Cabdidhuux Yuusuf Xasan

Darajiyo Xil Yaa Mudan?

Maansada “Darajiyo xil yaa mudan?” waxaa curiyey Cabdidhuux Yuusuf Xasan. Waxa ay maansadu gundhig u ahayd ruwaayad (uu isla abwaanku allifay) oo ay fannaanintii Waaberi ku soo bandhigeen shirkii Carta, ee 2000 ka qabsoomay dalka Jabuuti. Ruwaayaddan ayaa waxaa ku dhan maansooyin qiiro badan, oo qaansooyinka hogatusineed ee sinnaanta, cadaaladda, tacaddi-diidka iyo tudhaalaha maatada u qaybinaya bini-Aadmiga ku dhaqan dalka iyo dunidaba.¹

Waa dadkii oo hadlaya, ka doodaya aayahooda, isweydiinayana: Ka ay darajo iyo xilba u oggolyihiin—ee aan lahayn iin sumcadxumo amma mid karti li’ineed—ee dalkii burburay dib u qotomin kara; oo aan qabiil soo dhaweysan haynin; oo ka dibna dadkii ku soo celin kara hadhkoodii, kala tagganaanshahoodiina meesha ka saari kara. Waa mid markaa ay dadku ku kalsoonyihiin daacadnimadiisa, rabaanna inuu asagu u hawlgalo iyaga.

Waxa ay dadku bixinayaani waa darajo. Waa darajo ay dadku u quudhi karaan mid iyaga ka mid ah; mid iyaga wax u ah; mid iyagii ah! Waa mid in geedxume ku tallaallan geyiga Soomaaliyeed uu kaare cadow dul maro ka gubanaya*, iska daayoo waaba dadkiisii oo dayuurado cadow lagu xasuuqayo, maxastii oo dhiiggoodii la gadayo, dammanayaal kuwa ihina ayba ku faanayaan—oo “gaalaannu” laynay lagu hadaaqayo! Waa mid “Dadkayga iyo Dalkayga” ay sida xiddigtaas caddi calanka buluugga ah ugu taallo ay laabtiisa ugu taallo, oo ay uga soo caddahay! Waa mid kala duwanaanshaha fikirka oggol, asii aan kala firirka iyo is-diiddada aan oggalayn, oo isu soo dabbaali kara inta inta yar, ee dinniqa ah, ku kala dudsan. Waa mid daaci ah oo dadka wixii u dana ee ay adduun iyo aakhiraba ku badbaadayaan fara oo ku celceliya, oo aan ka daalin; una daaya xoriyaddooda iyo garashadooda uu Eebbe ku galladay, kuna cabbudhin.

Maansadan waxa murti iyo hogotus ku duugan lama soo koobi karo. Waana maanso ay tahay qofkii damiir leh inuu ku celceshado, oo markii uu goosto inuu walaalkii duullaan ku qaadaba uu shaydaanka dabkiisa isaga bakhtiiyo. Acuudu Billaahi minash-Shaydaanir-Rajiim. Waa maanso qofkii u tudhaya umaddan uu la ilmeeyo dhageysigeeda/akhrinteeda. Waana farriin abwaan, oo ka socota dadkeenna, kuna socoda inta darajo inaga mudan ee aan u han weynnahay inay ina hoggaamiyaan.

Waxa maansada ka horreeya arar, inta horoo dhan geeraar ah, tuduca ugu dambeeyana uu yahay jiifto—si ay isu qabtaan maansada oo jiifta ah. Waxaa arartan wada qaadaadhigaya Maki Xaaji Banaadir iyo Cabdullaahi Iimaan. Waxa uu Maki ararta ku bilaabay:

Dadweynow kulligiina
dalki aynu lahayn
sida uu ku dambeeyo
waad dareensantihiin

Berigga dab baa ka holcaaya
waa degganaansho la’aan
nafleydu waa ka diddaa
webiyaa dacalkooda
tacbatadii deggaynayd
maanta waa dismoraal
dalagga beerashadiisa
daruufaa ka hor taagan
iyo dagaalo sokeeye

Xuduudda duul cidla’ waaye
diilinta ciidan ma joogo
iyo dad looga baqaayo
hawadeen dibad waaye
diyaaraa isku gooshoo
fasax la’aan ku danaysta!

Dayacan weeyi baddeeni
kheyraadkeeni dabiici [?]
tuugaa daad guranaysa
sun nafleyda dilaysoo
dunidaan ka mamnuuc ah
baa lagu daadinayaa
cidaan ooga dacwoonniyo
xoog difaaco ma hayno
bekoos annagaa kala daadsan
annagaa is dulmayna
annagaa is dabrayna
annagaa is dagaalsanoo
isku dilayna qabyaalad

Dibiga xoolaha nool
doorjoogta ugaadha
dalka waan ka gurnaa
dibaddaan u rarnaa
… [geedaha]
dadka waa harsanaayey
xoolahaa daaqi jireen
degaanku wuu ku mudnaa [?]
naxariis darraan u jarnaa
dabna waan ku shidnaa
dhuxulaan ku dubnaa
Carabtaan u dirnaa
doollaraan ku gadnaa
dabiiciigii dhaxalkaa
waxaa aan u daldaalnay
degdeg inaan ku tijaarno!

Kuwa deeqda baxshaan
dadka kaalmada siiya
nooma diir naxayaan
ekisbaayar daruuri
iyo daawooyin sumaysan
bay noo soo dirayaan

Waa la daalay la daalay
waana laysku dambaabay
illamaa DAWLAD caamiyo
kala dambayn laga gaaro
dakanana layska ilaawo
maskaxda noo degi maysee
darajo ruux u qalmaayiyo
mas’uul DOORASHADIISA
dawgee loo marayaa?

Qaybta ararta ee hore waxa ay is dul taageysaa sida burburku uu u dhex jibaaxay dalkii, ee ay xitaa qoormadoobe iyo inta uu matalo uga baxsan waayeen daldalaadda iyo iibgeyntooda, aan dani keenin. Maddaama oo aan isku maqannahay bulshooy, waa macquul in wax kasta nalagu samayn karo, oo nalaka samaysan karo. Kowiyo-toban kal ka hor ayey arartaasi dareenkaas cabbiraysay; maantana dareenkaasi ma aasmin, oo waaba uu sii oogmayaa. Xaalka adag ee na hor taagani waa innaga oo wali is dulmayna (oo is xaqirayna, is yasayna, is liidayna, oo bulshadeenna qayb la haybsoocayo, qaybna la gumaysanayo), oo wali is dilayna (oo iska laynayna inta birimagaydada ah ee haween, ubad iyo waayeel iyo waxgaradba leh), iyo wali innaga oo is dabrayna (oo aan ka waantoobin qabyaalad wax ku qaybsigeeda, aynu is kaga miirnay dad badan oo maanta wax ina tari lahaa, oo aynu juhalo iyo caaq miidhan ku doorsannay).

Xaal kastoo adag waxaa looga baxaa farsamo ku xidhan isku duubni iyo ka ducaysi Alle. Dadka wax garadka ah, ee diirnaxa leh, ayaa la soo saaraa, fagaarayaasha looga haraa, oo ciriiriga iyo loollanka laga ilaalshaa. Maanta waxgaradkeenni waa mid ay dan-yari meel dhigtay, iyo mid ay dadkiisii waxba ugu fadhiyin. Haah. Dadkeennu haddii uu iska soo saari karo inta ugu kartida badan, inta ugu naxariista badan, inta iyaga u heellan oo ay diidaan inta iyaga nacnaca afka ugu haysa, ee dambiilayaasha waliba ah, waxa suurtaggal ah in xaalkani duubmayo, Ilaahay idinkii. Xaalkani waa duubmayaa marka uu dadku hadlo, danahoodana u istaago. Xaalkani waa duubmayaa marka uu dadku garwaaqsado in saldhigga dimuqraaddiyaddu ahayn doorasho iyo cod lagu kala badiyo balse uu saldhiggeedu yahay ogaanshaha [dadku] awooddooda iyo waxa iyagana u dan ah, dalkooda iyo dhulkaba u dan ah, ee uu ka ay doortaan ku dabranyahay, ee uusan sinnaba u duweyn karin—haddii uu duweeyona ay dadweynuhu ka qaadayaan caynaanka! Xaalkani waa duubmayaa marka daacadnimo laga yahay sinnaan iyo kala dambayn, caddaalad iyo wadatashi, wanaag, wanaag, wanaag, wanaag.

Bal aynu eegno qaybtan kale ee ararta oo ka warcelinaysa ka la doortaa waxa uu ka tilmaamanyahay, iyo waxa uu ku tilmaamanyahay:

Halabuurka dadkiisa
dibindaabyo qarsooniyo
halista wawga digaaye
nimaan maanta dalkiisa
dabka uu ka huraayo
xal u dooni karayn
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Ummadu waa is dishoo
daxalaysatay laabtuye
isu doo dumiddeeda
diciif aanan awoodin
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Inta gaajo darteed
daadsan oo socon waydiyo
dadweynii ku curyaamay
dagaallo aan xaq ahayn
ninka aysan damqaynin
daryeel say u hellaan
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Dambiile dhiigga dadeed
daadiyoo u qasdoo
dakanooyin xambaasanoo
eedi ay daba joogtana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Dad intuu hor yimaaddo
nimaan dood wax ku ooliyo
hadal deeqa karayn
damman oo jilicsoonna
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Damaaci aan waxba deeqinoo
dhuuntu ay u dalooshoo
dagdag xoolo u yeelo
dubaaqiisu ka buuxona
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Danu hadday ka dhaxayso
dadku waa ka shiraaye
digtatoor keligii
wuxuu doono falaayana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Dalkeenni waa burburoo
dooc inooma fiyoobee
dib inuu dhisi waayee
nin ka daahan aqoontoo
ka daboolan adduunkana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Nimaan daacad ahaynoo
la yaqaanno duntiisoo
qalbiguu daxalaysoo
qabiil daaddihinaayana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Haddaba waxan doonaynaa
dadku nimu u siman yahay
dar Alliyo nin daacada
dulmi-diid caddaalada
dadaal-badane hawl kara
lagu diirsay geesiya
faxal iyo nin deeqsiya
samir iyo dulqaadba leh
damiir lagu xishoodo leh
dareenkii waddaniga leh
diintana quweyn kara
ayaa darajo qaban kara
duco iyo kalsoonina
waan ugu sii daraynaa

Haddaba, dadku waa inuu hogatuskaas ka dabqaataa. Waa inuu maskaxdiisa la tashadaa, oo iska soo saaraa ka darajo iyo xilba mudan ee uu dooran karo. Maansadunana ha u sii ifiso dawga:

Dal burburay dadkiisii
debaadigi ka soo haray
dulli iyo dhib kama baxo
illaa dawlad caadila
iyo qaran dib loo helo
doodi waxay ka joogtaa
dadweynuhu isweydiin
darajiyo xil yaa mudan?
bulsho daadahayn kara?

Dadka Somaliyeedow
farriimaha durdura iyo
su’aalaha is deba yaal
dulucdiyo ujeedada
waa dood inoo furan!

Yaa colaadda damin kara?
dabka yaa bakhtiin kara?
yaa dooni kara nabad?
dalka dibudhiskiisiyo
DADKA yaa wax tari kara?

Yaa qaranki shaley dumay
darbiga u adkayn kara?
ummada yays ku duwi kara
kala durugtay waayadan?

Dariiqyada agoontaa
gaajadu ku dubatiyo
curyaamiinta daawiyo
yaa daryeel u fidin kaara?

Waa DACAR qabiilkuye
yaa “Diidey” oran kara?
dadka yaa hor iman kara?
hadal deeqa oran kara?
kasban kara rag iyo dumar?
oo xumo ka daahira?

Cadceed baa dul joogtoo
dhidid baa ka da’ayoo
diif baa ku raagtoo
BULSHO daalan weeyee

Durdurada xarreediyo
yaa damalka geyn kara?
dareenkii waddanigiyo
yaan ka dhiman DAMIIRKOO
dhibaatadu damqaysaa?

Kuwaa daydaygaa iyo
qaaddicul dariiqyada
duruus yaa u dhigi kara?
dawga toosan marin kara?
hubka daadsha oran kara?
dawladaha jaarkiyo
lays kama durduriyee
sumcad dunida yaa ku leh?

dhan yaa ku leh dulqaad badan
dhanna ku leh dadaal wacan
dhanna daacadnimo sugan
oo na daadahayn kara?

Waxaa duubka xiran kara
oo doonta wada kari
nin la doortay oo mudan!
annaguna darajadaa(saan)
duco iyo kalsooniba
ugu sii daraynaa!

Gebagabadii, akhristaha Soomaaliga ahow ka digtoonow in aad marnaba hoos u eegto dhibbanaha dalkaaga iyo dadkaaga, oo ha ka baraad-la’aan xoojinta iyo taageeridda naftaada iyo naf kastoo jecel in wixii inoo wada dan ah kabmaan, oo kore ahaadaan—hana u eegin waa reerhebel iyo reerhebel. Astaamaha digniineed ee ay maansadu xustay waxa aan kuugu darayaa: Qofka magaca “Soomaaliyeed” ka didaya, ee ay qabyaaladdu ka tan badato, waa in aadan u dhugmo la’aan—hadduu si daalac leh iyo si dadban ba u bahalaynayo magacaas—meeshuu doono ha ku sugnaadee. Waayo qofkani waxa uu aasayaa waxa aad tahay, oo godka ayuu kugu hogaynayaa adiga oo nool! Akhristow, haddii kii saas ahaa aad maanta xil u dhiibato, saw ma’aha inaad dib u eegtid waxa uu xilkaasi yahay, cidda soo qortay iyo sababta aad ugu hoos jirto?

———————-
1  Maansada “Maxaan xabbaday ku nacay” ee ruwaayadda ku jirta waxa ay dadka ka ganacsada hubka ee warshadaha u samaystay faraysaa in ay damiir yeeshaan, oo xidhaan warshadahooda. Waana tan ta keenaysa in ay ruwaayaddu dunida oo dhan dhambaal u dirto, oo aysan ku koobnayn ummada Soomaaliyeed oo qudha.

* Markii aan sidaas qorayey, ma ogsoonayn in uu abwaan Maxamed Cali Kaariye yiri: Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaayeHal waraabe dilay baan ka nixi, oo dalkeenna ahe. Si kooban, qof dal iyo dadkiisa ba jecel ayaa darajo iyo xil ba mudan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s