Gabay / Jaamac K. Cilmi

Jacbur: Kediye

Gabaygan soo socda waxa uu tusaale fiican u noqonayaa maansooyinka an ku khasbanayn tibixqaarraanta amma qaafiyadaynta buuxda. Sida buraanburka oo kale, gabaygani ma laha tibix gaar ah oo ay (ereyo dooran) meerisyadiisu ku duluc-dhabanyihiin—min billow, illaa iyo dhammaad. Hasayeeshee, farqiga gabaygan iyo buraanburka u dhaxeeya ayaa wuxuu yahay in buraanburka uu leeyahay tuduc amma xirmo tuducyo ah oo meerisyada ku taxani (si joogto ah u) tibixqaarranyihiin. Tan macneheedu waa, dhammays ahaan ayeysan maansada buraanburku ugu khasbanayn yeelashada qaafiyadayn buuxda, balse gabal gabal ayey maansada buraanburku u yeelan kartaa dhawr xirmo (tuducaad) oo mid waliba qaafiyaddeeda wadata. Aan tusaalayno:


Bannanka Galgaduudyo Ceeldheerta Baaxadda le
Baladka Xamariyo Baraawoo basiin ka qabay
Bu’aaliyo reer Kismaayoo nafluhu u begay
Taniyo Baardheere iyo beelaha Afmadow
Gabeye boolgalasyo Soomaali boos walbaba
Bulshada isku duuban nabad baan u baaqayaa
Allahayow Baaqi baryadaada laguma qado
Qabiilka na baaba’aahyaa ha naga ba’aa

Dagaal wiil kuma dhashee waa ku dhimanayaa
Dhalintii waa naga dhamaatoo dhibbaa la galay
Dhaciyo boobkaanhu dhulka dhaawac buu u yahay
Hadduu waa dharabtay maydkaa dhabbaha u yaal
Qaxootiga lagu dhawaahaa dhaqaalo ma leh
Gaweetada gaalku dhiibaayo kama dhargaan
Calankayow dhicinaw isticmaar ku soo dhawaan
Dhaxalka Soomaaliyeed yayw cidlada ku dhumin …

Labadan tuduc ee kore, mid ka hore waxa uu ku tibixqaarranyahay tibixda “b”; ka kalena “dh.” Sida gabayga oo kale, qaafiyadda buraanburku waxa ay meeriskiiba gashaa (ugu yaraan ) laba goor. Meeriska buraanburku, sida ka dhaantada, uma kala qaadmi karo laba qaar, oo kala ah: hojis iyo hooris—sidaas daraadeed, ma muuqaalin karno meelaha ay tahay inuu ku xasilo eray-doorka qaafiyaddu. Balse meeriska gabaygu wuu kala qaarmaa; waxayna tibixda (ugu horraysa erey-doorka) uu meeriskiiba ku qaarranyahay kala gashaa hojiska iyo hooriska. Gabay ahaan, hadday tibixdani wada degi weydo hojiska iyo hooriskaba, amma ay dhan keliya gasho, waxa dhasha deel-qaaf. Ka sii socoo, haddii tibixdani meeriska koobaad illaa ka ugu dambeeya ee gabayga aysan ku shaqlanayn, waxa dhasha deel-qaaf weyn. Isaguu xeerku sidaa yahay, gabayga qormadan, iyada oo aan tibixqaarraantu meerisyo badan ka muuqan, haddana wax deel-qaaf ah looma xambaarin karo!

Haa! Gabayga qormadan wax deel-qaaf ah laguma sheegi karo—saa waaba “jacbur” e. Ujeedada gabaygan, oo ku guntan majaajilo, ayaa keenaysa inuusan gabaygani ku khasbanaan qaafiyadayn. Tan macneheedu maaha in gabay kasta oo majaajilo kusheeya uusan yeelan karin tibixqaarraan buuxda, balse majaajilada lafteedu ayey ku jirtaa dhadhansiga deel-qaafnimada! Tan waxaan ku tusaalayn karraa, bal dhiirranadi dhextaalkan gabay-jacbureed ee Dhoodaan dhugo:

Afartaasi sidii xoolo diday, marada maw tuuray
Deel-qaafku waa ba’an yehee, timir ma duugeeyey
Xalwadda iyo baastiyo daqiiq, ma isku iidaamay
Isagoo muqbaasada miyaan, caasha kuu geliyey

Unkidda gabay-jacburku kama hawl yara (abwaanka marka loo eego) unkidda gabayga caadiga ah; balse ciriiriga ay qaafiyaddu wadato ayuun baa lumaya. Xigmadda iyo murtida gabayga jacburka ihi yeelan karo waxay ku xirantahay abwaanka curinaya iyo hadafkiisa. Hadiyo goor, waxa uu gabayga jacburka ihi ku duluc-xidhaa jacayl cayaayir ah, beeninta runta (uu kasbado Aadamuhu), silleynta sugantida iyo dhabeynta caqli-ma-galeenka!

Gabaygan jacburka ah oo uu tiriyey awbaan Jaamac Kediye Cilmi ku soo dhawaada.

Aniga iyo gabaygaygu waa, inanu heesnaaye
Waa inaanu kaman qaadannoo, shaah ku gadannaaye
Waa inaanu buuraha korraa, habar sideediiye

Waa inaanu dhalan beena iyo, faan ku dirirraaye
Waa inaan xumaan iyo wanaag, anigu yeeshaaye
Waa inaan ammaan iyo canaan, anigu yeeshaaye

Waa inaan sideedaba halgaad, ari ku laayaaye
Waa inay riyuu qayliyaan, tuug siduu xadaye
Oo ay islaantii jirtiyo, waxaro ooyaane
Oo aan cabbaar aamusoo, anigu yaabaaye

Sida geesi soo cararayoo, meel cidla’ ah jooga
Amma fulay dagaallamahayoo, cadawga laynaaya
Waa inan wixii ila hadlaba, laad ku kiciyaaye

Waa inaan basbaasiyo xildiid, shaah ku kariyaaye
Oo aan dhadhamiyaa inuu, qaaya leeyahaye
Waa inaan bakeeriga jajaban, anigu qaataaye
Oo aan ka buuxsado wixii, harayna reebaaye
Waa inay macaan labada fool, ila xanuunaane

Bakayliyo libaax dirirayoo, siiga kicinaaya
Waa inan intaan kala dhex galo, hadal u sheegaaye
Oo aan midkoodii gar daran, dhab ugu eexdaaye
Waa inaan sigaarna u shidaa, lacagna siiyaaye
Oo aan huruufaa midkii, xaqa ku taagnaaye
Waa inan ganaaxaa intaan, …

Waa inan maroodiga qabtaa, dhab iyo raadkeede
Oo aan cirkaa ula baxaa, waan ka fiicnahaye
Waa inaan ilkaa kala baxaa, … ka saaraaye
Oo aan ka rooraa illeen, wayga weyn yahaye

Anoo baqaya waa inan dhirtiyo, xagarka jiiraaye
Dib markaan usoo eego waa, inuy xasuustaaye
Buuhoodle waa inan tagaa, Cadan na dhaafaaye

Badda waan aqaanaaye waa, inan u yeeraaye
“Aan ku dhaafo” waa inan idhaa, ginina siiyaaye
Hadday diiddo waa inan cabbaa, oon ku madhiyaaye

Maraakiibta waa inay harraad, soconba weydaaye
Oo aan xammaalaa illeen, waa sidaan rabaye
Sarriirtayda waa inan dhigaa, gogol na siiyaaye
Markuu seexdo waa inan furtaa, maal wuxuu sidaye

Niman socoto tegay waa inay, goroyo maalaane
Caanaheedu waa inay noqdaan, roodhidoo kala e
Markay daadiyaan waa inay, gaajo qabataaye
Adaa qubiyo waad saydhay baa, laysku dilayaaye

Quraanjadu hadday tuuga tahay, lacag ma weydeene
Shaydaan la naaraana waa, soo kadlayn jiraye
Qofka furin cuna ruushka waa, ina adeerkiise

Bisado iyo jiir wada dhahoo, hooyo qura yeeshay
Walaalnimada ay sheegayaan, kuma heshiiyaane
In bilayska qaar loo diraa, way habboon tahaye
Bal maxays ku diray wiilka iyo, gabadha waa yaabe

Ragga timirta miismiisayee, shilinka doonaayey
Danyar baa la moodaa haddayn, subag u keenayne
Hayeeshee markay biiriyaan, ways ka tarantaaye
Iyadaa u khayr roon hadday, xaaska koriyaane

Anna ganacsi waan doonayaa inan bilaabaaye
Sonkortiyo bariiskii haddii, jilibka loo aastay
Buuhoodle mirihiisi iyo, Ceelcas shicibteeda
Subaggii Goldogob oo dhan, ciidh ba haraggeeda
Qandaraas intaa u la tagoo, qaaca ku so miiro
Dabadeedna caanihi xarfoo, wada gadhoodhkiiya
Jirkaamadiyo caagaduhu, way kharribayaane
Dhiilihii cullaa haddaan, haamo kaga miiso
Laba Maarkit oo ciirayoo, taayirrada laastay
Laamiga ku cayntaariyoo, fayfka qabadsiiyo
Garoowoy qayilayaan haddaan, orod ku weydaarto
Qardho odayga joogana salaan, beerti ugu geeyo
Debadeed hooggaanka u dhuftoo, maca-salaameeyo
Benderqaasin oo yaabtayoo, maqashay hoonkayga
Dekedda aadi maayee haddaan, sayladda u baydho
Sicirbararka waan necebihiyo, ribada shaydaane
Anigana bilaash iguma siin, nimanki reer Hawde
Aliiftaydu siday sheegtay iyo, taababkii Nebigu
Ammay noo caddeeyeen wixii, lagugu dhiib shiilo
Imaan darraaniyo cadaab, yaad ka naxaysaaye
Waa inaan riqiis kagagadaa, waajib noqon mayso
Isu naxa ad naxariis hesheen, saa Allaa yiriye

Inanyahay jacaylkaygu wuu, jiray abiidkiise
Adigana jacaylkaagu wuu, soo jirfanayaaye
Labadii jacayl waa inay, jiib isu raacaane
Labadii jacayl waa inay, jalalacleeyaane
Labadii jacayl waa inay, jarar ka boodaane
Labadii jacayl waa inay, waxaro jiiraane
Labadii jacayl waa inay, habar jugeeyaane
Labadii jacayl waa inay, jees burburiyaane
Inan geel la joogiyo gabar, jaaska baranaysa
Labadii jacayl waa inay, kala jeclaadaane
Saylac iyo Hindiya waa inay, kala jeclaadaane
Jabbaan iyo Giriig waa inay, kala jeclaadaane
Joordan iyo Lubnaan waa inay, kala jeclaadaane
Labadii jacayl waa inay, dib isu jiiraane
Jacaylkaygu debeed waa inuu, kaaga jabiyaaye
Jacaylkaagu waa inuu markaa, waabka jiifsado e

Mahadsanidin: VOA Soomaali, Doollo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s