Maansada jiiftada ah (jiibinteeduna la nudda ah heesta-cawska), ah heesta qaranka, caankana ah ee “Soomaaliyeey toos” waxa hal-abuuray Abwaan Cali Mire Cawaale sanadku markuu ahaa 1947. Dhagayso waayaha “runta” ah ee maansada “Soomaaliyeey toos,” iyada oo uu Abwaanka curiyey ka faalloonayo sababaha ku kallifay curinta maansada. Sidoo kalena qoraalka maansadan akhriso.
Soomaaliyeey toosoo
toosoo isku tiirsada’eey
hadba kiinna taag daraneey
taageera weligiineey
idinkay su tookhaayoo
idinkay su taamaayee
adamuu tacliin barayoo
waddankiisa taamyeelyeey
sharcigays ku kiin tolayoo
luuqadaa tu’ waaxidahoo
arligiinna taaka ahoo
kuma kala tegeysaaneey
tiro adhiya oo dhaxalaa
sided laydin soo tubayoo
ninba toban la meel marayoo
cadowgiin idiin talineey
tuldo geela oo dhacan baad
toogashaw badheedhaanee
ma dhulkaas dhanee tegeybaan
ninna “dhagax” u tuurayneey
qaran aan hubkuu tumayoo
tooreyda dhaafayneeyn
oon taar samayn karihayn
uur-ku-taallo weynaayeey
hadba waxan la taahaayoo
togaggawga ooyaayeey
nin dalkiisi cadow taaboo
u tol waayey baan ahayeey
[hadba waxan la ooyaayoo
ilmadu iiga qubataayoo
ikhtiyaar nin loo diidoo
la addoonsadaan ahayee]
Mahadsanidin: Bartamaha.com
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:
Discussion
No comments yet.