Cali C. Af-yare / Gabay

“Gobannimo”: Cali Cilmi Afyare

Sannad Wanaagsan Ayaan Eebbe Ka Doonnay (Sannadka 1430: Muxarram 01)

Cali CIlmi Allahaw naxariistee waxa uu kamid ahaa abwaannada danta guud ee Soomaaliyeed murtidooda dawga toosan ugu tilmaamay, islamarkaasna ka sii faallooday in hoogga Soomaalidu cagaha ku hayey colaada ay qabyaaladdu sababtay. Gabaygan aannu ka soo xullanay (AUN) gabayada Cali Cilmi ee faraha badan waa odoros rumoobay, waana digniin kama dambays ah oo mudan in Soomaalidu illaa aankan xoog iska saarto sidii ay u waafaqi lahaayeen. Gabaygan ujeedadiisu waa in Soomaaliya waddan layidhaah oo dadka Soomaaliyeed oo idil ka dhaxeeya la helo. Darxumada Soomaaliduna noqonayso maalintii dabka iyo gaasta laysugu dhiibo oo la isku diro (wayba dhacdaye). Gabaygan oo taariikh iyo hoga tus waafiya oo in lagu qanco xambaarsan nala eega:

Ragga daawadiis waa inuu, kala danbeeyaaye
Oo darajo wayn loo qiraa, kan ugu doorroone
Gabayguna duqbuu leeyihiyo, oday la duubtaaye
Dalan baabi looguma dhiciyo, dood yar baan iriye
Doqoniino waa hadalka oo, kaa dabayshadaye
Da`dii Raage iyo Qowdhanbaa diiraddow sidaye
Darka haatan joogaa sidii dumar u sheekeeye

Daruur curatay daad soo rogmaday, diilalyada roobka
Dooxooyin buuxiyo xareed, lagu dikeynaayo
Diibkiyo cagaarkiyo dhulkoo, dooggu ku ekaaday
Dararta iyo caanaha kolbaa, laga durduurtaaye
Anna gabayga deeqdiisa waan. soo dayaafadin e

Aarkuba wuxuu duurka iyo, dibadda meerraaba
Dibjiryadiyo gaajada wuxuu, doc isku tuurraaba
Duub meella iyo kayn wuxuu, deero ka eryaaba
Dagantida mar uun buu hellaa, duunyo baadiya e
Dulka fuulka booddada hadduu, duubiyada saarro
Diribta iyo jiirkiyo markuu, hulibka diirraayo
Dibintiyo ilkaha dhiiggu waa, inuu ka daataaye
Dugaagga iyo haadkuba ka carar, gool hadduu dilo e

Sida danabka yeeriyo hillaac, diilintu isdhaaftay
Dinaahyada codkiyo goortaan, dogobka noolleeyo
Diindiinyadu khalqiga waa inay, dhab uga duushaaye
Damiin iyo nin kii jilicsanbaan, hadalku deeqayne
Taariikhda goortii ladayo, amase diiwaanka
Daliilkaan idiin qoray kabadan, duurka geedaha e
Dahabka iyo luul igala wayn, kaan daldalayaaye
Nin dundumo wacdiyay waa daleel, inu ku daallaaye
Damqanmayso Soomaalidaan, diiri leeyahaye
Dubaaqa iyo laabtiyo dhaguhu uma dulleellaane

Sayid-kiiba damac dowladnimo, loona dacarreeye
Waxdhan buu dagaallamay intuu, diiday gaalada e
Dabkuu shidayay waagii haddaan, duulna ka habaabbin
Dalkan aynu leenahay waqiis, lama dullaalleene
Dayrlaguma oo teen kuwii, diirka ii xigaye
Dubaakhooyinkii lagu dhuftiyo, daqarki loogaystay
Docka weerarkii iyo markii, bahalku dooxaayay
Soomaali baa ugu darnayd, daalinkii cunaye
Idinkaa duleedinahayee, dirir itaalkiise
Goortuu dangabay wowsagii, sii dabayshadaye

Nimankii dayacan dowladnimo, kuma dikeeyaane
Dulibay mutaan iyo ninkale, inuu dumaallaaye

Daldaloolka cadowgoodu waa, kii ku diirsadaye
Diihaalka bixi waayey iyo, diifta nagu raagtay
Dirdir iyo qabiilnimo haddii, dibadda lootuurro
Oo daacad loo wada socdoo, lagu dikaynaayo
Gobonimada dararteedu waa, inay ku deeqdaaye

Dayaxaa cirkiyo reerrahaas, dagaya guudkeena
Digsigaa lalaayiyo sancada, dunidu dhiilootay
Dadku waxay ku gaarreen aqoon, durugtay weeyaane
Idinkuna dun iyo liilan iyo, dacas mahaysaane
Durdurka iyo wabiyaasha oo, wada dareerraaye
Dibaddaad ka baridaan waxaad, daanka galisaane

Daartii guduudnayn raggaan, ugu daryeelaynay
Dibutaatigii eednay iyo, doorashadi jaane
Dib noo celiye tobankii sanoo, ay dalacayeene
Daraawiishta iyo ciidankii, dumiyay oo tuuray
Duco tan ugu wayn iyo salaan, baan u dirayaaye
Waakaa dalayskii ifkiyo, nuurki daahiraye

Digniinse waxaan u iri hadal yaroon, ugu danbeysiiyay
Gudiyahay docdiinaa khalqigu, wada dayaayaaye
Dusha waxaad ku qaadeen culays, dayn ka xoog badane
Dariiqaad fashaan baa hadhow, laysku daadihine
Haddaad idinku dalabyeelataan, kala didweeyaane
Dulaalbaa arlada meerayiyo, daalin wayraxaye
Dariskiyo shisheeyuhuba way, soo dirsanayaane
Darxumadeenu waa maalintii, laysku keendiro e
Nin darmaan latagay raacdo waa, dabagalaysaaye
Doqontii dhagwaynbaan ogayn, dabinka hoosyaale
Dareen baa kujira meel Galbeed, daabkuleeyahaye
Diyaar waxaad u noqotaan inaad, daafacdaan cadowga.

Xog: Golkhatumo

__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee Meerisyada Maansadanu waa:

W W V W W V W, W V W W V

About these ads

2 thoughts on ““Gobannimo”: Cali Cilmi Afyare

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s