Toddobaatan sano ayuu baarka ka gooyey (17 Jannaayo, 1942dii ayuu dhashay). Anna tixdan beydeynta ah ayaan ku darsaday u hambalyayntiisa.
Gobannimo madoowgaaga,
gibil aad u dhalatooy dhe
Gacan aad ka celisooyna,
geesinnimo dadnimadaa dhe
Eebbe Guulle bixintiisa,
Muslinnimo ku galladoow dhe
Hadal gara markuu sheegtay,
ka xabsiga u galayow dhe
Kalsoonida guddoonkeeda,
gudahaaga sudhayoow dhe
Garashada na wiilkeeda,
toddobaatan gaaroow dhe
Allaheennu hana geeyo,
Janno gacal ku noolaado
Aamiin.
Discussion
No comments yet.