Abshir N. F. Bacadle / Gabay

Qaadka

Afeef: Is barbardhigga gabayada abwaanada si godan yaan midna loo eegin. Yaanna la cabiran waxaan meeshaba ku jirin. Annagu khaas ahaan, waxaan u aragnaa taariikh iyo aqoon korodhsi. Saas ayaanna idinka rajaynaynaa.

Qaadka ama Jaadka, kolba sidaad u taqaanno, waa qaxarka ugu culus ee ummadaha Geeska Afrika ama kuwa ku xeersan laf-dhabarta kala dhantaalay. Gaar ahaan ummada Soomaaliyeed, daan kastaba ha joogtee, waxaa lagu tiriyaa dadka ugu bahal-cunka badan Qaadka. Marka aannu kasoo gudubno aragtiyada maroorsan ee Qaadka usha u ahaya, waxaa xusid mudan in ay jiraan aqoonyahhano ammaba abwaanno Soomaaliyeed oo ka digay aaffada iyo wax-yeelada (guud ee bulsho ammaba tan gaar ee shaqsiyadeed ee) caafimaad iyo dhaqaale ee Qaadku xambaarsanyahay. Maanso ahaan, waxaa Qaadka cambaareeyay cambaareeyihii cadowga Soomaaliyeed ee C/laahi Suldaan ‘Timaccade’ (AUN), waxa uuna yidhi.

Qodob la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad wow halise
Hadduu geed qallalo roobku wow, qamac kaliileede
Dixriga qudhunku uma soo uro ee, waabu quudsadaaye
Qasaaraha dhexdana haadaan, layska qabanaynin
Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay
Qasdi jeerey wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye Soomaalidaay, qiiradaadaniye.     (Qabyo)

Qaadku shaki maleh in caadadiisa la cibaadaystay. Dad aqoontu ku dheertahay ayaa fikirkooda qaadka ku cabiray sida qaadku nasiimo u leeyahay, taasina tahay faan sareeya. Abwaanku nolosha habkay marayso ayuu soo tabiyaa, taasina ceebi kama raacdee sharaf iyo taariikh guntan ayuu ku helaa—waa hadduusan ku dhagaroobin sharafta loo hayo. Waxaa jirtay in Maxamuud Dheeg — gabyaagii ka qaybqaatay silsiladii Hurgumo ee uu Khaliif Sheekh Maxamuud abudhka ka qaaday — ka hadlay Qaadka, kana yidhi asagoo jawaab waafiya u qadimayey gabaygii ‘Murgumo’ ee Khaliif qaybtiisii Qaadka ku saabsanayd:

Qayilaada aad nagu cayday iyo, qadada geedaysan
Ee aad adigu soo qaaday baan, kaa qancinayaaye
Qormo nabad ah ciidaydii oo, qabow anoo jooga
Markaan calankii meeluu qotomo, qun uga soo toosay
Markaan hawshii soo wada qabsaday, qabtii igu aadday
Ee aan qadeeyeen dhargay baan, qaadka iibsadaye
Qol dugsoon haddii lay goglay, iyo qaac barkimo taalo
Anagu qaayo geed[?] iyo xarrago, waan u qalannaaye
Waa qaniimad lagu dheeryahood, ka qadday maandhow e
Qayilaadu waa raaxo uu, qabo nin haystaaye

Waxaa iyadana isla meesha ka madhnayn in Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa kala duwan maanso lagu cabiro. Waxaa labadaa gabay ee kore ka dambeeyay mid isagu Qaadka dhan walbood ka marto qoto-rifay. Gabaygan ood wada garanaysaan ayaa isagu wax ahmiyad ah, oo loogu xisho haba yaraatee, u bannayn Qaadka. Gabaygan waxaa unkay gabyaagii (AUN) Abshir Nuur Faarax (Abdhir Bacadle). Run ahaantii gabaygan ruuxii qaadka cuna, hadduun(haddayn)ba iska dayn, daraaddii wuu(way) iskaga yareen kar(t)aa; hadday sidaasu soconaynna, “qalbi rogan qiyaastu ma qabato” weeyi xaalku!

Gabaygii waxa uu abwaanku ku bilaabay:

Boqolaal qorshoo wada qabya ah, qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree, qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf, qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoora aan wax tarin, qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qulquli, qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran, qaadow adigaa leh

Qalbi guban sigaar lagu qanciyo, qaadow adigaa leh
Macdan qubata hawshoon la qaban, qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qamqama, qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin, qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi, qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun, qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon, qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin, qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan la tabin, qaadow adigaa leh

Qayrkaa shaxaad hana qajilin, qaadow adigaa leh
Iska qari cid baa kugu qabsane, qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon, qaadow adigaa leh

Isqandiiri kana qoomamee, qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba, qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn, qaadow adigaa leh

Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow, adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin, qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo qadaf iyo been, qaadow adigaa leh

Cimri kuu qorraa qayb ka lumi, qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed, qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada, qaadow adigaa leh

Dad qamaama qayliyo dagaal, qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal, qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan, qaadow adigaa leh

Dhaliyara afkooduun u qoran, qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada, qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee, qaadow adigaa leh

Xubna qaadiwaa sida qof qalan, qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo, qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula, qaadow adigaa leh

Bisad ku quustay dabadeeda qabo, qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa, qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon, qaadow adigaa leh

Qandaraaska qaatumo xumada, qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan, qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban, qaadow adigaa leh

Af qalala bushima qolof dhacsada, qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida, qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin, qaadow adigaa leh

Ragoo quusta dumarkoo qawada, qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila, qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax, qaadow adigaa leh

Qubays laga wahsado iyo qurmuun, qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin, qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo, qaadow adigaa leh

Waa quutul awliyo kidbiya, qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran, qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn, qaadow adigaa leh

Qabsimadu inay kala xirmaan, qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban, qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran, qaadow adigaa leh

Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow, adigaa leh
Qofka daa’imoo qiima dhaca qaadow, adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban, qaadow adigaa leh

Ku qasaar macaashkana ku qarow, qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis, qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee, qaadow adigaa leh

Qaadicu salaadnimo asala, qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo, qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya, qaadow adigaa leh

Qaatala ka Llaahuye adigaa, qaranka aafeeyay
Qaatala ka Llaahuye adigaa, qaranka aafeeyay
Qaatala ka Llaahuye adigaa, qaranka aafeeyay.

Isha Gabayga: Baluugleey.com

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W V W, W V W W V

One thought on “Qaadka

  1. Nin hooyadii ku qayloo qumaya dhaha qaadoow adaa leh qaadoow adaa leh

    nin hooyadii inuu qaba mooda oo ku qamaama qaadaw adaa leh

    nin hooyadii qadiyey xaqeegiina dafiray

    nin hooyadii quudhsada oo aan qadarinayn qadoow adaa leh
    nin habeenkii qarwaya oo isqoraraya qaadooow adaa leh

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s