Heello / Yuusuf X. Aadan Qabile

Hadmay isu Hiilin Doonaan?

Berigii dhawayto ee ay Itoobiya daf tiri kuna fogaatay dalka, ee ay illaa Xamar jaqaafisay, siina dhaaftay, ayaan is weydiiyay, “Ba’aa, illeen Itoobiya awel ba way i haysatay, oo maxaan xasuusta uga gooyay tan?” Waxaan illowsanaa in Daraawiishtu aysan Ingiriis iyo Talyaani uun la dagaallamine ee ay Itoobiyana la dagaallameen; oo ay kula dagaallameen haysashada dalkayga!

Ka soo gudub, waxa kale oo aan illowsanaa in maaansooyin afartanaadkii la curiyey ay si guud ahaaneed uga warramayaan haysashadan Itoobiya iyo ta Kiiniyaba. Waxaa maansooyinkan ka mid ah weglada, “Hadmay isu hiilin doonaan,” ee uu curiyey (AuN) Yuusuf Xaaji Aadan. Maansadani waxa ay tilmaamaysaa sida uu gumaystaha cad iyo ka madoobi ugu xadgudbayey ikhtiyaarka iyo madaxbannaanida Soomaalida.

Maansadu waxa ay ka xogqaadanaysaa nolosha xooladhaqatada ee Soomaaliyeed; waxaana dhab ah in ay xogtani ku tumid abwaanka aqoontiisa, kana sii ballaarnaan lahayd haddii kale si ay Soomaali oo dhan nolosheeda uga wada hadasho. Si kastaba, waxa ay maansadani caddaynaysaa—intii aysan SYL dadka daltinimo ku beerin—kala-xir-xirnaanshihii Soomaalida ee ay ku kala caddilnaayeen degaammadooda ay gumaystayaashu ugu kala talinayeen; waxa ayna maansadu Soomaalidan ku boorrinaysaa in ay isu soo gurmadaan si ay iyagu isu maamulaan, madaxbannaanina ugu noolaadaan waliba horumar weyn leh.

Bal maanta maxaa inaan isu soo gurmanno ka daltinnimo sarreeya? Waa run, oo dhibaatadii abaaruhu wadeen waan isu gurmannay si aan isaga faydno—dunidu way nagu taageertay—intii Hargeysi ku deeqday baana wax ka cuddooni jirin. Sida ay gaajadu u ba’antahay, ayaa waxaa ka daran dalkeenna oo aan dawlad (macluushaas ka hortagta) lahayn. Maanta oo ay Itoobiya iyo Kiiniyaba ku tashadeen, way u gaadhaye, in madaxbannaanidii Soomaaliya intii haysatay ay gacan bir ah ku qabtaan, taaka ba taako, waan sii kala jeednaa oo isku jeednaa—oo aan ku kala maqannahay dheelallow, waliba calan-samaysi leh.

Haddaba, marki aan in faaqiday dheelallowgan isaga ah, waxaa ii soo baxay xaabada uu mashruucani ku ifayo in laga soo diiray qabyaalad—haddii qabyaaladdan, oo islaweyni iyo faanfaan ku dhisan, meesha laga saaro na uu mashruucani iska basi doono, danta guudna lagu wada toosi doono. Inta aan daraasadda ku jiro, ee aan kala rogrogayo fikradaha dabuubtan ka suugaandhigsan intaas dhaafin maayo. Bal se eegga, waxa aan idiin duwayaa weglada, oo sidii aan soo sheegay i xasuusisay in haysashada ay gumaystayaalka madoobi—ay kuwa cadna ku taakulaynayaan hadafkoodaas maanta—haystaan dhulalka Soomaaliyeed tahay arrin dhaaxo soo jirtay.

  1. Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan ‘ ha maalin la leeyahaan ahay
  2. Horseed nin ahoo horweyntiisii ‘ ha oodin la leeyahaan ahay
  3. Nin Hawd fadhiyoo harraadna diloo ‘ biyaa laga heegay baan ahay
  4. Habaas nin dhex jiifa oo ku haftoo ‘ hayaanki ka soo hadhaan ahay
  5. Niman hadalkiis hadh-qoodaarkiyo ‘ haweenkaba dhaafin baan ahay
  6. Dagaal nimu haysto meel halisoo ‘ hubkiisu hangool yahaan ahay
  7. Wixii ku habboon nin haybinayoo ‘ bahdiis ka horjoogto baan ahay
  8. Hobyiyo Hereriyo* Hawaasta Galbeed ‘ hadmay isu hiilin doonaan?

* Herer ma’aha Harar; Herer waa Hargeysa. Una fiirsoo, Hobyo waxaa haystay Talyaani, Hererna Ingiriis, halka ay Itoobiyana ka haysatay Hawaas. Saddexdii gumeysi ayuu meeriskaas qudha meel isugu keenay!** (Xeebta Soomaaliyeed, waa Jabuutiye, gumaystaha haystay waxa uu ahaa Faransiis; si dadban ayaana dadka Xeebta loogu daray weglada, oo laga codsaday in ay hiilka ka qaybqaataan mar ba hadday wacan tahay in ay walaaluhu waxa xaqa ah isugu hiillamaan.) Dhab ahaantii, haddii aysan SYL u soo bixin Soomaalida, Soomaaliya oo laba gobal uun ah (Herer, Woqooyi iyo Hobyo, Koonfur) ma dhalateen, waa’ dambana dagaal uma gasheen in ay Hawaas soo celiso.

Inkasta oo ay murtida wegladu wadaamaha ku ridanayso ceelka xooladhaqatada, haddana beyd (waa labada meeris ee is hor yaayaal) wal ba waxa uu si qotodheer abwaanku uga faalloonayaa waayaha ay Soomaalidu ku sugnayd: In (1) dhaqaalihii ay waddanka ka soo saaran lahaayeen lagu canshuuro, looguna cagajugleeyo; in (2) loo diido madax-noqosho iyo hoggaaminta dalkooda; in (3) laga xayiro samaysashada qalab farsamaati casri ah, oo ay kamid yihiin kuwo ay ceelasha ku qotaan; in (4) kadib na ay dunida iyo horumarkeeda ka hadhaan; oo (5) kadib na ay farsamaaatiga isgaarsiinta heli waayaan, wararkooda iyo waayahooguna dunida u baahi waayo; in (6) ay hub waaweyn haweystaanna loo diiday; in (7) Soomaalidii dacar la isu mariyey, oo wax haga oo heeryada gumaysiga ka roga Sayidkii gadaashiis ay muddaba la’ayd; iyo in (8) xaalku ku dambeeyo in la isweydiiyo, waa barta sartu ka qudhuntee, goorta ay Soomaalidu isu soo hiilin doonto, oo dhulalkii laga haystay wadajir u soo ceshan doonto!

Aniga oo ku dabuubxiraya qoraalkii hore ee “Dadkaan Dhawaaqayaa,” bal isu eega: Sawirkaas iyo galiilyadaas ay wegladu xambaarsan tahay iyo sawirka maanta na horyaalla ee cabbiraya u gubashada in la kala go’o iyamaa in la haysto habboon? Soomaalidu hadmay isu hiilin doonaan, oo ay haybadda dhulalkooda oo dawlad qudha leh ku caanamaali doonaan?

** Maansada waxa aan ka qoray buugga Studi Somali 7—bogga 103d, ee ay wada qoreen Francesco Antinucci iyo Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeedna ku kaydsan.

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

V W W W V W W (W)

One thought on “Hadmay isu Hiilin Doonaan?

  1. Pingback: Cuddoonida Meeriska | Heeshi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s