Maahmaahda

Maahmaahdu waa xubin-suugaaneed ah murti qaab heersare ah (classic) u dhisan, oo badanaa arrin dhab ah ku salaysan. Maahmaahaha Soomaalida badankoodu waxa ay ku yuuqmaan, oo ay ku xidid-timaan, deegaannada ay Soomaalidu ku nooshahay—taas oo saamayn weyn ku leh qaabka (ammaba u jeeddada) ay maahmaahdu u dhisantahay.

Badanaa, maahmaahdu waxa ay meel-martaa kolka la rabo in lasoo gaasiro hadal qoto-dheer, oo sharraxaad badan qaadan kara—tan ayaa iska sahlan kadib markii ruux waliba xoogaa ammaba gebi wada fahmi karo u jeeddada ruuxa maahmaahda adeegsada, sababta oo ah maahmaahdu waxay salka ku haysaa xaalad dabiici ah oo badanaa soo noq-noqota. Haddii aynu qeexno, maahmaahdu waa (waayo) aragtiinno ah murti raad leh.

Waxaa lagama marmaan ah, oo iyadana meesha ku jirta, in maahmaahdu ay kusalaysnaan karto qiso sida: sheeko. Afkeena oo aan qornayn awgeed ma heli karno qisadii dhammaanteed (oo iyada oo qoran nama soo gaarin), balse kelmadda qudha ee maahmaahda ah (ee qisadaas ku saabsan) ayaa in uun na garansiin karta waxa ay qisadu ahayd iyo waliba meesha, qaabka iyo sababta ay qisadu u (ku) alloosantay.

Mowduuca maahmaahyada meeshan kuma soo koobi karno, balse hadaan intaa uga siibano, waxaa halkan ah is-hoos-tax yar oo maahmaahaha Soomaalida kamid ah, waana sidatan soosocota:-

  1. Balaayoy buulkayga kaa galay
    Balan daro waa diin daro
    Barasho horteed ha i nicin
    Beeni raad maleh
    Beentaada hore runtaada dambe ayey u darantahay
    Bidaari sibiq bay kugu gashaa
  2. Timir waliba lafbaa ku jirta
    Togba taagtiis buu rogmadaa
    Tuug laqabtey talo maleh
  3. Jid dheer hadaad mari jirraab sahay ku qaado
  4. Xalaal iftiinbaa la qashaa
    Xaglo laaban xoolo kuuguma yimaadaan
    Xisaabi xil maleh, haddaan la xumayn
  5. Khayaanoole ma liibaano
  6. Dab munaafaq uu shidey, Mu’min baa ku gubta
    Damal walba in gubtaa hoostaal
    Dameeri dhaan raacdey
    Doqoney dabkaa ba’
  7. Rag ciil, cadááb ka doorey
    Rag is galay kala gallad la’
    Run iyo beeni kala raad la’
  8. Saaxiibkii dile silic baa u dambeeya
    Samo fale sadkii ma lumo
    Sir maqabe allaa u sahana
    Sir naageed lagama sal gaadho
  9. Shimbir waliba shimbirkiis buu la duulaa
  10. Dhar aadan laheyn dhaxan kaama celiyaan
    Dheyda dhan xoorku ha kuu soo hadhee
  11. Caruurnimo waa ciil laga koray
    Caydhiin cune calooshiis buu ka shaki qabaa
    Cesaantii malageed galaa madax shabeel leefta
  12. Garba garbaa la tusaa
    Gárí Allay taqaan
    Gashaan qaad ma habaabo
    Geeridu marbay nolosha dhaantaa
    Gudiney ima aadan goyseen hadaan gobalkey kugu jirin!
  13. Fardo la isu hayo maxaa la isaga faani
    Farkaliya fool ma dhaqdo
    Fuley hooyadii ma goblanto
  14. Qunyar socde qodoxi ma muddo
    Quud aan jirin qoryo haw guran
  15. Kor waayeel waa wada indho
  16. Labo daran mid dooro
    Labo kala bariday kala war la’
    Labo qaawani isma qaadaan
    Laga bartaa laga badiyaa
    Lexjeclo laba nin kama wada qosliso
  17. Meel aar ka kacay attoor fadhfadhiisay
  18. Naag kun baa koodisa, kowna way ka guursataa
    Nin aad waxar ka dooneysid, weylbaa la weydiistaa
    Nin aan qooq dilin maroodi ma dilo
    Nin fiiro gaaban, ficiis ma gaaro
    Nin gu’ kaa weyn, gu’ baas kaa weyn
    Nin is faanshey waa ri’ is nuugtey
    Nin iyo xoolihii aragti baa ka dhexaysa
    Ninkii seexdaa sicii dibi dhal
  19. War laqabo xiiso maleh
    Waxaan kucuninba waa la cunaa
    Wax siin kal gacayl kama horeeyo
    Wixii xunba xaawaa leh
  20. Hadal badan haan ma buuxsho
    Hibo Eebe ku siiyey habeen la iskama qaadee hantaa la iska dhaxlaa
    Hilmaan hadal kuma jirto
  21. Y…
  22. Alif kaa xumaadaa, Al-Baqruu kugu dhibaa
    Aqoon la’aani waa iftiin la’aan
    Awrba awrka ka horeeya buu saanqaadkiisa leeyahay
    Af jooga looma adeego
    Aroos lagama raago lagumana raago
  23. Erey xumi urug kici
    Ey is cunaysa waraabe iskama celiso
  24. Inta aadan falin ka fiirso
    Is arag aqooni kama horayso
  25. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
    Oodo dhacameed sidey u kala sareyaan baa loo kala qaadaa
    Oohintu waa luuqadda ilamaha la gu afgarto
  26. Ul [sallax; dhul] jiiftaa ma jabto

__________________________________________________

Waxa is weydiin leh, maahmaahyo cusub ma la unki karaa, mase loo baahanyahay in doorka haatana maahmaaho hor leh la unko?

Jawaabtu waa ta hore e, waa haa. Waa la unki karaa, wax miisaan culus ah oo in maahmaah cusub la unkaa xadidaya ma jiro.  Waa jawaabta labaade, macquul maaha, tiiyoo tamuux maahmaaho ahi hore u jiraan, oo waliba baadi-goob nooga baahan (oo qaarkii cusubba ay dhici karto in qaar ka qoto-dheer ay hore u jireen), in loo baahnaado maahmaahyo hor leh samayntooda—waana jawaabta ruux walba oo maahmaah cusub samee is leh, asag/iyadoon baadhin baylahdii hore, ee lagama maar-maanka ahayd, ahna, ahaan doontana.

Maahmaayo kale oo badan halkan ka sii AKHRI