

Gura-yare dameerkaygow
Marka aan gargaarraayoo
Gawsaha ka buuxsada oo
Xakamaha ku giijiya ow
Gaari kugu xiriiriyow
Guudkaagu waa dahabeey

Gura-yare dameerkaygow
Genyo-faras ka roonoow
Markad waajib gudataa baa
Guntigaan ka buuxshaa
Wixi calafku ii galo
Guulle looga mahadiiyeey

Gura-yare dameerkaygow
Gaajada xanuunka leh
Gaashaanka caabbiyaa
Garbahaaga weeyoo
Waxad gasho waxaad guddo
Ammaan gaar-ahaaneed baan
Diiwaanka kuu galin
Adduunyada ha gaartee!

Heey jac, jac jac jac jac!

Hordhaca iyo gorfaynta dhabta ee ay heestani mudan tahay mar kale ayaannu isla arki doonnaa, haddii Eebbe idmo. Inaan hadda taabtaabto waxaan uga dayrshay meeriska “Gaadiidki dhaqankaygow” oo dhabtii furfuristiisu qaadanayso ereyo badan, waaba heesta oo dhan e!

Mahadsanidin, Askarmotors iyo Keydmedia, inaad maqalka heesta na soo gaarsiiseen. Heestu sida ay u qorantahay waa siday halkan uga baxayso.

2 thoughts on “Gura-yare Dameerkaygow!

  1. abwaankani waddani aad ah weeyaan runtii sida qiirada leh ee uu u saameeyey dadka sidee loola xidhiidhi karaa ama aan u heli karaa cinwaankiisa haddii aan rabo inaan salaamo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s