C/laahi M. M. X. Qarshe / Heello

Heesta Calanka: Qarshe

Waxa jira maansooyin badan oo loo allifay calanka cirka u eg ee Soomaalinimeed; maansada (heesta) ugu caansan ee calanka loo sameeyayna waa heestan “Qolaba calankeed” ee uu hal-abuuray (AUN) Xuseen Aw-Faarax 1955tii, uuna qaaday (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)¹. Lana soco, in, calanka laftiisa la hir-geliyey 12 October, 1954². Akhris wacan: qoloba calankeedu waa caynoo innaga … Continue reading

Cali Mire Cawaale / Hoyal

“Soomaaliyeey Toos”: Mire

Maansada jiiftada ah (jiibinteeduna la nudda ah heesta-cawska),  ah heesta qaranka, caankana ah ee “Soomaaliyeey toos” waxa hal-abuuray Abwaan Cali Mire Cawaale sanadku markuu ahaa 1947. Dhagayso waayaha “runta” ah ee maansada “Soomaaliyeey toos,” iyada oo uu Abwaanka curiyey ka faalloonayo sababaha ku kallifay curinta maansada. Sidoo kalena qoraalka maansadan akhriso. Soomaaliyeey toosoo toosoo isku … Continue reading

C/qaadir Cabdi Shube / Saar

“Giraan”: Shube

“Giraan” waa maanso (saar) murti miiran ah oo uu curiyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube), soona baxday 11/23/1993. Waxa uu Abwaan Shube maansadan ku hoga-tusaaleeyay dacaska iyo daleelanka laga koradhsaday qaranka Soomaaliyeed dumintiisa (xag duullaan iyo xag difaacba), isaga oo kolkaasna inagu boorinaya in dib xisaab loogu noqdo, lana ogaado in gacmo wada jira (oo dan … Continue reading

Cali Mire Cawaale / Geeraar

“Maqaloo Oy”: Cali Mire

Maansada “Maqaloo oy” ee uu tiriyey Cali Mire Cawaale sanadkii 1950kii waxa ay daaha-ka-rogaysaa caddaalad-darradii gumaystuhu ku hayey ummada Soomaaliyeed. Sidaas awgeed, sida Abwaankaba dareenkiisa ah, waxa ay maansadanu ka hiyi-kac xooggantahay maansada kale ee uu isla Abwaanku curiyey ee “Soomaaliyey toos,” taas oo ummada ku hagta hilinka midnimada qaran loo’ dhanyahay; oo ah wadiiqo … Continue reading

Gabay / Maxamed I. W. Hadraawi

“Galangal”: Hadraawi

“Galangal” waa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 1970kii. Waxa uu Hadraawi gabaygan ku muujiyey taageerada ay ummada Soomaaliyeed u haysay shucuubta Indoo-Jayna (Fiitnaam, Laa’us, Kaamboodiya), kuwaas oo dagaal 20 gu’ood jiitamayey (1955 – 1975) libin u diiday quwadaha reer Yurub iyo Maraykanka. Gabaygani gorfayn uma baahna, oo isaga ayaa is furfuraya, taariikhdana si … Continue reading

Ibraahim C. M. Cajaa'ib / Jiifto

“Af-qalaad ka Garannuug”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii xiisaha badnaa ee Abwaan Ibraahim Cajaa’ib eyey maansadanna ku ladhantahay. Waa maax ceel aad u dheer salkiisa heehaabaysa, waana aag-suugaaneed aan la mudmudi kerin. Waa sarbeeb isasaaran, masasaarkeeduna waa boog dahsoon, oo qofkii xaalka Soomaaliyeed u dhuun duleela uunbaa dhayi kara. Waa maansadaa mucjiska ah, ina tusaysana in Abwaanku goonni u yahay farsahaxanka dadan, … Continue reading

Ibraahim C. M. Cajaa'ib / Milanti

“Daguugaan”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii cajaa’ibka ahaa ee Ibraahim ‘Cajaa’ib’ ee soo baxay burburkii dabadeed waxa ka mid ah maansada “Daguugaan,” oo Soomaalida dabeecaddeeda dhagaha la’ ka hadlaysa. Nabaddii iyo isu-soo hayaankii jacaylku riixayey way surin-seegtay, wayna samo-guurtay—taariikhdaas caynkaas ahna waxa sunkay oo qudha waa suugaan sal-balaadhan. oo ay abwaanno dun wacani ina soo gaadhsiiyeen. Cidi kuma daandaansateen haddaadan is daayicin, … Continue reading

Ibraahim C. M. Cajaa'ib

“Gaddoon”: Ibraahim Cajaa`ib

Burburkii haddii laga kaban lahaa, baaruud uu Qabqable dhawr wiil ku baleeyay ayaa dadkii Soomaaliyeed  lakad ku noqday, dantoodana si ba’an u seejiyey (runtii haddii ay qabyaaladi riixaysay, Soomaalidu awelba dantooda way seeganaayeen e, qabqablayaashu way ku danaysteen uun.) Wixii dhacay xaqiiqadeeda dhigaal badan ayaa laga hayaa. Baadhitaan cilmiyeysan ka sakow,  dhigaalka murtida xeesha dheer ku dhisan … Continue reading

Jiifto / Yuusuf C. C. Shaacir

“Dulmanaha la Quudhsaday”: Yuusuf Shaacir

In qof kula deegaan iyo diin ah, dagaalna idin dhexmarin, balse in badan kaa dun fiican, aad ximiso, dar-xumadiisana aad ka taliso, iskana indha-saabto in dulqaadka uu qofkaasi kuu hayo nabaddaadu ku dhisantahay, kuna dul nooshahay, waa arrin qof Muslin ah oo fekaraya aan u suurtoobin. Balse Soomaalida dhexdeeda arrinkan waa dabeeco, walina dad ayaa … Continue reading