C/qaadir Xirsi S. (Yamyam) / Jiifto

Soomaali waa Tuma?

Soo baxday 1978kii, dadka qaar(1) baa heestan marka ay faaqidaan ay ka soo go’daa in Soomaalinimadu waxa ay tahay ay sidan u qeexawday—iyaga oo waliba ogsoon waayaha dagaaleed ee ay heestu ku soo baxday—oo ah, in, Soomaalidu ay leedahay darajo aysan sinnaba uga gedmi karin! Annagoo tuducda ugu dambaysa dhuganayna, bal aynu hubinnee, anoon wax ba saafin, ku soo durka heesta:

Wakhtiyada sodcaalka ah
Ayaamaha silsiladda ah
Xilliyada bal suuree
Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo
Soomaali waa kuma?

Sinnaantaan la magac ahay
San-ku-neefle ma oggoli
Inu iga sarrayn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
Soomaali baan ahay

Ninna madax salaaxiyo
Kama yeelo seetada
Sasabada ma qaayibo
Sirta waxaan idhaahdaa
Saab aan biyaha celin!
Soomaali baan ahay

In kastoon sabool ahay
Haddana waa sarriigtaa
Sacabbada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo
Soomaali baan ahay

Sodcaalkaygu waa meel
Sahaydaydu waa dacar
SOOHDINTAYDU waa CAAN
Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran
Soomaali baan ahay

Nin i sigay ma nabad galo
Nin i sugay na maba jiro
Libta weli ma sii deyn
Gardarrada ma saacido
Nin xaq leh na cid lama simo
Soomaali baan ahay

Nabbadaan u sahanshaa
Colaaddaan ka selelaa
Soo-ma-jeesto goobaa
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
Soomaali baan ahay

Dabayshaan la socod ahay
Sal-fudayd na kuma kaco
Waabay sunaan ahay
Mar na samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay

Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Sandullaynta ma oggoli
Nin na kabaha uma sido
Soomaali baan ahay

Ninka iga sed roonow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran sasabo badow
Dareen seexda ma lihiye
Soomaali baan ahay

Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal!
Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida
Soomaali baan ahaay

Waxaa ilin leh, iyada oo maanta sifahan ay Soomaali badan ay ka maydhantay. Tanna waxaa wacay dawlad la’aanta ay meesheedii fadhiyaan maammullo aan Soomaali oo dhan isu keeni karin, iska daa in ay dagaal u wada galaan sidii ay himiladan ku socodsiin/raadgoobi lahaayeen e; waa dawlad la’aanta wacday in hoggaankii qaran u dhacmo siyaasi-waallo mil ah oo aan danaha bulshada aan u heellanayn, wixii aan ka ahayn danaha qabiilladooda. Sidii sifahan ay Soomaali badan dib isugu beeri lahayd, ayaa hadafka koowaad inoo wada ah, ee aynu ku toosno!

Xigasho: http://groups.yahoo.com/group/hadraawi/message/196 (Qoraalka heesta, oo aan codka la mid aheeyay).

2 thoughts on “Soomaali waa Tuma?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s