C/qaadir Cabdi Shube / Saar

“Giraan”: Shube

“Giraan” waa maanso (saar) murti miiran ah oo uu curiyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube), soona baxday 11/23/1993. Waxa uu Abwaan Shube maansadan ku hoga-tusaaleeyay dacaska iyo daleelanka laga koradhsaday qaranka Soomaaliyeed dumintiisa (xag duullaan iyo xag difaacba), isaga oo kolkaasna inagu boorinaya in dib xisaab loogu noqdo, lana ogaado in gacmo wada jira (oo dan qudha u jeeda, isla markaasna isku kalsoon) ay ka xoogganyihiin gacan kelideed gudin isla maroorinaysa. Haddaba, dhagayso, dhugo oo akhriso maansada “Giraan”:

Adduunyadu waa giraan
Illaa iyo Guulahay
Marki uu nagu galladay
Geeddiba geeddaa ku xigay
Marki heer laga gudbaba
Midbaa guluf noogu jiray
Dhibtaa garwadeen ahayd

Bahey taa waxad ku garan
Marbaa dadku gebi ahaan
Gurya la’aan wada qabeen
Ku noolaa god iyo kayn
Marbaa gogal dhinac aqoon
Gashina feedhuhu lahayn
Marbaa gabal uu hu’ yahay
Garbaha midna saari jirin [?]
Marbaa guunyo iyo maal
Qof soo geliyaaba jirin
Gacmaha maran laga sinnaa
Gabraarsi haddii la tago
Marbaa gumuc lagu ridiyo
Gammuun lagu toogto iyo
Fallaar lagu sii ganiyo
Ablay lagu gawracdiyo
La wadan gudin iyo warmee
Gacmo intii lagu qabsado
Guxunka lagu goosan jiray

Adduunyadu waa giraan
Marki heer laga gudbaba
Midbaa guluf noogu jiray
Dhibtaa garwadeen ahayd

Bahey taa waxad ku garan
Haddii aan gaajo iman
In geeduhu miro dhalaan
Miyey cidi garan lahayd?
Haddaan la gariirin dhaxan
Gabbaad ma la dooni laa? [?]
Haddaan daal gabax la odhan
Gaadiid ma la suubsan laa?
Haddaan loo go’in harraad
Miyaan biyo goobi layn?

Adduunyadu waa giraan
Marki heer laga gudbaba
Midbaa guluf noogu jiray
Dhibtaa garwadeen ahayd

Bulshona galabtii kastaba
Garaad u siyaadayee
Gu’ soo korayay lahayd [?]
(war) Haddaan nahay geeska Bari
Kuwii gaarka u lahaa
Ammuu ku galladay Illaah
Bahey gabalkeenni mee?
Dadkaygow garasho xume
Haddaan nahay gobal kamida
Geyida aadmiga ku nool
Goor hore iyo waayo tegay
Halkii laga geeddi-galay
Asaaggeen saben gudbeen
Maxaa galabtay na dhigay?
Maxaan isu gawracnaa
Inagu isu goomminaa
Guhaadda inoogu wacan?

Adduunyadu waa giraan
Waayuhu waa gelinba cayn
Xilligu waa is-gurahayaa
Bahey galabtiyo xusuus
Gadaal ugu noqo xisaab!

Diiwaanka galkiisa fura
Taariikhdaan guurininne
Gadmadihii lumay ka daya
Intaan goob-joognay iyo
Soo gaareen wuxu na yidhi
Markaad isu geysataan
Dad yaa godobteenna qaba?
Abaal yaa ina gashaday?
Waataan qaran gaamuroo
Guyaal jira haysannaye
Xornimadii yaa gembiyey?
(War) yaa calankeenni gubay?
Gobaad yaa ibaha jaray?
Intuu gaaxdeedi dhamay
Gabbaanki naga dhaqdhaqay?
Gabbaad baa lagu jiree
Gawaan madhan yay na tubay?
Caawana aan gaabsanine
Godkii doonaaya wali
Inay nagu sii guraan?
Kuwaa may garan kartaan?
Bal geesaha fiiriyoo
Golaha qaar baa fadhiya!
Guurtida beesheenna iyo
Guddiga-sare nooga mida!

Middaas googaale dhaha
Ka gudub oo teeda kale

Adduunyadu waa giraan
Soo gaareen baa i yiri:
Gun baa weel laga unkaa
Geed weyn baa la hadhsadaa
Gobbaa loo soo galaa
Gabdhaa guur laga fishaa
Gar baa gole lala tagaa
Go’aan baa lagu dhaqmaa
Guddoon baa la aqbalaa
Guullahey baa laga baqaa
Nooluhu geerida u siman
Naf aan mawkeedi gelin
Ma jiro ruux goyn karaa

Bahey taa waxad ku garan
Galaalacdoo indha la’
Ayaa laga guuray bari
Waxay weel goobataba
Waraabaa soo gurdamay
Iyadu gacal bay rabtee
Gaaroo u tag bay is tiri
Isaguna gaajuu qabee
Cunoo goosuu is yiri
Markay isa soo galeen
Waraabihi baa gadaal
Intuu gurasho ugu baxay
Go’aansadey inuu baxsado

Iyana googgaale dhaha
Ka gudub oo teeda kale

Adduunyadu waa giraan
Soo gaareen baa i yiri:
Waxaa geel lagu yiqiin
Inuu geyl iyo habeed
Sibaraha ku guduudiyee
Hadduu gaaddada horiyo
Jeenyaha kaga dhigo galuul [?]
Geddaa isagaa la yimid!

Iyana googgaale dhaha
Ka gudub oo teeda kale

Adduunyadu waa giraan
Soo gaareen baa i yiri:
God daayyeer ubad u yaal
Ayuu soo galay libaax
Wuxuu cunay gabannadii
Kolkuu giigoo dibbaray
Ayuu geed darac le tegay [?]
Intuu gam’ay buu dug yiri
Hooyadu waa gacalisoo
Ilmaha way garan ogtee
Waxay soo miro gurtoo
Arlada gaangaambisaba
Gadaal noqoshay ku timid
Gooray tahay maalin weyn
Mase meyd gorofsan iyo
Unuun go’an baa dhex yaal
Bartay gabannadu hurdeen

Waxay tiri: “coli galyeey!
Goblamay gurigay ba’yeey!
Bahey yaa ii gurmada?”

Go’aydiyo qayladii
Gawdeediyo boohintii
Dhawaaqii gaar arlada
Geddigii daayeer u yimid
Markii uu soo gabraday
Dhammaantii soo gurmaday
Waxays kala guray bucuur
Markii hore waa gurxamay
Boodduu geedaha ka lalay
Wuxuu ganay tuuryo dheer
Afkana labo taako gee
Saaluu yidhi noo gar qaad: [?]
“Ninkii cunay gabannadii
Miyuu iga gaallanaa?”
Waxay tiri: “gacaliyow
Adaa ila gees nugul”
“Ii gee” buu yiri markaa

Wuxuu soo golaftama
Isa soo kala guraba
Garmaamada soo hayaba
Markuu geedkii dul yimid
Libaaxii gama’sanaa
Gurdankii buu ku kacay
Kolkuu gurucyada ku deyay
Gariir-argaggixi ku dhacay
Marbuu garan waayey hadal
Wuxuse yidhi goor dambe:
“Gobtii bahashow u kuli [?]
Malaha annaaga gefnee
Yerehe waad gama’sanayd
Gurboodka wixii ka haray
Miyaan kuu soo guraa
Aad gawsaha wada tedhide? [?]
Wuxu yiri: “waa mid gare
Gadaalse inoogu dhiga”
Salaan buu gacanta lulay!

Iyana googgaale dhaha
Ka gudub oo teeda kale

Adduunyadu waa giraan
Soo gaareen baa i yiri:
Hadday giinnada riyaad
Intay goosmaan lumaan
Taabiga loo gaatayee
Intuu gaamuro cayilay
Markuu maantii garwado
Wuxuu ku guubaabiyaa
Geeskayga goray ku daaq [?]
Kolkii gabalkuu u dumee
Habeennimo soo gashana
Intuu geesaha dhigtuu
Go’aankii uga baxaa

Iyana googgaale dhaha
Ka gudub oo teeda kale

Adduunyadu waa giraan
Soo gaareen baa i yiri:
Haddii gu’ barwaaqo da’o
Guugguule arlada ka dhaco
Shan dirir godalkay rajaan
Markay geeduhu baxaan
Guunyada xoolaad dhalaan
Galaxa caanood la qubo
Barbaartuna gebi ahaan
Gabdhaha iyo wiilashuba
Habeenkii gelinka dhexe
Gibliyo walasaqo tuntaan
Dheydaan soo gaadan iyo [?]
Diraac gubanee kacdaa
Gadaal inay laabantahay
Duq garasho le waa ogyahay
Wuxu gurbiyaa werdiga

Iyana googgaale dhaha
Ka gudub oo teeda kale

Adduunyadu waa giraan
Waayuhu waa gelinba cayn
Xilligu waa is gurahayaa
Behey galabtiyo xusuus
Gadaal ugu noqo xisaab!

Intay garmaqaate iyo
Garaad-xume noo tasheen
Maxaa dhacay guuldarriyo
Gefiyo ceebaan hadhayn?
Gadoodkii muxuu na baday
Maxaa gacal kala ambaday?
Maxaa gaarri iyo ninkeed
Is goobaan war iska hayn?
Maxaa oday guuyo dhaqay
U go’ay gaajiyo harraad?
Maxaa reer gaan ahaa
Gantuumee gaban ka haray?
Maxaa guur seegtay inan?
Maxaa godab layska galay?
Maxaa gashi layska dhacay?
Maxaa guryo nabad ahaa
La gubayee galangashaa?
Maxaa gacaliyo dad baha
Colaad loo kala guntee
Is gawracay sabab la’aan?
Dagaalkii lama gartaan
Muxuu gocashoy na baday?

Intaas oo guul darro ah
BAHDII soo gaartayey
Garaad ma siyaadsateen? [MAYA!]
Ma garateen gobanimiyo
Gunnimo waxay kala yihiin
Soomaaloo gobal qudha a
Kuwii shanta gees ka dhigay
Gadaal ugu yeeranaye
Wanaag may noo galaan?
Dagaal u gardaadsatoo
Gacmaha dhiigaysatee
Gumaad maw ciil qabtaan? [HAA!]

Haddaad garateen sidaa
Is gawraca maan la’aan
Dhibtana geerida ku suga!
Gunuuxa innagays ridnaye

Haddii kale Gacalkayow
Intaad talo’ iyo go’aan
Gadaal ugu laabataan
Waxaad ku guddoonsataan
Goortaa ku ducaysataan
Soomaaliyi guud ahaan
Inay tahay laba gacmood
Geddoodii oo kaloo
Hadday midi goonni tahay
Tan kale taa’ gaabantahay
Waxaad garataan markaa
Nin gaar wax u doonaya
Inuu yahay guuldarrada
Garwadihii noo xukumay
Adduunyana waa GIRAAN!

Mahadsanid: Xasan Axmed W.

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:

V W W W V W

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s