Comments for HIGIL

Comment on Gabayga by Jidhidhico
“Hannaan Quruxsan“: Cilmi Bowndhari

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye

Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye

Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye

Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene

Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene

Hal abuurka kuumaan tirsheen heesta caashaqa e

Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga

Hareertayda ood joogtid baan ku hami qaataaye

Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye

Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye

Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye

Markaan keligeey haasaawayee aan isla hadlaayo

Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey

Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye

Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne

Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taal e

Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey

Hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile

Anigana hadduu igu shakalay hadimadiisiiye

Imikuu u hees yidhi gabdhaha taan hantiyi rabaye

Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye

Waa waxaan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e

Waa waxaan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye

Waa waxaan haboow uga jiraa horukac mooyaane

Waa waxaan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye

Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye

Sida hogol kaliishii da’doo milicdu ay-hayso

Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey

Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa

Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye

Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere

Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye

Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale’e

Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale

Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye

Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilkaha aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey

Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya

Sunniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye

Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay

Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey

Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin

Hanaan quruxsan waataa luguhu ka haqab beeleene