Sarsarkan soo socda waxa lagu magacaabaa: Ya’da Sarsarka. Waa sarsar galaya mawduuca, “Galiilyada.” Waa sarsar gaaban; si’ mug weynna uu muuqaalinaya xaalka mustaqbalka (oo ku ladhan ka maanta ee) ummada Soomaaliyeed ee sida lax la qalay geerri-rafanaya. Waa dambi-ooge sarsarku, waxa uuna si cad maxkamad u saarayaa cid alaala ciddii ka niyad-dadbadata ahaanshaha baxrasaaf qudha! Ku darsoo, sarsarku waa libin-iyo-lur-taabte muujinaya cidda xad-gudubta iyo cidda xadkaba cagta soo gelin weyda. Waa isku soo urushe, nicmo nabad le ka doonanaya Eebbe, si bal baxrasaafku u biqlo, koro, si aan Saynisku qabbina u anfaco dhammaan ummada Soomaaliyeed.
Hadal badan akhri, oo ka aradnow, anfac haan ah ma buuxshee, waakan Sarsarkii, oo wixii tiraabtu u dusi weyday tix nagu taabsiinaya:
Ya’da sarsarku:
Yaryar maaha;
Yeke maaha
Yasid malaha.
Camal yicisa;
Yeel maaha
Ceeb yaqsile;
Yumbo maaha.
Yaxyax maaha;
Yulqan maaha.
Yool dhigadka
Ya’da sarsarkan
Dad-ka- yaabis
Ya’a weeyi
Goob yibala
Xoolo yiblo
Duhur yaaci
Yaa rabaya?
Geed yucuba
Ha yagloolo
Meel yaradle`
Gunta yaambad
Uuga yadyad
Yaa rabaya?
Laba yusurku
Yidhi iftiin
Yeyan arkine
Yuub kuriday
Yaa arkaya?
Hal yiillay
Gees yasirle
Ha yimaade`
Yaa wacaya?
Ma yadiidin
Gebi yaalki`
Ee yasirow
Noo yasirey! (Aamiin)
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:
Discussion
No comments yet.