dhitoda dhigaalka

Jidhidhico

Jidhidhico has written 44 posts for HIGIL

Naxwejiidid

Mar aan sii fogayn ayaan qoray in uu maansayahanku jabin karo qodobbo cayiman oo naxwaha sugan ka mid ah; tan waxa aan uga gol lahaa in aan aragtiyeeyo sida uu maansayahanku u jiido, oo u sii kobciyo, naxwaha afkiisa. Caddaynta runnimada aragtidan iyada ah ayaa ku xidhan hal tusaale ah, oo aan soo tebin doono. Kolka hore, aynu tusaalayaal Qur’aanka ku jira eegno.

Tusmada 105aad ee Deerka Shucuraa waxa ay leedahay, kadthabat qawmu Nuuxinil mursaliin, oo macnaheedu yahay, beeniye darkii Nuux ergooyinkii. Macnuhu waxa uu daaranyahay: Darkii nebi Nuux (cs) waxa ay beeniyeen ergooyinkii (rasuulladii). Darkaas nebi Nuux (cs) imisa rusul ayaa loo diray? Waa mid qudha, waana nebi Nuux (cs). Qofka aan si fogtoon u darsin Qur’aanka—iyo daraasadaha ay culimada Islaamku ka suugaansadeen Qur’aanka—waxa uu is oran karaa tusmadaas iyo kuwo kale ee la midka ah oo Qur’aanka ku jira naxwe ahaan ma saxtoodsana! Hasayeeshee, macnaha iyo murtida ay tusmooyinkani xambaarsanyihiin ayaa naxwaha sugan ka jiiday bartii laga filayey, oo u jiiday heer kore, sida aynu dhugan doonno.

Dhab ahaantii, tusmooyinkani waxa ay gundhig u yihiin qaaciidada ah in darka beeniya ergay ka mid ah ergayaasha Eebbe ay wada beeninayaan ergayaashaas Eebbe soo diray oo dhan. Sababta oo ah, ergadu waxa ay ka simanyihiin farriinta ah in Eebbe keligii la caabudo. Haddii uu ruux diido mid-ahaansha Eebbe sida uu nebi Muxammad u soo tebshay, haddana uu ruuxani aaminsanaado mid-ahaanshaha Eebbe sida uu nebi Muuse u soo tebshay, waxa wareer ka taaganyahay sida uu ruuxani farriin mid ah, oo ah rumaysnaanta mid-ahaanshaha Eebbe, isku mar u rumayn karo una beenin karo! Naxwaha, oo runtii ka dabqaata maangalyada, ayaaba diiday in ruuxani saxsanaado. Sidaas daraaddeed, darkii Nuux (cs) hadday nebi Nuux (cs) ku beeniyeen farriintaas midda ah, ergadii ka dambaysay oo dhan farriintaas midda ah oo ay dadka soo gaarsiiyeen na waa ay beeniyeen! Waa maangalyo murtiyeysan, kuna timid nawxejiidid. Waanan u riyaaqi karnaa eegga sababta ay tusmadu u xamishay naxwejiididda.

Eebbe, Isaga ayaa af walba abuuray. Naxwaha af kastana halka uu ku simanyahay Isaga ayaa og. Aragnayna in naxwejiididdu murtida ku daba jirtaa lagamamaarnaan tahay. Haddaba, uma bannaana naxwiilaha in uu seeso halka uu naxwuhu ku simanyahay, oo waxa dhici karta in uu naxwuhu is ka geddiyo, amma ba ka sikado, barta uu aankan ku suganahay qarniyaal badan dabadeed. Hasayeeshee, naxwiiluhu waa uu darsi karaa heerka uu naxwuhu marayo iyo waxa ay tahay shaqada uu afka ka qabto. Sida ay ila tahay, naxwuhu isaga oo dhammays tiran ayuu jiraa; naxwiilaha, oo kaashanaya maansayahayanka, qoraayada, amma ba dhiganaha Qur’aanka iyo suugaan kale ba, ayaa soo shaac bixin kara rugaha qarsoon ee naxwaha—rugahan oo ay naxwejiididdu ka mid tahay.

Naxwejiididdu waxa ay balaadhisaa naxwaha, oo xayndaabkiisa ayey fidisaa. Af Soomaaligu naxwejiidid waa uu leeyahay, sida uu afka Carabigu u yeeshay. Tusaale ahaan, meeriska: (1) Dhago ma leh dadkaad Jaamacow, wax u dhigaysaane. Waxa naxwe ahaan qumman in loo dhigo meeriskaas sidan: (2) Dhago ma leh dadkaad Jaamacow, wax u dhigaysaaye. Hasayeeshee, macnaha uu meeriska (1) sito ayaa ka balaadhan kan (2). Jaamucu waa Jaamac Kediye, maansoyahan dadka baraarujin og. Kelidiis Jaamac dadka ma baraarujee, waxa kaloo iyana jira kumaankun halabuur oo dadka baraarujiya. Haddaba, Jaamaca meeriska (1) waxa uu matalaa halabuurkaas Soomaaliyeed, halka uu Jaamaca meeriska (2) matalo isaga oo qudha. Si aad u gaadho macnaha meeriska (1), waa inaad naxwaha kala jiiddo, illaa inta maangalyadu ka ogoshahay.

Gabagabayntii, waa in aan u riyaaqnaa maansayahanka sida ay meerisyada maansadeeda uga tan bataan u hoggaansamida naxwaha sugan ee afka. Naxwaha afka oo dhami sugan iyo in aan wali sugmin ba waa leeyahay, waana kol ba iyo sida lagu soo xereeyo, oo naxwejiididdu shaqadeedu tahay.

Darajiyo Xil Yaa Mudan?

Maansada “Darajiyo xil yaa mudan?” waxaa curiyey Cabdidhuux Yuusuf Xasan. Waxa ay maansadu gundhig u ahayd ruwaayad (uu isla abwaanku allifay) oo ay fannaanintii Waaberi ku soo bandhigeen shirkii Carta, ee 2000 ka qabsoomay dalka Jabuuti. Ruwaayaddan ayaa waxaa ku dhan maansooyin qiiro badan, oo qaansooyinka hogatusineed ee sinnaanta, cadaaladda, tacaddi-diidka iyo tudhaalaha maatada u qaybinaya bini-Aadmiga ku dhaqan dalka iyo dunidaba.¹

Waa dadkii oo hadlaya, ka doodaya aayahooda, isweydiinayana: Ka ay darajo iyo xilba u oggolyihiin—ee aan lahayn iin sumcadxumo amma mid karti li’ineed—ee dalkii burburay dib u qotomin kara; oo aan qabiil soo dhaweysan haynin; oo ka dibna dadkii ku soo celin kara hadhkoodii, kala tagganaanshahoodiina meesha ka saari kara. Waa mid markaa ay dadku ku kalsoonyihiin daacadnimadiisa, rabaanna inuu asagu u hawlgalo iyaga.

Waxa ay dadku bixinayaani waa darajo. Waa darajo ay dadku u quudhi karaan mid iyaga ka mid ah; mid iyaga wax u ah; mid iyagii ah! Waa mid in geedxume ku tallaallan geyiga Soomaaliyeed uu kaare cadow dul maro ka gubanaya*, iska daayoo waaba dadkiisii oo dayuurado cadow lagu xasuuqayo, maxastii oo dhiiggoodii la gadayo, dammanayaal kuwa ihina ayba ku faanayaan—oo “gaalaannu” laynay lagu hadaaqayo! Waa mid “Dadkayga iyo Dalkayga” ay sida xiddigtaas caddi calanka buluugga ah ugu taallo ay laabtiisa ugu taallo, oo ay uga soo caddahay! Waa mid kala duwanaanshaha fikirka oggol, asii aan kala firirka iyo is-diiddada aan oggalayn, oo isu soo dabbaali kara inta inta yar, ee dinniqa ah, ku kala dudsan. Waa mid daaci ah oo dadka wixii u dana ee ay adduun iyo aakhiraba ku badbaadayaan fara oo ku celceliya, oo aan ka daalin; una daaya xoriyaddooda iyo garashadooda uu Eebbe ku galladay, kuna cabbudhin.

Maansadan waxa murti iyo hogotus ku duugan lama soo koobi karo. Waana maanso ay tahay qofkii damiir leh inuu ku celceshado, oo markii uu goosto inuu walaalkii duullaan ku qaadaba uu shaydaanka dabkiisa isaga bakhtiiyo. Acuudu Billaahi minash-Shaydaanir-Rajiim. Waa maanso qofkii u tudhaya umaddan uu la ilmeeyo dhageysigeeda/akhrinteeda. Waana farriin abwaan, oo ka socota dadkeenna, kuna socoda inta darajo inaga mudan ee aan u han weynnahay inay ina hoggaamiyaan.

Waxa maansada ka horreeya arar, inta horoo dhan geeraar ah, tuduca ugu dambeeyana uu yahay jiifto—si ay isu qabtaan maansada oo jiifta ah. Waxaa arartan wada qaadaadhigaya Maki Xaaji Banaadir iyo Cabdullaahi Iimaan. Waxa uu Maki ararta ku bilaabay:

Dadweynow kulligiina
dalki aynu lahayn
sida uu ku dambeeyo
waad dareensantihiin

Berigga dab baa ka holcaaya
waa degganaansho la’aan
nafleydu waa ka diddaa
webiyaa dacalkooda
tacbatadii deggaynayd
maanta waa dismoraal
dalagga beerashadiisa
daruufaa ka hor taagan
iyo dagaalo sokeeye

Xuduudda duul cidla’ waaye
diilinta ciidan ma joogo
iyo dad looga baqaayo
hawadeen dibad waaye
diyaaraa isku gooshoo
fasax la’aan ku danaysta!

Dayacan weeyi baddeeni
kheyraadkeeni dabiici [?]
tuugaa daad guranaysa
sun nafleyda dilaysoo
dunidaan ka mamnuuc ah
baa lagu daadinayaa
cidaan ooga dacwoonniyo
xoog difaaco ma hayno
bekoos annagaa kala daadsan
annagaa is dulmayna
annagaa is dabrayna
annagaa is dagaalsanoo
isku dilayna qabyaalad

Dibigga xoolaha nool
doorjoogta ugaadha
dalka waan ka gurnaa
dibiddaan aan u rarnaa
… [geedaha]
dadka waa harsanaayey
xoolahaa daaqi jireen
degaanku wuu ku mudnaa [?]
naxariis darraan u jarnaa
dabna waan ku shidnaa
dhuxulaan ku dubnaa
Carabtaan u dirnaa
doollaraan ku gadnaa
dabiiciigii dhaxalkaa
waxaa aan u daldaalnay
degdeg inaan ku tijaarno!

Kuwa deeqda baxshaan
dadka kaalmada siiya
nooma diir naxayaan
ekisbaayar daruuri
iyo daawooyin sumaysan
bay noo soo dirayaan

Waa la daalay la daalay
waana laysku dambaabay
illamaa DAWLAD caamiyo
kala dambayn laga gaaro
dakanana layska ilaawo
maskaxda noo degi maysee
darajo ruux u qalmaayiyo
mas’uul DOORASHADIISA
dawgee loo marayaa?

Qaybta ararta ee hore waxa ay is dul taageysaa sida burburku uu u dhex jibaaxay dalkii, ee ay xitaa qoormadoobe iyo inta uu matalo uga baxsan waayeen daldalaadda iyo iibgeyntooda, aan dani keenin. Maddaama oo aan isku maqannahay bulshooy, waa macquul in wax kasta nalagu samayn karo, oo nalaka samaysan karo. Kowiyo-toban kal ka hor ayey arartaasi dareenkaas cabbiraysay; maantana dareenkaasi ma aasmin, oo waaba uu sii oogmayaa. Xaalka adag ee na hor taagani waa innaga oo wali is dulmayna (oo is xaqirayna, is yasayna, is liidayna, oo bulshadeenna qayb la haybsoocayo, qaybna la gumaysanayo), oo wali is dilayna (oo iska laynayna inta birimagaydada ah ee haween, ubad iyo waayeel iyo waxgaradba leh), iyo wali innaga oo is dabrayna (oo aan ka waantoobin qabyaalad wax ku qaybsigeeda, aynu is kaga miirnay dad badan oo maanta wax ina tari lahaa, oo aynu juhalo iyo caaq miidhan ku doorsannay).

Xaal kastoo adag waxaa looga baxaa farsamo ku xidhan isku duubni iyo ka ducaysi Alle. Dadka wax garadka ah, ee diirnaxa leh, ayaa la soo saaraa, fagaarayaasha looga haraa, oo ciriiriga iyo loollanka laga ilaalshaa. Maanta waxgaradkeenni waa mid ay dan-yari meel dhigtay, iyo mid ay dadkiisii waxba ugu fadhiyin. Haah. Dadkeennu haddii uu iska soo saari karo inta ugu kartida badan, inta ugu naxariista badan, inta iyaga u heellan oo ay diidaan inta iyaga nacnaca afka ugu haysa, ee dambiilayaasha waliba ah, waxa suurtaggal ah in xaalkani duubmayo, Ilaahay idinkii. Xaalkani waa duubmayaa marka uu dadku hadlo, danahoodana u istaago. Xaalkani waa duubmayaa marka uu dadku garwaaqsado in saldhigga dimuqraaddiyaddu ahayn doorasho iyo cod lagu kala badiyo balse uu saldhiggeedu yahay ogaanshaha [dadku] awooddooda iyo waxa iyagana u dan ah, dalkooda iyo dhulkaba u dan ah, ee uu ka ay doortaan ku dabranyahay, ee uusan sinnaba u duweyn karin—haddii uu duweeyona ay dadweynuhu ka qaadayaan caynaanka! Xaalkani waa duubmayaa marka daacadnimo laga yahay sinnaan iyo kala dambayn, caddaalad iyo wadatashi, wanaag, wanaag, wanaag, wanaag.

Bal aynu eegno qaybtan kale ee ararta oo ka warcelinaysa ka la doortaa waxa uu ka tilmaamanyahay, iyo waxa uu ku tilmaamanyahay:

Halabuurka dadkiisa
dibindaabyo qarsooniyo
halista wawga digaaye
nimaan maanta dalkiisa
dabka uu ka huraayo
xal u dooni karayn
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Ummadu waa is dishoo
daxalaysatay laabtuye
isu doo dumiddeeda
diciif aanan awoodin
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Inta gaajo darteed
daadsan oo socon waydiyo
dadweynii ku curyaamay
dagaallo aan xaq ahayn
ninka aysan damqaynin
daryeel say u hellaan
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Dambiile dhiigga dadeed
daadiyoo u qasdoo
dakanooyin xambaasanoo
eedi ay daba joogtana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Dad intuu hor yimaaddo
nimaan dood wax ku ooliyo
hadal deeqa karayn
damman oo jilicsoonna
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Damaaci aan waxba deeqinoo
dhuuntu ay u dalooshoo
dagdag xoolo u yeelo
dubaaqiisu ka buuxona
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Danu hadday ka dhaxayso
dadku waa ka shiraaye
digtatoor keligii
wuxuu doono falaayana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Dalkeenni waa burburoo
dooc inooma fiyoobee
dib inuu dhisi waayee
nin ka daahan aqoontoo
ka daboolan adduunkana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Nimaan daacad ahaynoo
la yaqaanno duntiisoo
qalbiguu daxalaysoo
qabiil daaddihinaayana
darajo noo qaban maayee
waxba yaannu is daalin

Haddaba waxan doonaynaa
dadku nimu u siman yahay
dar Alliyo nin daacada
dulmi-diid caddaalada
dadaal-badane hawl kara
lagu diirsay geesiya
faxal iyo nin deeqsiya
samir iyo dulqaadba leh
damiir lagu xishoodo leh
dareenkii waddaniga leh
diintana quweyn kara
ayaa darajo qaban kara
duco iyo kalsoonina
waan ugu sii daraynaa

Haddaba, dadku waa inuu hogatuskaas ka dabqaataa. Waa inuu maskaxdiisa la tashadaa, oo iska soo saaraa ka darajo iyo xilba mudan ee uu dooran karo. Maansadunana ha u sii ifiso dawga:

Dal burburay dadkiisii
debaadigi ka soo haray
dulli iyo dhib kama baxo
illaa dawlad caadila
iyo qaran dib loo helo
doodi waxay ka joogtaa
dadweynuhu isweydiin
darajiyo xil yaa mudan?
bulsho daadahayn kara?

Dadka Somaliyeedow
farriimaha durdura iyo
su’aalaha is deba yaal
dulucdiyo ujeedada
waa dood inoo furan!

Yaa colaadda damin kara?
dabka yaa bakhtiin kara?
yaa dooni kara nabad?
dalka dibudhiskiisiyo
DADKA yaa wax tari kara?

Yaa qaranki shaley dumay
darbiga u adkayn kara?
ummada yays ku duwi kara
kala durugtay waayadan?

Dariiqyada agoontaa
gaajadu ku dubatiyo
curyaamiinta daawiyo
yaa daryeel u fidin kaara?

Waa DACAR qabiilkuye
yaa “Diidey” oran kara?
dadka yaa hor iman kara?
hadal deeqa oran kara?
kasban kara rag iyo dumar?
oo xumo ka daahira?

Cadceed baa dul joogtoo
dhidid baa ka da’ayoo
diif baa ku raagtoo
BULSHO daalan weeyee

Durdurada xarreediyo
yaa damalka geyn kara?
dareenkii waddanigiyo
yaan ka dhiman DAMIIRKOO
dhibaatadu damqaysaa?

Kuwaa daydaygaa iyo
qaaddicul dariiqyada
duruus yaa u dhigi kara?
dawga toosan marin kara?
hubka daadsha oran kara?
dawladaha jaarkiyo
lays kama durduriyee
sumcad dunida yaa ku leh?

dhan yaa ku leh dulqaad badan
dhanna ku leh dadaal wacan
dhanna daacadnimo sugan
oo na daadahayn kara?

Waxaa duubka xiran kara
oo doonta wada kari
nin la doortay oo mudan!
annaguna darajadaa(saan)
duco iyo kalsooniba
ugu sii daraynaa!

Gebagabadii, akhristaha Soomaaliga ahow ka digtoonow in aad marnaba hoos u eegto dhibbanaha dalkaaga iyo dadkaaga, oo ha ka baraad-la’aan xoojinta iyo taageeridda naftaada iyo naf kastoo jecel in wixii inoo wada dan ah kabmaan, oo kore ahaadaan—hana u eegin waa reerhebel iyo reerhebel. Astaamaha digniineed ee ay maansadu xustay waxa aan kuugu darayaa: Qofka magaca “Soomaaliyeed” ka didaya, ee ay qabyaaladdu ka tan badato, waa in aadan u dhugmo la’aan—hadduu si daalac leh iyo si dadban ba u bahalaynayo magacaas—meeshuu doono ha ku sugnaadee. Waayo qofkani waxa uu aasayaa waxa aad tahay, oo godka ayuu kugu hogaynayaa adiga oo nool! Akhristow, haddii kii saas ahaa aad maanta xil u dhiibato, saw ma’aha inaad dib u eegtid waxa uu xilkaasi yahay, cidda soo qortay iyo sababta aad ugu hoos jirto?

———————-
1  Maansada “Maxaan xabbaday ku nacay” ee ruwaayadda ku jirta waxa ay dadka ka ganacsada hubka ee warshadaha u samaystay faraysaa in ay damiir yeeshaan, oo xidhaan warshadahooda. Waana tan ta keenaysa in ay ruwaayaddu dunida oo dhan dhambaal u dirto, oo aysan ku koobnayn ummada Soomaaliyeed oo qudha.

* Markii aan sidaas qorayey, ma ogsoonayn in uu abwaan Maxamed Cali Kaariye yiri: Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaayeHal waraabe dilay baan ka nixi, oo dalkeenna ahe. Si kooban, qof dal iyo dadkiisa ba jecel ayaa darajo iyo xil ba mudan.

Sheeko sii Gaaban: Haad Duceeyay!

Waa laba hablood, oo isku da’ ah, oo isku dherer ah, oo isku midab ah, oo kala si wax u arka. Xagaafkii dugsiga ayey soo hayaan. Maalin kasta, hawlaha ay gurigooda ka qabtaan oo aan yarayn daraaddood, immikay layligii shalaytoole carrabkooda kaga shaqaynayaan.

Waxaa mudh ku soo dhahaya, oo dundumo ballaaran uga soo loox-baxaya, laba wiil, oo kala da’ ah, oo kala dherer ah, oo kala midab ah, oo isku si wax u arka. Shaqadoodu waa ku-dhufoo-ka-dhaqaaq; iin iyo inkaar bay intaa dhuxul-reebaan, mooggana waabay soo muusoonayaan.

Is haleele, halaag se ma dhicin, oo hadal baa horreeya. Waxa kolkiiba baas soo furaya hablihii; balse rasaastu meel u dhaxaysa labadii wiil ayey ku gororaysaa. Wiilashii iyaguna kaayahoodii ayey baaskii soo furayaan; balse rasaastu hablihii ayuun bay labada hareerood ka maraysaa.

Labadii hablood ayaa isku noqonaya; waxayna is oranayaan:

“Haddaynu ku midownay in aynu wada fushanno teenna, maxaynu xabbad xabbad ahna ula heli weynay wiilashan?”

Wiilashiina sidoo kale ayey isku weydiinayaan:

“Haddii uu midkaayaba tiisii keligiis meel-marsaday, muxuu midkeennuba xabbad xabbad ahna ula heli waayey middiisii?”

Haad haatifyahan ah oo dusha sare wax ka og-hela ayaa intuu qoslo, oo uu qosal-gariirkiisuna dhulka garabka u soo dhigo, ayuu wiilashii ku oranayaa: “Oo go’aankiinnii midaysnaa, ma midnimada hablaha ayaa kala dhuftay, waakanoo wiilal labada daafood ayaad kala aaddiseen shiishkiinniiye? Mise miyey ba tahay in hablahanu ayan ahayn cadka ragga walaaleeya?!?”

“Maya Haadow. Habluhu waa laboo waa in aan kala lahaannaa, oo waa dambi inaan wada lahaanno! Marka, hunguri mid ah iskuma hayno!” ayey isku raacayaan wiilashu.

Inta uu haadku hablihii ku soo jeesto, ayuu su’aalayaa sababta ay diiraddooda u mideeyeen, waa tii ay kala liishaanka ahaayeenne. Hablihii na waxay ku war-celinayaan:

“Maya Haadow. Wiilashu waa isla mid oo kala saar-saarid ma laha, oo caqligooda ay nagula haasaaween ayaa sidaas ka marag kacaya!”

Haadkii inta uu boqornimadii haatifyahan iska xayuubsho ayuu samada u haadayaa. Isaga oo aan sii libdhin ayuu soo halwinayaa erayadan:

Waxaad , duniyeey, ogaataan:
Hadday midnimadu is diiddo
Is diiddadu inay midowdo
Midkoodna darkii run mooda
Haddeeyan ku deerin adkaysi
Ineeyan gelinna ku diirsan!

Ducadaas haadka, afartii is hayey dux ayey u reebaysaa. Waxayna garwaaqsanayaan in ay midnimadu khadhaadh amma macaan u leedahay dar kasta oo dacalkeeda haysta; asii aysan midnimadu dan-ku-galis iyo dan-kaga-bixis ba geyin: Qof kastaana ay tahay siduu u difaacdo iyo deexadkiis.

Sheeko Gaaban: Ged Cusub!

Curis: Afka

Sida uu u qeexay Siciid Cabdilaahi Cabdi, afku waa “erayo dhawaq leh, dhadhan leh, dhismayn leh.” Isla qeexistan waxa ku dhan inta habdhisyood ee uu afku ku salaysanyahay, kuwaas oo kala ah: Habdhiska erayga, codka, macnaha iyo naxwaha. Afartan habdhisyoodi waa ay isku maranyihiin; midba na midka kale ayuu dheellitiraa. Ugu horraynta, waxa ay saddexda habdhisyood ee codka, macnaha iyo naxwuhu falkaan erayga, oo eray na cod (dhawaq) iyo macne (dhadhan) iyo naxwe (dhismayn) kama maarmo, badankana kumaba suurtoobo li’idood. Hababkani wadajir ayey deeto afka gebigiis u daaliciyaan. Sidaas daraadeed, dhigis iyo dhihis ba, afku waa erayo dhawaq, dhadhan iyo dhismayn ba leh.

Unugga codka waxa la yiraahdaa ‘tibix.’ Si uu qorriinka afku u suurtoobo, tibxaha af-Soomaaliga qaar ayaa summado loo sameeyey, sumadahaas oo asteeya hadaaqeenna. Tibxahan iyaga ihi waxa ay u kala qaybsamaan shaqal (oo 5 tibxood oo dheer amma gaaban kala ah) iyo shibbane (oo 21 tibxood oo aamusan ah). Tiroba tibxahanu waa 26, marka asteyaashooda loo eego. Tibxaha oo la is raacraaciyo waxay dhalaan dhawaq amma dhawaqyo. Dhawaquna waa xubinta ugu yar ee codka, waxaana lagu magacaabaa ‘alan’ (jamac ahaanna ‘alamo’). Alamadu waxay u qaybsamaan laba: 1) kuwa ka dhasha shaqal (amma tibxo saafi ah) iyo 2) kuwo ka dhasha tibxo isku-jir ah, oo shaqal iyo shibbaneba leh.

Unugga macnaha waxaa la yiraahdaa ‘malan.’ Malanku waa hal-alanle macno sameyn kara—waayo waxaa kala jira hal-alanleyaal aan macno samayn karin, sida: ‘lil,’ ‘lir,’ ‘riw,’ ‘bi,’ iwm., iyo hal-alanleyaal macno buuxa sameeya, sida: ‘bax,’ ‘tag,’ ‘hu’,’ ‘aag,’ iwm. Xubinta ugu yar ee macnuhu waa ‘eray.’ Erayada oo la is raacraaciyona waxay sameeyaan qurub-weedheed(yo) amma weedh(o).

Waxaa erayada sameeya alan amma malan ammaba labadaba. Erayada alamo khaas ah ka qodma waxa u tusaale ah: ‘asaag,’ ‘wareeg,’ iwm. Sababta oo ah, alamada ‘a’ iyo ‘saag,’ ‘wa’ iyo ‘reeg’ midnaba ma aha malan, amma alan macno xambaarsan. Marka ay alamadani isku tageen ayuun bay macno la soo baxeen.

Dhanka kale, erayada ka qodma malamo khaas ah waxa u tusaale ah: ‘roob’, ‘cunsur,’ iwm. Erayga ‘roob’ waxa uu ka koobanyahay hal malan, ka ‘cunsur’ na waxa uu ka koobanyahay laba malan, oo kala ah ‘cun’ iyo ‘sur.’ Labadan malani waxay iskood u sitaan macnayaashooda u goonnida ah, marka ay eray wada sameeyaanna waxay keenaan macno saddexaad. Waana tan ta sahasha in malamo la isku hag-hagaajiyo, si ay erayo kakab ihi u samaysmaan—afkuna uu ku eray-bato. Tusaale ahaan:

‘war’ + ‘sheeg’ = ‘warsheeg’
‘dhul’ + ‘bar’ = ‘dhulbar’
‘jac’ + ‘roor’ = ‘jacroor’
‘goob’ + ‘joog’ = ‘goobjoog’

Tusaalahan saddexaad aynu ku eegno erayada ka koobnaada alamo iyo malamo isku dhafan, sida: ‘wadar’ iyo ‘walaac.’ Erayga ‘wadar’ waxa uu ka koobanyahay alanka ‘wa’ iyo malanka ‘dar’; erayga ‘walaac’ na alanka ‘wa’ iyo malanka ‘laac.’ Guud ahaan, alan iyo malan ba waxay leeyihiin sifooyin iyo siyooyin ay u dhismaan; waxayna ka soo dhilmaan unugga codka.

Haddaba, si ay erayo u samaysmaan, erayadanuna weedh(o) u sameeyaan waxa loo baahanayaa, oo lagama-maarmaan ah, habdhiska naxwaha. Waa habdhiskan ka innaga caawiya inaynu is fahanno. Waana habdhiskan ka innagu mideeya afka aynu ku wada xiriirayno. Xididka habdhiskanina waxa uu ka sii hooseeyaa, xigmad ahaan, unugga codka, oo ah isha uu afkuba ka soo burqado. Mar kastana, habdhiska naxwuhu waa midkii saafa sida iyo sababta uu is-raacraacu (amma guud ahaan ba “dhisme”) ku yimaaddo, una hirgalo.

Jacbur: Kediye

Gabaygan soo socda waxa uu tusaale fiican u noqonayaa maansooyinka an ku khasbanayn tibixqaarraanta amma qaafiyadaynta buuxda. Sida buraanburka oo kale, gabaygani ma laha tibix gaar ah oo ay (ereyo dooran) meerisyadiisu ku duluc-dhabanyihiin—min billow, illaa iyo dhammaad. Hasayeeshee, farqiga gabaygan iyo buraanburka u dhaxeeya ayaa wuxuu yahay in buraanburka uu leeyahay tuduc amma xirmo tuducyo ah oo meerisyada ku taxani (si joogto ah u) tibixqaarranyihiin. Tan macneheedu waa, dhammays ahaan ayeysan maansada buraanburku ugu khasbanayn yeelashada qaafiyadayn buuxda, balse gabal gabal ayey maansada buraanburku u yeelan kartaa dhawr xirmo (tuducaad) oo mid waliba qaafiyaddeeda wadata. Aan tusaalayno:


Bannanka Galgaduudyo Ceeldheerta Baaxadda le
Baladka Xamariyo Baraawoo basiin ka qabay
Bu’aaliyo reer Kismaayoo nafluhu u begay
Taniyo Baardheere iyo beelaha Afmadow
Gabeye boolgalasyo Soomaali boos walbaba
Bulshada isku duuban nabad baan u baaqayaa
Allahayow Baaqi baryadaada laguma qado
Qabiilka na baaba’aahyaa ha naga ba’aa

Dagaal wiil kuma dhashee waa ku dhimanayaa
Dhalintii waa naga dhamaatoo dhibbaa la galay
Dhaciyo boobkaanhu dhulka dhaawac buu u yahay
Hadduu waa dharabtay maydkaa dhabbaha u yaal
Qaxootiga lagu dhawaahaa dhaqaalo ma leh
Gaweetada gaalku dhiibaayo kama dhargaan
Calankayow dhicinaw isticmaar ku soo dhawaan
Dhaxalka Soomaaliyeed yayw cidlada ku dhumin …

Labadan tuduc ee kore, mid ka hore waxa uu ku tibixqaarranyahay tibixda “b”; ka kalena “dh.” Sida gabayga oo kale, qaafiyadda buraanburku waxa ay meeriskiiba gashaa (ugu yaraan ) laba goor. Meeriska buraanburku, sida ka dhaantada, uma kala qaadmi karo laba qaar, oo kala ah: hojis iyo hooris—sidaas daraadeed, ma muuqaalin karno meelaha ay tahay inuu ku xasilo eray-doorka qaafiyaddu. Balse meeriska gabaygu wuu kala qaarmaa; waxayna tibixda (ugu horraysa erey-doorka) uu meeriskiiba ku qaarranyahay kala gashaa hojiska iyo hooriska. Gabay ahaan, hadday tibixdani wada degi weydo hojiska iyo hooriskaba, amma ay dhan keliya gasho, waxa dhasha deel-qaaf. Ka sii socoo, haddii tibixdani meeriska koobaad illaa ka ugu dambeeya ee gabayga aysan ku shaqlanayn, waxa dhasha deel-qaaf weyn. Isaguu xeerku sidaa yahay, gabayga qormadan, iyada oo aan tibixqaarraantu meerisyo badan ka muuqan, haddana wax deel-qaaf ah looma xambaarin karo!

Haa! Gabayga qormadan wax deel-qaaf ah laguma sheegi karo—saa waaba “jacbur” e. Ujeedada gabaygan, oo ku guntan majaajilo, ayaa keenaysa inuusan gabaygani ku khasbanaan qaafiyadayn. Tan macneheedu maaha in gabay kasta oo majaajilo kusheeya uusan yeelan karin tibixqaarraan buuxda, balse majaajilada lafteedu ayey ku jirtaa dhadhansiga deel-qaafnimada! Tan waxaan ku tusaalayn karraa, bal dhiirranadi dhextaalkan gabay-jacbureed ee Dhoodaan dhugo:

Afartaasi sidii xoolo diday, marada maw tuuray
Deel-qaafku waa ba’an yehee, timir ma duugeeyey
Xalwadda iyo baastiyo daqiiq, ma isku iidaamay
Isagoo muqbaasada miyaan, caasha kuu geliyey

Unkidda gabay-jacburku kama hawl yara (abwaanka marka loo eego) unkidda gabayga caadiga ah; balse ciriiriga ay qaafiyaddu wadato ayuun baa lumaya. Xigmadda iyo murtida gabayga jacburka ihi yeelan karo waxay ku xirantahay abwaanka curinaya iyo hadafkiisa. Hadiyo goor, waxa uu gabayga jacburka ihi ku duluc-xidhaa jacayl cayaayir ah, beeninta runta (uu kasbado Aadamuhu), silleynta sugantida iyo dhabeynta caqli-ma-galeenka!

Gabaygan jacburka ah oo uu tiriyey awbaan Jaamac Kediye Cilmi ku soo dhawaada.

Aniga iyo gabaygaygu waa, inanu heesnaaye
Waa inaanu kaman qaadannoo, shaah ku gadannaaye
Waa inaanu buuraha korraa, habar sideediiye

Waa inaanu dhalan beena iyo, faan ku dirirraaye
Waa inaan xumaan iyo wanaag, anigu yeeshaaye
Waa inaan ammaan iyo canaan, anigu yeeshaaye

Waa inaan sideedaba halgaad, ari ku laayaaye
Waa inay riyuu qayliyaan, tuug siduu xadaye
Oo ay islaantii jirtiyo, waxaro ooyaane
Oo aan cabbaar aamusoo, anigu yaabaaye

Sida geesi soo cararayoo, meel cidla’ ah jooga
Amma fulay dagaallamahayoo, cadawga laynaaya
Waa inan wixii ila hadlaba, laad ku kiciyaaye

Waa inaan basbaasiyo xildiid, shaah ku kariyaaye
Oo aan dhadhamiyaa inuu, qaaya leeyahaye
Waa inaan bakeeriga jajaban, anigu qaataaye
Oo aan ka buuxsado wixii, harayna reebaaye
Waa inay macaan labada fool, ila xanuunaane

Bakayliyo libaax dirirayoo, siiga kicinaaya
Waa inan intaan kala dhex galo, hadal u sheegaaye
Oo aan midkoodii gar daran, dhab ugu eexdaaye
Waa inaan sigaarna u shidaa, lacagna siiyaaye
Oo aan huruufaa midkii, xaqa ku taagnaaye
Waa inan ganaaxaa intaan, …

Waa inan maroodiga qabtaa, dhab iyo raadkeede
Oo aan cirkaa ula baxaa, waan ka fiicnahaye
Waa inaan ilkaa kala baxaa, … ka saaraaye
Oo aan ka rooraa illeen, wayga weyn yahaye

Anoo baqaya waa inan dhirtiyo, xagarka jiiraaye
Dib markaan usoo eego waa, inuy xasuustaaye
Buuhoodle waa inan tagaa, Cadan na dhaafaaye

Badda waan aqaanaaye waa, inan u yeeraaye
“Aan ku dhaafo” waa inan idhaa, ginina siiyaaye
Hadday diiddo waa inan cabbaa, oon ku madhiyaaye

Maraakiibta waa inay harraad, soconba weydaaye
Oo aan xammaalaa illeen, waa sidaan rabaye
Sarriirtayda waa inan dhigaa, gogol na siiyaaye
Markuu seexdo waa inan furtaa, maal wuxuu sidaye

Niman socoto tegay waa inay, goroyo maalaane
Caanaheedu waa inay noqdaan, roodhidoo kala e
Markay daadiyaan waa inay, gaajo qabataaye
Adaa qubiyo waad saydhay baa, laysku dilayaaye

Quraanjadu hadday tuuga tahay, lacag ma weydeene
Shaydaan la naaraana waa, soo kadlayn jiraye
Qofka furin cuna ruushka waa, ina adeerkiise

Bisado iyo jiir wada dhahoo, hooyo qura yeeshay
Walaalnimada ay sheegayaan, kuma heshiiyaane
In bilayska qaar loo diraa, way habboon tahaye
Bal maxays ku diray wiilka iyo, gabadha waa yaabe

Ragga timirta miismiisayee, shilinka doonaayey
Danyar baa la moodaa haddayn, subag u keenayne
Hayeeshee markay biiriyaan, ways ka tarantaaye
Iyadaa u khayr roon hadday, xaaska koriyaane

Anna ganacsi waan doonayaa inan bilaabaaye
Sonkortiyo bariiskii haddii, jilibka loo aastay
Buuhoodle mirihiisi iyo, Ceelcas shicibteeda
Subaggii Goldogob oo dhan, ciidh ba haraggeeda
Qandaraas intaa u la tagoo, qaaca ku so miiro
Dabadeedna caanihi xarfoo, wada gadhoodhkiiya
Jirkaamadiyo caagaduhu, way kharribayaane
Dhiilihii cullaa haddaan, haamo kaga miiso
Laba Maarkit oo ciirayoo, taayirrada laastay
Laamiga ku cayntaariyoo, fayfka qabadsiiyo
Garoowoy qayilayaan haddaan, orod ku weydaarto
Qardho odayga joogana salaan, beerti ugu geeyo
Debadeed hooggaanka u dhuftoo, maca-salaameeyo
Benderqaasin oo yaabtayoo, maqashay hoonkayga
Dekedda aadi maayee haddaan, sayladda u baydho
Sicirbararka waan necebihiyo, ribada shaydaane
Anigana bilaash iguma siin, nimanki reer Hawde
Aliiftaydu siday sheegtay iyo, taababkii Nebigu
Ammay noo caddeeyeen wixii, lagugu dhiib shiilo
Imaan darraaniyo cadaab, yaad ka naxaysaaye
Waa inaan riqiis kagagadaa, waajib noqon mayso
Isu naxa ad naxariis hesheen, saa Allaa yiriye

Inanyahay jacaylkaygu wuu, jiray abiidkiise
Adigana jacaylkaagu wuu, soo jirfanayaaye
Labadii jacayl waa inay, jiib isu raacaane
Labadii jacayl waa inay, jalalacleeyaane
Labadii jacayl waa inay, jarar ka boodaane
Labadii jacayl waa inay, waxaro jiiraane
Labadii jacayl waa inay, habar jugeeyaane
Labadii jacayl waa inay, jees burburiyaane
Inan geel la joogiyo gabar, jaaska baranaysa
Labadii jacayl waa inay, kala jeclaadaane
Saylac iyo Hindiya waa inay, kala jeclaadaane
Jabbaan iyo Giriig waa inay, kala jeclaadaane
Joordan iyo Lubnaan waa inay, kala jeclaadaane
Labadii jacayl waa inay, dib isu jiiraane
Jacaylkaygu debeed waa inuu, kaaga jabiyaaye
Jacaylkaagu waa inuu markaa, waabka jiifsado e

Mahadsanidin: VOA Somali, Doollo.com

Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada

Hordhac

Qofka maanso curinaya waxa uu adeegsanayaa af iyo ereyadiis; waxa uuna dhambaalkiisa u dawinayaa cid Allaala ciddii uu u garto inay maansadiisu khusayso. Marka, waa muhiim inuu qofkani adeegsado ereyo iyo balaaqo ku habboon hadafka maansadiisa. Haddii ay maansadiisu ku socoto mujtamac iyo dad, waxa uu qofkani maansadiisa gundhig uga dhigayaa dhambaal khuseeya mujtamacan iyo dadkan. Haddii uu isaga iskii isugu la hadlayona, waxa uu qofkani ku dadaalayaa in isaga culays saaran uu iska rido—culayskanina marka dambe waxa uuba isu baddalaa suugaan ay jiilalka dambe ku hawltoobaan (matalan: Raage Ugaas gabaygiisa “Sida Koorta Yucub” oo noqday gabay daraasado badan lagu sameeyo, oo lagu hawltoobo). Marka qofkani waa in uu ogyahay, oo uu la socdaa, dhageystayaashiisa; waana inuu isticmaalo luqo ku habboon dhageystayaashiisa.

Marka aan ka faalloonayno gabayo qarniyo ka hor la tiriyey waxa cad in aynu ku hawltoobayno sidii aan u fahmi lahayn meerisyo ay ku taxan yihiin ereyo aynaan qaarkoodba fahmi karin. Waxaan kaloo ku hawltoobaynaa inaan dhadhansano macaanka iyo farshaxanka ku duugan meerisyadan. Waana tan dambe ta’ ugu hawsha badan, ee hor taalla gorfeeyayaasha maansada, ee aan rabo inaan wax yar ka bidhaamiyo, maanta.

Hawsha Gorfeeyayaasha Maansada

Qofka maanso curinaya waa qof ku dadaalay inuu xurfado laba gal: 1) Gal Ereyo ah iyo 2) Gal Xigmad ah. Maansada Soomaaliyeed waxa tayo sare u yeela habka loo dareeriyo, oo ku dhisan miisaan, iyo habka loo qaybo, oo ku dhisan tibixqaarraan (xarafraaca amma qaafiyadaynta). Labadan hab oo la isku dhafay waxa ay suuragaliyaan ciriirrinimo iyo daryeelid (ay daryeelaan maansada lafteeda). Waxa ayna maansoyahanka ku khasbaan inuu kolka horeba soo yeesho labadaa gal ee kore: Waa inuu ereyo badan gurubsadaa, habka uu ereyadan u taxayona uu ahaadaa mid xigmad iyo murti ku dhisan—isla markaasna uu waafajiyaa wadiiqooyinka maansada mid kamid ah (sida: Gabayga, geeraarka, jiiftada, iwm).

Marka uu qaato maansoyahanku inuu gabyo, waxa u furan hal wadiiqo oo maanso ah: Gabay. Balse, inta uusan go’aankan gaadhin, waa inuu la soo baxaa mawduuca maansadiisa. Intaa wixii ka gadaaleeyana waa isaga oo bilaaba maansada, hadafkii uu ka lahaana sida ugu gaaban ku gaadha! Ka dibna dadweynaha ay maansadaasu gaadho ayaa wadwadi, oo kolba si uga faa-faalloon. Inta wax gorfayn og se, waxa ay ku dadaali sidii ay maansadaa maansoyahanka u qali lahaayeen, oo ay u faaqidi lahaayeen.

Badanaana, waxa ay gorfeeyayaashanu ku hawltoobaan ka faalloonta farshaxanka uu maansoyahanku maansadiisa ku bilay. Waxa ayna gorfeeyayaashu qiimeeyaan sida uu maansoyahanku ereyada afkiisa wax ugu sawiro; sida uu maansoyahanku u adeegsado ereyada ku habboon mawduuca maansadiisa; sida uu maansoyahanku xeeldheerida afkiisa u muujjo, oo uu geedaha iyo haadda dalkiisa ugu maahmaaho; sida uu maahmaahaha jira ugu xardho meerisyo kooban oo maansadiisa kamid ah; sida uu u soo koobo, una gaadho hadafka guud (dabuubta) ee maansadiisa. Haddii ruux aan wax gorfeyn karini faraha la galo hawshaas adag ee gorfeeyayaasha, waxa dhasha maroor iyo awr-lis uu ku kaco ruuxani!

Gorfeeyayaashu maanso kasta isku si uma gorfeeyaan, oo maansooyinka qaar ayey aad ugu dheeraadaan. Waxayna ogyihiin in maansooyinka uu xitaa hal maansoyahan tiriyey ay kala duwanyihiin, kalana xog badanyihiin. Waxayna maanso u xushaan kolba farshaxanka lagu dhisay amma waayaha iyo ahmiyadda  ay xambaarsantahay; iyo haddii ay cilmi cusub ka beeri karaan maansadan. Tan dambe annagoo eegayna, aan dhuganno sida ay maansoyahannadu u gacan qabtaan gorfeeyayaasha, oo aan tusaale ahaan u soo qaadanno Gabyaa Dhoodaan arartiisan:

Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maansa xubinteeda
Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
Xariiqdiisi waa inan marshoon, xididki raacaaye
Maantana xagguu jirayey baan, kaaga xaadiriye   [Si baan meeriskan u saxay!]

Affartaas meeris waxa uu Gabyaagu ku caddeeyay hannaanka uu u curiyo maansooyinkiisa. Waxa uu Gabyaagu caddeeday inuu go’aansado inuu gabyo; inuu ku xijiyo helista tibixda (xarafka) uu gabaygiisa ku qaafiyadaynayo; inuu dhannaba u liicin (oo uu iska dhawro deelqaafka) oo uu maansadiisa kiciyo, wadiiqadii gabayga ahaydna ku dareeriyo; iyo inuu mawduuceedii abbaaro. Intaa ka dib waxa uu u soo dhaadhacay sheegista (si daalacan) hadafka maansadiisa:

Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
Xog ogaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye

[Gorfeeyayaasha ayaana qiimayn kara, marka ay gabaygan gorfeeyaan dulucdiisa, inuu Gabyaa Dhoodaan hadafkiisan gaadhay iyo haddii kale.]

Gabyaa Dhoodaan gabayadiisa oo idil kuma bilaabo sida uu gabaygan (“Xulub Socod”) ku bilaabay. Balse waxa uu gabaygan ku xusay hannaanka uu u curiyo gabayadiisa. Waxa uuna gorfeeyayaasha siiyay aqoon ay tahay inay ka baaraandagaan, oo isweydiimo ka keenaan: Horta, maxaa keena inuu gabyaagu gabyo? Maxaase ku dhaliya inuu gabyaagu tibix ka doorto 22ka tibxood ee maansada lagu qaafiyadeeyo? [Tibxaha shaqallada ah ee A ,E, I, O, U, waxa ay qaafiyad ahaan noqdaan tibix qudha oo Alif ah. Tusaale, waakii Gabyaa Calidhuux uu yidhi: Ilmaadeerradaa iyo ku nece, ururki reer Khayre.] U jawaab raadinta su’aalahanna waxa ay gorfeeyayaashu ka beeri karaan aqoon furfuris u baahneyd—in kasta oo ay jiraan gabyaayo caddeystey sababaha ku dhaliya inay gabyaan, oo sidaaba ku maansooday.

Marka ay gorfeeyayaashu dhugtaan xeeldheerida isku-dhafka ereyada ee maansoyahanka waxa ay garwaaqsadaan inuu maansoyahankaasu leeyahay hibo halabuurnimo oo farshaxankeedu sarreeyo. Marka ay la kulmaan maanso meerisyadeedu soo koobeen mawduuc ereyo badan lagu qaadaadhigi karo—amma ay meerisyadani si fudud oo gaaban u sunkeen maahmaahyo hore—waa ay ammakaagaan. Ammakaag kale waa marka ay la kulmaan sida uu maansoyahanku ugu macallinka yahay adeegsiga “higillada waxsheegga” (oo kala ah: Ekeeyeha, Shareereha, Sarbeebta, Qofeynta, iwm) (Cabdi, 2008). Ammakaag kalena waa marka ay la kulmaan maansoyahan ogaan naxwaha afka u jabinaya, oo ay meerisyada maansadiisu ka tan bateen u hoggaansamida naxwaha afka. Kolka, waxay gorfeeyayaashu jecelyihiin inay si cilmiyeysan u ogaadaan waxa u sahlaya inuu maansoyahankanu sidan quruxda badan wax isugu qoofalo.

Gorfeeyayaashu cilmi fog iyo mid sokeba waxa ay u leeyihiin rogroggida maansooyinka hor yaalla. Waxa ayna rogrogiddan ka soo saaraan koloyo cilmi ah, oo uu agab ay maansooyinka ku saaftaan uga buuxo. Waxa ay gorfeeyayaashu ku dadaalaan helista ereyo qeexan oo ku habboon inay u matalaan meelaha ay u rabaan. Waxayna ka digtoonyihiin dayac iyo adayg ay u gaystaan gorfayntooda. Marna waxa ay gorfeeyayaashu dusha kaga keenaan gorfeyntooda sooyiilka (isha taariikhda), oo ay isku dayaan in ay sidaasna gorfeyntooda ku naaxiyaan. Soo wada duudduuboo, gorfeeyayaashu waa dar asluub leh, oo aan godob ka gelin gorfeyntooda—waana dar aysan sheegato ku milmi karin!

Agab qudha oo ay gorfeeyayaashu dhugtaan haddaan ka faalloonno, aynu tusaale ahaan u soo qaadanno waxa afka Ingiriiska lagu yidhaa “Allusion” (oo aynu si ku meel gaar ah dhig ugu yeelayno ah: “Hummaagyeyn”). Hummaagyeyntu waa agab uu maansoyahanku adeegsado, gorfeeyayaashuna u ogyihiin, oo uu ku muujiyo aqoontiisa uu u leeyahay deegaankiisa iyo suugaanta dadkiisa. Hummaagyeyntu waa xusid laga yeesho degaan amma murti hore. Tusaale fiicanna waxa aan ka dhigan karnaa gabayga “Sida Koorta Yucub” ee uu tiriyey (Allaha u Naxariistee) Raage Ugaas Warfaa.

Waxa uu Raage Ugaas gabaygan inoogu sheegayaa sida uu u murugaysanyahay, oo uu habeen oo dhan u jeleledayo. Waxa uu rabaa inuu codka kololo’iisa iyo cod kasta oo daranba uu xiriir weyn ka dhexaysiiyo. Waxa uuna kolkaas adeegsanayaa agabka Ekeeyaha, oo isku kaba laba arrimood oo kala geddisan (iyadoo la isticmaalayo ereyga “Sida”). Halkaas ayuuna Raage ka dhaadhacayaa illaa uu hadafkiisa ka gaadhayo, oo ah: Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye! Aan inoo kala baxo annaga iyo Raage hummaagyeyntiisan:

Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeboo nirgaha, laga kaxaynaayo
Ama beelo keynaan ahoo, kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaa, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ledin, kaamil Reeruhuye

Markaan gorfeyno meerisyadaas kore ee gabayga ah, waxa inoo soo baxaya xeeldheerida Raage Ugaas u lahaa degaankiisa iyo dadkiisa. Inta cabbirro dhawaq leh ee uu bixiyey Raage qaarkeen ma wada maqlin. Sidaas si la mid ahna, waxaana laga yaabaa isaga laftiisu (waa Raagee) inuusan dhagihiisa ku maqlin cabbirradaas, oo uu qaar sheeko (suugaan ka horreysay ah) ku helay—waxaana suurtagal ah inuu Raage gebi cabbirradan dhegihiisa ku maqlay, oo uu waayo-aragnimadaas isagu la yimid, sidan wacanna isu saarsaaray. Waana tan ta’ keenaysa inaynu nidhaa: Meerisyadaasi qaar in hoos loo sii dhugto, oo baadhis dheeraad ah loogu itaal sheegto ayey istaahilaan. Waxaana ay hawshani u furantahay gorfeeye taariikhyahan ah, oo Raage sooyiilkiisa (xittaa gabayadiisa) in badan wax ka haya. Intaa wixii ka sokeeya se, gorfeynteennu waxa ay caddayn kartaa sida xeeldheerida leh ee uu Raage u adeegsaday labada agab ee kamidka ah higillada waxsheegga ee kala ah: Ekeeyeha iyo Hummaagyeynta, oo runtii HEERSARE ah. Sababta uu Raage isu daba taxayo waxaas oo cabbir-codood ahna waxa aan u celin karnaa isaga oo murugadiisu ay xad-dhaaf ahayd, isla markaasna uu si wacan uga ciil baxayey, oo culayska isaga ridayey!

Gabagabo

Hawsha gorfeeyayaasha maansada saarani ma yara. Inay cilmi ka iftiimiyaan meelo dahsoon ayaa ah hawsha ugu weyn ee gorfeeyayaasha saaran. Ruuxa u dhabar-adeygaya inuu maanso gorfeeyo waa inuu ku dadaalaa barashada waxa hortiisa tuulan ee ay gorfeeyayaashii hore ka tegeen; lana yimaaddaa asluubta gorfeeyenimo. Gorfeeyayaashu ma aha kuwo cilmigoodu ku sargo’anyahay barashada gorfeynta, ee waa kuwo cilmigoodu uu ku sargo’anyahay afmaalnimo. Cid kalaba ha i noo dambeysee, marka aan la dhacno sida ay gabyaayadu u saafaan, amma u tafsiiraan, macnaha ku duugan gabayo hore waa in aan u qirnaa iyaga gorfeeyayaal!

Raadraac

Cabdullaahi Macalin Axmed Dhoodaan. “Xulub Socod.” <http://tiny.cc/w5pgw>
Raage Ugaas Warfaa. “Sida Koorta Yucub.” <http://tiny.cc/axdat>
Siciid Cabdillaahi Cabdi. “Af-Haaneedka Soomaaliga.” October 1, 2008. <http://tiny.cc/3jnw3>

TBP: WardheerNews.com

Kowda Luulyo

Ma ogtihiin in kowda Luulyo kun sagaal boqol iyo lixdankii ay ahayd maalin Jimce ah, sida maanta oo kale? Waxa suurtagal ah in dad badan oo inaga mid ihi ay maalintan farax ku xusuusanayaan; halka qaar kalena ay murugo ku xusayaan maalintan. Si kastaba ha ahaatee, ku soo dhawaada qoraalkan iyo gabaygan is wata, oo uu soo diyaariyey Idiris M. Cali:

K O N T O N G U U R O
WD: Idiris M. Cali
July 1, 2011

Hal sano iyo bar ka hor (Jan 16, 2010), Calanka Soomaaliyeed himilada uu u taaganyahay iyo tacaddiga la huwiyey maanta waxaa isla hal gabay inoogu muuqaaliyey (Allaha u Naxariistee) Saalax Xaashi Carab (Oct 10, 1955 – Aug 19, 2010). Waxa uu Saalax gabaygan, oo uu u bixiyey “Kontonguuro,” kaga warramayaa “duruufaha adag ee calanka iyo ummadda leh ba haysata”—waxa uuna u warramayaa calanka, oo u taagan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhab ahaantii, calanku ma matalo dal iyo dadkiisa oo kaliya e, waxa uu calanku matalaa gobannimada. Waxa marag ma doon ah, in, waxa dadka Soomaaliyeedi ay sugayeen inta ku dhawdhaw siddeetanka sabaan (1884 – 1960), oo uu Timacadde sadareeyay, uusan ahayn calan maro laga karkaray—oo hindisihiisuna dhawaa—balse uu waxaasi ahaa madaxbannaanida iyo gacan-ku-haynta aayahooda ummadeed. Waxa se lagu dagmi karaa, in, garwaaqsashadaasu Calanside/Calansida kasta oo calanka jecel ay gaf u geysatay. Hasayeeshee, in aan ogaanno sababta ay Calansidayaashu calanka u sidaan saw kama sokeyso in aynu horta garanno sababta uu calankuba u sidmi karo?

Iyadoo kooban, jawaabtu saw ma’aha, in calanku uu summad u yahay himilo iyo dareen ummadeed oo waari og, waligiina uu cadow gudood iyo mid galoodba ku gadaamanyahay? Xilbaa naga saarane, cadowga gudaheenna ee liidaya calanka (u taagan jiritaankeenna) iyo kan dibadda ka soo weeraraya calanka saw inaan iska difaacno waqeen ma aha? Haddaynu is difaacno, calankeennu wuu difaacmi; haddaan isaga difaacnana, waynu difaacmi. Waxaana sunna ah in marka aynu isdifaaceenna ka run-sheegno uu calankeennu mar kastaba ahaan doono ka siigada naga maydha, cadceeddana noo soo saara. Caragaddiskaasi inuu jiro aynu ku baraarugsanaanno, oo xasuusnaanno in Sayidkuna uu ku dardaarmay:

Cirkaan di’in abaar daariyaad, dunida oo qiiqday
Dayax-ururka daariga ka maray, dirirka oo liiqday
Mar un baa daruuraa cusayb, soo dibbiriyaaye

Diiryaanka cuurshaa ku xigi, daacigii sabanne
Mar un buu darooraa intuu, daadka soo rogo’e
Bal dayaay! duraabtaa horuu, daafta mariyaaye.

Gabaygan “Kontonguuro” inagu boorrin mahayo sidii aan difaac u gali lahayn, balse waxa uu inagu dhiirragelinayaa in aan baranno amma aynu xusuusnaanno milgada iyo taariikhda calankeenna. Waa isweydiimo e, hoggeebuu maanta calankeennu ku jiraa; yaase haadaan kasta dartii uga soo booday? Yaa u soo qudhgo’ay, yaase maanta ku qoslaya? Haddaba, calankeenna oon baadi-goobnaa waa innaga oo mar kale is gobeyna. Sida ugu fudud ee aan maanta isku gobeyn karraana waa: Innagoo is jeclaanna, oo nactooyada* dhexdeenna ah gubna, isla markaasna go’aan midaysan ka gaadhna run-isu-sheeggeena. Haddii aynu runta isu sheegno oo qudha, waxa dhexdeenna ka bixi lahaa: Is diiddada iyo kala gabbashada, kala dayoobka iyo kala jabka ku xalladaysmay, waa halkii Dhoodaane, run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka.

Waxa uu Saalax, wuu inala joogaaye, kamid yahay inteenna aan runta xasayn karin. Gabaygiisan “Kontonguuro”-na been iyo xasarad isugu muusan kaayo yeedhin, ee runta geesinimada leh ayuu galalkeeda naga waraabinayaa. Inaynu runta fuudno, oon isku daweyno, si aan isugu soo dhawaanno, diyaar ma u nahay? Haddii aynu diyaar sidaa ku nahay, aynu wada akhrinno gabaygan, ay fartii Saalax (AuN) ku taallo dhan qoraal iyo dhan murtiba, oo munaasabadda maanta oo kale ah ku habboon:

Calanyohow dadkiisii kadoo ‘ kore ka soo cawlmay
Kurbashada dareenkiyo cabsida ‘ illinta kaa keentay
Adi kuguma koobnee dhibtani ‘ waa kadeed qarane.

Kulmiyow haddaad beri lahayd ‘ kulmisyo gaashaaman
Amaad madax ku jecel aad ogeyd ‘ shacab ku kaalmeeya
Ka teg xaalku kii shalay haddaad ‘ karam lahayd weyne.

Kala dhiman milgada aan kan lihi ‘ kaabiddeed biline
Kubku nimuu baduugmiyo ma kaco ‘ ruux karrays li’iye
Qajeelay kuftaa dawladdii ‘ aan kufkeed heline.

Kabtigiyo adoo laba kacii ‘ xawli ku koraaya
Ka na mudhay asaaggaa sidii ‘ kaaha waabberiga
Kuwayow ku neceb baa shishiyo ‘ kaarah kuu dilaye.
***
Baraqyohow karaar jabay aduu ‘ ciil ku kala gooyey
Oo keli ahaan dhawr cidla’ ah ‘ kaabad li’i taagan
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Somaloo kun raabe ah quruun ‘ haatan kala yaacsan
Oo kala tagtoo kala baxdoo ‘ laysku kari waayey
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kobtay taallo xuduntaadu oon ‘ lagugu koolkoolin
Oon Timacaddoo kale abwaan ‘ Barkhadcas kuu joogin
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Sida qarandi oo kale dadkoon ‘ kore ba eegaynin
Oo kaalintiisii gaboo ‘ aad u kala daadsan
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Lud kurboodka duunkiyo kulkiyo ‘ kalalcabsoodkaaga
Kabaaraad la taah iyo adoo ‘ alala’ kaaraaya
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Madinnimo kelaad tahay quruun ‘ aan xigaal kabine
Adigoo ka saabbiya xilqaad ‘ kadarta kaa saara
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kiciweydey ruqadaan kan lihi ‘ kore u qaadayne
Karti li’i adoo meel kunbudha ‘ kuudud xumidaada
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kooxo wada kamiin qaba sidii ‘ kadaf abaaraystay
Adigoon ka kaban dhaawacii ‘ oofta ku wareemay
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Ummul kallahsan hooyada kilkilan ‘ maxas kurboonaysa
Kala firidhka qoyskoy bulshada ‘ aafo kala geysey
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay.

Waxay sare u kaabtaa midnimo ‘ duulal kala yaale
Dadka oo Ibleys kala guroo ‘ kala irdhood jooga
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Submo awrkiraale ah dugaag ‘ nacabku kooraystay
Adoo lagu kidfaayoon arkoo ‘ kololo’ reemaaya
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Washaysiga kanshada kuu helaa ‘ kuuma uu tudho e
Kii ku dilay adoo kaalmo iyo ‘ kadab ka dhawraaya
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga ku saartay?

Kasmaggaab kasiisiga garaad ‘ koobanyahay maanku
Kurtii nacab is kaashaday aduu ‘ kuugu jiro kuurka
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saaray?

Baqdin korodhka kalcabsoodka mira ‘ oollin kala fiigga
Kala qoqobka ummaddoo inay ‘ kulanto loo diiday
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kuwo Eebbe kadabkood jaroo ‘ kuu abtirinaaya
Sinjidhaan kiraysani aduu ‘ kaaye kugu qaato
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Mustaweqe kibbaandhiyo dadkoo ‘ kaadhadh dabajooga
Oo kordegay ku’ aan rabin sidii ‘ koronkor yaacaysa
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Lama kabo kalsoonida luntoo ‘ kaaritaan badane
Kala qaaran baahiyo dadkoo ‘ qoys ba kadin ootay
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Qarankoo kurkii maqanyohoo ‘ kore ka naafoobey
Xamaroo kud galay aawadii ‘ looga kala guuray
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?
***
Sida kale Cawaalow haddaan ‘ kelimad kuu sheego
Kuma nicin dadkaaguye waxaa ‘ keenay dayacaaga
Moolis xumo intaad kore sudhnayd ‘ kicisey uunkiiye.

Laab la kiciddu kama ay taggana ‘ eber ku kaaftoome
Kashoo laga jeclaadoo qudhaan ‘ aayatiin kabine
Keligeed hawadu waa kadeed ‘ kurbiyo laandeyre.

Mantag kuguma simo kaadsashada ‘ ama korood geyne
Cadho kaydsantoo korodhdha oo ‘ karidda foondhaafta
Lama karo kolkay qaraxdo oon ‘ keene loo heline.

Wacyigoo korreeyiyo haddaan ‘ garasho kaabaynin
Oon kala danbayn iyo lahayn ‘ madax kalkaalaysa
Kacdoon shacabku kelidii qumaa ‘ waa barkuma taale.

Ka kacaay hayaay iyo qabiil ‘ xoog u kala geeyey
Iyo kuuma-naxayaal martabo ‘ qudha ku taamaaya
Kursiddoon kitaab qaba ayaa ‘ saatan kuu galaye.

Kansi iyo kunuus badan macdano ‘ aad ku kore joogto
Oy talo ka taal oon la rabin ‘ keli inaad taabto
Ayaa keentay kala’tuur nacayb ‘ laysku kaa diro e.

Kufrigii ku saanyaday raggii ‘ saancadkii kiciyey
Adoo kiil ku jira wiilashii ‘ nacabka keeneeyey
Dura waxaad ku taagneyd horfiiq ‘ ruuxa kuu hura e.

Gobannimada Kulubkii dhashoo ‘ xoogga kugu keenay
Kadabaa abwaankii lahaa ‘ keysihii qaranka
Iyo waxaad ku timi waa kifaax ‘ lays la kaashadaye.

Inta waracyo kuu soo go’aan ‘ tiro la koobayne
Kuwo kuu qudhgo’ay oo dartaa ‘ kaare la marsiiyey
Kumanyaal waddaniyoo jacayl ‘ kuu hayaa badane.

Kooxdii Wajaaliyo kobtuu ‘ Xalane kaa qaatay
Iyo suu isugu kaa kafmoo ‘ kuula galay iilka
Ayaa kow ahayd baarrinnimo ‘ geesi kuu go’a e.

Calanside kumuu dhigin ilaa ‘ kurey ahaantiiye
Kolkan oy adkaadtoo nin kale ‘ uu ku sidi waayey
Maalin kaama tegin oo kor buu ‘ kuu hayaa weliye.

Hadduu karo rakada tii u dheer ‘ buu ku sudhi laaye
Kob cagaaran buu kaabad weyn ‘ kaaga dhisi laaye
Kor ahaw ayuu odhan lahaa ‘ toban kun oo jeere.

Koonfur iyo Woqooyaad ahayd ‘ kii midayn jiraye
Isu keenka weeyaan astada ‘ kugu dhextaallaaye
Ilaa ay kulmayso na xilkii ‘ kaama uu hadhine.

Ammin kakan sebaan kulul xilliga ‘ aahi kala kaan ah
Waqti kaa bogsiiyaa ku xigi ‘ waa kastoo adage
Kurbadu na ma waartoo ciyoon ‘ waa mid kaa kiciye.

Kowda luulyo kontonkii sanaa ‘ kuugu buuxsamaye
Kol haddaad xor tahay oodan dhicin ‘ keni adkaantaada
Kuuma aan baqaayee ilmada ‘ hayska wada keenin.

Rabbigii na kaa siiyey oon ‘ keli ahaan tuugno
Ayaan kuu durraantaye ahaw ‘ kaan mar na ba liicin
Ka korree asaaggaa astaan ‘ kowniyaad tahaye.

* Ereyga “Nactooyo” gabay uu tiriyey Yuusuf Cabdullaahi Suusle ayaan ku maqlay; ereyganina wuu igala cuslaaday inaan ereyga “Nacayb,” oo la wada yaqaanno, ku baddasho. Sababta oo ah, ereyga “Nacayb” oo la boqortooyeeyay ayaa dhalay ereyga “Nactooyo,” oo la micne ah “Nacayb fogaaday, oo si xun loo buunbuuniyey.”

Fiiro Gaar ah: Gabayga oo qoran waxaan ka helay rugaha-saabka Allcasayr.net. Waan ogahay in sanadkan uu calankeennu kowiyo-konton jirsadey; gabayganna uu ku saabsanyahay kontonguuradiisii. Ilaa daruufaha uu gabaygu ka hadley ay laabmayaan, dibna loo dhadhansan doono nuxurka geeraarkii Cabdilaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ee “Kaana siib, kanna saar” waxa aan qabaa inuu gabaygani si wacan u qalayo xaalaadka aan maanta ku sugannahay—inkasta oo uu kal hore gabaygan curiyey Allaha u Naxariistee buunnigeenni Saalax Xaashi Carab.

TBP: WardheerNews.com

Hogattus: Shube

Gabaygan soo socda, oo ku fiican in loo bixiyo “Hogattus,” waxaa dhawaan tiriyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube). Inkasta oo uusan gabayganu dhammays ku ahayn halkan, haddana intan dhigani dhabanahayska jira ayey sidii dhambiil ina ku shidan ina dhugansiinaysaa. Abwaanku wuxuu ku dadaaley muujinta illimaha ay Soomaalidu u go’ayso, oo uu jahligu ugu horreeyo. Jahli debadii, waa in dadku ka yabaal-qabo dalkooda (dawladdooda) aysan dersin, isla markaasna iyagu isugu daranyihiin—tannina waa tii soo galbisay taariikhda maanta ah ee madow. Farxadi waa gabaygan oo si wacan u soo koobay arrimaas hore; farxad kalena waa in uu gabyaagu ina dareensiiyey habkii dawga toosan loo mari lahaa. Se ruuxa aan mililka iyo caabuqnaanta ay meerisyada gabayganu qalayaan u qalbi haynin yeelkii!

                       …baxday ee, habyta boqol nooca
Heeliga bislaadiyo abqada, quraca hoos taalla
Hambashada canjeelkiyo guddiyo, heedda dhugaceeda
Haro buuxda webiyaal hifiyo, ilaha hooraaya
Halkii loo dhaqaaqaba dhulaad, ka haqabbeelayso
Bad hareer kastaba kaa xigtoo, hodona oo buuxda
Haws geel horweyniyo galoof, qaalmo wada hoora
Haleelada irmaanee nirgaha, loo hitiqinaayo
Ari heerad buuxshiyo lo’iyo, haybadlow faraska
Innagoo intaa heli karnoo, aan cid kale haysan
Waxa hororka caydheed na baday, waa hannaadnimo e

Higgaad-li’i-cilmay sababsatiyo, dhagar hulaaqdeede
Hilbo-qaybsigii qarannimay, marin habowsheene
Hilin qalada goortay martay, hogatay Ciirdoone
Haddii aan hullaa garan lahayn, looga helo dheefta
Ammase aan hiddaa aqoon lahayn, hawsha dhaqankeeda
Ammaan haybaddiyo baran lahayn, hooska daraceeda
Ha-dhacdo! lama yiraahdeen intay, shacabku hiifaane
Goortay harkeedii dunsheen, halac ma dhoobteene
Mar labaad habkii inay dhistaan, kama hulleeleene
Hawadoodu qaar uma dirteen, hayso kelidaaye
Goortaa dagaal lama hursheen, hadaf la’aaneede
Laba hooyo keliyi dhashoo, haybta kala reeri
Haankays ma gooyeen intay, hub isu qaataane
Herjed lalama kala baydadeen, loo hawalay ruuxe
Hirka baduhu qaar ma hafiyeen, soo hadaadumaye
Dhammaan dunida uma hoos marreen, habiyo maamuuse
Hohey! iyo wayey! talo maxay, waayo naga hoostay!

Inta sharaf midkii la huwiyaba, hoobsiga u jeedo
Oo uu sharciga hagagayee, xeerka ka hadfaayo
Oo hurin ilmaadeerradiya, heelka dhiganaayo
Oo uu hantidi loo sinnaa, hooshka gelinaayo
Gobonnimo inaynu hantinaa, waa hal aan jirinne
Helina mayno weligeen xornimo, halabadeediiye
Hurina mayno Soomaaliyeey, hadiyo leelleele
Habkan naga beddala waatanoo, ka hararqeen keena [?]

Haasaawihiyo sheekadaan, haynno laga guurye
Halqigu meelu joogaba danbuu, u halgamaayaaye
Hindisiyo cilmaa lagu jiraa, hegerdenkiisiiye
Hawadaaba loo sahan tegiyo, heegadaa sara e
Hal-abuurku waagii beryaba, waa hor leeyahaye
Harka labada gelin baa cilmiga, heerki korayaaye
Hammiga saynisyahankaa maluug, hir uga muuqdaaye
Hadba waxaa la helayaa aqoon, loo hammuun-qabaye
Midaan horaba loo gaarin baa, la himlinaayaaye
Hankaa laysku dhaafee dadkuba, haybta guud simanne
Qof walba hooya keliyaa dhashoo, waa la soo habaye
Waa kala horreeyaa haddana, heerka nololeede
Qoom waliba hilinkuu maruu, helay abaalkiise
Halkuu waalidkii jecelyahuu, toban-jir haashaaye
Hadaaqaa ilmaa lagu baraa, tey hadhow qabanne
Qof waliba hiyiga wuxu ku xiro, jeer un buu heliye
Haddaan hawl la gelin lagama baxo, hiirta gaajada e

Adoo huba wax kuu daran haddii, aad ka hari waydo
Garashada waxad kala hal noqon, hawtulhamaggiiye
Isagaa horuu gala dabkoo, aan hareer marinne
Hal ku seega waa la arki jiray, habow se waa liide
Haddaan la hinjin waligeedba talo, way hawirantaaye
Soomaaliyeey wixi horiyo, haatan iyo eegga
Hiddihiyo intaan dhaqanka iyo, haybtiyadu guurin
Ciiddeena hodonkaa intaan, nacabku haylhaylin
Oo haayir noo yimi arlada, naga hadhiiraysan
Hubka dhiga dagaalkana hojiya, haayinta colaadda [?]
Haaraanku gacal waw xunyee, ciil-qabka hilmaama
Isu soo hilooboo midnimo, saaka ku heshiiya
Hambaqabasho mooyee markaa, haayid kale daaye
Intaad Eebbahiin hiishataan, dawladnimo haybsha
Waxaad heli baheenkaa midaad, ku haqabbeeshaane
Haddii kale huq iyo ciil ku jira, talo ma haysaane

_______________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W V W, W V W W V

Mawaashigu: Af-Qallooc

Tixda gabayga ah ee soo socota waxaa tiriyey (AHN) Xaaji Aadan Axmed (Af-Qallooc); arar ahaan ayeyna tixdu ugu soo shaac baxdey buuggii Asaaska Naxwaha Af-Soomaaliga ee ay wada dhigeen guddidii afka Soomaaliga 1971k/dii. Dhabtii, tixdu waxay ilays ku tahay daalicinta dadaalkii iyo dhabar-adeygii guddida—oo uuna Xaajigu xubin sare ka ahaa. Waxa intaa dheer, in tixdu ay “shucubo” u ahayd, walina u ahaan karto, afka iyo horumarintiisa. Akhris deggan:

Mawaashigu wuxuu kugu gartaa, midiyo heestiise
Miyuusiggiyo fooriduna waa, sawd macaani lehe
Wax caruurta madaddaallo tara, miday taqaannaaye
Miyuul faraha lagu taago oo, meel maraa jira e
Maacuunta bahaluu “wid” bay, marar ka waabtaane
Intaasiba mafhuum weeye iyo, maamul goonniyahe
[Se] Maqsad laguma gaadhiyo dantii, loo muxtaaj yahaye

Hadalku waa murtiyo faallo iyo, wariyo maadeyse
Iyo waxa baryada lagu masliyo, duco la muujaaye
Midna waa calaacaliyo baroor, murugo keentaaye
Intaasaa codka u maal ahoo, lagu macneeyaaye
Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha, meel kastaba ruuxa
Sida ilaha maaxduu jidhkeen, u dhex mushaaxaaye
Xididdo murugsaniyo mawjadiyo, mayllimaa wada e
Dalqaduu ku kala miirmo buu, madan ku yeeshaaye
Hadba maanku wuxu doonayaa, soo mafhuum baxa e
Kolkaasuu af lagu maamuliyo, muhandis doonaaye
Carrabkaa midiidin u ahoo, dibintu miiistaaye
Haddii kale ciduu kala mid yahay, maa’da xoolaha e

Muslinnimada iyo luqo la qoro, midiba waa hawle
Ninkii murame doonay si kale, wax ugu muuqdaane
Macrifiyo aqoon wada jiriyo, maahirraa dhigaye
Mintid iyo dadaal baa ku wacan, meesha uu tagaye
Waa magaca Soomaaliyeed, dhaxal u meel yaale
Mabda’ii cilmiga lagu dhisuu, noogu meel maraye
Madaxdiyo Golaa nagu amraan, mahadinaynaaye
Eebbow muwaafaqo na sii, Maalig baad tahaye

Xog: DHAW

Taariikhda Xaaji Aadan:

_______________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W V W, W V W W V

Darkanow!

Maansada soo socota ee uu magaceedu yahay “Darkanow” waxa ay jalleecaysaa mashaqada ku habsatay Soomaali sanadihii labaataanka ahaa ee tegay. Waa isweydiine, Soomaalidu miyey ka daashay is dilid iyo dawdarro? Miyey ka yaqyaqsootay: is boob iyo hoggaan xumo? Miyey ka garaadogoysay damac iyo kala dudis? Miyeyse ka kortay dabadhilifnimo iyo u adeegista danayste arxangoys ah? Haddii kale, waa iska dhabannahayska aan hadhaynin! Continue reading »

“Qufful”: Kayd

Gabaygan “Qufful,” oo uu teriyey Kayd Maxamed Cabdalla, waxa uu gabyaagaas dabeebtay ku furay tuduc-tiraabahakan:

“… waxa aan halkan ku qabanayaa gabay ku saabsan hoggaan-beeleedka, sida: Boqorka, Suldaanka, Ugaaska iyo garaadada. Waxaa jirtay in nin waliba reerkiisa askari, looyar, amma xaakin u ahaa intii aan ilbaxnimada dawladnimo la gaadhin. Markii bulashadu ismaashushay guud ahaan—ee la aas-aasay askartii ammaanka ilaalinaysay iyo maxkamadihii, ee la doortay baarlamaan, wasiiro iyo madaxweyne—waa laga maarmay horjoogaha beesha. Adduunka in yar oo aan ilbaxnimada dawladnimo gaadhin, sida Carabta qaarkood, ayaa wali ku sii dhaqma, oo aan  habka dawladnimo u bislaan.

“Haddii qarniyadii hore la fuuli jiray dameer, awr iyo faras, maantana lagu socdo dayuuradaha guuxooda ka dheereeya iyo baabuur, haddii aad ku dooddo ‘dameer baan fuushanaanayaa’ waxa hubaal ah in aanad fadalka la qaadi karin adduunka kale.

“Waxa aan leeyahay ma wada shaqayn karaan hoggaan-beeleed iyo dawladi: kuwaas oo aan ku sheegi karo madaxweyneyaal nin waliba reer hoggaaminaayo, oo keentay in ay dawladdii iska horyimaaddaan, dadweynihiina kala garan waayaan cidda ay raacaan.

“In badan ayaan maqlay Suldaan amma Boqor afka reerkiisa ku hadlaaya, oo baaq soo saaray, kana soo horjeeda maammulka guud. …”

Darreennay in ay tiraabahaasi xinjiraha u heellan hoggaan-beeleedyada ee maskaxdeenna dhex-cutubaysan ruxruxeen, ee  kurteen ma isu diyaarinnaa dejinta tixda gabayga ah ee “Qufful” ee xinjirahaas iyaga ah shiilli doonta, nagana soo qubi doonta? Sida jirta, badhkeen maba liqi karo runta, oo maba u gudbi karo tubaha ay runtu ceegaagto, oo uu gabyaaga Kayd ina dhex marinayo.

Dib waa la raadceeyaa, balse hore waa lagu talagalaa. Ka waran, haddaynu hore raadceynno, dibna ku talogalno? Haddaba, hoggaan-beeleedyada qalalaasaha uun loo wakiishay, sida kuwa ku tilmaaman gabaygan, ku talogal ma leh! Hoggaan-beeleedyadanina ma aha kuwo hadhowtii xitaa wanaag loo soo raadceyn doono, ee Rabbigayow maxaa Soomaalida ka si ah?!?

Waa kan gabaygiiye, akhris wanaagsan: Continue reading »

Care for Earth: A Poem

The people to hire
rulers for their empire
Must take this note
before they can vote
That the “soil-sinner”
can’t be the winner

Truly Earth is one
green is her tone
The comfort she gives
that to harbor lives
Yet that is honored
should never be ignored

Or

Huh, we are doomed
in time of zoomed!

Heesta Calanka: Qarshe

Waxa jira maansooyin badan oo loo allifay calanka cirka u eg ee Soomaalinimeed; maansada (heesta) ugu caansan ee calanka loo sameeyayna waa heestan “Qolaba calankeed” ee uu hal-abuuray (AUN) Xuseen Aw-Faarax 1955tii, uuna qaaday (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)¹. Lana soco, in, calanka laftiisa la hir-geliyey 12 October, 1954². Akhris wacan:

 

qoloba calankeedu waa caynoo
innaga keenu wa cirkoo kale oo
an caadna lahayne caashaqa

xidigyey cadi waad na ciidamisee
carrada kaligaa adow curadee
cadceedda sideeda caan noqo

cishadad dhalataad calooshayadii
sidii culaygii cidaad marisee
Allow ha ku celin cawoy dhaha

shantena cududood cadkii ka maqnaa — (shantena → shanteenna)
adow celiyoyna caawimayee
wa calaf cimrigays-ku keen simayee [?]

Mahadsanidin, Goldogobtimes.com

~~~

1 — Johnson, John William: Heelloy: modern poetry and songs of the Somali. GOOGLE BOOKS.
Web. July 10, 2010. <URL>

2 — Dheegsi: http://flagspot.net/flags/so.html

__________________________________________

Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

V W W W V W W (W)

“Soomaaliyeey Toos”: Mire

Maansada jiiftada ah (jiibinteeduna la nudda ah heesta-cawska),  ah heesta qaranka, caankana ah ee “Soomaaliyeey toos” waxa hal-abuuray Abwaan Cali Mire Cawaale sanadku markuu ahaa 1947. Dhagayso waayaha “runta” ah ee maansada “Soomaaliyeey toos,” iyada oo uu Abwaanka curiyey ka faalloonayo sababaha ku kallifay curinta maansada. Sidoo kalena qoraalka maansadan akhriso.

Soomaaliyeey toosoo
toosoo isku tiirsada’eey
hadba kiinna taag daraneey
taageera weligiineey

idinkay su tookhaayoo
idinkay su taamaayee
adamuu tacliin barayoo
waddankiisa taamyeelyeey

sharcigays ku kiin tolayoo
luuqadaa tu’ waaxidahoo
arligiinna taaka ahoo
kuma kala tegeysaaneey

tiro adhiya oo dhaxalaa
saylad laydin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo
cadowgiin idiin talineey

tuldo geela oo dhacan baad
toogashaw badheedhaanee
ma dhulkaas dhanee tegeybaan
ninna “dhagax” u tuurayneey

qaran aan hubkuu tumayoo
tooreyda dhaafayneeyn
oon taar samayn karihayn
uur-ku-taallo weynaayeey

hadba waxan la taahaayoo
togaggawga ooyaayeey
nin dalkiisi cadow taaboo
u tol waayey baan ahayeey

[hadba waxan la ooyaayoo
ilmadu iiga qubataayoo
ikhtiyaar nin loo diidoo
la addoonsadaan ahayee]

Mahadsanidin: Bartamaha.com

IN ENGLISH

This poem, indeed in heightened Jiifto form, was composed by Cali Mire Cawaale in 1947.  It’s the national anthem for the Republic of Somalia. It has been the most celebrated song in Somali for its patriotic awakening as well as in successfully criticizing the European colonizers that were very much in control of—like almost all nations in Africa—the Somali people’s agenda to rule their lands. In the following, I’ve attempted a rough translation of the song:

O wake up Somalis, wake up
And lean onto one another
Whoever is your weakest
Forever you support him

Quarrelling you may engage
Consoling you may entrust
That man has learned a lot
And his country he improved

Your binder surely is the law
Your language surely is one
Your territory surely is minute
You can’t divide over all of these

A small herd as your inheritance
Is brought before you to have
And equally you share and leave
Without your enemy intervening

For the sake of your looted camels
You face the death to retrieve ‘em
Yet all the missing lands of yours
None throws a “stone” to liberate ‘em

A nation’s weapons they manufacture
That are swords and nothing more
Let alone they make a telegram
What an anxiety, anxiety, big anxiety

Again and again I keep wailing
And from my heart I keep crying
For I’m a man whose country-s taken
By an enemy whom I find no ally [to defeat him]

[Again and again I keep crying
And that my tears are falling
To know I’m denied my freedom
To know that I’m an enslaved man]

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W (W)

Halxiraalaha

“Giraan”: Shube

“Giraan” waa maanso (saar) murti miiran ah oo uu curiyey Abwaan Cabdilqaadir Cabdi (Shube), soona baxday 11/23/1993. Waxa uu Abwaan Shube maansadan ku hoga-tusaaleeyay dacaska iyo daleelanka laga koradhsaday qaranka Soomaaliyeed dumintiisa (xag duullaan iyo xag difaacba), isaga oo kolkaasna inagu boorinaya in dib xisaab loogu noqdo, lana ogaado in gacmo wada jira (oo dan qudha u jeeda, isla markaasna isku kalsoon) ay ka xoogganyihiin gacan kelideed gudin isla maroorinaysa. Haddaba, dhagayso, dhugo oo akhriso maansada “Giraan”: Continue reading »

“Maqaloo Oy”: Cali Mire

Maansada “Maqaloo oy” ee uu tiriyey Cali Mire Cawaale sanadkii 1950kii waxa ay daaha-ka-rogaysaa caddaalad-darradii gumaystuhu ku hayey ummada Soomaaliyeed. Sidaas awgeed, sida Abwaankaba dareenkiisa ah, waxa ay maansadanu ka hiyi-kac xooggantahay maansada kale ee uu isla Abwaanku curiyey ee “Soomaaliyey toos,” taas oo ummada ku hagta hilinka midnimada qaran loo’ dhanyahay; oo ah wadiiqo uusan Cali Mire ula kac u marsiin, basle ay ka aheed horumarinta afka Soomaaliga iyo ku heesidda af-Soomaaliga. Geeraarka “Maqaloo oy” oo taariikh weyn inoogu fadhiya (oo uu waliba taariikhdaas Abwaanku ka faalloonayo) ku soo dhawaada: Continue reading »

“Galangal”: Hadraawi

“Galangal” waa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 1970kii. Waxa uu Hadraawi gabaygan ku muujiyey taageerada ay ummada Soomaaliyeed u haysay shucuubta Indoo-Jayna (Fiitnaam, Laa’us, Kaamboodiya), kuwaas oo dagaal 20 gu’ood jiitamayey (1955 – 1975) libin u diiday quwadaha reer Yurub iyo Maraykanka. Gabaygani gorfayn uma baahna, oo isaga ayaa is furfuraya, taariikhdana si wacan u sunkaya. Sidoo kalena, Abwaanka ayaa ka warramaya dulucda uu gabaygu ka duulayo, iyo waliba ahmiyada heer-abwaannimo ee uu gabaygu u leeyahay Abwaan Hadraawi. Dhagayso, dhugo, akhrisona gabayga “Galangal”: Continue reading »

Ya’da Sarsarka

Sarsarkan soo socda waxa lagu magacaabaa: Ya’da Sarsarka. Waa sarsar galaya mawduuca, “Galiilyada.” Waa sarsar gaaban; si’ mug weynna uu muuqaalinaya xaalka mustaqbalka (oo ku ladhan ka maanta ee) ummada Soomaaliyeed ee sida lax la qalay geerri-rafanaya. Waa dambi-ooge sarsarku, waxa uuna si cad maxkamad u saarayaa cid alaala ciddii ka niyad-dadbadata ahaanshaha baxrasaaf qudha! Ku darsoo, sarsarku waa libin-iyo-lur-taabte muujinaya cidda xad-gudubta iyo cidda xadkaba cagta soo gelin weyda. Waa isku soo urushe, nicmo nabad le ka doonanaya Eebbe, si bal baxrasaafku u biqlo, koro, si aan Saynisku qabbina u anfaco dhammaan ummada Soomaaliyeed.

Hadal badan akhri, oo ka aradnow, anfac haan ah ma buuxshee, waakan Sarsarkii, oo wixii tiraabtu u dusi weyday tix nagu taabsiinaya: Continue reading »

“Dhuko”: Ibraahim Cajaa`ib

Dhuko waa maansada layaabka leh ee uu Abwaankeenna, Abwaan Ibraahim Cajaa’ib, ku waaniyey Soomaalida meelkastoy fadhfadhido. Waana  maansada liishaankeedu dusaaga yahay, qalbigii wacanna ku qancayo. Waa dardaaran mudan ku dhaqan, waana dawliil-suugaaneed heer sare ah. Continue reading »

“Af-qalaad ka Garannuug”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii xiisaha badnaa ee Abwaan Ibraahim Cajaa’ib eyey maansadanna ku ladhantahay. Waa maax ceel aad u dheer salkiisa heehaabaysa, waana aag-suugaaneed aan la mudmudi kerin. Waa sarbeeb isasaaran, masasaarkeeduna waa boog dahsoon, oo qofkii xaalka Soomaaliyeed u dhuun duleela uunbaa dhayi kara. Waa maansadaa mucjiska ah, ina tusaysana in Abwaanku goonni u yahay farsahaxanka dadan, ee dusha sare jooga.

Magaca maansada bilaash uma bixin: Dad badan oo Soomaaliyeed ayey erayada afkeennu badiba dhibaan, oo markaa iyagu magaalada tuban. Meeshii erayada Soomaaligu u geli lahaayeenna, afaf kala janjeedha ayaa buuxiyey. Maansadu wey dhiirrantahay, una joojin mayso ciddii af-garanweyda—shaqadeeda maaha!

Waxa uu yidhi Abwaanku: Continue reading »

“Daguugaan”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii cajaa’ibka ahaa ee Ibraahim ‘Cajaa’ib’ ee soo baxay burburkii dabadeed waxa ka mid ah maansada “Daguugaan,” oo Soomaalida dabeecaddeeda dhagaha la’ ka hadlaysa. Nabaddii iyo isu-soo hayaankii jacaylku riixayey way surin-seegtay, wayna samo-guurtay—taariikhdaas caynkaas ahna waxa sunkay oo qudha waa suugaan sal-balaadhan. oo ay abwaanno dun wacani ina soo gaadhsiiyeen. Cidi kuma daandaansateen haddaadan is daayicin, isna dumin weeyi dulucda maansadan, waxayna ku baaqaysaa in hoos-isu-eeggidu tahay talada ugu habboon ee dib loogu dhismayo.

Maansada “Daguugaan” waxay tidhi: Continue reading »

Gef-ka-dirir: Geeraar

“Qorraxdii dhacdaba teenu way, kala qaxaysaaye!” Timacadde (AUN)

Waa sidaa xaalkeennu, illaa waligiina wuu ahaanayaa, haddaynun dooran inaan sidan isu dhaanno. Waxa layaab leh, in xagaaf (waddo) ay reer Yurub inagu dirqiyeen inoo noqdo marinka ugu habboon een duni ku gaadhi laheen. Waa in ay ina tusaan—fartana inoogu fiiqaan, inaguna dhaliyaan, isla markaasna ina aamin siiyaan—sida nolosheennu u dhismayso, iyagoo daad nacayb riixaya ina dabbaashiiyey. Tusaale iska kooban ayaa ah, in, haddii aannu nahay Soomaali, aannu sheegano wadan laba geesood leh (maanta se sida uu ku socdo waa mid liicsan oo keligii madaxa meereerinaya), amaba sida caamka ah, aannu ku hadaaqno in wax la yidhaah “Shanta Soomaaliyeedi” jirto. Dhammaan mawqifyadan aamineed eenu aaminsannahay, kana dheragsannahay, waa mid lid ku ah, illaa xad, mawqifkii aabbayaasheenii iyo hooyooyinkeennii gobanimada dhicinteeda u guntaday. Dhammaan mawqifyadan aamineed ee reer Yurubku inagu tallaalay waa mawqif daacad u ah iyaga iyo illaa daba-dhilifyadii waligoodba u adeegi jiray dhamaadkii illaa billowgii qarniyadii labada ahaa ee tagay 18??-1960.

Waa nacabnimo haddii aannu reer Yurubka sidaa inoo galay eedda oo dhan saarno! Wax-garadka inagu jira uma suurtowdo inuu reer Yurub eersado—ha eersadee—asagoon se sarrayntii aabbayaasheen aan muujin. Waxa ay tani macnaheedu tahay, in muwaadin waliba oo Soomaaliyeedi ka kaaftoomo inuu raaco, amaba xuquuq moodo, waxay reer Yurub inoo qaybiyeen, ina oglaysiiyeenna, isla markaasna uu ku tallaabsado iskaashi uu la gaadho walaalihii, kuwaas oo muruqooda maala, duni oo idilna gambo ka doonin. Mawqifka noocan ah waa mawqifka qofka raba inuu is kaabo; balse mawqifka kaa lid ku ah waa mawqif burburin leh, imaana lagu ogayn.

Dadku iyaga ayaa is dhisa, cidi ma dhisto. Balse marka laga cag-jiido wixii “danta guud” ahaa, waxaa timaadda is riixriix aan  xal lahayn. Waa wareer in maanta, diciifka aannahay aawadeed, baddeennii la iibsado. Waa wareer in ay badhkeen sidaa fuliyaan, una suurto geliyaan inay caqligeena sidaasi degto, kuna samirno! Waa wareer in wadan Afrikaan ihi sidaa nala damco, reer Yurub ha nooba joogtee. Siyaabahan dhacaya aankan, iyo kuwa tagay ee foosha xun ee uu qaran midaysani la dhalan la’yahay, iyo kuwa darxumada iyo ka darraanshaha la soo hoyan doona, dhamaan, waa siyaabo aan ruux damiir leh, oo Soomaali ihi, ka hadli keri waayin. Waana siyaabahan waxyaalaha geeraarkan soo socda aan ku bidhaaminayo,  iiguna asiibka badnaa.

Geeraarkanu si aan gun dheerayn ayuu u soo koobayaa liidimaha ugu muhiimsan ee ku taariikhaysan sidaan u gumownay! Waa marka hora e, waxa uu simayaa, la doontena ka dhigayaa, dhammaan dadka qaarada Afrika ka soo jeeda. Waxay dadkani ka simanyihiin in gumaytuhu ku shaqaystay, maskaxda qaar badanna uu qalibay.  Hayeeshee, arintaa waxaa ku toosay geesiyaal, wayna ka la hakiyeen, ma joojinne, in gumaystuhu caqliyadiisa dadka reer Afrika ku wada beero (Sayidkaa markaa halkaa calanku saaranyahay). Gaar ahaan Soomaalida ayuu geeraarku ku xijiyey oo guuli u soo hoyatay, balse cabbaar kedib iska qalin-daartay. Sababihii uu qalin-daarkaasu ku yimid oo saddex geesood ah ayuu geeraarku deetana yara falanqeeyay. Xaalka eegga ee geeraarkaba dulucdiisa ah ayaa xiga. Gebagebaduna waa in la is-xil-qaamo, oo loo guntado sidii lagu taagmi lahaa. Illeen waynu karnaa anagoo Eebbe kaashanayna e.

Si gooni ah, taabanaysana xaalka maanta, waxa aan geeraarkan u unkay inan muujiyo galiilyada aan ka qabo Keenyaatigaa baddeena mayl illaa maly goostay, waliba dawlad-lama-sugaan inay dawladda xamar tahay qaar muujiyey u ogalaadeen. Runtii marnaba awood aan ku difaacanno baddeena malihin, oo berigiiba ma wada ilaashan karno. Lakiin dawladdii nagu edeb darraata, isla markaasna nagu xad-gudubta, haddii dawlad lamida oo iska celisa lahaynin, waa in dadku ka feejignaadaa in lahaanshaha qaybta dunida ay ku leeyihiin fara-gelin lagu hayo, si mustaqbalka dagaal aan waawaan lahayn looga soo dhacsado wax kastoo maqan. Una fiirsada, Afrika wixii gumaysigu taariikh ka qaaday waa ka madowdahay, balse dhulkii ayey, xoogaa uun hadda—muuqaal ahaan, ku mintidaan. Insha Allah, wixii na dulmiya mar uun baan ka aarsan doonnaa, walow anaga dhexdeenaba aan kala fududaanee (kala aar-goosanee). Xasuusnow, Sayidkuna waa kii yidhi:

“Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho kuu raacsho
Marun baa deddadu kaa ba’daa, diifihii cudure
Bal dayow dawaa’iga mar baad, diirsimaad heliye”

Waakan geeraarkii, iyo waxaad kala baxdaanba: Continue reading »

“Gaddoon”: Ibraahim Cajaa`ib

Burburkii haddii laga kaban lahaa, baaruud uu Qabqable dhawr wiil ku baleeyay ayaa dadkii Soomaaliyeed  lakad ku noqday, dantoodana si ba’an u seejiyey (runtii haddii ay qabyaaladi riixaysay, Soomaalidu awelba dantooda way seeganaayeen e, qabqablayaashu way ku danaysteen uun.) Wixii dhacay xaqiiqadeeda dhigaal badan ayaa laga hayaa. Baadhitaan cilmiyeysan ka sakow,  dhigaalka murtida xeesha dheer ku dhisan ayuun baa naga dhergin kara xasuusadka wixii degelkeena qabsaday. Waxa ayna billadi ka raacday hal-abuurka Soomaaliyeed ee maansooyinkooda ku bayaamiyey wixii nagu habsadey intii kacaa-kufka maanta ugubka ahaa.

Hal-abuurka Soomaaliyeed ee maansooyinkooda ku dhalliilay talada madow ee Qabqablayaasha dagaal, isla markaasna ku wacdiyey midnimo miisaaman, waxa kamid ah Abwaan Ibraahim Ciise Maxamed (Ibraahim Cajaa`ib). Maantana waxay diirradu qabatay maanso uu Abwaanku alifay muddooyinkii wadanku gacanta ugu jiray Qabqablayaasha.

Maansadan ayaa waxay gilgilaysaa quluubta qof walboo damiir leh, sheegaysaana in la hadhay oo horeba loo socon. Dulucda maansaduna waa in ay Soomaalidu nidaam-geddoontay, dawlad dhexe marki la waayeyna, hungow iyo caddibaad lagala kulmay maammuladii Qabqablayaasha. Continue reading »

“Dulmanaha la Quudhsaday”: Yuusuf Shaacir

In qof kula deegaan iyo diin ah, dagaalna idin dhexmarin, balse in badan kaa dun fiican, aad ximiso, dar-xumadiisana aad ka taliso, iskana indha-saabto in dulqaadka uu qofkaasi kuu hayo nabaddaadu ku dhisantahay, kuna dul nooshahay, waa arrin qof Muslin ah oo fekaraya aan u suurtoobin. Balse Soomaalida dhexdeeda arrinkan waa dabeeco, walina dad ayaa daacad u sii ah. Been iyo qisooyin aan jirin ayaa la soo daliishadaa si loo bannaysto bahdilida dadka Soomaaliyeed ee ay maansadanu ka culays-curatay. Maanta se dunidu waa ay is gaadhay, nuurkii Eebbe ee caddaalada iyo sinnaanta ku dhisnaana aqal walba wuu gaadhay. Haddaba “Ninkii dhiirri sheegtow is furo, waa dhanaantahaye,” oo isu xilqaam burburinta derbiga haybsooca hadday kartiye kugu hadhay!

Waxan la soconay in Hadraawi gabaygii “Dhulgariir” masaladan hayb-sooca ku bayaamiyey, kuna tirtiray. Balse waxa jirtay jiifto libidhay, magaceeduna ahaa, “Dulmanaha la quudhsaday,” oo uu Yuusuf Cusmaan Cabdille “Shaacir” kaga hadlay isla arrinkan, isaga oo xusay abwaano badan, uguna yaboohay inay arrinkan meel iska saaraan, oo ay dadkay garaad-wadeenka u yihiin dhaabada u sheegaan. Soomaali gebigeedna, Maansadu ha durto inta wali dadka kala qaadqaadaysa (iyagoo kaagadaranka sii casriyeynaya habka ay wax u weerarayaan, isla markaasna ay jahligooda sii dugsanayaan) ayaan leenahay. Imikana maansadii oo runtii dhiiga ku dhaqaajin doonta ku soo dhawow: Continue reading »

“Hadafka Baarlamaan”

*****

Hadday Soomaalidu in uun dhiig leeday, madaxa Timacadday ku hagaagi layd. Se “Waa wax Rabbi doorshoo, doc loo raaco lahayne,” dagaalkii, dilkiyo dhicii, maato dooxiddii, marin-habowgii, dulligii, dacaskii, dan-seeggii, doqontinimadii, daciifnimadii, duni-ka-hadhkii, dib isu hayntii, dabar gelintii, qallimo daadiskii, dacuunkii qabyaaladda ahaa, iyo aakhiro diidkii ayey sida kalluunkiyo biyaha ugu nooshahay. Waa caqli foorar, waji gabax, iyo galiilyo in maanta danta Soomaaliyeedi basto, dan nin gaar ihi leeyahayna holacdo. Se dawo malee, yaa dabiibi?

Maanta waxaan jeclaysannay, iyada oo heerka ummadu meeshii uu ka simbiriiraxday ee xumayd dib ugu soo laabtay, inan bal idinku baraarujinno maanso ka mid ah maansooyinkii qiimaha badnaa ee Ina Suldaan.

Maansadan, gabaygan aan maanta Ina Suldaan ku xasuusan doonno waa gabaygii loogu magac daray “Hadafka Baarlamaan.” Waa gabay qira weyn, isla markaasna si badheedha Soomaalida farta ugu godaya, dalbayana sida maanta caalamku (siiba wadamada aadka u horu maray ee Mareekanka, ikhm) doonay oo ah in dadku dawladdooda amri karo (ahna John Locke aragtidiisii). Kelidii-teliye waxa uu keenaa in ay dadku isku baaba’aan, waayo waa Fircoonoo isaga ayaa is tusiya in dadka oo ka sii jeedaayi awooddiisu xakama aan lagu dayi kerin. Sidaas ayuuna gabayganu ka warramayaa. Soomaalida markuu abbaarana, jilkii yaraa ee ceebta laga ilaashay ayuu hadimadiisa ka digayaa, dab-dacalla nimadiisana ina dareensiinayaa. Waa gabay runtii “Dix-dhagaxeed” la mataan ah; duxna ina geleniya haddaan maskax u heellan oo u madhan hayno.

Imikana gabaygii, oo bayaankiisu idiin cadyahay, ku soo dhawaada: Continue reading »

“Galaalxoor”: Dhoodaan

Soomaalidu meelkasta oo ay ku nooshahay waxa ka dhaxeeya waa suugaan. Suugaantaasuna waxa ay aad ugu qurux badantahay maansada oo murti aan lalliicin karin lagu soo bandhigo, isla markaasna lagaga waramo isla xaalka taagan: siduu ku suurtoobay, kan soo socda mustaqbalkana u saamayn karo. Gabaygu waa summada taariikhda, sidaas ayuuna mar walba hadafkiisa ugu weyni ahaa, haddeerna yahay, ahaanayaana (IA).

[Dad badan ayaa u haysta in gabayga maanta kaalintiisaa ka maqanyahay, amaba gabayga laftiisu uuba dhintay ba! Balse waxa ay dadkaasu ka indho iyo dadaalba la'yihiin sida weli gabayga dad dhiig iyo dhuux yaqaanaayi u noolyihiin. Gabaygu ma dhinto, ee dadka ka gaabsada ahmiyadiisa ayaa isagoo nool aasa!]

Daliil waxa in gabaygu nool yahay u ah gabayga soosocda ee “Galaalxoor.” Gabaygan oo maahmaahyo isku daba taxan, oo runta ku qotoma, xambaarsan ayaa waxaa tiriyey abwaanka caanka ah ee Cabdullaahi Macalin Axmed Dhoodaan. Macallinku in badan ayuu ka nastay gabayadii qirada weynaa ee uu ummada Soomaaliyeed ku guubaabinayey, uguna cabirayey hilinka ugu muhiimsan ee ay ku wada sinmi karaan. Macallinku had iyo goor nabarka ugu weyn ayuu ku dhayidanqi¹ jiray gabayadiisa. Kolkeerna, gabaygan ujeedadiisu waa nabar xanuunkiisu adkaysi xamilli waayey oo uu gabyaagu ina wada dareensiinayo. Dareenka aan inoo muuqan karin ayaa se ah in la gorfeeyo arrinta uu gabyaagu ku tilmaamayo “gadgaddi saddexan”; labaduna inoo cadyihiin: gaylamaha iyo garabka dadka:

hadh ma geynin aayadi ninkii, hooyo gawracaye
nin se walaalki gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

Murtida iyo far-shaxanka gabaygu inay giigtirantahay adiguba waad ka markhaati kici. Faahfaahin maayo gabaygan, oo abwaanka ayaa inoogu faahfaahin doona JIIDMADAN. Haddaba gabaygan oo taariikhda maanta koobaya nala dhugta:

Continue reading »

“Gobannimo”: Cali Cilmi Afyare

Sannad Wanaagsan Ayaan Eebbe Ka Doonnay (Sannadka 1430: Muxarram 01)

Cali CIlmi Allahaw naxariistee waxa uu kamid ahaa abwaannada danta guud ee Soomaaliyeed murtidooda dawga toosan ugu tilmaamay, islamarkaasna ka sii faallooday in hoogga Soomaalidu cagaha ku hayey colaada ay qabyaaladdu sababtay. Gabaygan aannu ka soo xullanay (AUN) gabayada Cali Cilmi ee faraha badan waa odoros rumoobay, waana digniin kama dambays ah oo mudan in Soomaalidu illaa aankan xoog iska saarto sidii ay u waafaqi lahaayeen. Gabaygan ujeedadiisu waa in Soomaaliya waddan layidhaah oo dadka Soomaaliyeed oo idil ka dhaxeeya la helo. Darxumada Soomaaliduna noqonayso maalintii dabka iyo gaasta laysugu dhiibo oo la isku diro (wayba dhacdaye). Gabaygan oo taariikh iyo hoga tus waafiya oo in lagu qanco xambaarsan nala eega: Continue reading »

“Casiisow Waa Mahaddaa”

Mahadinta Eebe waa darajo koraysa; waa hadaf lagu tartamo; waana aflaxaad caana oo in yar oo addoomiisa ka mid ahi ku baraarugsantahay. Wakhti walba, mahadinta Eebe, ku xisaabtan bay leedahay: Farxad iyo jacaylna waa laga korodhsadaa; dhibaatada ayey saartaa, guul iyo dagganaan caafimaadna way keentaa. Sharka ama khayrka aannu ka warhayno iyo ka aan dareen inoogu imanba Eebe ayaan uga mahadinaynaa; kana codsanaynaa in midna naga xayuubiyo midna noo waasiciyo.

Dareen wanaagsan oo mahadda Eebe ah waxaa ku maansooday (AUN) C/laahi Suldaan “Timacadde,” waxa uuna dareenkiisan ku soo tebiyay qaybta maansada ugu hiyi-kaca weyn oo ah “Geeraarka.” Geeraarkan oo culayskiisa aan dhulka laga hinjin karin ayaa muujinaya sida Geeraarshuhu (AUN) aftahan guun ah u ahaa; aqoon baaxad weynlana u lahaa dhan walba oo cilmi ku sar-go’anyahay. Geeraarkan oo runtii cajaa’ib ah nala dheegta, kuna waaya arka oo mahadda Eebe aanu wada badino:

DHAGAYSO

Geeraar waa igu ceegoo
Waa igu ciiddan Dubaarroo
Waa ii caanaha geeloo
Way cir horey i diraacoo
Way caleenta dhiraaye

Ilaahii cirka taagaye
Dayaxiiyo cadceeddiyo
Xiddigaah ku cigaalayow

Ilaahii Caadil ahaaye
Dhulka caynkan u daadshaye
Ku culaysiyey buurto e
Isagoon cidi joogin
Casiiskii Nebi Aadan
Ka abuuray cammuuddo e
Cidhifkaa bidixdiisa
Intuu caaro ka jeemay
Cadki Xaawa ka yeelayow

Ilaahi Caadil ahaaye
Ciyaarsiiyay buxuurto e
Ceejiyee amar siiyayow

Casiiskiisi Suleymaan
Dabayshau carbiyayow

Ilaahii Nebi Ciise
Cilmigiisa ku qaadaye
Cashaduu iman doonana
Cawar seef ugu dhiibayow

Casiiskiisi Ayuub
Cudurkii uu ku raajay
Marki uu caban waayey
Caafimaad ugu doorshaye
Curuuqdiisii dhammaatiyo
Raxmaddii ku dul caastay
Cimrigoodi yareeyaye
Cusbeysiiyey jidhkoodo e
Caruusiinta ka yeelayow

Casiiskii Nebi Yuusuf
Caruurtuu la dhashoy e
U kaxaystay cayaarta
Markay ceel ku rideen
Ciidan oomman u keenayee
Uga saaray Cajuula

Casiiskiisi Nebi Luud
Kuwii caasi gareeyay
Amaba ceebta yiqiinnay
Habeen cawda u gooyayow

Ilaahi carshigiisa
Cashadii miciraajka
Sallalaahu calayhi
Wa calaa ahlu baytihi
Mustafaha ku casuumayow

Ilaahi Caadil ahaaye
Cabdihiisa ahaynow
Waxba kuu caban mayno e
Adigaa Caalimul-qaybo e
Wax badan baan cudcudnaynoo
Kufaartii cadcaddayd iyo
Col kaloo madmadow oy
Isu caynad yahiinniyo
Isticmaar na cunaayayoo
Carradaad nagu beertay
Cashuur baan bixinaynayoo
Cidhiidhaan ku jiraynayo
Cunahay na hayeeno
Cadkii wuu na dhamaadaye
Imaankoon cawarrayn iyo
Cidaamkaa na fayoobe
Calankaan ku su’aalliyo
Cizigii la socday
Haddaad caawa na siisay
Casiisow waa mahaddaa

Xog: Aftahan.org / Codkii Geeraarshaha (AUN) oo aan saabka hoygasuugaanta.com ka helay.

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:

Y W M X M Y

 

Qaadka

Afeef: Is barbardhigga gabayada abwaanada si godan yaan midna loo eegin. Yaanna la cabiran waxaan meeshaba ku jirin. Annagu khaas ahaan, waxaan u aragnaa taariikh iyo aqoon korodhsi. Saas ayaanna idinka rajaynaynaa.

Qaadka ama Jaadka, kolba sidaad u taqaanno, waa qaxarka ugu culus ee ummadaha Geeska Afrika ama kuwa ku xeersan laf-dhabarta kala dhantaalay. Gaar ahaan ummada Soomaaliyeed, daan kastaba ha joogtee, waxaa lagu tiriyaa dadka ugu bahal-cunka badan Qaadka. Marka aannu kasoo gudubno aragtiyada maroorsan ee Qaadka usha u ahaya, waxaa xusid mudan in ay jiraan aqoonyahhano ammaba abwaanno Soomaaliyeed oo ka digay aaffada iyo wax-yeelada (guud ee bulsho ammaba tan gaar ee shaqsiyadeed ee) caafimaad iyo dhaqaale ee Qaadku xambaarsanyahay. Maanso ahaan, waxaa Qaadka cambaareeyay cambaareeyihii cadowga Soomaaliyeed ee C/laahi Suldaan ‘Timaccade’ (AUN), waxa uuna yidhi.

Qodob la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad wow halise
Hadduu geed qallalo roobku wow, qamac kaliileede
Dixriga qudhunku uma soo uro ee, waabu quudsadaaye
Qasaaraha dhexdana haadaan, layska qabanaynin
Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay
Qasdi jeerey wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye Soomaalidaay, qiiradaadaniye.     (Qabyo)

Qaadku shaki maleh in caadadiisa la cibaadaystay. Dad aqoontu ku dheertahay ayaa fikirkooda qaadka ku cabiray sida qaadku nasiimo u leeyahay, taasina tahay faan sareeya. Abwaanku nolosha habkay marayso ayuu soo tabiyaa, taasina ceebi kama raacdee sharaf iyo taariikh guntan ayuu ku helaa—waa hadduusan ku dhagaroobin sharafta loo hayo. Waxaa jirtay in Maxamuud Dheeg – gabyaagii ka qaybqaatay silsiladii Hurgumo ee uu Khaliif Sheekh Maxamuud abudhka ka qaaday – ka hadlay Qaadka, kana yidhi asagoo jawaab waafiya u qadimayey gabaygii ‘Murgumo’ ee Khaliif qaybtiisii Qaadka ku saabsanayd:

Qayilaada aad nagu cayday iyo, qadada geedaysan
Ee aad adigu soo qaaday baan, kaa qancinayaaye
Qormo nabad ah ciidaydii oo, qabow anoo jooga
Markaan calankii meeluu qotomo, qun uga soo toosay
Markaan hawshii soo wada qabsaday, qabtii igu aadday
Ee aan qadeeyeen dhargay baan, qaadka iibsadaye
Qol dugsoon haddii lay goglay, iyo qaac barkimo taalo
Anagu qaayo geed[?] iyo xarrago, waan u qalannaaye
Waa qaniimad lagu dheeryahood, ka qadday maandhow e
Qayilaadu waa raaxo uu, qabo nin haystaaye

Waxaa iyadana isla meesha ka madhnayn in Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa kala duwan maanso lagu cabiro. Waxaa labadaa gabay ee kore ka dambeeyay mid isagu Qaadka dhan walbood ka marto qoto-rifay. Gabaygan ood wada garanaysaan ayaa isagu wax ahmiyad ah, oo loogu xisho haba yaraatee, u bannayn Qaadka. Gabaygan waxaa unkay gabyaagii (AUN) Abshir Nuur Faarax (Abdhir Bacadle). Run ahaantii gabaygan ruuxii qaadka cuna, hadduun(haddayn)ba iska dayn, daraaddii wuu(way) iskaga yareen kar(t)aa; hadday sidaasu soconaynna, “qalbi rogan qiyaastu ma qabato” weeyi xaalku!

Gabaygii waxa uu abwaanku ku bilaabay: Continue reading »

“Soomaali baan ahay…”: Jaamac Kediye Cilmi

Ramadaan Kariim

Inkastoon isku mar halakan lagaga wada warami karin abwaanada ummadeena suugaantooda ugu digtay, tustayna waddada ku haboon ee loo marayo nolosha farxada iyo raynrayntu tahay, haddana waxaa inoo furan kolba abwaanka aan suugaantiisa hayno inaan idiin soo daabacno, oon isla wada dhugano.

Markanna waxay diirradu qabatay abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo isagu ka daalin baraarujinta umaddan sanadahanba hurdada dheeraysatay. Waxaa uu abwaanku masafo xogogaal ah ka tiryey xaalka ay Soomaalidu soo martay, imikana ku sugan tahay. Waxay masafadani xambaarsantahay wadaninimo sarraysa oo in yar oo dadkeena ka mid ahi ku sifoobi karto — sidaan ka garawsan karno isla masafadana; dadka wadaninimada lagu sheegayaa waa inta wanaaga iyo keli-ahaanshaha Soomaalida ka shaqaysa. Waxba yaanan sii kala furfurin ujeeddada iyo dulucda masafada e, idinkuba waydun arkiye, ku soo dhawaada. Continue reading »

“Bal car sheega…”: Jaamac Kediye Cilmi

Ramadaan Kariim

Shaqsiyaadka suugaanta, siiba maansadu, ay lafta iyo dhuuxa jibaaxday ayaa iyagu si taxaddar leh u daalacshay ceebta ummada Soomaaliyeed haysatay, haysatana maanta — kana faallooday cawaaqib xumadu inay gudaha ummada ka aloosanto. Waxaa maansoyahannadaa kamida abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo hoga-tuska murtidiisu ka weecweecan danaha guud ee ummada Soomaaliyeed — kana kaaftoomay hoggaga ba’an ee holaca buufiya ee maansada. Waxa uu Jaamac markii uu dadka Soomaalida hoos u dayey ka yidhi: “Dadkani gaalana maaha; Muslin diinlena maaha,” waxa uuna jiiftadaa ay labadaa hal-ku-dhegyo ku jireen ka daba keenay masafo. Masafadan – oo uu abwaanku mariyey kadib markii ay rag fara badan wada murmeen (malahayga ku murmeen dulucda masafada oo magaceeda laga dhadhansan karo) – ayaa magaceedu yahay, “Bal car sheega gaallada; Sheyga aad ku dhaantaan,” waxayna si hufan uga waramaysaa mashaqada Soomaalida haysata, mar haddii dawlad wax kala wada la waayey.  Masafadan oo aan ka qoray cajal (muuqaal ah) abwaanka lagaga qabtay oo aan saabka Golkhatumo.com ka helooday ku soo dhawaada, sifiicanna  u dhugta. Continue reading »

“Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay…”

Gabayada caan baxay ee laga mariyey dagaalkii Ruuga [ee dhacay 9kii bishii tobnaad,1913, kana dahacay dacalada buurta Dulmadoobe, laguna halligay Richard Corfeild (amaba Koofil) oo kamid ahaa madaxdii ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Bari Soomaaliya] ayaa waxaa kamid ahaa gabaygii Ismaaciil Mire (AUN) ee ahaa, “Annagoo Taleex naal Jihaad taladi soo qaadnay.”

Ismaaciil markii uu libintii dagaalkaas ula hoyday xaruntii Daraawiishta ee Taleex, ayuu Sayid Muxammad (AUN) ka dalbaday in Ismaaciil dadkii xarunta dhoobnaa uga waramo sida dagaalkaa loo abaabulay loona soo afjaray.

Ismaaciil Mire (AUN) waxa uu Eebbe ugu deeqay haybada “askunka” ee qisooyinka iyo tebintoodaba. (Sh. J. C. Ciise, 1998) Waxa uu haddaba Ismaaciil mariyey gabaygan hoos ku qoran.     Continue reading »

“Koofil”

Richard Corfield (oo ay Soomaalidu u tiqiin “Koofil”) oo kamid ahaa madaxda ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa soo hogaamiyay ciidan rakuubley ah oo birmad ahaa, rabayna in geel ay Daraawiishtu ka dhacday casar horaanteed gacanta ku soo dhigaan. Koofil waxa uu ku gacan saydhay amar kaga yimid madaxdiisii oo Daraawiish la dirirkeed ayuu gacmaha u soo xaytay, waxa uuna ciidankiisii dul tubay buurta Dulmadoobe, halkaas oo ay iyagoo 101 nin oo raacda ahi Daraawiish u babac dhigeen. Daraawiishtii oo uu hogaaminayay Darwiish Ismaaciil Mire (AUN) ayaa ka war heshay gaadmada koofil doonayey inuu Daraawiish kaga libin qaato; geellii ay wadeen intay doc Dulmadoobe kamida isugu duween ayey u soo hub urursadeen dagaal xoogan. Barqaddii markii weerarkii bilowday ayaa daqiiqado gudohood lagu dilay Koofil, ciidankiisiina waa la jabiyay. Gacantii Koofil iyo Madaxisii ayaa debadeed la keenay Taleex si loo rumaysto dhimashada Koofil. Ismaaciil Mire oo arintaa waa’ dambe ka hadlay wuxuu yidhi:

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kaskiisaba ma gelin wiil yar baa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha’la ogaado.

Waxa kale oo dhacdadan horaanteed arin mucjizo ah ka yidhi nin la odhan jiray Ina Weysoxume (oon isagu Daraawiish shaqo ku lahayn), oo uu Koofil dulmiyay, wixii uu maal iyo reer lahaanna ka duudsiiyay. Ina Weysoxume waxa uu tiriyay gabay kuhaan ah oo ku habaaray Koofil (waxa uuna gabaygiisan ku caddeeyay sifahii Koofil lahaa: Inuu wax dhaco, waxna kala hormariyo, waxna sidiisa u fushado, waxna laayo); Illaahayna waa u fuliyay sidii Ina Weysoxume ka dalbaday: (Sh. J. C. Ciise, 1998)

Sayidkoo wax galey raacdadoo la isku soo gaadhey
Adiga iyo gubnigaad waddaa gooba taal  noqo’e
Gildhigaanku kaa joogsay oo guuxa kaa damiye
Ku googooste nimankii kufriga gaajadduu qabaye
Afkuna gaw ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye
Guga ha gaadhin adigaa tolkay gaajadaas badaye.

Koofil dhimashadiisii Daraawiishta wax weyn ayey u soo kordhisay; gumaysigii Ingiriisku beelihii ku dhaqnaa Waqooyi-Bari Soomaaliya wiqaayadii ayuu kala noqday. Ismaaciil Mire oo ka hadlaya dagaalkaa (Ruuga, October 9, 1913) abaabulkiisii iyo soo af-jaraddiisiiba halkan ka akhriso. Imikana waxa uu ka yidhi Sayidka aan isla eegno.

Sayidka markii gabaygii Ismaaciil Mire ee dagaalkan ku saabsanaa uu dhageystay ayuu isaga oo Koofil la hadlaya gabaygan mariyay: Continue reading »

Wanka iyo Waraabihii

Ummad waliba suugaanteedu waa inay hummaag toosan ka bixisaa kolba sida ummadaasi u nooshahay iyo wakhtiga ay ku jirto intaba. Haddaynu soo qaadano hal maanso oo kamida maansooyinkii Careys Ciise Kaarshe (AUN), waxaa hubaal ah inaanu ka bogan karno taariikh lama iloobaan ah oo ummada Soomaaliyeedi soo martay—taariikhda ayaana mustaqbalka laga dhawrtaa.

Maansadan ayaa ah saarkii “weydiin iyo warcelin”-ta ahaa ee Wanka iyo Waraabaha u dhaxeeyay. Saarkaasi waxa uu diiradda saarayey nolashii aannu lahayn markii gumaysigii Reer Yurub ka kacay deegaannadeena, isla markaana waxa uu tilmaamayey go’aankii caddaa een kaga xayn-xidhanay ”wadaaynimadii” hammiga waallida ahi ka keentay gumaysigii Reer Yurub—oo markaas iskeen annagu wax u qabsan karayney. Hayeeshee—sida saarka ku jirta—Reer Yurub (Waraabaha) ma aanun doonayn in uu faraha kala baxo ummada Soomaaliyeed iyo carrigoodaba; siyaasad ahaanna markii dambe aafe weyn ayaa naga soo gaadhay taas oo dad badanina sabab uga dhigi karaan burburkii qarankii Soomaaliyeed. [Hana iloobin in aan annagu qayb-libaax, haddaanu nahay Soomaali, mushkiladdaa ka qaadaney.] Haa, iskaaga ood wax u qabsato—dantaadana raacato—uun baad martabad sare ku gaadheysaa, hoos u noqodna hadalkeedba daa’! Continue reading »

“HOOYO”

Maansada saarka ah ee “Hooyadu waa lama huraan” waxaa si habboon oo hufan, oon hambayn lahayn, u hal-abuuray saaryahanka caanka ah, Eebbana hibada uu u siisay dhinaca saarka, ee Careys Ciise Kaarshe (AUN). Muran kuma jiro in maansadani tahay mid hiyigeena kicinaysa, islamarkaana ina garadsiinaysa booska ay hooyadu inoogu fadhido habkeena nolashan taxanaha ah. Waa maanso runtii caajib ah oo inooga baahan inaynu si fiican u dhugano.

Abwaanku waxa uu sillan iyo suganba ku cabbiray in Hooyadu abeelkeeda aan marnaba la gudi kerin; waayo dhalatayoo aadanow, illaa intaad ka dhimato Hooyadaa ayaa hiil iyo hooba kugu garab joogta. Maanshaa Allee Nebigeennu (scw) saddex goor Hooyada horeynimadeeda ay Aabbaha ka horeysantahay inoo bidhaami.

Saarkan qalbiga ku qabta, wuxuuna yidhi saaryahanku: Continue reading »

Gumaysi iyo Gobannimo

Saarkan hoos i noogu qoran waxaa mariyey Careys Ciise Kaarshe (AUN). Waa saar, runtii, guusha, gobanimada iyo gallada Soomaaliyeed—ee gumaysiga in yar uun debadii—inooga bixinaya sawir cajiib ah oo ina farxad geliya. Waxa uu saarku kala saaf-saafayaa farqiga u dhaxeeya gobonimada iyo gumaysiga; halkaas oon gobanimada la garab gelin karin gumaysiga.

Wuxuu yidhi saaryahanku: Continue reading »

“Waa maantaan dhalanayoo”

Aftahan iyo geeraarshe Caresy Ciise Kaarsha (AUN) waxa uu kaalin weyn oo habboon ka qaatay suugaanteena Soomaaliyeed sanadihii awoodaha gumeysigu gabaabsiga ahaa. Suugaan u gaar ah oo luuq gooniya uu ugu samaystay ayuu Careys Ciise iska lahaa. Inta badan sugaantiisuna ummada Soomaaliyeed nolosheeda iyo waxii dunida ka soo gaadha ayay ku xayndaabnaayeen. Suugaantiisa saarka ah waxaa kamid ah saar dhaayaha iyo libinta ummada Soomaaliyeed uu ku kala dhigdhigayo. Saarkan oo wax inooga sheegaya sida xaalka ummada Soomaaliyeedi ahaa kadib gumaytihii markii uu guuray, ayuu Careys Ciise ku soo bandhigay golayaashii uu markaa afkaartiisa suugaaneed ku soo bandhigi jirey. Saarkan oo hoos inoogu qoran, ahna mid aan faallo sidaas ah u baahneen, ku soo dhawaada: Continue reading »

“Dix-Dhagaxeed”

C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa “hanad Soomaaliyeed oo haybaddii maanso [ee] uu lahaa aan umadiisa ku hodin kuna hagardaamayne, wanaageeda ugu adeegay.”≡ Waxa uu ahaa geeraarshe, calanka maansadiisu in badan sawir muuqda ka bixisay Soomaalida iyo “anshaxa xun” ee qabyaaladdu hormoodka ka tahay oo ay had iyo goor u heellanyihiin.

Waxaa Timacadde la soo gudboonaaday wakhti dadka Soomaalidu daafa walba qabyaaladdu ka martay, oo ninkii gabyaa (ama afatahannimo lagu ogaa) qabiil waxaan ahayn tirsan. Markii uu arkay dadkii (in yar mooyee) in nin waliba shaadh qabiil isku taagay, ayuu isku dayey in umadaas ka weeciyo “hantaqyada hadimada ee ay ku sii hoobanayeen,”≡ isaga oo adeegsanayey maansooyinkiisii ay wadaniyadda xoogga lehi ku dheehnayd.

Sanadku markuu ahaa 1967kii ayuu mariyey gabaygii la magac baxay “Dix-dhagaxeed,” oo uu tilmaam waafi ah kaga bixiyay aayaha dambe ee Soomaalida. (Sida gabayga ka dhex muuqata, waxa uu Timacadde ka diiray dhiigga dadka Soomaaliyeed ee caantaynka la kala siisanayey; umaddii oo hadaf qabiil mooyee hadaf qaran meel isaga oodday; iyo in ubadkii dalka aayaha u ahaa la marin habaabinayey, oo iyagii daabcaddaha laysugu dhiibayey.) Gabaygan oo xikmad iyo tuusaalaba inoo xambaarsan ku soo dhawaada. Isuna eega in xaalkeennu maanta sidiisii yahay iyo in kale.

DHAGAYSO

(Hoyaalayeey hobaalayeey heeye,
hoyaalayeey hoyaalayeey hooyalaayey hooye)

Dabuubtiisa gabay waan ka tagey, dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray, waa’ fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdood, nabar is diidsiiso
Dabnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo faras, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Uu midan daryeelini xakame, daamankaw geliyo — (midan → midaan)
Uu Diilin orodkuu lahaa, damacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxu ka baqan, inu ka duulaaye — (wuxu → wuxuu)
Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye

Jeeraan direyska u gashoon, debedda soo taago
Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo, doorka uga qaaday
Dadka ayaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaalidooy daya wanaag, idinka doorsoonye

Docda Bari dareeriga baddiyo, Seylac derifkeeda
Dusha Koonfureediyo illaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan, deyay abwaagteeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye
Dulmi iyo dhac waa waxa qarribay, degaladeenniiye — (waxa → waxaa)
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa dix-dhagaxeede
Anunbaa damqanayee dheguu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday, degashanaysaaye

Doqonniimo kugu baahday baan, cidi dabiibayne
Duulkii inkaar qaba jinbaa, daasadaw tumo e
Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye
Waagii dilaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa dix-dhagaxeede
Anunbaa damqanayee dheguu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ay duul walaala a tahayoy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa ways kala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo galaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anunbaa damqanayee dheguu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday, degashanaysaaye

Ubaxiinni waa daadiseen, waad na dubateene
Dulbaaxdiisi waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaalidaay, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa helo e
Ninka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi male qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Haddaynaan xumaantiyo dilkiyo, daynin kala-qaadka
Debaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo, dogobki naareede
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anunbaa damqanayee dheguu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday, degashanaysaaye

Dir dir laysu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ay dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Dabac yaa lahaayey intay, midh isu dooxayno
Uu sida dareemada u yaal, meydku dabadeeda
Kollaaba doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane.

Xog: Codkii Allaha u naxariistee “Timacadde” oo ku xafidan mareegta: Doollo.com; tifaftirkana: DM-Timacadde, Boobe 2006.

≡ Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa sidaa uga warramay.

_______________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W V W, W V W W V

Quadratic Formula

The Quadratic Formula

[This report does not cover beyond the scope of Algebra 1 or Algebra 2]

Quadratic equation: Any equation involving the second power is a quadratic equation. In general, the quadratic equation is written in the form of  f(x)= ax²+ bx + c = 0.

There are three methods to solving quadratic equation: 1) Graphing 2) Factoring 3) And the Quadratic Formula. The simplest way to find the Zeros, Solutions, or X-intercepts of a quadratic equation is the “Quadratic Formula.” *

In this lesson, we are going to find the quadratic formula out of the quadratic equation, and here is how:

Here we got the quadratic formula, so there shouldn’t be any difficulties with problems involving quadratic equation as long as we are given the values of “a,” “b,” and “c.”

* Dictionary of Mathematics Terms: Douglas Downing

Any errors in the language of Mathematics should be blamed on me.

“Kaana Siib, Kanna Saar”

Maansadan soo socota waxaa la yidhaahdaa “KAANA SIIB, KANNA SAAR.” Waxaa tiriyay  Allah naxariistii Janno ha ka waraabiyee abwaan C/laahi Suldaan Timacadde, 25(6)kii June, 1960. Waxay maansadani astaan u tahay calanka Soomaaliyeed ee labada cayn ah. Waxayna inoo tahay “muraayad” aan ka daawano falkii xiligii calan-saarka dhacayey—sidoo kale maansadu waxay daliil u tahay shakhsadda (dabeecadda) fiican ee qof walba oo Soomaaliya inuu ku sifoobaayi KHASAB tahay. Abwaanku (AUN) waxa uu inooga tagey maanso geeraar iyo gabayba ah, oo cajiib ah, oo na garad siisa dadkeenii hore iyo halgankoodii wada jirka ahaa ee ay xornimada noogu soo dhiciyeen.

Wuxuu yidhi abwaanku (AUN):

DHAGAYSO

in dhoweydba waa taan sahladay, sadarradaydiiye
ma safaynnin maansooyinkaan, saayidkow helaye
seerkuleer ayaamahan ma bixin, soonfur dabadeede
subixii dhammaadaba mar baan, saari jirey luuqe
siddo la qabsaduu leeyahay iyo, subucyo dhaadheere
labadaba markuu seego, wayga surgucantaaye
an safeeyo maansada tixdii ay, sihatay laabtiiye

Anigoo sebi uun aho
sita leebiyo qaansoo
siigadoon isku aasiyo
sabo reer ka fogaanninoon
la ii aamminin soofkiyo
saacan maanta an joogno
gabaygu waygu sugnaayo
suxufiinta dhawaaqdana
Anigowgu sarreeyo e
haddii aan sixi waayo
ama aan sarsarriigo
ama aan sarmaseejo
ama aan ka salguuro
ama laygu saluugo
saamiciinta maqlaysaay
i su’aalo hadhowto

Ilaahaan waxba seegine
subuciisa Quraankiyo
sabbaxooyin ku sheegayow
Saciiro iyo Naciima
Rabbigii kala seerayow
marka suurku dhawaaqo e
la soo saaro makhluuqa
shaqiga iyo saciidka
maalintaad kala soocdo
dembigaannu samaynnay
Rabbigayagow naga saamax

subciyoo ka dukeeyaye
sawd kaleetana waa
soomaaloo calan taagta
saakay noogu horreyso
in sidayda tihiin iyo
in kalaanan saxaynnine
saddex wiig iyo maalmo
haddaan soor cuni waayo
safrad laygama yaabo
sari mayso naftaydo e
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

ka siddeetan sabaan
calankaannu sugeynnaye
sahankiisa ahaynow
seermaweydo hillaacdayow
sagal maanta darroorayo
siigadii naga maydhayow
saqdhexaannu ahaynne
kii soo saaray cadceeddow
samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

saalixiinta Islaamku
sirta kay ku arkeenow
saahidiinta Quraanka
subcisaa Jimcayaashiyo
sibyaanta iyo haweenku
calankay sahadsheenow
cidina kaanay na siinine
Saadir noogu yaboohayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

sankuneefle dhammaanti
khalqiga kii u sinnaayee
mid saaxiib la ahaynow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

kii saaciddada keenayow
sedadu kay ku xidhnaydow
sallaankii istiqlaalkow
seyruuqii Afrikaadow
siraadkii na iftiinshaye
Soomaaloo dhan xorreeyayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

faralka iyo Sunnaha
waxii diinta ku saabsan
cadna kii saddexeeyayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

kii gumeysiga saaraye
isticmaarki sumeeyaye
seedihii kogsanaa iyo
seetadii naga gooyayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

Soomaaloo is cunaysa oo
isa seegan dhammaannoo
saqda qaylo dhawaaqdiyo
sulub laysu cabbaystiyo
hadba soof la xabbaadhiyo
sarraaraa demin weydey
kii laydhiisu na saaqdayow
kii sadqeeyey qabaa’ile
(isu saaray gacmaayee)
saf walaala ka yeelayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

nimankii na siraayaye
waax-waax noo kala saaftaye
solanaayay cadkeenna
innagoo dhexda suunku
sabarkeenna qarqooray
kii sadkeenna cunaayay
sarartiisa ka muuqdaye
surwaalkii ka yaraadaye
daaro loo sibidheeyiyo
sariiraa lagu seexdiyo
kabadh suuf laga buuxshiyo
mid baabuurka safeeyiyo
sagaal booy iyo kuug iyo
aayad saarta carruurtiyo
weliba seeska lahaa
kii sabaanka u laabayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

sooljarkaa hubka qaataye
intuu soodhka ku taagay
u diyaara salaantiyo
saraakiisha amraysaay
sifihii isticmaarka
ka siyaadiya maanta
sibilkeennaan ag joogow
sibirtiisa istaaga
nin walbaa sigib beelo
sarrow taaga gacmaayo
sacabka isku garaaca o
nin walbaa saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh!

Xog-maansada: Aftahan.com

“Qabyo”

Sida aanu wada ogsoonnahay, abwaan C/laahi Suldaan Maxamed ‘Timacadde’ (AUN) waxa uu ahaa halyey geesinimo iyo wadaninimo ku caan baxay. Timacadde (AUN) waxa uu gabayadiisa ku hagaajiyay wadadii Illaahayba ammaanay, waxa uuna carabkiisa ku cadeeyay in umad isku duuban dambigana ka fogaatay wanaagu ka maqnayn, balse cidii xumaanta doorataa cidhib dhigi doonin. Waxa uu in badan ka digey qabyaalada iyo shuqul xumadeeda oo ay Soomaaliduna maanta la il darantahay, waxa uuna ka dardaarmay dhibaatada ugu xun ee Soomaali soo wajahi doonta inay noqon doonto mid iyaga dhexdooda ka aloosanta; shaahid baanu maantana taas u nahay. Hadaba, Timacadde (AUN) gabayadiisii faraha badnaa ee qirada weynaa waxaa kamid ah gabayga “Qabyo,” kaas oo wax ku qaadasho inoogu filan maanta, waayo waxa uu ina tusayaa gabayganu in wadamada waaweyn ee reer Yurubba “balanbal iyo hoogba” soo arkeen.

Abwaanku (AUN) waxa uu yidhi:

DHAGAYSO

indhaweydba qaaraanka gabay, qaad is ma lahayne
wax waliba qisuu leeyihiyo, qiriyo maamuuse
qawaaniinta maansaduna waa, qalad la’aan sheege
halkaan xarafku kuu qabanba waa, laga qandoodshaaye
iyagoon qormaba joojin bay, qululinaayaane
qusumkayga way wada dhigeen, nimanka qaadaaye
qandaraaska maaansada in aan, qaatay la ogsoone
haddii lays qabsado aniga waa, lay qaddariyaaye
maansada qaraamiga yar-yare, qayliyaa dilaye

qarka Orobba qaaliga Faraans, qoorriyada Maarsey
quruxdii Almaaniyo dhulkii, Muuse laga qaaday
qalcadii burburay reerahay, “qaday”-du yeedheysey — (qalcadii → qalcadihii)
ninna lama qasbine waw qasdeen, iney qasaaraane
wuxuu qalinku meeraba markii, laysu wada qoofay
qabbaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruuddu
taangiga qafilan maalintuu, qaatay Minawaarku
qalladdii Jabbaan lagu dhuftayu, qoob la rogi waayay
qunbulooyinkii oo kalaan, maanta qubayaaye
haddaad qaban karaysaan araar, qaaliyaan tirine!

quruumahakan laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyey
nin waliba marbuu qaadan jirey, qaanso iyo leebe
qarfo iyo mar buu seexan jirey, qalanqal hoosteede
hayeeshee quluub wada jirtaa, qaniya Shiikhoowe
qalalaase meel lagu lumiyo, qaylo iyo oohin
qorraxdii dhacdaba teennu way, kala qaxaysaaye

nin qalbi la’ Quraan-kaw akhriyey, “qaaf” dheh ku harraadye
kutubaa sidii lagu qarridhay, qiil la’ Aakhiro’e
qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye

qod la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad waw halise
hadduu geed qallalo roobku waw, qamac kaliileede
dixriga qudhunku uma soo uree, waabu quudsadaye
qasaaraha dhexdeenna ah hadaan, layska qabanaynin
qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay
qasdi jeerey wada yeelatooy, qawlka ku heshiiso
qabyo weeye Soomaalidaay, qiiradaadaniye.

XOG: Codkii Abwaanka oon ka helay mareegta, Hoygasuugaanta; hubinta sax-ahaanshaha qoraalkana: DM-Timacadde, Boobe 2006.

_______________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

– – · – – · – , – · – – ·

Kaa’ halla Ogaado: Ismaaciil Mire

Sida bogagga sooyiilka dahabka* ah ku cad; Ismaaciil Mire (Allah ha u naxariistee) ayaa maqlay arin foolxun oo uu Carab-Dheere (oo ahaa Saajin-Sare oo Ingriisku awood baaxad weyn leh siiyay, kaas oona ka talinayey goballada Waqooyi-Bari ee Soomaaliya—muddooyinkii Ingriisku halkaa fadhiyey) ku kacay. Arinkaas qalbiga Ismaaciil walbahaarka iyo diilalyada ku reebay waxa uu dhacay kadib markii uu nin guurdoon ahaa u soo hoyday aqalka Carab-Dheere, dabadeedna weydiistay in lagu daro gabadh Carab-Dheere la dhalatay. Carab-Dheere ayaa ninka ku yidhi, “Sidee baad ugali?” Ninkii ayaa markaa yidhi “Waan guursanayaa.” Kalmaddaas aan layaabku ku jirin markii uu maqlay Carab-Dheere ayuu amray in ninkaa la toogto [oo isaga ayaaba layaab ka taliyey]. Dad markaa ka ag dhawaa Carab-Dheere oo uunan Ismaaciil ku jirin ayaa sababta ninka loo qudhgoynayo weydiiyay Carab-Dheere oo isna yidhi “Ninka maanta aniga oo Carab-Dheere ah oo sanadkan jooga i weydiistay walaashey, barritona anuuba i odhan doonaa aan ku [saarto],” debadeed Carab-Dheere amarkiisii dulmiga ahaa waa la oofiyey. Muddo haddii laga soo gudbay, Ismaaciil iyo Carab-Dheere ayaa Burco ku wada kulmay.

“Ismaaciilow waa digii gabyi jiraye bal maanta maad gabaydid?” Carab-Dheere ayaa kalmadaas si’ kadis ah ugu yidhi Ismaaciil, oo docodoceeyay. Ismaaciil ayaa ku jawaabay, “Waan gabyiye waxaad ii balan qaaddaa in aadan waxba i yeeli doonin marka aan gabyo.” Carab-Dheere markaa balan ayuu ku galay in uusan Ismaaciil waxyeelo gaadhsiin doonin.

Ismaaciil haddaba gabayga layaabka leh ee kuhaanka ah oo uu rag kibir-ficilo la hoyday (intii dadkaa ka dambeysay oo aan annagu kamid nahayna digniin ayuu gabaygu u yahay) ku tusaaleenayo ayuu mariyey. Gabayga magaciisuna waa: “Kaa’ halla Ogaado.”

Gabaygii Ismaaciil (AUN) waxa uu kaga qaaday:-

DHAGAYSO

Kulligood addoomaa Rabboow, qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kallaha, ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jira kolay ku tahay, amase koob shaaha
Ninba kadabki loo qoray Ilaah, wuu la kulansiine
Ninna inaanun soo korodhsanhayn, kaa’ halla ogaado

Ninka-se koob nimca ah fuuqsadee, kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay, kaafka ugu tiille
Kulligood waxaa hoday anaa, kiin ah  Reer-Hagare
Kamma’ Sugulle maankii sidii, kuray carruureede
Kas xumaa waddaye naagta way, kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Lixda koos e Reer Cali-Gariye, kaw iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa qabaal, waadna kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Kaysaha adduun Ina Amaan, koos dhan buu helaye
Ragbaa keeno gali buu is yidhi, waad u korraysaaye
Misna kama fileyn mana hadayn, kii Arsaa’ila e
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Afxakame karkabadii u ay, iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu, Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu, kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Kalmadduu lahaa Ina Galaydh, kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu, keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaa kuma jareen, kii yu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Ragguu Muxumudwaal raray hadduu, saanta uga kaadsho
Kulcad umay dileen oo haddana, koor ma galiyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Cartan dhuurta kooraha markuu, kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur, kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal, kulanki goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Adaa dunida kaligaa leh buu, Koofil eersadaye
Kaskiisaba ma galin wiil yar baa, keebka kuu qabanne
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Kaakici wadaadkii dagaal, laguna kaalmeeye
Kumanyaal laguug duub cad buu, keenay Beerdhiga’e
Waxse kadabki go’ay maalintuu, kaday raggiisiiye
Kabaalkiisi baa jabay markuu, kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon, kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo, kaman wan weyn yeeshay
Yuu duul karaamiyo colba leh, kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha Islaamow naftii, kii ladnaa gadaye

Fiiro-Gaar ah: Hadii madmadow kaagalay “hordhaca” gabayga oo aadna rabto in aad saxdo, fadlan Comment-kaaga [Faalladaada] soo raaci.

TUSMO: *Gabaygan ayaa ku qoran taariikhda baalasheeda dahabka ah (sida laga dhadhansan karo qoraalka.)

Source: 1

_______________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W V W,  W V W W V