Ibraahim C. M. Cajaa'ib

“Gaddoon”: Ibraahim Cajaa`ib

Burburkii haddii laga kaban lahaa, baaruud uu Qabqable dhawr wiil ku baleeyay ayaa dadkii Soomaaliyeed  lakad ku noqday, dantoodana si ba’an u seejiyey (runtii haddii ay qabyaaladi riixaysay, Soomaalidu awelba dantooda way seeganaayeen e, qabqablayaashu way ku danaysteen uun.) Wixii dhacay xaqiiqadeeda dhigaal badan ayaa laga hayaa. Baadhitaan cilmiyeysan ka sakow,  dhigaalka murtida xeesha dheer ku dhisan ayuun baa naga dhergin kara xasuusadka wixii degelkeena qabsaday. Waxa ayna billadi ka raacday hal-abuurka Soomaaliyeed ee maansooyinkooda ku bayaamiyey wixii nagu habsadey intii kacaa-kufka maanta ugubka ahaa.

Hal-abuurka Soomaaliyeed ee maansooyinkooda ku dhalliilay talada madow ee Qabqablayaasha dagaal, isla markaasna ku wacdiyey midnimo miisaaman, waxa kamid ah Abwaan Ibraahim Ciise Maxamed (Ibraahim Cajaa`ib). Maantana waxay diirradu qabatay maanso uu Abwaanku alifay muddooyinkii wadanku gacanta ugu jiray Qabqablayaasha.

Maansadan ayaa waxay gilgilaysaa quluubta qof walboo damiir leh, sheegaysaana in la hadhay oo horeba loo socon. Dulucda maansaduna waa in ay Soomaalidu nidaam-geddoontay, dawlad dhexe marki la waayeyna, hungow iyo caddibaad lagala kulmay maammuladii Qabqablayaasha.

DHAGAYSO

1. Guyaadka barwaaqo godolka
2. Geddii itibaal u hoorka
3. Geddoon isrogaal abaarka
4. Garaad ma filaan layaabka!
5. Geeduhu ma baxaan ahaadka
6. Guunyadu dhulka goyn ka waaga
7. Gaawaha culka goobo qallaylka
8. Gorofku u goofi hinaaqda
9. Gurmooddo dhan caano goynta
10. Gad waalliya qaran ku guurka
11. Gabloolka turxaan is gabida
12. Gufaaca dabayl gilgiladka
13. Gawraca isku tirsad gacalka
14. Gedood Soomaaliyeedka
15. Gurmaadka qabiil u gooha
16. God dheer midnimoy ku gaynta
17. Guuraan geeddiga isdhaafka
18. Gobolo kala sheegadkeeda
19. Gadaal noqod cidhib guclaynta
20. Gubtaanyo calool gunaadka
21. Gabdaaca jalleeco guulka
22. Gabbaad li’i ban u golaynta
23. Gobaad geeryaad u oodka
24. Garaad ka habow ogaalka
25. Gudhaan ka aqoon ahaadta
26. Gebiba ismadhaanto garadka
27. Geddi u dhurad geeljiroodka
28. Garay isna goonnidaada
29. Go’aan runta garasho qaadka
30. Gayaan ma ahaade qaranka
31. Garsoor ma ka noqon karaanka
32. Garbaha xiddigaha ku guradka
33. Gadaal weligii u guurka
34. Goonnida talo goosad kaligaa
35. Gudcur u filaan ilayska!
36. Guyaalka hoggaan gar qabadka
37. Gacalka kala fiidh gayeyska
38. Guubaabin gantaal u dhiibka
39. Giddiba waw ogaal dhib-gayska
40. Gaabiska wadareed gabboodka
41. Geddii micidii gungumaha
42. Giraanta ku socod wareegga
43. Guluuluc god abeesyo loolka
44. Geddiba garab qaad dabsaarka
45. Geyiga yeelaa gubkiisa
46. Gabaa dadku weli ma garadka
47. Goormaa bulsho gebi ahaadka
48. Garaadkood mid dhan israaca
49. Gardarro maatada gubaagga
50. Go’aankiis la diidsanaanta
51. Goluhu madaxnimo ka guulka
52. Garsoor laga fiiggidiisa
53. Gaystaan galabsiga naftiisa
54. Gafaan qarannimo ka gelida
55. Go’doon lagu gawriciisa
56. Gartiis ku naqday gudaalka
57. Quwado dirir soc u Galbeedka
58. Goortoolaxa galab cadceedka
59. Gudcuris joogto u yihiinka
60. Gartaaxid ku guuris minanka
61. Go’aan wax ku yaal yaqaanka
62. Gudaan naafo roor gaddoonka
63. Gusoor dalku gebi ka simanka
64. Geddi u maamul indheer u garadka
65. Gebiba dalku midab ku gaadhka
66. Gudaha qofka garashadiisa
67. Galkiisa aqooni gaynta
68. Garaad liicane ma gaydhka
69. Gabkiisa qabiil la guurka
70. Gobaad daaqsin u barwaaqa
71. Gabaahiir ka raysadkeeda
72. Giddi u siman loo ahaadka
73. Gurmoodku rakaab lamaanka
74. Garaysley dhidigaan haweenka
75. Gebiba labku gaa ka gaaga
76. God dheer baahida ku gurida
77. Geyi u dhoof qalaad ka go’ida
78. Gayoodka imaad guddoonka
79. Gacmaha is qabsiga kalgacalka
80. Garaadku midnimo riyaaqa
81. Gees walba ku wacnaansho gaadhka
82. Guulley Soomaaliyeedka!!
83. Gaadhaa noloshii arkaanka
84. Gaaxduu sugay maallideedda
85. Gaawaha xoorka jilib ku gurida
86. Gol-daaca rakaab gablaynta
87. Gudaal Eebbahay wanaagga
88. Gartaa mahad celin u gaynta.

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

V W W W V W V

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s