Maansada soo socota ee uu magaceedu yahay “Darkanow” waxa ay jalleecaysaa mashaqada ku habsatay Soomaali sanadihii labaataanka ahaa ee tegay. Waa isweydiine, Soomaalidu miyey ka daashay is dilid iyo dawdarro? Miyey ka yaqyaqsootay: is boob iyo hoggaan xumo? Miyey ka garaadogoysay damac iyo kala dudis? Miyeyse ka kortay dabadhilifnimo iyo u adeegista danayste arxangoys ah? Haddii kale, waa iska dhabannahayska aan hadhaynin!
Duulyow ma ku daashadey hooggu?
Ma diqootay ma doontay hoggaan san?
Dilalkiyo dhaca duugmiba haynin
Dar labaatan da’ood dulli huursan
Dar bukoo dawo-daadis ah heeran
Dandanaystena doortay hankiisa
Damacweyni darkaa kala haaday
Dulmigiyo dub-ka-qaadista hiilo
Doobkiyo ducduceedu ku hoobtay
Dalka oo durkayoon isna haysan
Deegaan-la-dagaallanka haadso
Dar ka diiray dan guudna u heellan
Deeqow dugsigaas nagu haybtir
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:
Discussion
No comments yet.