Careys C. Kaarshe / Saar

“Waa maantaan dhalanayoo”

Aftahan iyo geeraarshe Caresy Ciise Kaarsha (AUN) waxa uu kaalin weyn oo habboon ka qaatay suugaanteena Soomaaliyeed sanadihii awoodaha gumeysigu gabaabsiga ahaa. Suugaan u gaar ah oo luuq gooniya uu ugu samaystay ayuu Careys Ciise iska lahaa. Inta badan sugaantiisuna ummada Soomaaliyeed nolosheeda iyo waxii dunida ka soo gaadha ayay ku xayndaabnaayeen. Suugaantiisa saarka ah waxaa kamid ah saar dhaayaha iyo libinta ummada Soomaaliyeed uu ku kala dhigdhigayo. Saarkan oo wax inooga sheegaya sida xaalka ummada Soomaaliyeedi ahaa kadib gumaytihii markii uu guuray, ayuu Careys Ciise ku soo bandhigay golayaashii uu markaa afkaartiisa suugaaneed ku soo bandhigi jirey. Saarkan oo hoos inoogu qoran, ahna mid aan faallo sidaas ah u baahneen, ku soo dhawaada:

DHAGAYSO

1. Dha’ looxaa lagu dhigaa
2. Dhayaa wax lagu arkaa
3. Dhaasiin waa la akhriyaa
4. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]

5. Dharaaraha kuma jirtoo
6. Waa maantaan dhalanayoo
7. Calanku inoo dhismoo
8. Dhiirrida aan u hadalnoo
9. Dhawaqa dhayraysanoo
10. Dhegtu ay meel dheer dhacdoo
11. Lafaha dhuuxooda iyo
12. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

13. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
14. Dharaaraha kuma jirtoo
15. Waa maantaan dhalanayoo
16. Dhiciskii naga baxoo
17. Dhamayska aan noqonoo
18. Xaqeena aan dhuuqsanoo
19. Dhaxalkeena aan helnoo
20. Lafaha dhuuxooda iyo
21. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

22. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
23. Dharaaraha kuma jirtoo
24. Waa maantaan dhalanayoo
25. Wixii ina dhuuqayiyo
26. Gafanahii soo dhacoo
27. Dhididkii naga ba’oo
28. Dhoolaha aan muujinoo
29. Dhagdhag aan u qosolnoo
30. Lafaha dhuuxooda iyo
31. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

32. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
33. Dharaaraha kuma jirtoo
34. Waa maantaan dhalanayoo
35. Dhidigood iyo dhalaan
36. Dhammaan dheel loo baxoo
37. Lafaha dhuuxooda iyo
38. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

39. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
40. Dharaaraha kuma jirtoo
41. Waa maantaan dhalanayoo
42. Dhaankii aan jiidnayoo
43. Dhoonihii aan xoornayoo
44. Aan wada dhaanteenayoo
45. Lafaha dhuuxooda iyo
46. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

47. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
48. Dharaaraha kuma jirtoo
49. Waa maantaan dhalanayoo
50. Xilkii uu naga dhacoo
51. Dhogortu ay ina martoo
52. Buluuglay dhaaddatoo
53. Hawada ay dheeshayoo
54. Lafaha dhuuxooda iyo
55. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

56. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
57. Dharaaraha kuma jirtoo
58. Waa maantaan dhalanayoo
59. Dhagartii naga hartoo
60. Asaydii aan dhignoo
61. Madaxa aan dhaashanoo
62. Dharkeena aan dhaqanayoo
63. Lafaha dhuuxooda iyo
64. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

65. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
66. Dharaaraha kuma jirtoo
67. Waa maantaan dhalanayoo
68. Dheeligii uu naga ba’oo
69. Dhulkana dheeftuu lahaa
70. Inaga noo soo dhacdoo
71. Lafaha dhuuxooda iyo
72. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

73. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
74. Dharaaraha kuma jirtoo
75. Waa maantaan dhalanayoo
76. Dhool-guya uu noo da’oo
77. Xareed laga dhaansadoo
78. Dhirtuna doog dhoobmayoo
79. Lafaha dhuuxooda iyo
80. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

81. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
82. Dharaaraha kuma jirtoo
83. Waa maantaan dhalanayoo
84. Midkeenii dhoofsihiyo
85. Xoolaha kii dhaqanhayiyo
86. Dhammaan Soomaaliweyn
87. Dhawaaq laysigu dhigtoo
88. Dhiiladdu ay wada gashoo
89. Dhibta ay wada qaaddayoo
90. Lafaha dhuuxooda iyo
91. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa]

92. Dha’dii kale waxaan lahaa [Hee]
93. Dharaaraha kuma jirtoo
94. Waa maantaan dhalanayoo
95. Dhiqle iyo dhuunni iyo
96.  Wixii ina dhuuqayiyo
97.Dhurwaaggii erinayoo
98. Lafaha dhuuxooda iyo
99. Dhiiggii inoo nabad galoo [Runtaa].

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

V W W W V W

2 thoughts on ““Waa maantaan dhalanayoo”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s