Idiris M. Cali / Maqaal

Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada

Hordhac

Qofka maanso curinaya waxa uu adeegsanayaa af iyo ereyadiis; waxa uuna dhambaalkiisa u dawinayaa cid Allaala ciddii uu u garto inay maansadiisu khusayso. Marka, waa muhiim inuu qofkani adeegsado ereyo iyo balaaqo ku habboon hadafka maansadiisa. Haddii ay maansadiisu ku socoto mujtamac iyo dad, waxa uu qofkani maansadiisa gundhig uga dhigayaa dhambaal khuseeya mujtamacan iyo dadkan. Haddii uu isaga iskii isugu la hadlayona, waxa uu qofkani ku dadaalayaa in isaga culays saaran uu iska rido—culayskanina marka dambe waxa uuba isu baddalaa suugaan ay jiilalka dambe ku hawltoobaan (matalan: Raage Ugaas gabaygiisa “Sida Koorta Yucub” oo noqday gabay daraasado badan lagu sameeyo, oo lagu hawltoobo). Marka qofkani waa in uu ogyahay, oo uu la socdaa, dhageystayaashiisa; waana inuu isticmaalo luqo ku habboon dhageystayaashiisa.

Marka aan ka faalloonayno gabayo qarniyo ka hor la tiriyey waxa cad in aynu ku hawltoobayno sidii aan u fahmi lahayn meerisyo ay ku taxan yihiin ereyo aynaan qaarkoodba fahmi karin. Waxaan kaloo ku hawltoobaynaa inaan dhadhansano macaanka iyo farshaxanka ku duugan meerisyadan. Waana tan dambe ta’ ugu hawsha badan, ee hor taalla gorfeeyayaasha maansada, ee aan rabo inaan wax yar ka bidhaamiyo, maanta.

Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada

Qofka maanso curinaya waa qof ku dadaalay inuu xurfado laba gal: 1) Gal Ereyo ah iyo 2) Gal Xigmad ah. Maansada Soomaaliyeed waxa tayo sare u yeela habka loo dareeriyo, oo ku dhisan miisaan, iyo habka loo qaybo, oo ku dhisan tibixqaarraan (xarafraaca amma qaafiyadaynta). Labadan hab oo la isku dhafay waxa ay suuragaliyaan ciriirrinimo iyo daryeelid (ay daryeelaan maansada lafteeda). Waxa ayna maansoyahanka ku khasbaan inuu kolka horeba soo yeesho labadaa gal ee kore: Waa inuu ereyo badan gurubsadaa, habka uu ereyadan u taxayona uu ahaadaa mid xigmad iyo murti ku dhisan—isla markaasna uu waafajiyaa wadiiqooyinka maansada mid kamid ah (sida: Gabayga, geeraarka, jiiftada, iwm).

Marka uu qaato maansoyahanku inuu gabyo, waxa u furan hal wadiiqo oo maanso ah: Gabay. Balse, inta uusan go’aankan gaadhin, waa inuu la soo baxaa mawduuca maansadiisa. Intaa wixii ka gadaaleeyana waa isaga oo bilaaba maansada, hadafkii uu ka lahaana sida ugu gaaban ku gaadha! Ka dibna dadweynaha ay maansadaasu gaadho ayaa wadwadi, oo kolba si uga faa-faalloon. Inta wax gorfayn og se, waxa ay ku dadaali sidii ay maansadaa maansoyahanka u qali lahaayeen, oo ay u faaqidi lahaayeen.

Badanaana, waxa ay gorfeeyayaashanu ku hawltoobaan ka faalloonta farshaxanka uu maansoyahanku maansadiisa ku bilay. Waxa ayna gorfeeyayaashu qiimeeyaan sida uu maansoyahanku ereyada afkiisa wax ugu sawiro; sida uu maansoyahanku u adeegsado ereyada ku habboon mawduuca maansadiisa; sida uu maansoyahanku xeeldheerida afkiisa u muujjo, oo uu geedaha iyo haadda dalkiisa ugu maahmaaho; sida uu maahmaahaha jira ugu xardho meerisyo kooban oo maansadiisa kamid ah; sida uu u soo koobo, una gaadho hadafka guud (dabuubta) ee maansadiisa. Haddii ruux aan wax gorfeyn karini faraha la galo hawshaas adag ee gorfeeyayaasha, waxa dhasha maroor iyo awr-lis uu ku kaco ruuxani!

Gorfeeyayaashu maanso kasta isku si uma gorfeeyaan, oo maansooyinka qaar ayey aad ugu dheeraadaan. Waxayna ogyihiin in maansooyinka uu xitaa hal maansoyahan tiriyey ay kala duwanyihiin, kalana xog badanyihiin. Waxayna maanso u xushaan kolba farshaxanka lagu dhisay amma waayaha iyo ahmiyadda  ay xambaarsantahay; iyo haddii ay cilmi cusub ka beeri karaan maansadan. Tan dambe annagoo eegayna, aan dhuganno sida ay maansoyahannadu u gacan qabtaan gorfeeyayaasha, oo aan tusaale ahaan u soo qaadanno Gabyaa Dhoodaan arartiisan:

Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maansa xubinteeda
Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
Xariiqdiisi waa inan marshoon, xididki raacaaye
Maantana xagguu jirayey baan, kaaga xaadiriye   [Si baan meeriskan u saxay!]

Affartaas meeris waxa uu Gabyaagu ku caddeeyay hannaanka uu u curiyo maansooyinkiisa. Waxa uu Gabyaagu caddeeday inuu go’aansado inuu gabyo; inuu ku xijiyo helista tibixda (xarafka) uu gabaygiisa ku qaafiyadaynayo; inuu dhannaba u liicin (oo uu iska dhawro deelqaafka) oo uu maansadiisa kiciyo, wadiiqadii gabayga ahaydna ku dareeriyo; iyo inuu mawduuceedii abbaaro. Intaa ka dib waxa uu u soo dhaadhacay sheegista (si daalacan) hadafka maansadiisa:

Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
Xog ogaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye

[Gorfeeyayaasha ayaana qiimayn kara, marka ay gabaygan gorfeeyaan dulucdiisa, inuu Gabyaa Dhoodaan hadafkiisan gaadhay iyo haddii kale.]

Gabyaa Dhoodaan gabayadiisa oo idil kuma bilaabo sida uu gabaygan (“Xulub Socod”) ku bilaabay. Balse waxa uu gabaygan ku xusay hannaanka uu u curiyo gabayadiisa. Waxa uuna gorfeeyayaasha siiyay aqoon ay tahay inay ka baaraandagaan, oo isweydiimo ka keenaan: Horta, maxaa keena inuu gabyaagu gabyo? Maxaase ku dhaliya inuu gabyaagu tibix ka doorto 22ka tibxood ee maansada lagu qaafiyadeeyo? [Tibxaha shaqallada ah ee A ,E, I, O, U, waxa ay qaafiyad ahaan noqdaan tibix qudha oo Alif ah. Tusaale, waakii Gabyaa Calidhuux uu yidhi: Ilmaadeerradaa iyo ku nece, ururki reer Khayre.] U jawaab raadinta su’aalahanna waxa ay gorfeeyayaashu ka beeri karaan aqoon furfuris u baahneyd—in kasta oo ay jiraan gabyaayo caddeystey sababaha ku dhaliya inay gabyaan, oo sidaaba ku maansooday.

Marka ay gorfeeyayaashu dhugtaan xeeldheerida isku-dhafka ereyada ee maansoyahanka waxa ay garwaaqsadaan inuu maansoyahankaasu leeyahay hibo halabuurnimo oo farshaxankeedu sarreeyo. Marka ay la kulmaan maanso meerisyadeedu soo koobeen mawduuc ereyo badan lagu qaadaadhigi karo—amma ay meerisyadani si fudud oo gaaban u sunkeen maahmaahyo hore—waa ay ammakaagaan. Ammakaag kale waa marka ay la kulmaan sida uu maansoyahanku ugu macallinka yahay adeegsiga “higillada waxsheegga” (oo kala ah: Ekeeyeha, Shareereha, Sarbeebta, Qofeynta, iwm) (Cabdi, 2008). Ammakaag kalena waa marka ay la kulmaan maansoyahan ogaan naxwaha afka u jabinaya, oo ay meerisyada maansadiisu ka tan bateen u hoggaansamida naxwaha afka. Kolka, waxay gorfeeyayaashu jecelyihiin inay si cilmiyeysan u ogaadaan waxa u sahlaya inuu maansoyahankanu sidan quruxda badan wax isugu qoofalo.

Gorfeeyayaashu cilmi fog iyo mid sokeba waxa ay u leeyihiin rogroggida maansooyinka hor yaalla. Waxa ayna rogrogiddan ka soo saaraan koloyo cilmi ah, oo uu agab ay maansooyinka ku saaftaan uga buuxo. Waxa ay gorfeeyayaashu ku dadaalaan helista ereyo qeexan oo ku habboon inay u matalaan meelaha ay u rabaan. Waxayna ka digtoonyihiin dayac iyo adayg ay u gaystaan gorfayntooda. Marna waxa ay gorfeeyayaashu dusha kaga keenaan gorfeyntooda sooyiilka (isha taariikhda), oo ay isku dayaan in ay sidaasna gorfeyntooda ku naaxiyaan. Soo wada duudduuboo, gorfeeyayaashu waa dar asluub leh, oo aan godob ka gelin gorfeyntooda—waana dar aysan sheegato ku milmi karin!

Agab qudha oo ay gorfeeyayaashu dhugtaan haddaan ka faalloonno, aynu tusaale ahaan u soo qaadanno waxa afka Ingiriiska lagu yidhaa “Allusion” (oo aynu si ku meel gaar ah dhig ugu yeelayno ah: “Hummaagyeyn”). Hummaagyeyntu waa agab uu maansoyahanku adeegsado, gorfeeyayaashuna u ogyihiin, oo uu ku muujiyo aqoontiisa uu u leeyahay deegaankiisa iyo suugaanta dadkiisa. Hummaagyeyntu waa xusid laga yeesho degaan amma murti hore. Tusaale fiicanna waxa aan ka dhigan karnaa gabayga “Sida Koorta Yucub” ee uu tiriyey (Allaha u Naxariistee) Raage Ugaas Warfaa.

Waxa uu Raage Ugaas gabaygan inoogu sheegayaa sida uu u murugaysanyahay, oo uu habeen oo dhan u jeleledayo. Waxa uu rabaa inuu codka kololo’iisa iyo cod kasta oo daranba uu xiriir weyn ka dhexaysiiyo. Waxa uuna kolkaas adeegsanayaa agabka Ekeeyaha, oo isku kaba laba arrimood oo kala geddisan (iyadoo la isticmaalayo ereyga “Sida”). Halkaas ayuuna Raage ka dhaadhacayaa illaa uu hadafkiisa ka gaadhayo, oo ah: Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye! Aan inoo kala baxo annaga iyo Raage hummaagyeyntiisan:

Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeboo nirgaha, laga kaxaynaayo
Ama beelo keynaan ahoo, kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaa, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye

Markaan gorfeyno meerisyadaas kore ee gabayga ah, waxa inoo soo baxaya xeeldheerida Raage Ugaas u lahaa degaankiisa iyo dadkiisa. Inta cabbirro dhawaq leh ee uu bixiyey Raage qaarkeen ma wada maqlin. Sidaas si la mid ahna, waxaana laga yaabaa isaga laftiisu (waa Raagee) inuusan dhagihiisa ku maqlin cabbirradaas, oo uu qaar sheeko (suugaan ka horreysay ah) ku helay—waxaana suurtagal ah inuu Raage gebi cabbirradan dhegihiisa ku maqlay, oo uu waayo-aragnimadaas isagu la yimid, sidan wacanna isu saarsaaray. Waana tan ta’ keenaysa inaynu nidhaa: Meerisyadaasi qaar in hoos loo sii dhugto, oo baadhis dheeraad ah loogu itaal sheegto ayey istaahilaan. Waxaana ay hawshani u furantahay gorfeeye taariikhyahan ah, oo Raage sooyiilkiisa (xittaa gabayadiisa) in badan wax ka haya. Intaa wixii ka sokeeya se, gorfeynteennu waxa ay caddayn kartaa sida xeeldheerida leh ee uu Raage u adeegsaday labada agab ee kamidka ah higillada waxsheegga ee kala ah: Ekeeyeha iyo Hummaagyeynta, oo runtii HEERSARE ah. Sababta uu Raage isu daba taxayo waxaas oo cabbir-codood ahna waxa aan u celin karnaa isaga oo murugadiisu ay xad-dhaaf ahayd, isla markaasna uu si wacan uga ciil baxayey, oo culayska isaga ridayey!

Gabagabo

Hawsha gorfeeyayaasha maansada saarani ma yara. Inay cilmi ka iftiimiyaan meelo dahsoon ayaa ah hawsha ugu weyn ee gorfeeyayaasha saaran. Ruuxa u dhabar-adeygaya inuu maanso gorfeeyo waa inuu ku dadaalaa barashada waxa hortiisa tuulan ee ay gorfeeyayaashii hore ka tegeen; lana yimaaddaa asluubta gorfeeyenimo. Gorfeeyayaashu ma aha kuwo cilmigoodu ku sargo’anyahay barashada gorfeynta, ee waa kuwo cilmigoodu uu ku sargo’anyahay afmaalnimo. Cid kalaba ha i noo dambeysee, marka aan la dhacno sida ay gabyaayadu u saafaan, amma u tafsiiraan, macnaha ku duugan gabayo hore waa in aan u qirnaa iyaga gorfeeyayaal!

Raadraac

Cabdullaahi Macalin Axmed Dhoodaan. “Xulub Socod.” <http://tiny.cc/w5pgw&gt;
Raage Ugaas Warfaa. “Sida Koorta Yucub.” <http://tiny.cc/axdat&gt;
Siciid Cabdillaahi Cabdi. “Af-Haaneedka Soomaaliga.” October 1, 2008. <http://tiny.cc/3jnw3&gt;

TBP: WardheerNews.com

13 thoughts on “Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada

  1. Asalaamu Caleykum.. Yaa Salaam Yaakhay, Aad baad umahadsantahay Walaalow, Laftigaaga ayaana gorfeeye ah, waligey ma maqal nin sidaada oo kale gabay intuu udhex galo, sawiro aan dadku arkeynin kasoo saara.
    Waxaanan aaminsanahay qofkii akhrista dhowr maqaal oo noocaan oo kale usharxaya arimahan, in isaga laftiisu wax tirin doono, heerkii ay dooniba ha joogtee.
    Su,aal yar baan ka qabaase maqaalkan, anoo wali rajeyneya fahankeeda hoose.
    Waxaad tidhi, Abwaanku marmar ayuu si ula-kac ah ama ukas ah ujebiyaa maansadiisa, si uusan shuruudaha gabayga uyaala u xad dhaafin, isagana markaas eedi uga imanin.
    Taas maxaa lagu kala garan karaa, in abwaanku si ahaantiisa gabaygu uga jabay iyo inuu ula dan lahaa jebintaas?
    Makhraatiga ah noocaas ah ee lagu kala garto inaad noo bandhigtay aheyd tusaalayaal.
    Sababtoo ah, jebka laftiisa ayaa godod badan ka geli maansada, ama dan laga lahaa haloo jebsho, ama meeriskuba ha jabnaandeee, aniga aragtideyda weeye taasi..
    Waxaana durba maskaxdayda kusoo dhacay, Gabayga Guuguule ee ismaaciil Mirre, Inkastooba laga yaaba jebniinkan aan soo wadaa uu noqon jebniin kale oo kaad ka hadleysay aan waafaqsaneyn:

    Guuguulahayow haddaad gu’ga u ooyeyso
    Ood mooday keligaa inuu gubayo jiilaalku (Meeriskan dambe, Hal “G” baa ku jirta, “G”‘duna sida muuqata gabaygan ismaaciil bay saldhig u aheyd , hal mar beyna meeriskaas ku jirtaa, Taas oo kale ma ula kac baa, mise Waa jab eed keeni karta, mise ragii soo tebiyay yaa sidan jaban u qaybay, ee abwaanku si kaluuba udhigay meeriska, aynaa inagu maanta heynin).
    ASC

  2. W/S Axmed,

    Runtii ma jiro gabyaa amma maansoyahan ogaan u jabin kara hannaanka (miisaanka iyo qaafiyadda) maansada (marka laga reebo maansooyinka aan qaafiyadda ku khasbaneen, sida: Buraanburka iyo jacburka!). Waxa aan ka hadlay waa jiritaanka “maansoyahan ogaan naxwaha afka u jabinaya, oo ay meerisyada maansadiisu ka tan bateen u hoggaansamida naxwaha afka.” Waxa aan ka hadlay waa naxwaha ee ma aha miisaanka maansada. Haddii ay dhacdo in uu abwaanku jabiyo hannaanka maansada waxa ay gorfeeyayaashu ka baaraandagaan labadan qodob:

    1) Sababta iyo sida uu jabniinku ku yimid oo ay daaliciyaan, iyo
    2) Sida ugu rajaxsan ee ay u kabi karaan jabniinka, iyagoon ujeedada abwaanka baal marihaynin.

    Qodobka koowaad waxa ay gorfeeyayaashu ku soo saaraan jabniinka; waxayna isku weydiiyaan su’aasha: Ma jabniin qaafiyadeed, oo deelqaaf ah baa, mise waa jabniin miisaameed, oo laxni ah? Haddii ay gartaan inuu jabniinku yahay mid miisaameed, waa ay fududdahay sidii ay u sixi kari lahaayeen—waa haddii uu jabniinku hal erey oo qudha saameeyay. Haddii uuse jabniinku yahay mid deelqaaf ah, gorfeeyayaashu u ma furna inay meeriska toosiyaan, oo ay ereyo ku kab kabaan. Sababta oo ah, waxa ay gorfeeyayaashu soo biirin karaan mushkilado iyo macno-baddalid.

    Tusaale ahaan, meeriska aan is lahaa waad saxday ee “Maantana xagguu jirayey baan, kaaga xaadiriye,” waxa uu Gabyaagu ugu dhawaaqay meeriskaas sidan: “Maantana xaggii uu jirey ban, kaaga xaadiriye.” Labada siyoodba meerisku wuu ku toosanyahay (miisaan ahaan). Balse markii aan ka akhristay mareegta Doollo.com oo sidan meeriskaas u soo tebisay, “Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine,” waxa aan u dhaqaaqay toosinta meeriskaan, aniga oo aan isku dayin inaan dhageysto sida Gabyaa Dhoodaan u soo bixiyey meeriska. Waxayna taasi runtii ahayd degdeg uu gorfeeyuhu ka digtoonaan karo. Immikana waa inoo darsi waafiya. [Haddiiba aan dhageysan karno maansoyahanka, waa inaga mamnuuc inaan toosinno meerisyada maansooyinkiisa haddii uusan isagu la imanin laxniga! Waxaana gorfeeyaha u furan idghaamin, sida ereyga “Walaalaha” oo aad u idghaamin karto “Walaalaa”; iyo “aan” oo aad u soo gaabin karto “an” kolba sidii miisaanku ku toosanyahay!]

    Balse waxaan tusaalahaa kuu siiyey inaad dhugatto sida ay u fududdahay inuu gorfeeyuhu u saxo meeris uu isleeyahay miisaankiisa ayaa jaban. Immika ila eeg sida ay u adagtahay inuu gorfeeyuhu saxo jabniin ku yimid qaafiyadda.

    Tusaalaha aad i soo siisay ee ah “Ood moodday keligaa inuu, gubayo jiilaalku” waa meeris uusan gelin, sidaad caddeysay, laxni miisaameed, balse uu yahay meeris uu galay deel-qaaf. Kolka hore waa in aan isweydiinaa: Meeriskaasi armuusan sidan uu u dhiganyahay uga soo bixin afka Gabyaaga? Armuu meeriskaasu tebintiisa ku kala hallaabay? Haddii aynaan jawaabo waafiya u haynin su’aalahan, waxaynu sii shiil-shiilli karnaa meeriska annagoo xal raadis ah.

    Haddiiba ay naga awdantahay soo biirinta erey ku billowda tibixda “G” oo aan meeriskaas hojiskiisa dhan uun kaga gufayn lahayn, waxa inoo bannaan inaan raaraadinno dhawaq qudha oo “G”-ley ah oo aan ka heli karno meeriskaa hojiskiiisa. Waana tilmaamaha “gaa” ee ku lifaaqan ereyga “keligaa.” Dhawaqan ayaa inagaga filan inaan ku kaaftoonno! Bal meeriskan u fiirso gabaygan “K”-leyda ah ku jira: “Kala firidhka qoyskoy bulshada ‘ aafo kala geysey” (Saalax Xaashi Carab; Kontonguuro, 2010). Halkan ayaa haddaba ah meesha u baahan in toosh lagu ifiyo, oo ay gorfeeyayaashu ka soo saari karaan xeerar cusub oo qaafiyadda xadeynaya! [Xusuusna dib ugu noqoo, sida la sheego Gabyaa Dhoodaan jacburkuu bilaabay saw qaafiyad li’i ma suurtoobo? Balse miisaan li’i inuu suurtoobo waa xaasha! Tusaale aan Gabyaa Jaamac Kediye ka hayona waa: “Waa inaanu kaman qaadannoo, shaah ku gadannaaye!” (Mar dhaw baan soo daabici, IA.)]

    Waad mahadsantahay,
    Jidhidhico

  3. Mahadsanid Jidhiidhico, Jazaa Kalaa khayr.
    Nin si fiican suugaanta ula dersay baad tahay oo gorfeeye xeeldheer ah.
    Waana kaa sugeynaa arimahaas aad noo iftimiisay, iyo khaladaadka udhaxeeya abwaanadii horre gabayadey tirsheen iyo qaabka loo soo tebiyey.
    Sida Tusaalehan oo kale “Haaruun gumaad baan lahaa Gabadhna haw reebin, ama Nin ganaananaayaan ahoon gabadhna dhaafeyne”… oon sida aan moodahayay aan halkan horay uga akhristay, in ereygu uusan gabadhba aheyne “Gobo” laga hadlayey.
    (Gobo’na dhaafeyne).
    Aad baad umahadsantahay Jidhiidhico.. Waan sugeynaa maqaaladaada qaaliga ah.
    Salaamu caleykum, Bil ramadan baana soo dhowe, allaha khayrkeeda iyo farxadeeda haynaga gaadhsiiyo. Aamiin

  4. Gorfeeye, ma inta ay fartu soo baxday unbuu soo baxay isna..? Qoraalka ka hor, ragii aan gabyi jirin, Laakiin maansada darsi jiray ee ka faaloon jiray, iyaguna ma sharciyo noocan ah unbay raaci jireen?

  5. Kamaal,

    Waa su’aalo meesha ku jira. Jawaabahooduna waa ay sahlan yihiin!

    Qoraalka waxaa xukuma hadalka; hadalkana waxaa xukuma maskaxda—maskaxdana Eebbe ayaa xukuma. Marka, darkii hore ee aan wax qori jirin waa ay gorfeyn jireen maansada maaddaama oo ay hadli karayeen, maskaxna lahaayeen. Hasayeeshee, gorfeyntoodu way koobnayd. Sababta oo ah, iyagu ma aysan haysan qoraallo u xafida, oo u kaydiya una ururiya, kolba aqoonta ay soo kordhiyaan, kana baaraandagaan. Gorfeyntoodana intii laga hayey ayey gorfeeyayaasha maanta jooga ee wax qora sii bulaaliyeen, oo sii badiyeen.

    Raggii aan gabyi jirin, balse u fiirfiirsan jiray maansada ee maansadhaariga ahaa, way kala garan ogaayeen maansada jaban iyo midda kale. Lakiin, sida uu B.Sare. Carraale xusay, ma aysan garan karin meesha iyo sida uu jabniinku ku yimid. Waana tan ta’ keentay inuu B.Sare. Carraale soo helo xeerarka miisaanka maansada—isagoo gorfeyntiisa qoraal ku soo tebiyey. Ka waran haddii uu hadal ku soo tebin lahaa—oo waliba hadalkaas aan cajal lagu qaban? Ma kula tahay in wax badan laga taransan kari lahaa si kastoo ay aqoontu u giigtirantahay?

    Waa ku kaa,
    Jidhidhico

  6. Raggii Horre haddaan mala-awaallo, Inkastoo maleyntu denbi tahay, Ilaahay hanaga cafiyee, waxaan filayaa inay sidatan aheyd:
    Gorfeeyihii xiligaas jiray Gorfeeye qabiil okoboon buu ahaa oo ku udban, geesna uga bixi karrin.
    Kana raali ahaada qabiil baan magac dhabiye, Gorfeeye Daarood ahi si daacad uma guteen gabay ka yimid dhanka Digil iyo Mirif, Sida si la eg digilkuna.
    Gorfeeye isaaq ahi ma dhuuxeen mana sii hayeen gabay nin ciise ahi tirshay, Waana dabeecad aynu wada garan karno inay xiligaas caadi aheyd.
    Isagoo laga yaabo in gorfeeyahu ogyahay in cali dhuux la sito oo laga ilhelay, buu odhan karaa, Caliyow adaa Qamaan ka il helay, sida si la eg unbuuna yeeli gorfeeyaha qamaan ku ag loohan.
    Waa fikirkeyga, Saaxibkeen jidhiidhicona intii dheeriga aheyd wuu ku darayoo, waraaq ma hor oolli jirin ragaas ay si waafi ah ugu gataan baadhistooda, ay gabayga dabakhayaan.
    ASC

  7. Axmed,

    Qodobbo laga doodi karo [oo khuseeya “Gorfeeye” kasta] ayaad soo saartay. Sida kale, inaad mala-awaalkaaga ku carabbaabto qabiilooyin iyo qolo waa mid aan laga fursan karin; waa arrin ay tahay inaynaan ka cararin; waa arrin ay tahay inaan ku hagaagno, oo sida Eebbe ka raaliga yahay ugu hagaagno. Waana sida aad ugu hagaagtay adigu!

    Waxan filayaa inaad Kamaal la hadlayso. Aniga waa iga intaas.

    Jidhidhico

  8. Email aan kaala soo xidhiidho bal isii walaal, Gabay 10 meeris ahh oo sayidka ah baan hayaa, Kana mid ah gabayda aan diiwaanka ku daabaceyneyn, Meeris aan ubogi waayey miisaankiisa iyo ku dhawaaqidiisa qaafiyadeedba, yaan rabay inaan kula kaashado, Ama tebintiisaa khaldan, ama waxbaa is daba marsan, Asc.

  9. Pingback: Naxwejiidid « HIGIL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s