Uncategorized

Tanna ma Noo Dambaysay?

“Taas baa la leeyahay Soomaaliya ha hagaagto!” Cabdirisaaq, oo walaalkay ah, baa yiri. Waxa uuna ka yiri arrin naxdin leh – haween iyo ubad iyo cuud la gabawaray iyada oo lagu jiro bil Ramadaan tobankeedii dambe ee dambi-dhaafka loo tartami jiray. Waa arrin ka dhacday Galgaduud – Nabadbile Online-na lagala socon karo. Innaa Lillaahi waa innaa Ilayhi raajicuun.

Aniga oo sidayda kaleba u nacay dadka Soomaaliyeed ee looga maarra-waayay qarandhiska – dagaal-oogiddooda iyo dalmoognimadooda ay isku darsadeen awgeed – ayay arrintatani igu sii beeraysaa nactooyo hor leh oo aan “jinsiyadda” Soomaalida u qaadayo. Sidee baan “Soomaali” ula sheegtaa duul, hadda waa duul, kas u bireeyay – iska daa’ noolayaal caqli leh oo karaamaysan oo birimagaydo ahe – cuud uu Eebbe dadka u sakhiray in ay cadkiisa iyo caanihiisa ku noolaadaan?

Waheey wah: Muxuu abwaan Hadraawi ku khasaaray tirinta “Af-ku-Siran” marba haddii uu dadkii uu u digayay ay digniintiisii dabamarteeyeen? Waa se halkiisee, “dadnimadu” in ay “dugaagnimo” ka liidato waxaa u daliil ah maatada la gawracay, ee ciidda Galgaduud dhiiggooda lagu gororiyay.

Wax kale oo hadhay ma leh aan ka ahayn in Eebbe aynu ka barinno in dambiilayaasha dalka iyo intuu dugso looga maarra-waayay ay dunida si degdeg ah u dhaafaan – Aakhirana ay Jahannama u hoy noqoto. Ta’ hore iyo ta’ dambaba Eebbaa sugi kara; waxaa se durraansi kale ah in uu Eebbe innaga yeelo ta’ hore dadkii lagu sababi lahaa, ee caddaaladda “u cid” noqon lahaa – kolay carrab iyo cududba ku tahay. Timacaddena waa kii yiri:

Ubaxiinni waa daadiseen, waadna dubateene
Dulbaaxdiisi waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan “Soomaalidaay,” waa lagaa dedaye
[…]
Haddaynaan xumaantiyo dilkiyo, daynin kala-qaadka
Debaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo, dogobki naareede

Intaas ka dib, Eebbe samir iyo iimaan iyo talasan ha naga siiyo birimagaydadayada dalkoodii loo dacareeyay, ee ay cawaan ay isku magac sheegtaan u ciideeyeen calafkii ay deegaankooda ku lahaayeen. Waana teedii, ee ma tan caynkan ah baa hagaagi?!?

Wabillaahit-Tawfiiq.

Faallo u dhaaf