Maansada “Maqaloo oy” ee uu tiriyey Cali Mire Cawaale sanadkii 1950kii waxa ay daaha-ka-rogaysaa caddaalad-darradii gumaystuhu ku hayey ummada Soomaaliyeed. Sidaas awgeed, sida Abwaankaba dareenkiisa ah, waxa ay maansadanu ka hiyi-kac xooggantahay maansada kale ee uu isla Abwaanku curiyey ee “Soomaaliyey toos,” taas oo ummada ku hagta hilinka midnimada qaran loo’ dhanyahay; oo ah wadiiqo uusan Cali Mire ula kac u marsiin, basle ay ka aheed horumarinta afka Soomaaliga iyo ku heesidda af-Soomaaliga. Geeraarka “Maqaloo oy” oo taariikh weyn inoogu fadhiya (oo uu waliba taariikhdaas Abwaanku ka faalloonayo) ku soo dhawaada:
dhulkiinaan kala dayrto
idiin diido xaqiinna
dantiin yaan cidi eegin
misna iigu dulqaatoy
wallee daw nagu maaha
daara fooq le aan seexdo
calan hay daldallaado
adna daarradda jiifso
dibnahaagana dhawroy
wallee daw nagu maaha
dalkaa meesha u fiican
anigu waan degayaaye
daaqsin geel ka fogaada
juuqna yaanan dareemin
wallee daw nagu maaha
dhirtaas Daa’imku beeray
ninkii laan yar ka diirta
amma duunyo ku oota
dambi aannu ku qaadno
wallee daw nagu maaha
an dayuurada fuulo
samadaa iska duulo
dushaa kaaga imaaddo
adna doonni ha yeelan
wallee daw nagu maaha
dawladdaannu is layno
raggiinaan u diraayo
wixii looga dilaayo
duudsi aannu ka yeeloy
wallee daw nagu maaha
dulmigaan xukumaayo
ninkii diidmo ka keena
amma diirku dhaqaaqo
xabsidaa’im an geeyoy
wallee daw nagu maaha
Mahadsanidin: Bartamaha.com
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:
Discussion
No comments yet.