Ibraahim C. M. Cajaa'ib / Milanti

“Daguugaan”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii cajaa’ibka ahaa ee Ibraahim ‘Cajaa’ib’ ee soo baxay burburkii dabadeed waxa ka mid ah maansada “Daguugaan,” oo Soomaalida dabeecaddeeda dhagaha la’ ka hadlaysa. Nabaddii iyo isu-soo hayaankii jacaylku riixayey way surin-seegtay, wayna samo-guurtay—taariikhdaas caynkaas ahna waxa sunkay oo qudha waa suugaan sal-balaadhan. oo ay abwaanno dun wacani ina soo gaadhsiiyeen. Cidi kuma daandaansateen haddaadan is daayicin, isna dumin weeyi dulucda maansadan, waxayna ku baaqaysaa in hoos-isu-eeggidu tahay talada ugu habboon ee dib loogu dhismayo.

Maansada “Daguugaan” waxay tidhi:

1. Dundumaan daguugaanka
2. Dirriyaan dhadhaabaanka
3. Dedhibaan gadiibaanka [?]
4. Ku dirqiye wax iga maqalka
5. Daggan yeel ma ka helaanka
6. Daw-gal talo xumay hoogga
7. Duullaan colaadeedka
8. Dibbirtaye dhalliinkaaga
9. Dulli waa umulidaada!
10. Digashada ku raystaanka
11. Duniduna layaabaanka
12. Dooddiis-ku maqaneedka
13. Ma dad baa ma duunyaa?
14. Dihadkood ma Aadane
15. U dambayn abuur waanka[?]
16. Darbo faallo hoo doodda
17. Danqashadu u keenaanka
18. Dibbir ciil dillaacaanka
19. Dabnihiis-qaniinaanka
20. Darba cadho hadoodilanka [?]
21. Dagantaye ma eegaanka!

22. Dibbataye hashaydii
23. Ma dugaag u loogbaa?
24. Diir naxaa ma maqanaa?
25. Daran joogta sugideeda
26. Daawade ma boqollaa?

27. Diirrane indheer garad
28. Dalku gebi ma yeeshaa?
29. Dirirkii ma dhicis baa?
30. Ma diib kama baxaanbaa?

31. Dunoy wax layaaba
32. Garaad-doqoneedka
33. Durrowga u keenka
34. Dadkiina wacnaansho
35. Ku duugayo iilka
36. Hadduu degalkiisa
37. Cidii duminaayo                                  [Cidihii duminaayo]
39. Ma duulka qalaad ba
40. Dihaal bixinaaya?

41. Dureemiyo caws baa
42. Degaanka madhnaaday
43. Cir aannu ku doogin
44. Gugii ku darroorin
45. Dareenka rumaystay
46. Dunyaa ku dhaqmaysa
47. Ri idil ku dambeeyay [?]

48. Dugaalka guntiisa
49. Dayaxa ka caddaynta
50. Dharaar ku dabraynta
51. Tusaale duxaanka
52. Doc joog bidixaynta
53. Jalleeco dayaanka
54. Dorroon arki waanka
55. Dorraad marid raadka
56. Dayaagu ku riiqmay
57. Hashii dalandoolka
58. Dibboodka ahaatay
59. Dilaaga libaaxu
60. Dushaa uga booday
61. Kolkuu daribteeda
62. Daryeelo ka giigay
63. Ciduu ku daraayey
64. Doonaagi dayoobay
65. Raqdii is dul taagay
66. Dalow magacay ba’
67. Dibnaa is qaniinay!

68. Dawaadhlaha baarqab
69. Ku doogtay horweynka
70. Gulaanka docdiisa
71. Ku guuxa durraansi
72. Dareenki ismoodka
73. Sinnaan ku dagoodka
74. Daney war ku mooge
75. Dabrow farankaaga
76. U daaso hayaanka

77. Deelloy shilalkaaga
78. Dul-cidhib ku qalliinka
79. Daribta hilibkaaga
80. Dihaal ku bixxiisa
81. Adaysu darraaday!

82. Taloy dihadkaaga
83. Dambayn ilmahaaga
84. Dubaaxis aqoonta
85. Adaa dayi waayey!

86. Dawdabe xiddigiyaanka
87. Xalay daymo eegaanka
88. War ku dihin dudubiyaanka [?]
89. Dambeedo horaadka
90. Dax caano ka maalka
91. Ha daaqdo barwaaqo
92. Abwaanku durraansi
93. Ka doonid Ilaahay
94. Dadkiiso midooba
95. Dawliis wadareedka
96. Sinnaan ku daboolka
97. Dantooda ilaasha!

Xog: Codka Abwaanka oon ka helay mareegta Golkhatumo.

__________________________________________
Saddexda Hab-dhac ee Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

1) W W V W W V

2) W W V W W

3) V W X W V

2 thoughts on ““Daguugaan”: Ibraahim Cajaa`ib

  1. Pingback: Miisaamista “Daguugaan” W/Q: Idiris M. Cali | Dhaqanbile

  2. Pingback: Miisaamista “Daguugaan” | Heeshi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s