Jiifto / Yuusuf C. C. Shaacir

“Dulmanaha la Quudhsaday”: Yuusuf Shaacir

In qof kula deegaan iyo diin ah, dagaalna idin dhexmarin, balse in badan kaa dun fiican, aad ximiso, dar-xumadiisana aad ka taliso, iskana indha-saabto in dulqaadka uu qofkaasi kuu hayo nabaddaadu ku dhisantahay, kuna dul nooshahay, waa arrin qof Muslin ah oo fekaraya aan u suurtoobin. Balse Soomaalida dhexdeeda arrinkan waa dabeeco, walina dad ayaa daacad u sii ah. Been iyo qisooyin aan jirin ayaa la soo daliishadaa si loo bannaysto bahdilida dadka Soomaaliyeed ee ay maansadanu ka culays-curatay. Maanta se dunidu waa ay is gaadhay, nuurkii Eebbe ee caddaalada iyo sinnaanta ku dhisnaana aqal walba wuu gaadhay. Haddaba “Ninkii dhiirri sheegtow is furo, waa dhanaantahaye,” oo isu xilqaam burburinta derbiga haybsooca hadday kartiye kugu hadhay!

Waxan la soconay in Hadraawi gabaygii “Dhulgariir” masaladan hayb-sooca ku bayaamiyey, kuna tirtiray. Balse waxa jirtay jiifto libidhay, magaceeduna ahaa, “Dulmanaha la quudhsaday,” oo uu Yuusuf Cusmaan Cabdille “Shaacir” kaga hadlay isla arrinkan, isaga oo xusay abwaano badan, uguna yaboohay inay arrinkan meel iska saaraan, oo ay dadkay garaad-wadeenka u yihiin dhaabada u sheegaan. Soomaali gebigeedna, Maansadu ha durto inta wali dadka kala qaadqaadaysa (iyagoo kaagadaranka sii casriyeynaya habka ay wax u weerarayaan, isla markaasna ay jahligooda sii dugsanayaan) ayaan leenahay. Imikana maansadii oo runtii dhiiga ku dhaqaajin doonta ku soo dhawow:

DHAGAYSO

1. Dabaylaha dhacaayiyo
2. Marka daalka waayuhu
3. Dayac iyo dhib keenee
4. Damac lagu hunguubee
5. Dawakhaaddu tarantee
6. Dacar iyo ladh oogmaan
7. Damqashada aqoontiyo
8. Deellayda maansadaa
9. Dayax iyo cadceediyo
10. Dirir looga shahanshaa

11. Anna doodda baanaha
12. Damaashaad cayaariyo
13. Madal lagu dalxiisiyo
14. Hadal daasha-socodiyo
15. Dookhayga maahoo
16. Nin dar jiidhay miihiye
17. Wax i daaray baa jira

18. Dakharrada Gabooyaha
19. Dummaddooda lala dhacay
20. Daw-dhaafka Yibirkiyo
21. Dala’siga Tumaalaha
22. Dulmanaha la qaybsaday
23. Digashada xanuunka le
24. Deel-qaafka Boontiyo
25. Dalmarow ma dhaaddeen?

26. Dadkan muuqa noloshiyo
27. Darajada aqoontiyo
28. Doorkii wax-garadkiyo
29. Dawlad saammigeediyo
30. Dagmo nabad u taalliyo
31. Ruux duunyo haystoo
32. Dakadaha wax keenniyo
33. Mid darmaan ku boodoo
34. Magaciisu duulliyo
35. Damac iyo hankoodii
36. Laga saaray daahee
37. Duudsiga xad-gudubkiyo
38. Dafiraadda nacabka a
39. Deris lala wadaajee
40. Duddo lagu ilaawiyo
41. Lagu ooday dayrkee
42. Dalanbaabi-socodka a
43. Dembigay galeenniyo
44. Waxa loogu daw galay
45. Dacwad lagu dhageystiyo
46. Wali dood ma laga furay?

47. Sida duulki Falastiin
48. Ama doolki Seerbiya
49. Ama dayrki Baarliin
50. Dulligiyo iswaagiyo
51. Dhulkan lagu darleefee
52. Darxumaddu ka oloshee
53. Diihaalka lagu qabo
54. Dambarsiga abwaankiyo
55. Hal-abuurka deexdaa
56. Suugaanta kuma darin

57. Daahyaley Hadraawaa
58. Dhawr jeer ku daaloo
59. Daallaleyna raacshaye
60. Saw dur sooco muu jirin
61. Dabashada at-toorkiyo
62. Dubashada ugaybkiyo
63. Dammaashaadka mulucyada
64. Ooryahooda diibka le
65. Ha daardaarin buu yidhi!
66. Misna dayra-dhaafkiyo
67. Reerkan daadku qaataye
68. Darayada ku raagtiye
69. Deel-qaafka ceebtiyo
70. Daadduunka weshaday
71. Doobirtooda yaabka le
72. Diiwaanka kuma qorin

73. Codka dananka luuqdiyo
74. Dhoodaan dawaafkii
75. Wuxu dawlad maagaye
76. Deli iyo jar kala dhacay
77. Sida duulkan loo galay
78. Amma loo dildila rogay
79. Faalladiisa kuma darin

80. Dabra celinta sheekada
81. Amma daawashada guud
82. Inkastoo dameerkii
83. Darmaan loogu magac daray
84. Dambigii la saarriyo
85. Dayacuu ku noolaa
86. Dacwaddiisa Qays galay
87. Amma uu dareenkii
88. U daruuray gaashaan
89. Misna daymo bogoshada
90. Sida daacad loo gabay
91. Amma laysu daba guray
92. Dulmanaha la quudhsaday
93. Dacalkuu ka dhaafiyo
94. Wax ka daahay mooyaan

95. Darxumada saboolkiyo
96. Saban uu dagaal dhacay
97. Dalka qiiq ka sara kacay
98. Doonnanaanta maansada
99. Singuboo u dadab galay
100. Dar Allee wuxuu yidhi:
101. Dugsi waa bakayluhu
102. Daad baa u soo galay
103. Damac yuurur baa dilay
104. Dooyeysay suguhii
105. Dorraad waayihii jiray
106. Maantay ka darrantahay!
107. Isna waxan u daallacan
108. Duleed joogta maqashiyo
109. Dooxyadan agtiisa ah
110. Degmadii ku noollayd
111. Diillalyada cuslaysiyo
112. Dayrwaaga noloshee
113. Dunjigooda dhalan-rogay

114. Daba-taxan abwaankii
115. Sida midhaha darayga a
116. Amma deleb la kala guray
117. Amma dirirka cawleed
118. Dhankasta u digo rogay
119. Wax u diiday mooyee
120. Gaarriye dakanadaa
121. Dadka qaarki laga galay
122. Maansadiisa kuma darin

123. Dooddii aftahankiyo
124. Deellayda waagii
125. Darka laysu jiidhayee
126. Ninba dacal ka soo galay
127. Yamyam dulucda sheekada
128. Inkastuu u duurxulay
129. Amma dogobyo weyn riday
130. Daldaloolka muuqdiyo
131. Damqashada xanuunkee
132. Xaqiraadda lagu daray
133. Dabkan reerka lagu shiday
134. Dabuub lagu tilmaamiyo
135. Dibnihiisa kama maqal

136. An dubaaxsho heestoo
137. Darmaantayda heesaha
138. Degganaan u saaree

139. Deegaanta laacdiyo
140. Dhul habeenki doogsadey
141. Damal iyo hadh galabeed
142. Dooryaala dhaqankii
143. Duddadiisu noolayd
144. Ganey baw dalxiisoo
145. Arar lagu daleeyiyo
146. Duufaan ka mariyaye
147. Isna doorarkiisii
148. Talow daraygan quustiyo
150. Beelahan dayoobee
151. Dabaqyada dhunkaasha a
152. Illaa daayin abidkood
153. Ka durduuranaayee
154. Dirqigiyo wax yeellada
155. Dummadooda lagu qoray
156. Dibu dhaca ka baajiyo
157. Waxa uu dareemee
158. Uga daahay waa maxay

159. Deexashada tusaalaha
160. Waxan uga danleeyahay
161. Deeqdii abwaankiyo
162. Darajada aftahannimo
163. Sidaan laysu deeqsiin
164. Danniguna u badanyahay

165. Sagallada darrooriyo
166. Markay Daydo curatee
167. Daran iyo Ugbaad baxo
168. Duunyada la maalliyo
169. Ninka dalawadiisii
170. Daaqsinkeedu ka engagey
171. Amma aan doc mooyee
172. Degmadiisu waligii
173. Deegaan u gaariyo
174. Dudo lagu caaweeyiyo
175. Doonyaysan keligeed
176. Duummada xanuunkiyo
177. Dacar iyo ladh jiifiyo
178. Duray baa ku raagoo
179. Doog baa shidaysee
180. Dawo lagu bogsiiyiyo
181. Haddii aan daryeel jirin
182. Daaraanta lagu dhayo
183. Dadafaynta hadalkiyo
184. Digashada iska ogow
185. Dayrana ha sii badin

186. Duulduulka hadalkiyo
187. Markaan laysu duur xulin
188. Amma derin la maakumin
189. Waxa lagu dir soocoo
190. Daldalaadda quudhsiga
191. Dacwad looga dhigayaa
192. Dooryaanle iyo bari
193. Abaar lagu dayooboo
194. Duufaano sara kacay
195. Bakhti bay dubteenoo
196. Daammankooda geliyeen

197. Dooddaa layaabka le
198. Dalbaheeda hoosiyo
199. Duudkaad ka garataa
200. Inay daanno tuugiyo
201. Dembi iyo xasarad tahay
202. Iyo been la degashaday

203. Dildillaanka hadalkiyo
204. Dawliilka quusta ah
205. Marka dooca laga baxo
206. Duullaanka hoosiyo
207. Waxa baday dagaalkoo
208. Dabar iyo nac loo sudhay:
209. Daacaddii farshaxankiyo
210. Dadaalkiyo aqoontiyo
211. Birtaa daabka haysiyo
212. Dawo geed ku daalliyo
213. Deebaaq fallaadhiyo
214. Dusha maas ka xidhanoo
215. Duhur lagu baqoolliyo
216. Haammo reerka duujiyo
217. Nin dushaada kala guray
218. Dullinkiyo basaastiyo
219. Ka idleeyey diiftii
220. Daryeel lagu negaadiyo
221. Dahab baabu keenaye
222. Ma wax lagu dullaystaa?

223. Debaddiyo shisheeyaha
224. Dalaan cidiba gaadhayn
225. Haddii gaal ka soo dego
226. Dumar loo aroosiyo
227. Derajaa la sii yaa
228. Daruuraha hillaaciyo
229. Ninka doogga kula yaal
230. Deris iyo qaraabiyo
231. Dalka aad wadaagtaan
232. Diintana Islaamka ah
233. Hablihiisa diibka le
234. Maxaa looga didayaa?

235. Dulucdiyo ujeedada
236. Maxaa duni barwaaqiyo
237. Nicmo laga durduurtiyo
238. Dawladiyo wanaagiyo
239. Nabad lagu dakeeyiyo
240. Degganaan la haybshaa
241. Duudsiga wax yeelada
242. Iyo doogta mililka le
243. Sawtan layska degashaday
244. Amma duul la saanyaday
245. Dembi iyo xumaan iyo
246. Dad waxaanu geyi karin
247. Daabacooda lagu qoray

248. Daalaa-dhacoodiyo
249. Dala’siga xanuunka leh
250. Ayax* maruu ka diiroo
251. Duuggeeda halacsaday
252. Dayibow wuxuu yidhi
253. Dumar baa la mehershaa
254. Nin waxaanu doonayn
256. Ka dagaalamaan ahay

257. Daba-socodka godobtiyo
258. Doc kaleeto sheekada
259. Geylan wuxuu ku sii daray
260. In dir-sooco ba’anyahay
261. Dulqaadkina gabaabsiyey

262. Dabuubtaa layaabka le
263. Anigu waan ku diirsaday
264. Dawna wey u leeyihiin

265. Duulduulka Jahannama
266. Iyo dabaqa naareed
267. Iyo doolka gubashada
268. Haddaan daafad loohayn
269. Derbi kaa ceshaa jirin
270. Damaciyo aftaaggiyo
271. Doqonniimo hadalkiyo
272. Digdigtaada beenta ah
273. Ajow waad ku daashoo
274. Dayn baad ka qaadaye
275. Dambabeeradaadiyo
276. Dib u eeg tudhaalaha
277. Dulmigana ha saacidin
278. Diintana xasuusnow

279. Idinkuna dulqaadkiyo
280. Derajada Illaahay
281. Daacaddiisa mooyee
282. Deel-qaaf ha mudanina
283. Daliilkii Rasuulkiyo (CSW)
284. Samirkana ha daynina

285. Dan-wadaagta reerkiyo
286. Isku duubni wada jira
286. Dugsi laysku weheshado
287. Dareen laysku raaciyo
288. Diiwaanka nabadeed
289. Dadab lagu negaan karo
290. Danabkii** ku baaqtamay
291. Darmaan boobe halabsaday
292. Hal dardaarankiisii
293. Dib miyaan xasuustiyo
294. Damiirkiinu garanayn
295. Doorarkuu midayn jiray

296. Dadaalkiyo aqoontiyo
297. Duunyada dhaqaalaha
298. Dardar lagula soo baxo
299. Degal lagu negaadiyo
300. Deegaan beeshu leeday
301. Dookhiina sharafkiyo
302. Doobirtiina nololeed
303. Dawadeedu waa taa

304. Allahayow shar darariyo
305. Balo duugga aragtiyo
306. Dunbukh iyo rasaastiyo
307. Dhiig bilaash u daatiyo
308. Dibno cadow ha nagu ridin

309. Dunjigiyo qabiilkaa
310. Dubayaasha lala dhacay
311. Dallaalimo hadhaysiyo
312. Diintiyo xaq-soorkiyo
313. Dariiqyada hanuunka a
314. Raxmadaada ugu deeq

315. Bulshadana mid debacdoo
316. Daadahaysa samahoo
317. Dildillaanka qoyskiyo
318. Durkintiyo fogayntiyo
319. Kala dookha neceboo
320. Damiirkeedu wacanyahay
321. Daayinow na solonsii
(Allahumma Aamiin)

_________________________
* Ayax Dhawre
** Salaan Maxamed Xirsi (Carabey) gabaygiisii: “Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.”

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W

3 thoughts on ““Dulmanaha la Quudhsaday”: Yuusuf Shaacir

  1. salaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu,waxaan salaamayaa bahda TIXMAAL oo ah bah in badan isku hawshay inay oo ban iyo boholba ugu dhacday inay ka midho dhaliyaan dedaalka geesinimadu gaashaanka u tahay ee ay ku qaadeen inay ku raadiyaan hidde ,dhaqan , taariikh ,dhaqaale ,iyo habdhqan soo jiitamayey inay dhaxal uga reebaan sebiga soo socda waxaan marlabaad u mahad celinayaa bahda murtimaal asc.

  2. Jibiqcelis: Cuddoonida Meeriska W/Q:- Idiris M. Cali | Dhaqanbile-Wada hadalka casriga ah

  3. Jibiqcelis: Cuddoonida Meeriska | Heeshi

Faallo u dhaaf