Ibraahim C. M. Cajaa'ib / Jiifto

“Af-qalaad ka Garannuug”: Ibraahim Cajaa`ib

Maansooyinkii xiisaha badnaa ee Abwaan Ibraahim Cajaa’ib eyey maansadanna ku ladhantahay. Waa maax ceel aad u dheer salkiisa heehaabaysa, waana aag-suugaaneed aan la mudmudi kerin. Waa sarbeeb isasaaran, masasaarkeeduna waa boog dahsoon, oo qofkii xaalka Soomaaliyeed u dhuun duleela uunbaa dhayi kara. Waa maansadaa mucjiska ah, ina tusaysana in Abwaanku goonni u yahay farsahaxanka dadan, ee dusha sare jooga.

Magaca maansada bilaash uma bixin: Dad badan oo Soomaaliyeed ayey erayada afkeennu badiba dhibaan, oo markaa iyagu magaalada tuban. Meeshii erayada Soomaaligu u geli lahaayeenna, afaf kala janjeedha ayaa buuxiyey. Maansadu wey dhiirrantahay, una joojin mayso ciddii af-garanweyda—shaqadeeda maaha!

Waxa uu yidhi Abwaanku:

DHAGAYSO

1. Argaggixiso kow maleh
2. Ma ugboona ammakaag
3. Indho kuma akaakiyin
4. Illimaha dhageysiga
5. Uma aha il dhaw curad

6. Waxay arari leedahay
7. Afar-baalle uu sidey
8. Nebi Aadan u adigey:
9. Agabaayo boqollaal
10. Soo jiray adduunyada
11. Eebbahay il baalkeed
12. Ande qaladin wax abuur
13. Asaraari ku asqow

14. Ammin sugantay uur siday
15. Ooriyi waa ka simantahay
16. Ugub fool xanuun adag
17. Ololka wawga daranyahay

18. Afar-tobnaan ayaan dheer
19. Uunsataye mala ogyahay?
20. Aadane is daba joog
21. Oday-qudha ka soo jeed
22. Ubad taran iskala xiga
23. Uunku waa ka simanyahay

24. Mase aha agaasimin
25. Afka nacab ku eedaan:
26. Iinay walaalnimo,
27. Kii wadana eeday!

28. Abasaxa daruuraha
29. Dirirku soo akaakimay
30. Abi-waqal tigaalsaday
31. Omoskiyo abaaraha
32. Uga aara maatada
33. Ariga iyo geeluba
34. Ililaha ku foofaan
35. Af-mugaaba ka ambada
36. Ubbo subag leh ka qawada
37. Iimmaanka laga qaad!
38. Uub calool wax ma ogyahay?

39. Alla-bari dadweynuhu
40. (Giddigii isleegyahay)
41. Guddigii isla ogyahay
42. Awryaallo lagu qalo
43. Eri haqab ul lala dhaco
44. Kaa ordow waa yeelkaa
45. Amini way ku soo celin
46. Waad heli abaalkaa!

47. Aaral bay dib u socoy
48. Ay doog leh ku ekaa
49. Aar haqab banaan arag
50. Oogada mid kaga bood
51. “Adi,” yidhi, “Allow mahad!”

52. Addimada nin laga jaray
53. Orod mays ku dadayaa?

54. Amakaag ma filan waa!

55. Aragaha mid laga riday
56. Wax agyaala ma arkaa?

57. Aabi ula kaca aabayn [?]
58. Abba yeelid nacabkaa [?]
59. Agab falle aleekada
60. Abriskiyo abeesada
61. Uubadooda aqalsade
62. Eray wayga weydiin:
63. Amran ubadka maandeeq [?]
64. Ma ilaalinaysaa?
65. Aayahaa ma talinay?
66. Mise aale weyntii
67. Afar qaadday dooxadda
68. Af libaax ku halam tidhi
69. Amma taar ka daba tagey [?]
70. Ifkana nabad gelyaad odhan?

71. Abbayaal awowyaal
72. Alkun hadal abuurtiin
73. Murti Ina Ugaas yidhi
74. Odhah Qamaan abaabulay
75. Alalixiyay Cali-dhuux!
76. Af-qalaad ka garranuug!
77. Abxad laysku aabuday
78. Oogada ka argaggaxa [?]
79. Nin af-maal u furanyahay [?]
80. Alifyeydu weeyaan
81. Ashqaraari doog side
82. Affarey ardaa dhigi!
83. Isku dare abwaannada!
84. Aan maqnaaye sheekada
85. Eegga Xamar u badantahay!
86. Isbud soo akeekama!
87. Waa inuu ogaadaa
88. Il-dadna qawl kuma dare
89. U dambayni waw iil
90. Axan lagu dul gowraco!

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s