Dhuko waa maansada layaabka leh ee uu Abwaankeenna, Abwaan Ibraahim Cajaa’ib, ku waaniyey Soomaalida meelkastoy fadhfadhido. Waana maansada liishaankeedu dusaaga yahay, qalbigii wacanna ku qancayo. Waa dardaaran mudan ku dhaqan, waana dawliil-suugaaneed heer sare ah.
DHAGAYSO
Dhalliil ugubeedka
Dhiilloodka dhegtaaga
Dhulkiisa ibcuurka
Dhammaan idilkiisa
Dhererka lugahaaga
Dhiidhiibsi lagaadhka
Dhukoy arrinkaaga
Dhinnaan ku cabbaynta
Dhurtaanka macdiisa
Dhabtiisiyo maaxda
Dhadhaasha ahaanta
Dhuuxaanka ujeedo
Dhugaad nuxurkiisa
Dhexaanka dhegayska
Dhimmaadka warkaaga
Dhabtii lamidaanka
Dhexdeeda calaacal
Timaa lagu dheehay [Timaha lagu dheehay]
Ka dhaadhicintaada
Dharfaaga kaskiisa
Garaad dhicisowga
Dharriica sabaale
Dhardhaar saddexaynta
Dab-saar dheriyeynta
Dhashoy dhagxan buuxin
Dhallaanku ha seexdo
Dhunaa karsamaaya [Dhuunaa karsamaaya]
Hungays dheragaynta
Dhahaarka abaarta
Dhimmaadkiyo hoogga
Dhanqoobe harraadka
Dhaan baa imanaaya
Biyo uga dhiggaaga
Dhidaalka sugaanka
Talaa dhudhubaysan
Dhidbaan sakaleedka
Dhigaal dabineedka
Dhugaansho la’aanta
Dhiibsiga gacantaada
Dhibaato weceedka
Dhilliin dabnahaaga
Qamuunyo ku dhaabka
Dib qoommamo dhaadka
Shallays dhako-faarka
Dhedaa hogalaysay
Wabxaa ka dhergaaya
Dhawaan maqashiinta
Tigaalka dhaloosha
Dhammayska hareeryi
Dhererka isku taaga
Dhawaan curadkeeda
Dhunkaali bukaanka
Dhibbane talalaaya
Ma dhaymo bogsiisay?
Dharkayn ku garaaca
Dhalliin cananoodka
Dheecaan bixintiisa
Hadhuub u dhigtaanka
Dhaymoodka kaskiisa
Kolkuu dhamid maagay
Dhudaale jiddiinku
Qadoodi ka dheelmay!
Dhabbaan marineedka
Dhurwaaga ciyaaya
Dhaayaa ku tallaalka
Dhabaabac ciyaarta
Hortiisa ku dheelka
Cawaale dhabowga
Dhutiin socodeedka
Dhangaab addinaynta
Dhawr goor cirib raynta
Dhabaysi lalaynta
Dhugaal ma filaanka
Dhirbaaxo libaaxu
Dhifasho ku asqowga
Ma dheehde gadaalka
Dhabaabaca roorka!
Dhigaal shaxda dheelka
Jaraa ka dhabayska [Jaraha ka dhabaynta]
Dhaadaan ma filaanka
Irmaantu u dhaaftay
Hor dhoolla-caddayska
Dhugtaanka qamiiray [Dhugtaanka khamiiray]
Dhullowyahan eegmo
Iftiin ka dhigtaanka
Dhaaraa se salkeeda
Miyuu dhaqan guuray?
Dhig-yeel dhismihiisa
Dhabayn ku dhaqaaqi
Dhegdheer wadarowga
Dhammaan ka sinnaanta
Dhaaraa se qabiilka
Gumaadka dhexdeeda
Dhallaan dubadkeeda
Dhegweyn doqonniino [Dhegweyn doqonniimo]
Gumayste dhibtiisa
Dhegweyn doqonniino [Dhegweyn doqonniimo]
Dhiiggooda cabbayska
Dhegweyn doqonniino [Dhegweyn doqonniimo]
Ma dhoomo la saaray!
Dhashayda u laysay?
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:
Discussion
No comments yet.