C/qaadir Cabdi Shube / Gabay

Hogattus: Shube

Gabaygan soo socda, oo ku fiican in loo bixiyo “Hogattus,” waxaa dhawaan tiriyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube). Inkasta oo uusan gabayganu dhammays ku ahayn halkan, haddana intan dhigani dhabanahayska jira ayey sidii dhambiil ina ku shidan ina dhugansiinaysaa. Abwaanku wuxuu ku dadaaley muujinta illimaha ay Soomaalidu u go’ayso, oo uu jahligu ugu horreeyo. Jahli debadii, … Continue reading

Mawaashigu: Af-Qallooc
Gabay / Xaaji Aadan Af-Qallooc

Mawaashigu: Af-Qallooc

Tixda gabayga ah ee soo socota waxaa tiriyey (AHN) Xaaji Aadan Axmed (Af-Qallooc); arar ahaan ayeyna tixdu ugu soo shaac baxdey buuggii Asaaska Naxwaha Af-Soomaaliga ee ay wada dhigeen guddidii af-Soomaaliga 1971i. Dhabtii, tixdu waxay ilays ku tahay daalicinta dadaalkii iyo dhabar-adeygii guddida—oo uuna Xaajigu xubin sare ka ahaa. Waxa intaa dheer, in tixdu ay … Continue reading

Gabay / Maxamed I. W. Hadraawi

“Galangal”: Hadraawi

“Galangal” waa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 1970kii. Waxa uu Hadraawi gabaygan ku muujiyey taageerada ay ummada Soomaaliyeed u haysay shucuubta Indoo-Jayna (Fiitnaam, Laa’us, Kaamboodiya), kuwaas oo dagaal 20 gu’ood jiitamayey (1955 – 1975) libin u diiday quwadaha reer Yurub iyo Maraykanka. Gabaygani gorfayn uma baahna, oo isaga ayaa is furfuraya, taariikhdana si … Continue reading

C. S. M. Timacadde / Gabay

“Hadafka Baarlamaan”

Hadday Soomaalidu in uun dhiig leeday, madaxa Timacadday ku hagaagi layd. Se “Waa wax Rabbi doorshoo, doc loo raaco lahayne,” dagaalkii, dilkiyo dhicii, maato dooxiddii, marin-habowgii, dulligii, dacaskii, dan-seeggii, doqontinimadii, daciifnimadii, duni-ka-hadhkii, dib isu hayntii, dabar gelintii, qallimo daadiskii, dacuunkii qabyaaladda ahaa, iyo aakhiro diidkii ayey sida kalluunkiyo biyaha ugu nooshahay. Waa caqli foorar, waji … Continue reading

C/laahi M. A. Dhoodaan / Gabay

“Galaalxoor”: Dhoodaan

Soomaalidu meelkasta oo ay ku nooshahay waxa ka dhaxeeya waa suugaan. Suugaantaasuna waxa ay aad ugu qurux badantahay maansada oo murti aan lalliicin karin lagu soo bandhigo, isla markaasna lagaga waramo isla xaalka taagan: siduu ku suurtoobay, kan soo socda mustaqbalkana u saamayn karo. Gabaygu waa summada taariikhda, sidaas ayuuna mar walba hadafkiisa ugu weyni … Continue reading

Cali C. Af-yare / Gabay

“Gobannimo”: Cali Cilmi Afyare

Sannad Wanaagsan Ayaan Eebbe Ka Doonnay (Sannadka 1430: Muxarram 01) Cali CIlmi Allahaw naxariistee waxa uu kamid ahaa abwaannada danta guud ee Soomaaliyeed murtidooda dawga toosan ugu tilmaamay, islamarkaasna ka sii faallooday in hoogga Soomaalidu cagaha ku hayey colaada ay qabyaaladdu sababtay. Gabaygan aannu ka soo xullanay (AUN) gabayada Cali Cilmi ee faraha badan waa … Continue reading

Abshir N. F. Bacadle / Gabay

Qaadka

Afeef: Is barbardhigga gabayada abwaanada si godan yaan midna loo eegin. Yaanna la cabiran waxaan meeshaba ku jirin. Annagu khaas ahaan, waxaan u aragnaa taariikh iyo aqoon korodhsi. Saas ayaanna idinka rajaynaynaa. Qaadka ama Jaadka, kolba sidaad u taqaanno, waa qaxarka ugu culus ee ummadaha Geeska Afrika ama kuwa ku xeersan laf-dhabarta kala dhantaalay. Gaar ahaan ummada Soomaaliyeed, … Continue reading

Gabay / Ismaaciil Mire

“Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay…”

Gabayada caan baxay ee laga mariyey dagaalkii Ruuga [ee dhacay 9kii bishii tobnaad,1913, kana dahacay dacalada buurta Dulmadoobe, laguna halligay Richard Corfeild (amaba Koofil) oo kamid ahaa madaxdii ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Bari Soomaaliya] ayaa waxaa kamid ahaa gabaygii Ismaaciil Mire (AUN) ee ahaa, “Annagoo Taleex naal Jihaad taladi soo qaadnay.” Ismaaciil markii uu libintii … Continue reading

Gabay / Sayid M. C. Xasan

“Koofil”

Richard Corfield (oo ay Soomaalidu u tiqiin “Koofil”) oo kamid ahaa madaxda ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Galbeed Soomaaliya ayaa soo hogaamiyay ciidan rakuubley ah oo birmad ahaa, rabayna in geel ay Daraawiishtu ka dhacday casar horaanteed gacanta ku soo dhigaan. Koofil waxa uu ku gacan saydhay amar kaga yimid madaxdiisii oo Daraawiish la dirirkeed ayuu gacmaha … Continue reading

“Dix-Dhagaxeed”
C. S. M. Timacadde / Gabay

“Dix-Dhagaxeed”

C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa “hanad Soomaaliyeed oo haybaddii maanso [ee] uu lahaa aan umadiisa ku hodin kuna hagardaamayne, wanaageeda ugu adeegay.”≡ Waxa uu ahaa geeraarshe, calanka maansadiisu in badan sawir muuqda ka bixisay Soomaalida iyo “anshaxa xun” ee qabyaaladdu hormoodka ka tahay oo ay had iyo goor u heellanyihiin. Waxaa Timacadde la … Continue reading