Idiris M. Cali / Sheeko

Sheeko Gaaban: Talasan

Tuug af shareeran baa idiin soo dhacay. Qolka aad shanta qof ku huruddaan, ee ay xamaantiinnu dhinac dhan rasaysantahay, ayuu idinku soo jabiyey. Dhugtii yeertay baad hurdada ka wada salasheen. Soo-fariisigiinnii iyo indhihii aad kala qaaddeen ba waxaa xigay jug iyo iftiin idin cawaray. Danab oo ah wiilkiinni reerka ugu yaraa baad bucda ka yeertay la anfariirteen. “Igaarkay dhimay!” ayaad, Duqda reerkiiyey, af ba ku kala qaadday. “Aammus, haddii kale ableydan ayaan jagac kugu siin doonaa!” buu, cod xabeeb iska-yeelyeel ah leh, kugu yiri, oo tooshkii ayuu labada indhood kaaga beegay. Juuq dambe kaama soo bixin. Bal se cunuggaagii ganac-go’ay ayaad isku duubtay, ood dhabta saaratay. Intii uu tuuggu xamaantiinna aan wax ba goynin kala qufkeeda ku sii jeeday shantiinnu ba waad isku dhagganaydeen, ood kala fuqi la’aydeen.

Tuuggii oon wali mogan, baa waxaa soo muuqday iftiin, waxaana xigay dhawaaq aad si dhif ah ku garateen inuu ahaa, “Reer Jirdow ma xilligan ayaad soo jeeddaan, oo aan dhug-dhugtiinna ka seexan la’nahay?” Tuuggii oo iftiinka soo dhawaaday ka sasay, inta uu af-shareerkii idinku soo tuuray buu hal-haleel uga baxay qolkiinna. Intuu dhankii iftiinku ka jiray ku bixi waayey buu qolkiinna gadaashiisa afka saaray. Isaga oo aan in badan lugaha kala-bixin ayuu siduu u sii ordayey carro meel tuulan ku dul turaanturrooday. Suxullada ayuu sidii diyaarad dagaysa ku socday cabbaar; waxa uuna siduu u sii mudhxayey af-af ugu hoobtay hoggii carrada tuulan laga soo faqay.

Iftiinkii goortii uu idin soo gaaray baad qaarkiin “wey”da iyo hiqda isku darteen, halka aad qaarkiinna kor u boodbooddeen. Si kasta oo la idiin weydiiyay wixii idin helay, sharraxaad ba waad dhiibi weydeen. Qoftii iftiinka sidday baa idinku dul ashahaadatay, oo cabbaar in ay idin bogsiiso isku dayday. Haddana markii aad la hadli weydeen sow ma aysan mala’awaalin, “Naa Jowharey, ma Jirduu raadkii mar dhawayd idinka baxay soo sheegay?” Duqey adigu ma u warcelisay, “Naa Fartuumo, wixii na qabsaday cago aad ku soo haleesho laguuma samaynin! Intii aad soo kudhu-kudhu lahayd baa tuuggii na dilay, ee na xaday, irridka ka booday.” Fartuumo, oo yaabban, baa idinka noqotay; waxa ayna is lahayd, “Reerka jin aan ka dul dhammaanin baa jira oo dardaraye, bal qorraxda ha u soo baxdo!”

Waaberigii, Duqey adiga oo xansaskii aad dabka ku shidi lahayd u diraya Danabkii waxyeelladu gaartay sow Xafaarre oodda muusan idinku soo jabin. Inta uu jikadii aad ku jirtay soo hor istaagay, sow muusan ku bilaabin: “Bariid bariid bariid. Eeddo Jowharey waxa dhacooyo lama soo koobi karo. Shaley Shabaabkii shirey in dhulkeenna aan xuduud lahayn aas sheegeen. Ma gar baa taas neh?” Markii aad u ballaarisay hadalka, eed ku tiri, “Amuur ka xun ayaa xalay nagu dhacday, ee iga aamus!” isaguna sow kuuma uusan celin, “Laa ilaaha illallaah! Xaajiyo Jowharey in qarankeenna iyo qoyskaaga aad kala jeclaato maaha. Qoyskaaga cid wal ba dalakh iska ma soo tiraahdo, oo waa diiddaa. Bal se kuwaan waxay go’aamiyeen in wixii ay garab ka helaan, oo Muslin eh, ay dhulka ka xigin Soomaalida kale! Marka, Aniga iyo koo qas-u-joogaha ah dhulkayga ma kala xigno. Ma gar baa, eeddo Jowharey, taas neh?”

“Oo ma kala xigtaan Dheegtayda curad—oo ay waliba qasab igaga kaxaysan karaan—ee sidaas ma ogtahay?” sow kuma aadan shiiqin hadalkiisa, uguna darin waliba, “Tuugga noo soo dhacay, ee aan wax naga dhicin ba Soomaali aan dhaqan suubban lahayn ayuu ahaa. Marka, iga…” Adiga oo hadalkaas wata sow Xafaarre kaama soo dhex galin, isaga oo leh, “Tuug aa! Tuug in aad maryahaaga dubato ma ogsoona miyaa? Ma ogsoona in Jirde jaceel uu ku galay London adigana wax ba kuu soo tuurin maalmahaan?” Markii uu Xafaarre baddaas galay, sow adiguna maadan ku soo gaabin hadalka, “Boowe Xafaarre, shaqadaada gal, shuqul kasta daf ha iska dhihine!”

Duqey, ilinta dabkii aad casaysay kaa basin lahayd kaama soo dhicin. Niyaddaada waxaad ku dhisatay in wixii saacado ka hor ku soo maray ay kuwa ka xumi Soomaali badan haystaan saacad kasta. Waxaa foolkaaga soo fuulay afarta aad haysato oo ay baddu liqday, sida kumaankun kale oo da’dooda ah ay u liqday. Waxa kalood ka murugootay waalidiinta ku la mid ka ah oo carruurtoodii dhib-moogga ahaa har galay dhiiggooda la shubtay. Taas ayey se kuu raacday maruuryada aad ka fikirtay wiilkaagii curad-xig oo laga yaabo in isna dhexda loogu soo boqro walxo uu biri-mageydo aan wax ba ka galabsan ku halligo.

Adigoo isla showrsan waxaa qaylo ku dhuftay Xafaarre. Markii aad dhankiisa u soo dhaqaaqday ba waa ka kaa hor yimid, ee kugu yiri, “Innaa Lillaah. Qof nafbaxooya ayaa godka guntiisa ku caddilan.” Waxaad isla markii ba ammartay Xafaarre in qofka hogga laga soo saaro. Markii uu Xafaarre soo saaray qofkii, waxaad u naxday si aadan xalay u nixin; haddana inta aad dibinta hoose ruugtay baad qofka sirirsan biyo ula soo carartay, ood ku dul rushaysay. Adiga oo madaxa qofkan dillaysan kor u haya ayaa waxaa iyada oo xanaaqsan guurguurad idiinku timid Fartuumo. Wixii ay se la cufsanayd markii ay indhaheeda kaga bogotay sida aad u taalleen ayey iska shuuqisay. Waxay idin tiri, “In wax uu jinni mar hore dardaray uu maanta imaanaayo waan sii sheegay!”

Gaarkaaga, adiga ayaa Duqey ka carooday kalmaddaas Fartuumo. Waxaad na ku adkaysay Fartuumo in wixii qalloocda uu Rabbi toosiyo, wiilkaaga aad dhabta ku hayso na uu Eebbe soo celiyay, Shabaab na ka soo furtay. Waxaad micnaysay in godka wiilkaaga laga soo saaray ay la mid tahay wiilkaagii oo inuu iska dhinto ka door biday in uu saaxiibbadiis iyo walaalihiis isku mar galaafto, oo la dhinto. Hadalladaas lagu qiiroonaayo markii aad dhammaysay baa wiilkaagu dhabtaada ku ooyay. Hadduu ba soo miyirsaday, wuxuu dib u ceshan waayay inuu runta soo butaaco: Inuu ahaa kii xalay guriga idinku soo jabiyay isaga oo u jibbaysnaa xoog-ku-qaadashada kutub uu awowgiis u haysan jiray tafaaful-furista. Waa kii idiin caddeeyay in loogu sheekeeyay, oo laga buuxiyey, wax walba oo ka hor istaaga hadafkiisaas (uu muddaba idiinku dul meeraysanaayey) inuu yahay cadow uu shaydaanku ku shaqaysto. Waana sababta uu yiri waan idiin laayey, ee Danabkii baxso is yiri uu caloosha uga harraatiyey, adigana Duqey kuugu diirnixi waayey markii uu kuu cagajuglaynaayey.

Waxaas oo mashaqo ah, oo uu shaaca ka qaaday wiilkaagu, waxaa maydhay talasankii aad Duqey kula dardaarrantay isaga iyo inta da’diisa ah. Waana markii aad tiri, ‘Hooyo, qof qoyskiisa cadow ka dhigtay Walluusan cadow kale u babac dhigi karin! Waan ogahay in maskaxdiinna oo aan korin la jahwareeriyo, oo cuqdadda la idinka buuxiyo ay idiin horseeddo in aad tarbiyaddii waalidkiinnu idinku koriyey ka tagtaan, waxaad doontaanna samaysaan—illeen “ka jooga” dadkan aad u shaqaysaan idin ma dhahaan waxaan ka ahayn “ku dhufta, oo ku dhinta.” Waxaana la idiin ku sheekeeyaa mabda’ii Cali lagu dilay, oo ay kaaga-daranka la qabaan dad badan oo meelo xasilloon waddankan iyo dunidaba ka kala dagan, in ay ummadani ku cisoobayso—iyada oo waxa cisi ay ummadani leedahay cagta la marinaayo. Gaajada iyo jahliga na daashaday, haddii ay cilmi iyo buruud ba hayaan, may nooga gargaaraan inta ay na madhinayaan? Marka ay xoogaystaan iyo marka laga xoog roonaado ba maxaa dadweynaha ku diray, oo ay u baabi’iyaan? Hooyo waad is arkaysaan dulmigaase dugsiyada ha ka saaqidina, wax-barashadaa lagu ciil baxaa, ood dadkiinna wax ugu taraysaane.’

Iyada oo markii aad sidaas tiri madaxa laguu wada ruxay, haddana, sow Xafaarre kuma darin, ‘Dadweynihiisa ka cadow u arka amma cadaawad dhex dhigaaya, qarankiisa nacabka soo weeraraayo ka ma difaaco—waa been waxay “Cadowaan la dagaalamaynaa” u yiraahdaan. Runtay sow maaha?’ Waatii aysan cidi na Xafaarre u warcelinin, ee uu qof waliba dantiisa ku foofay.

Pin: WardheerNews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s