Maahmaahda
Maahmaahdu waa xubin-suugaaneed ah murti qaab heersare ah (classic) u dhisan, oo badanaa arrin dhab ah ku salaysan. Maahmaahaha Soomaalida badankoodu waxa ay ku yuuqmaan, oo ay ku xidid-timaan, deegaannada ay Soomaalidu ku nooshahay—taas oo saamayn weyn ku leh qaabka (ammaba u jeeddada) ay maahmaahdu u dhisantahay.
Badanaa, maahmaahdu waxa ay meel-martaa kolka la rabo in lasoo gaasiro hadal qoto-dheer, oo sharraxaad badan qaadan kara—tan ayaa iska sahlan kadib markii ruux waliba xoogaa ammaba gebi wada fahmi karo u jeeddada ruuxa maahmaahda adeegsada, sababta oo ah maahmaahdu waxay salka ku haysaa xaalad dabiici ah oo badanaa soo noq-noqota. Haddii aynu qeexno, maahmaahdu waa (waayo) aragtiinno ah murti raad leh.
Waxaa lagama marmaan ah, oo iyadana meesha ku jirta, in maahmaahdu ay kusalaysnaan karto qiso sida: sheeko. Afkeena oo aan qornayn awgeed ma heli karno qisadii dhammaanteed (oo iyada oo qoran nama soo gaarin), balse kelmadda qudha ee maahmaahda ah (ee qisadaas ku saabsan) ayaa in uun na garansiin karta waxa ay qisadu ahayd iyo waliba meesha, qaabka iyo sababta ay qisadu u (ku) alloosantay.
Mowduuca maahmaahyada meeshan kuma soo koobi karno, balse hadaan intaa uga siibano, waxaa halkan ah is-hoos-tax yar oo maahmaahaha Soomaalida kamid ah, waana sidatan soosocota:-
- Balaayoy buulkayga kaa galay
Balan daro waa diin daro
Barasho horteed ha i nicin
Beeni raad maleh
Beentaada hore runtaada dambe ayey u darantahay
Bidaari sibiq bay kugu gashaa -
Timir waliba lafbaa ku jirta
Togba taagtiis buu rogmadaa
Tuug laqabtey talo maleh -
Jid dheer hadaad mari jirraab sahay ku qaado
-
Xalaal iftiinbaa la qashaa
Xaglo laaban xoolo kuuguma yimaadaan
Xisaabi xil maleh, haddaan la xumayn -
Khayaanoole ma liibaano
-
Dab munaafaq uu shidey, Mu’min baa ku gubta
Damal walba in gubtaa hoostaal
Dameeri dhaan raacdey
Doqoney dabkaa ba’ -
Rag ciil, cadááb ka doorey
Rag is galay kala gallad la’
Run iyo beeni kala raad la’ -
Saaxiibkii dile silic baa u dambeeya
Samo fale sadkii ma lumo
Sir maqabe allaa u sahana
Sir naageed lagama sal gaadho -
Shimbir waliba shimbirkiis buu la duulaa
-
Dhar aadan laheyn dhaxan kaama celiyaan
Dheyda dhan xoorku ha kuu soo hadhee -
Caruurnimo waa ciil laga koray
Caydhiin cune calooshiis buu ka shaki qabaa
Cesaantii malageed galaa madax shabeel leefta -
Garba garbaa la tusaa
Gárí Allay taqaan
Gashaan qaad ma habaabo
Geeridu marbay nolosha dhaantaa
Gudiney ima aadan goyseen hadaan gobalkey kugu jirin! -
Fardo la isu hayo maxaa la isaga faani
Farkaliya fool ma dhaqdo
Fuley hooyadii ma goblanto -
Qunyar socde qodoxi ma muddo
Quud aan jirin qoryo haw guran -
Kor waayeel waa wada indho
-
Labo daran mid dooro
Labo kala bariday kala war la’
Labo qaawani isma qaadaan
Laga bartaa laga badiyaa
Lexjeclo laba nin kama wada qosliso -
Meel aar ka kacay attoor fadhfadhiisay
-
Naag kun baa koodisa, kowna way ka guursataa
Nin aad waxar ka dooneysid, weylbaa la weydiistaa
Nin aan qooq dilin maroodi ma dilo
Nin fiiro gaaban, ficiis ma gaaro
Nin gu’ kaa weyn, gu’ baas kaa weyn
Nin is faanshey waa ri’ is nuugtey
Nin iyo xoolihii aragti baa ka dhexaysa
Ninkii seexdaa sicii dibi dhal -
War laqabo xiiso maleh
Waxaan kucuninba waa la cunaa
Wax siin kal gacayl kama horeeyo
Wixii xunba xaawaa leh -
Hadal badan haan ma buuxsho
Hibo Eebe ku siiyey habeen la iskama qaadee hantaa la iska dhaxlaa
Hilmaan hadal kuma jirto -
Y…
-
Alif kaa xumaadaa, Al-Baqruu kugu dhibaa
Aqoon la’aani waa iftiin la’aan
Awrba awrka ka horeeya buu saanqaadkiisa leeyahay
Af jooga looma adeego
Aroos lagama raago lagumana raago -
Erey xumi urug kici
Ey is cunaysa waraabe iskama celiso -
Inta aadan falin ka fiirso
Is arag aqooni kama horayso -
Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
Oodo dhacameed sidey u kala sareyaan baa loo kala qaadaa
Oohintu waa luuqadda ilamaha la gu afgarto -
Ul [sallax; dhul] jiiftaa ma jabto
__________________________________________________
Waxa is weydiin leh, maahmaahyo cusub ma la unki karaa, mase loo baahanyahay in doorka haatana maahmaaho hor leh la unko?
Jawaabtu waa ta hore e, waa haa. Waa la unki karaa, wax miisaan culus ah oo in maahmaah cusub la unkaa xadidaya ma jiro. Waa jawaabta labaade, macquul maaha, tiiyoo tamuux maahmaaho ahi hore u jiraan, oo waliba baadi-goob nooga baahan (oo qaarkii cusubba ay dhici karto in qaar ka qoto-dheer ay hore u jireen), in loo baahnaado maahmaahyo hor leh samayntooda—waana jawaabta ruux walba oo maahmaah cusub samee is leh, asag/iyadoon baadhin baylahdii hore, ee lagama maar-maanka ahayd, ahna, ahaan doontana.
Maahmaayo kale oo badan halkan ka sii AKHRI